Haydrabed (CakaaraNews) Waxaa wadanka Hindiya ka dhacaysaa ciyaaraha kubada cagta oo ay ku tartami donaan dhamaan wadamada kala ah:- Ethiopia, Tanzaia., Kenya, Sudan, Djibouti, Somalia, Afganstan & Yemen
Sida uu noo sheegay Af-Hayeenka Ururka Ardayda Degaanka Soomaalida ee Ethiopia ee India Mudane Sharmaarke Cabdulaahi waxaa ciyaarahaa soo qaban-qaabisay Jaamacada Cusmania University Hyderabad.
Hadaba ciyaarahaa oo bilaabmi doona bishan Sep 19 oo ka dhici doona garoonka kubada cagta ee [ masabtank] hadaba kooxda ku ciyaaraysa magaca Ethiopia oo ah ardayda ka soo jeeda Degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo tartanka kubada cagta ka qaybgali doontaa oo ay jamacadu kala kashayanyso Ururka Ardayda Degaanka Soomaalida Itoobiya oo soo qabanqabiyay kooxduna hada ay diyaar ugu jirto sidii ay uu qaadi lahay koobkaa ay jaamacadu soo agaasintay.
Sawirada kolba xaga ay ciyaaruhu marayaan waan idinla soo socod sinaynaa anagoo koox walba sawirkooda idiin soo bandhigayna marka ay bilaabmaan
CakaaraNews