Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Khayraadka Kaymaha

Khayraadka Kaymaha - Forest Resources

Deegaanka soomaalidu wuxuu u badan yahay kaymo laga helo dhir iyo xayawaan noocyo badan  (bio-diversity).  Dabeecadda noocaas ah ee dalka, 25% waxa laga helaa deeegaanka Soomaalida. 18% ka mid ah noocyadaas waxay si siman ugu caan yihiin deegaanka Soomaalida. Guud ahaana  waxa deegaanku caan ku yahay 135 bah-dhireed (plant families) iyo 626 nooc oo dhir ah (genera and species). Sidoo kale waxa deegaanka ku sugan qaybaha ugu mihiimsan ee xayawaan

Kaymaha dabiiciga ah (natural vegetation) ayaa ah kuwo nooc ahaan iyo tiro ahaanba aad u badan - Boswellia and Chomiphera species.

Kaymahaasi waa aasaaska nolosha xayawaanka duur joogta ah sida libaax, haramcad, shabeel,Dhurwaa, dameer-dibadeed, iyo kuwo kale oo aad u badan

Waxa xusid gaar ah mudan geedaha ama dhirta faraha badan oo laga sameeyo ama laga samyn karo dawo-dhaqameedyada kala duwan.

Deegaanku wuxuu aad ugu caan baxay beeyada, xabkaha, fooxa, malmalka iyo noocyo kale oo la xidhiidha oo aad u badan.

 

 

Waxa diyaariyey

Xafiiska Maalgalinta

Dawladda Deegaanka Soomaalida

P.O. Box  237

+251 (025) 775 2026/2038

+251 (025) 775 2026

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

July 2009, Jijiga