Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Beeraha ee DDS, ayaa Xooladhaqatada ku nool Degmada Goday u qeybiyey 300 oo Tones ah Calafka tayeysan ee Xoolaha,

altGoday(CakaaraNews) Mudane  Cabdirisaaq C/laahi  muxumed  gadhwadeenka horumarinta calafka,daaqa iyo waxsoosaarka xoolaha  ee Xafiiska Beeraha Heer Degaanka oo isagu qeybinayey calafkan ayaa sheegay in   ay ku guulaysteen diyaarinta saytka badinta calafka xoolaha ee  G/goday , kaasi oo laga soo saari karo  1500 tones , oo ay ka faa,ideysan karaan 10,000 oo neef,

Waxaana saydkaasi oo ka kooban 100 hictaar oo isugu jira badinta calafka xoolaha iyo midaha kale duwan ee waxsoosaarka beeraha  sanadkan laga beeray 20 hictaar oo ah calafka xoolaha , waxaana   daaqi ama calafkii ka soogo,ay loo qeybiyey bulshada xooladhaqatada ah ee ku nool degmadaasi goday.

Waxaana  ka faa,ideysanaya 2500 oo neef mudo hal bill ah. Halka goobta badinta calafka ee tuulada golo-xaajo ee degmada gursuma  laga qeybiyey 210 tones oo calafkaasi ah, oo ay ka faa,ideysan karaan 300 oo neef.

Wuxuuna masuulku tilmaamay in ujeedada horumarinta calafka xoolaha ay tahay sidii loo yareyn lahaa daaq la,aanta ku timaada xoolaha deegaana xiliyada abaarta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa calafka tayeysan noocyadiisa kala duwan iyada oo bulshada xooladhaqatada ah lagu tababaro farsamooyinka casriga h ee horumarinta calafka xoolaha,.

Wuxuuna warkani oo aanu ka helney xafiiska xidhiidhka arimaha dowladu waxa uu intaa ku darayaa in xafiiska beeruhu uu  qorshaha 5ta sanno culayska saarayaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa waxsoosaarka calafka xoolaha  iyo balaadhinta dhul-daaqsimeed tayeysan iyada oo la soo saari doono  calaf dhan 2.9 milyan oo tones iyo sidii loo xayiri lahaa dhul-daaqsimeed dhan 15 milyan oo  hictaar  si wax looga badalo daaq la,aanta ku timaada xoolaha degaankeena oo lafdhabar u ah nolasha bulshadeena


Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews