Websiteyadii kilil5 iyo Radio jigjiga oo hawada Ka Baxay,Ka Dib Markii Ay Ku Sifoobeen Anshax Xumo Dhan Ka Ah Ethicska-Saxaafadda

Addis-ababa(CakaaraNews).Qaar ka Mida Soomaalida ayaa waxa ay ku sifoobeen dhaqamo ku salaysan danaysi iyo xikmad la'an dhinaca fikirka, dareenka wadaninimo, danaha guud iyo waliba in ay fursad siiyaan sidii uu garaadka aadaminimo ugu kobci lahaa qaadashada waxyaabaha dunida ku cusub iyo hal abuurka Mala-awaalka noloshaba.Jid gooyooyinka ay dad badanai ka gudbi la'yihiin oo marar badan si fudud loogu fahmo in ay ku salaysantahay caadifad qabiil waa arrin aan cilmi baadhis lagu samaynin balse sidaas ka duwan oo badanaaba matoorkeedu yahay wax aan ku tilmaami karno danaysi axmaqnimo iyo jaahilnimo dhaqanka iyo dabeecadaha noloshu la qabsatay iyo ceebaha ku lamaana aan bulshadu waxba iska waydiinin,Waa Sida Dr haashim oo huwan Aragti Qabiil oo Qaawan Moogna Anshaxa(Ethics) ay Leedahay Saxaafadu oo Wararkuu Ku soo Qoro Kilil5 is burinayaan Daqiiqad daqiiqad iyo Muuse Sheeko Xariir oo isagu Ah Iskuxidhaha Alshabaab iyo iyo Sheekh C/qaadirka Jooga Raaso ee ka Mida Reeraha Haybta La wadaga Reer Fiqi-Cumarka Itoobiyaanka ah.
Hadaba Maadaama ay Saxaafadu leedahay Anshax iyo Shuruuc Caalami ah oo lagu Hago ayaa Websiteyada Kilil5 iyo Kuwo la mida oo Iyagu caadaystay Caytan aan Sharciga Waafaqsanayn iyo Ku been Abuurasho Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka,loo Aqoonsaday Kilil5 iyo Radio Jigjiga Shabakado Nabadiid,Islamarkaana Hawada laga Saaray.


Waxaa wax lala Yaabo ah in Mar ay Cilad Farsamo ku Timid Dhanka Hawada itoobiya oo Kilil5 Hawada Mudo yar ay ku Soo noqotay In Beer Abuur ay ku Sameeyeen Madaxda Federaalka Taasoo aan Sharciga Waafaqsanayn In Been Abuur iyo Malaawaal lagu sheego masuuliyiinta.
Sidoo Kale Hawada Itoobiya oo Ah Meel ay Ka Jirto Sharciyada Caalamiga ah ayaa Go'aansatay In aynan Munaasib ahayn In Kilil5,Radio jigjiga iyo Kuwa la midka ah ee Nabad-diidka u adeega aynan Munaasib ahayn in ay Hawada Itoobiya Soo Galaan Taasoo Micnaheedu Yahay "Waysha Gawrac Dibigu Ha ku Quus Qaatee.Islamarkaana Loo Digay Cid kasta oo Ku Xadgudubta Anshaxa Saxaafadda in Hada wixii ka danbeeya aan loo dulqaadan doonin oo Sharciga lala Tiigsan doono.
Waxaad marar badan aragtaan dad isu qaba in ay wax qoraan-shabakadaha internet-ka, ama joornaalada iwm Sida Kilil5 iyo Radiojigjiga. Qoraaladaas, haddii si cilmiyaysan aad ugu fiirsatid, way adagtahay in aad ka dheegato farriinta ay akhristeyaasha u gudbinayaan cidda qoraalka isu xilqaantay. Waxaan uga jeednaa, sida uuna hadalku macne la,an u noqon karin, waa in si la mid ah uu qoraalku xikmad xambaarsanyahay. Xikmadaha farta lagu fiiqi karo waxaa ka mid ah in aad xog baahinaysid, su,aalo mugdi ku jira bayaaminaysid, aqoon cusub oo la xaqiijiyay tabinaysid, adigu xog doon tahay, bulshada wax baraysid. Isu geyn, waa in aad bulshada wax u faa,idaynaysid haddaad qalinka kor u qaaday.
Waxa la yaab leh in aynu maalin walba la kulmayno qoreyaal aad moodo in ay dhibaatada dunida ee nolosha adamaha ku gadaaman ay kaga baxayaan in ay magacyo qabiil ka faalloodaan, af-lagaadeeyaan, mas,uliyad aan qabiil lahayn ku riixaan, eedayn iyo dhaleeco dusha u saaraan magacyo qabiil iyagoo mawduucyada ay doodahooda ku wajahayaana ka dhigaya maxaa iga galay qaran,dawlad iyo horumar shacab oo aynan shakhsiyan waxba iiga soo naasacadayn,maan ku dayo wadada aan wax ku heli karo beegsadana iskudirka qabiilka aan ka soo jeedo iyo dawlada amaba qabiilada kale u abuuro mala-awaal qabiileed,islamarkaana beentayda kolba shaadh colaadeed huwiyo.
Dhanka kale Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa leh Dhaqan soo jireen ah oo lagu xakameeyo ama lagula Macaamiloodo ku dhexnoolaanshaha Bulshada taasoo xaaraantimaynaysa Qof kastoo ku sifooba Been iyo Namiimiyanimo,Taasooy Daliil u tahay Sida Shacabku ula dhaqmi doonaan Ninkii Xayi ah,aan waalayn islamarkaana Gadh-ciroole ah ee Goob ay isugu yimaadeen shacab aad u tirabadan oo isugu jira Ciroole iyo Caamaba,afkiisa ku qira iyadoon Cidi Qasbayn yidhaahdana waxaan idiin sheegi jiray oo Dhan Been iyo Mala-awaal Iskudir colaadeed oo aan shaqsiyan sameeyay ayay ahaayeen."Ilaahayoow Bulshada Dhexdeeda Ha Nagu Ceebayn"
In yar umbaan qoraal ku taaban karnaaye bal milicso dhibcahan hoos ku qoran iyo doorka uu ku leeyahay Cabdi Maxamed Cumar iyo xukuumaddiisu!
Maanta degmooyinka deegaanka oo dhan taleefoon dal iyo dibadba lagaga adeegto ayaa ka shaqeeya, Qorraxay, Godey, meelo Af-dheer ka tirsan, Liibaan, Jigjiga iyo Shiniile mobile-ka ayaaba ka shaqeeya.Halka Wardheerna La Galin Doono,Magaalada Fiiq Ayaa Laydhka Hydro-Power loo Galiyay oo Mudo yar ka Dib dhamaystirka isticmaali doonta
Jidadka laamiga ah iyo kuwa dhagaxa ah( Cobble-Stone) way is taxeen dhamaan magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka miyiga ee degmooyinkii horey u kala xidhnaan jiray-meelo buundooyin ma dhaafaanadii Imey, salaxaad iyo laga hiddana way socdaan.
Waa markii kobaad ee ay arday boqolaal dhan oo dugsiyada sare dhameeyay u saftaan jaamicadaha dalka waliba qaybaha caafimaadka iyo injineeriyada, biyaha, cilmiga deegaanka iyo cimilada, iwm. Miyaad beeninaysaan mise muran ayaad ku harqinaysaan?
Waa markii kobaad ee shaqo abuurka deegaanku iyo shaqaalayntuba ay ugu sarreeyaan intii uu deegaanku jiray muddo labaatan sano ah,
Waa xukuumadda kaliya ee awood u yeelatay in ay samayso cudud ciidan oo ay iyadu maamusho, hawl geliso, isla markaana nabadda deegaanka ku xakamayso-in kasta oo aad idinku aragtiyo aad u khaldan ka qabtaan sida aan qoraaladiina ku arkay.
Waxay xukumaddani hirgelisay barnaamijyo saamayn dhaqaale leh oo ay ka mid yihiin dib-u dejinta dadka ay abaaraha iyo colaadaha aad idinku u oomantihiin bara kiciyeen- inta aad wali degta ku wadataana waa in si deg-deg ah loo dejiyo, sida uu madaxweynuhu amarka ku bixiyay-iska dhiga dadka aad cudhaadha kolba meel u qixinaysaan walaalkood cidina uma dhaante!
Waxay xukuumaddani abuurtay shan iyo toban degmo oo cusub oo ka qayb qaatay horumarka iyo miisaaniyadda sanadka islabalaabtay oo aanay dadweynaha degmooyinkaasi horay qayb degmo uga heli jirin. Waxaan la yaabay degmooyinkaas oo dadka Somalida u soo kordhay qaar idinka idinka mid ah ayaa wali cambaarayn la daba jooga-Waxa ku raali geliya adaa garan, dadkuna dantiisa cidda wadda wuu arkaa, xilna sidaas baryahan dambe laguma helo ee toos walaalkay!
Waa xukuumadda isku xirtay dadkii dalka u dhashay ee qurbaha ku tasoobay isla markaana u dayacmay fikradaha shisheeye qaar idinka idinka mid ahba dullaystay-dadka wannagsan ha ka raalli noqdeen wixii aan qancinin hadalkayga ka iftiima. Dadaalkan waxuu u gaar ahaa illaa muddo dhaw madaxweynaha hadda jira ee aad idinku gafafka badan la daba joogtaan-wadaniyad la’anta aad dhaxasheen umbaase idiinku wacane is waanso walaalkay!
Waxay xukuumaddu markii kobaad deegaanka ka abuurtay wakaalado si deg-deg ah horumar uga sameeya nidaamka maaliyada iyo iskaashatooyinka yar-yar, iyo wakaaladda horumarinta daraasaadka midhaha beeraha-weyna hawl galaan- iska diid adigu illeen mugdigii qabyaaladda ayaa weli indhaha kaaga gadaamane.
Akhristeyaasha sharafta leh iyo kuwa duligu hadheeyayba, ma soo koobi karo waxyaabaha xukuumadani horseedka ka tahay ee laga fuliyay ama hadda ka socda deegaanka, intaasina dareensiin idiinku filan.In yar umbaan qoraal ku taaban karnaaye bal milicso dhibcahan hoos ku qoran iyo doorka uu ku leeyahay Cabdi Maxamed Cumar iyo xukuumaddiisu!
Isku Soo Wada Duuboo, Maangaabiinta qormooyinka baahiyay, waxay caado ka dhigteen in ay si xishood la.an ah u soo bandhigaan cadaawad qabiil ku wajahan! Hadad qabiil nacayb u qabto, adigu dhibaato ma xalin kartaa? Maxaad dadka walaahah ah isugu dirtaan?  Qabiilka aad aad afka ugu dhufanaysaan ma isgaa dastuurka sameeyay, ma isgaa dalka ciidamada u dhisa? Ma isgaa xisbiga iyo madaxda xilaka u dhiiba? Haddaad xaga Somaliya sidaas ku taqaaneen, Itoobiya lagama yaqaano.


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews