Xafladan oo ahayd mid aad u qurux badnayd ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, 3 da madax-wayne ku xigeen DDSI, Janaralka ciidanka difaaca qaranka bariga itoobiya, Major general abram woldemarian,hogaaminta sare tababarku udhamaaday CBG, Agoonta ubo ay waalidtireen, haweenka ubo ay asayda u xidheen culimo udiinka, odoyaal dhaqameedka,qaybaha kala duwan ee bulshada iyo fanaaniinta ugu caansan dalkeenan itoobiya
Hadaba xafladan ayaa ugu horayn waxaa furay madax-wayne ku xigeenka ahna hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada mudane cabdilaahi yuusuf weerar oo si qoto dheer uga war bixiyay waxqadabkii gulihii lama ilaawaanka ahaa ee ay soo heeyeen ciidanka liyuu boolisku, iyo waliba marxaladihii kala duwanaa ee tan iyo intii la aas aasay ka soo gudbeen. Taariikhda lama ilaawaanka ah oo maguurtada ah ee ay ka dhigeen sugida amniga deegaankooda hooyo.
Sidoo kale waxaa iyaguna khudbad ka jeediyay ku xigeenka madaxwaynaha ahna madaxa xafiiska caafimaadka DDSI mudane c/fataax maxamed xasan oo sikooban ugu warbixiyay heerka daboolka horumarka, wax-qabadka xawliga ku socda ee xukuumada uu majaraha u hayo XDSHSI madata yar gaadhay.
Dhanka kale waxaa isna sidoo kale halkaasi hadalo taabanaya dhinacyo daban ka soo jeediyay madaxwayne ku xigeenka ahana madaxa xafiiska dakhliga mudane c/xakiin cigaal cumar ahmiyada balaadhan ee ay lahayd aas aasida ciidanka ciidanka liyuu booliska oo ah inamo deegaanka u dhashay kuwaasi oo muda yarba ku hantay sugida gabi ahaanba deegaanka.
Waxaa iyaguna axdi balan qaad iyo dhaar iskugu jira ka balan qaaday hogaaminta sare cbj ee tababarka dhamaytay.
Dhinaca kale waxaa isaguna si qoto dheer oo faah-faahsan u qaadaan dhigay taliyaha guud ee ciidanka difaaca qaranka ee taliska bariga itoobiya major general abram warmariyan ,una maragkacay in ay amaanka deegaanka cbg hanteen laguna halaynkaro wakhti xaadirkan,
Kadib waxaa dadkii in ay hadalo, khudbada ka soo jeediyaan lagu maamuusay ka mid ahaa culima udiinka deegaanka garaadada iyo qaarka mid ah caruurta dugsiga hoyga waxbarashada ubo ay waalid tireen kuwaasi ee jijiga waxayna mahad naq iyo dardaaran wada jira ku luuqeeyaan heeso kuwaasi oo gabi ahaanba gil gilay dareenkii iyo qalbiyadii dadkii madashaasi ku sugnaa dulicda iyo micnaha heesahaasina ay si cad u tilmaamayeen sida ciidanka liyuu boolisku ugu soo aareen uboda gabalku ka dhacay ee waalid tirtay caruurtaasi, dhinacakalna waxay ku dardaareen hogaaminta sare ee CBG ee tababarku u dhamaaday in ay mudo yar ku soo afjaraan UBO.
Xafladan oo dulucdeedu ahayd xidhitaanka tababarka mudada labada bilood ah u socday hogaaminta sare ee ciidanka liyuu booliska oo ahaa mid ay carisho ay ka mid ahaayeen saraynta sharciga , barashada maamulka suuban iyo hogaaminteeda(layli sarkaal) oo uga socday dugsiga tababarka ciidanimada shaalaqe mahad soofe ee magaalada jigjiga ayaa waxa abaal marino iyo shahaadooyin sharafyo sar sare lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah rijimantiyada ciidanka liyuu booliska ee mudata yar guulaha deegaanka iyo dalkaba u soo hooyay, waxaa iyagana la abaal mariyay qaarka mid ah ciidanka liyuu booliska halka gabi ahaanba lagudoonsiiyay ciidankii tababarku u dhamaatay shahaadooyin ku aadan tababarka ay dhamaysteen ay mudada lababa bilood ah.
Guntii iyo biyo dhaca waxaa soo afmeeray xafladan ayaa waxaa khudbad ku soo xidhay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo kula tardaarmay xubnaha hogaaminta sare cbj ee tababarka dhamaystay in ay mudo yar ku soo afjaraan hadhaaga ubo ee gabalku ka dhacay, wuxuuna madaxwaynuhu xafladan ku maamuusay ciidanka horseedayaasha horumarka deegaanka oo uu ku maqneeyay in ay yihiin qorbojoogta u dhalatay deegaanka.
Shiniile(CakaaraNews) Jimce 28 May,2012.Gudoomiyaha Gobolka Shiniile mudane Cali Cumar Ahmed ayaa wada xaajood layeeshay dhamaan masuuliyiinta todobada degmo ee uu ka koobanyahay Gobolka Shiniile wada xaajoodkan oo ahaa sidii loo dar dargalin lahaa dhinacyada wax-qabadka ku salaysan baahida shacabka islamarkaana lagu ogaanayay heerar ka kala duwan ee marshaariidu halka ay marayaan waxayna isla qiimeeyeen gudoomiyaha iyo masuuliyiintu wax-qabadkii bishii ugu danbaysay.
Habdaba mar uu warbaahinta deegaanka u waramayay madaxa Arimaha XDSHSI ee Gobolka shiniile Mudane Suleyman Ahmed ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo balaadhan oo loogu kuur galayo dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo waliba abaaraha ka jira meelo ka mid ah degmooyinka qaar.
Masuulku isaga oo hadal kiisa siiwata ayaa waxa uulmaamay in wada xaajoodkii ay yeesheen ka soo baxeen shaqooyin wanaagsan oo la taaban karo taasi oo ay ka mid hiin iyada oo mashaariicda degmooyinku lagu soo gaba-gabeeyay wakhgii loogu tala galay islamarkaana sifiican loogu diyaar garoobay qorshaha 2005 T,T I taasi oo lagu salaynayo baahida shacabka.
Masuulku mar uu ka waramayay dhinaca xubnaha XDSHSI ee Gobalka shiniile ayaa waxa uu sheegay in ay jiraa 36 kun oo ku shaqeeya hanaankii looga baahnaa islamarkaana looga baahan yahay in ay noqdaan ciidanka horumarinta kuwaasi oo hormuudka ah qorshaha horumarka deegaanka iyo dalkaba.
Guud ahaan Gobolk shiniile ayaa hodan ku ah biyaha dhulka hoosisa ku jira waxaana socda mashaariic lagaga soo saarayo dhulka hoosisa kuwaasi oo labaro in bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah dib u dajin loogu sameeyo si ay uga baxaan abaaraha islamarkaana ay u gaadhaan isku filnaansho.
Qabridahar(CakaaraNews) Jimce 18 May,2012.Haweenkan ayaa bartay 16ka xidhmood ee fidinta caafimaadka iyo barashada samaynta cuntooyinka isku dheeli tiran ee caruurta,iyadoona tababarkani uu u socday haweenka degmooyinka hoos yimaada gobolka qoraxeey muddo dhan 15 cisho.
Munaasabadii lagu soo xidhayay tababarkan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee magaalada qabridahar,ayaa ay ka soo qayb galeen Madaxda Gobolka Qoraxeey,Madaxda Degmada Qabridahar iyo Masuuliyiin kalaba.
Gudoomiyaha Gobolka Qoraxeey oo la hadlayay Haweenka laga soo xulay Degmooyinka Gobolka Qoraxeey ee qaatay 16ka xidhmood ee Casharada Fidinta Caafimaadka iyo Habka loo sameeyo Cuntooyinka isudheelitiran ee Caruurta,ayaa uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay in ay Bulshadii ay ka yimaadeen uga faaiideeyaan,islamarkaana ay ka bilaabaan Qoysaska ay ka kala yimaadeen.
Himilada iyo Jihooyinka Siyaaseed ee Xukuumada Dhanka Waxbarashada ayaa ah Education for all,taasoo micnaheedu yahay in la kobciyo Garaadka Aqooneed ee Bulshada Deegaanka looguna geeyo Goob kasta oo laga heli karo Miyi iyo Magaalaba.
Addis-Ababa(CakaraNews) Thursday 17 May,2012. United Arab Emirates (UAE) investors on Wednesday said they want to invest in the agriculture as well as hotel and tourism sectors in Ethiopia.
Members of the Dubai Chamber of Commerce and Industry were visiting Ethiopia with the purpose of linking the country’s trade activities to that of Ethiopia.
The delegation has discussed with higher government officials including Prime Minister Meles Zenawi in its stay in Ethiopia. The delegation also discussed with members of Addis Ababa Chamber of Commerce and Sectoral Association on issues of trade.
After the discussions, the delegation said UAE investors want to engage in agriculture infrastructure as well as hotel and tourism sectors in Ethiopia.
Director General of the Dubai Chamber of Commerce and Industry, Hamad Buamim said he has learnt in his stay that Ethiopia is suitable for investment. He also said the delegation would work to attract other UAE investors to Ethiopia and foster trade relations.
State Minister of Industry, Tadesse Haile for his part said the investors have expressed interest to invest in the agriculture sector in Ethiopia and export it to their country. UAE imports 80 percent of its agriculture product.
Domestic investors engaged in the agriculture sector said UAE is suitable for destination of agriculture products.

SanDiego, California- Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego, California oo ku shiray xarunta California ee cariga Maraykanka. Shirkan ayay ujeedadiisu ahayd in Jaaliyadu dhisato maamul. Maamulkaas oo ka shaqeeya arimaha Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego dalka iyo dibadaba. Shirkan oo socday saacado ayaa dhamaan Jaaliyadu isku xogwaraysatay. Waxaa kaloo shirka lagaga hadlay arimo farabadan oo kala ah dhinaca nabadgaliyada, maalgashiga iyo horumarka deegaanka somalida ethiopia. Intaa kadib, waxaa shirka ka hadlay Suldan Asad Suldan Muxumad Suldan Haybe oo ka hadlay in hogaan loo dhiso Jaaliyada iyo sida ay muhiim oogu tahay shacabka dal iyo dibadba. Waxaa kale oo isna ka hadlay isla shirkaas Suldan Abdiwali Suldan Abdi Haybe oo asaguna ku dheeraaday muhiimada guddiga Jaaliyada SanDiego. Isla goobtii waxaa hadalo qiimo leh kasoo jeediyay Eng Abdullahi Ibrahim Caydiid oo ugu baaqay dhamaan Jaaliyadu in ay u heegaanato dalkooda iyo dadkooda. Ugu danbayntii shirka ayaa waxaa dhamaan Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego, California la isku raacay in ay hogaanka u qabtaan magacyada hoos ku qoran oo loo doortay xilka. 1. Eng: Abdullahi Ibrahim Caydiid- Gudoomiye 2. Col: Maxamed Sheik Hirsi- Kuxigeen 3. Maxamed Islaam- Afhayeen 4. Abdirashid Bile- Arimaha Bulshada 5. Abdirizak Budul- Xoghaye
Fiiltu(CakaaraNews) Arbaco 16 May,2012.Xafiska Dakhliga ee Degmada Filtu ee Gobolka Liiban aya shaaca ka qaday inu soo xareeyay tobanki bilod ee lasoo dhafay dakhli dhan shan milyan afar boqol kontan iyo sagaal kun oo birr
Madaxa xafiska dakhliga ee degmada filtu mudane cabdifatax xassan sayid aya shegay inay Xafiiska Dakhliga DDSI uu Xafiiska Dakhliga Degmada Fiiltu u Qoondeeyay in Sanadkan ay soo xareeyaan Dakhli dhan afar milyan sagal boqol shan iyo labatan kun oo biir, balse uu xafiska Dakhliga Degmada Fiiltu uu mujiyay dadalo uu kor ugu soo qaadayo Dakhliga ka Soo Xarooda Canshuuraadka kala Duduwan lana xoojiyo ilaha dakhliga kasoo xarooda degmada filtu, taasoo aburtay inu xafisku kor udhafiyo dakhligiii Xukuumadu u Qoondaysay in aanu soo xarayno ayuu yidhi.
Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Fiiltu Mudane C/fataax ayaa Mar uu ka warbixinayay Ilaha uu ka soo galo dakhligu Xafiiska ayaa Yidhi,waxaa ka mida Canshuurta Shaqada ee laga qaado shaqaalaha Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahaynba,Hay'adaha,Badeecada,Ganacsatada iyo Shirkadahaba ayuu yidhi.
Isku soo Wada duuboo waxaad Arkaysaa in uu Xafiiska Dakhliga Degmada Fiiltu uu sare mariyay Dakhligii loo Qoondeeyay in ay soo xareeyaan Sanadkan 2004,waana Dadaal la mida sida Xafiisyada dhigooda ah ee Degmooyinka DDSI ay Sanadkan ku soo xareeyeen Dakhli ka badan intii loo Qoondeeyay.