22 Shuftay oo Lagu Dilay Dagaal Liyuu Boolisku Ku Qaadeen Nabad-Diidka Agagaarka Garoonka

altNus-Dariiq (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo naga soo gaadhay Nus Dariiq ayaa sheegaya in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay maanta agagaarka meesha la yidhaahdo Garoonka oo ku taala Dhulka Ciid ay ku dileen 22 nabad-diidka ubo ka tirsan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidanka Liyuu Boolisku ay nabad-diidka ka furteen hub tiradiisu gaadhayso 17 qori, iyagoo nolol ku qabtay 4 shuftay oo ka tirsanaa nabad-diidka ubo.

altWararka oo aan ka helnay xidhiidh toos ah oo aan la yeelanay Shaalaqaha hogaaminaya Ciidanka Liyuu Booliska ee fadhigiisu yahay Nus Dariiq ayaa waxay sheegayaan in afarta nolosha lagu qabtay ay bad qabaan oo dhawaan waraysi lala yeelan doono. Dhinaca kale, shacabka Nus-Dariiq iyo degaanka Ciid ayaa laga soo sheegayaa inay farxad la damaashaadayaan maadaama guushaas ay soo hooyeen ciidanka Liyuu Booliska

Waxaan akhristayaasha ku wargalin doonaa in aanu waraysiyadaa oo muuqaal video ah aan idiin soo baahin doono.

CakaaraNews

Barwaaqada Degaanka Ka Dilaacday Waa Amar Eebbe, Heshiiska Ethiopia & UWSLF Waa Amar Alla

Jigjiga (CakaaaraNews) Sida la wada ogsoon yahay, waxaa ka soo wareegtay muddo bil ah xilligii uu bilaaabmay wadahadalka nabada ee u dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF.

Hadaba intii ka danbeeysay waxaa degaanka Soomaalida lagu arkay ummuuro badan oo muujinaya muwaafaqada iyo wanaaga ay leedahay nabada iyo wada noolaashaanhaha shacabka. Roobabkii bilaabmay maalintaas ayaa ilaa haata ka daya Degaanka Soomaalida.

Dhamaan Degaanka Soomaalida waxaa laga wada dareemay barwaaqada qayrul caadiga ah ee maanta laga arkayo dhulka oo idil. Waxaa dadka qaarkii ay sheegayaan in barwaaqadan aan dhawaanahan muddadii 30ka sanno ahayd ee u danbaysay aan lagu arkin degaanka Soomaalida.

Wadahadalka Nabada ee u dhexeeya dawlada Itoobiya & Ururka UWSLF wuxuu maanta furay bog cusub oo leh rajo iyo yididiilo san oo laga qabo mustaqbalka Degaanka Soomaalida.

CakaaraNews

133,938 Codbixiye Ayaa Iska Diwaangaliyay Gobolka Shiniile

altShiniile (CakaaraNews) Wararka Gobalka Shiniile naga soo gadhaya ayaa sheegaya kudhawaad 133,938 Codbixiye Ayaa Iska Diwaangaliyay Doorashada islamarkaasna qaatay kaarashii codbixinta ee gobolka shiniile ee DDS.

Iskuduwaha Xidhiidhka Doorashooyinka ee Gobolkaasi Shiniile DDS,Yuusuf Ibraahim Kamil oo maanta u waramayay warbaahinta ayaa u shegay in tirada dadkaas laga diwaan galiayay 214 Goob Doorasho oo laga sameeyay 6 Dagmo ee Gobolkaasi Shiniile ka kooban yahay.


Ugu danbayntiina isku duwuhu wuxuu tilmaamay in ku dhawaad 300,000 oo codbixiye lafilayo in ay isi soo diwaan galiyaan ilaa 8 bisha April ee 2010 isla marikaasina ilaa hada geedi socodka diwan galinta doorashadu usocdo si habsami iyo nabadgalyo ah.
 

75 Xubnood oo XDSHS Umatalaya Golaha Xildhibaanada Maamulka M/Jigjiga ayaa Shacabka Lasoo Hor Dhigay.

altJigjiga (CakaaraNews) Doorashooyinka wareega 4aad kadhici doona dalka ayaa Xisbiga Dumuquraadiga Shacbiga Soomaalidu usoo xulay 75 xubnood oo matalaya Golaha Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa maanta bulshada loosoo ban dhigay.

Shirkan oo gudoominayay Duqa Maamulka Magaalada jigjiga Mudane C/salaan Axmad oo dadwaynaha horteeda lasoo hor istaajiyay 75 tan Xubnood ee XDSHS umatalaya Golaha Wakiilada Magaalada jigjiga.
Xubnahan oo 25% ay yihiin Haween lagu soo xushay aqoontooda anshaxooda iyo fikirkooda,halka 65% ay yihiin da'yar dhalinyaro ah, heerar kooda waxbarashana ay kalayihiin BSC,BA iyo MASTER,kooga ugu hooseeyaana uu heer kiisa waxbarasho yahay 12th  taas oo ka marag kacaysa in xubnahani tusaale uyihiin isbadalka horumarineed ee Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaalidu gaadhay isbadal wayn oo horumarineed.

altWaxaa 75 tan kan xubnood loo bandhigay shacabkii ay matalayeen in ay fikiraddooda iyo doodo kayeeshaan xubnahan taas oo gabi ahaanba 100% ay cod buuxa oo kalsooni siin ah  ku taageereen kuna tilmaameen dadkii shirkaani kasoo qaybgalay in ay tahay markii uhoraysay ee sidan oo kale bulshada loosoo ban dhigo cidii matali lahayd oo waliba ay soo xusheen dad da'yar ah.

Dhinaca kale haweenkii halkaasi kahadlay ayaa xubnahani tirada badan ee haweenka utartamaya Golaha Xildhibaanada Ismaamulka jigjiga ay utahay waa cusub oo usoo baxay xaq iyo xuquuqdoodii ka qayb galka haweenka ee dhinaca siyaasada iyo horumarka Deegaanka.

Ugu danbayntiina waxay bulshadani taageertay 75 kan xubnood ayaa ugu baaqay kana altcodsaday in marka lasoo doorto ay xilkii loo doortay gutaan una adeegaan bulshada soo dooratay kana shaqeeyaan sidii magaladani horu mar waara oo dhinaca bilicdeeda isbadal ugu keeni lahaayeen.
hadaba xubnahan 75 ka ah ayaa waxa ay magacyadoodu kala yihiin sida tan:-

  1. Xasan Muxumad Xasan
  2. Maxamad Yuusuf C/wahaab
  3. Kulmiye Maxamad Dool
  4. Ilyaas Cumar Ibraahin
  5. Hibo Sh/Axmad Habane
  6. ---------Faysal Warfaa
  7. Foosiya Maxamuud Are
  8. Nasradiin Cusmaan
  9. Axmad Cumar Dimacade
  10. Jamaal Cusmaan
  11. Mukhtaar Cali
  12. Cali Yuusuf Aadanalt
  13. Maxamad Shugri
  14. C/laahi Cusmaan
  15. Xasan Maxamad Adan
  16. C/risaaq
  17. C/xakiin
  18. Nimcaan Cusmaan
  19. Ugaab faras
  20.  Kayse Xasan
  21. C/salaan Yuusuf
  22. Maxamad C/laahi
  23. Ifraax Cabdi
  24. Muntaha Carab
  25. C/fataax Maxamud Xuseen
  26. Xasan Bile C/samad
  27. Yuusuf Xasan
  28. Xamda Sh/cabdilaahi
  29. Deeqa Daahir
  30. Sacaada Cali alt
  31. Ayaan Xasan Maxamad
  32. Maxamuud Maxamad Ciise
  33. Muxumad Colaad
  34. C/wahaab Rashiid
  35. Jacfar Muxumad Axmad
  36. Ismaciil Saleebaan
  37. Axmad Maxamad Habane
  38. Hodan Maxamad
  39. Dayib Maxamad Jibriil
  40. Faarax Maxamad
  41. Xuseen Maxamad
  42. Jamaal Dayib
  43. Muxuyadiin Maxamad
  44. Faadumo Maxamad
  45. Badri Sh/cabdi
  46. Maxamad Haybe
  47. Fu'aad Axmad
  48. Jamaal Cusmaan
  49. Maxamad Cabdi Digaale
  50. Axmad Nuur Maxamad
  51. Axmad Saleebaan
  52. Nimco Aadan
  53. Nimco Axmad
  54. Abaadir Mahdi
  55. Guleed -------
  56. Mukhtaar Axmad
  57. Hibo Cabdi C/laahi
  58. C/risaaq Bulbul
  59. Safiya Maxamad Xaajialt
  60. Bishaaro Cumar
  61. Ayaan Cali
  62. Guleed Cali Yaanbo
  63. Maxamad Aw-aadan
  64. Cali Aadan
  65. Cali Maxamad
  66. Cali ----   -------
  67. Maxamad Carab
  68. Maxamuud ----
  69. Ilyaas Abiib
  70. Cali Nuur Xuseen
  71. Maxamad Axmad Carab
  72. C/xakiin Maxamad Cali
  73. Cumar Ibrahim
  74. Xaashi C/laahi Shide
  75. -------------------------

Raligalin akhristayaasha ka codsanaynaa wixii naga altqaldama ee magacda ah ama aan katagno magacdoo sadexan iyo halka qofee aanu magaciisa ananu helin

Waxaa sidoo kale madasha shirkaasi lagaga dhawaaqay laguna soo ban dhigay xubnaha utar tami doona xildhibaanada heer Degaan iyo heer Fadaraal ee Dagmadani jigjiga oo kala ah sida tan:-

  1. Cumar Xaaji (Madaxa xafiiska maaliyada DDS)aqoontisuna Mastarayt, Heer Deegaan
  2. Xaaji     Yuusuf  (k/xigeenka Duqa M.Magaalada jigjiga) Heer Deegaan
  3. Cabdi jaamac      H.DEEGAAN
  4. Bashiir    Cali Mahdi Heer Federal jigjiga qaybta 1aad
  5. C/laahi  Maxamed  (Gisile) Heer Federal jigjiga qaybta 2aad
  6. A/Deeq  Maxamed Qabyo (aqoonta B.A Degree) shaqada jj University H.DEEGAAN
  7. Cabdi Maxamed  (pcdp) Masterayt  H.DEEGAAN
  8. Guuleed   Aw Cali  (Madaxa xafiiska x/jaaliyadaha DDS) H.DEEGAAN
  9. Xirsi  Maxamed Dool (Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jigjiga) H.DEEGAAN  
  10. Dr.Nimcaan  Xamaro (Xafiiska cilmi baadhista Shaqaale Katirsan) H.DEEGAAN

Waxaa iyaguna malinta bari ah lasoo hor joojin doonaa xubnaha utartamaya Golaha Xildhibaanada Heer Qabalee ee Magaaladani Jigjiga.


CakaaraNews

Iskashatada Beeralayda Hani Oo Ku Gulaysatay Siidhkii Usiiyay Xafiiska Beeruhu

altJigjiga(CakaaraNews)waraysi aan la yeelanay Gudoomiyaha Iskaashatada beeralayda ee Hani Ifraax Maxamuud Libaan ayaa noo shegtay heerka ay marayso iskaashato dumar ah ay madaxa ka tahay oo waxka beerteen qabalaha Shiil caslay Santarka Ceel-axmaar oo Dagmada Jigjiga hoos yimaad ka beerten qamadi 17 Higtar markii ay caawimo ka heleen Xafiiska Beeraha DDS cawimadan oo ahayd in ay siidh tayo leh siiyaan isla markaana ka iibsan donaan dalagaasi markuu soo goo iyagoo kaga iibsan doona qiimaha magaalada uu ka taagan yahay kintalkii udulsaaraya 20%

Waxaa kale oo ay noosheegtay gabadhaasi in uu raaciyay xafiisku khabiir Muxiyadiin Maxamad Axmad oo ka socda Xafiiska Beeraha isagoo goob joog uga ah midhaha soo baxa in ay ugu tala galeen in ay siidh ahaan usiiyaan Gobolada kale madaamoo siidh ka tayo fiican kii uu xafiisku hada ka hor ka heli jiray siidh ay soo sarto shirkad layidhaah etoobiya siidh oo uu tayadiisu aad uliitay marka kan loo eego hada Degaankeena Kasoo baxay madamoon bacrimintooda aad ugu dadaalnay waxay ubahnayeen

Ifraax waxa ay noo shegtay in hada ka hor dhibi ka haysatay qodida beeraha iyo gooyntooda markay baxaan oo nooga baahan jirtay hawlo badan. oo aan ugaga bahan jirnay reermiyiga wax layidhaah guus ku foofiso oo jara, kabacdiina dameero ku wareejiya markay qolofta ka sarayaan qamadiga..

Balse hada aan helnay tagnolajiyad casriya oo aan ka helnay cagafyo ay leedahay Libaan konbani oo lacag noogu gooya nooguna sifeeya inkastoo ay qaali nagu tahay 1saacna qodida waxay naga qadaa 120 Birr sifaaynta qamadigana kintaalkii noo xisaabisa 70Birr lakiin wanku nasanay marshuucii badnayee mudada badan naga qaadanayay oo waxaad arkaysa in ilaa reer miyigii baraarugen oo iyaguna ku jarta kii lacag aan haysana lagaga qaado Qamadi qiimo udhigma  qiimihii logu falayay iyo qiimihii lagu goynayayba madamoo ay Liiban konbani uleehayay warshado ka dhigo Qamadiga Daqiiq kabacdiina kasii dhigo Makaroone iyo Furun.
altaltaltaltalt
Gaba gabadii waxay gabadhaas gudoomiyaha ka ah iskaashatadu noo sheegtay in ay dadaalkii laga rabay xafiiska beeruhu uu xooga sarin balse uu noo sheegay in uu cagafyo keeni doono dhawaan tobabarana siin doono beeralayda run ahaantiina anaga faa ido wayn noo leh hadaan intaa helno magaalo iyo miyiba baahideeda dhaqaale way dabooli kari lahaayeen iyagoo iskood wax uqabsanaya ee waxaan xafiiska beeraha hayadaha deeqaha bixiya iyo malgaliyayaasha dalka iyo dibadaba in ay naga cawiyaan cagafyadaa loo bahan yahay oo faa ido u ah ninka iska leh iyo kan kiraysanayaba madamoo fiilo loogu jiro dhibatoyina ankala kulano wakhtigaa dheer robab haday nogu yimaadan uu noqonayo sarcigii lagu soo tabcay.

CakaaraNews

Amharic News 08_09_10


Amharic News 07_09_10


Amharic News 05_09_10



Amharic News 04_09_10



Amharic News 26_08_10


Amharic News 25_08_10


Amharic News 24_08_10



Amharic News 23_08_10



Amharic News 22_08_10


Amharic News 21_08_10



Amharic News 20_08_10


Amharic News 19_08_10



Amharic News 18_08_10


Amharic News 17_08_10