Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

ciyaartii dhexmartay kooxda G/afdheer vs m/ Godey

JIGJIGA (CN) Isniin, 02, Nov, 2015 Sidaad wada ogsoontihiin waxaa xarunta DDSI ee Jigjiga ka socda tartankii 5aad ee kubada cagta, hadaba  maantoo isniin ah waxaa fooda is daray labada kooxod ee kala ah kooxda G/ Afdheer vs M/M Godey iyadoo labada kooxodba ay soo ban dhigeen ciyaar aad u wanaagsan weerar iyo weerar celisna ah ayay labada kooxodba galinkii hore ciyaarta ku baxeen barbaro 1-1 ah. Hadaba markii la iskusoo laabtay galinkii danbe ee ciyaarta ayay Gobalka Afdheer dhashatay gool labaad tasoo xiiso u yeeshay ciyaarta , balse kooxda M/M/Godey ayaa gool jawaab ah ka dhaliyay G/ Afdheer halkaas oy ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2-2 ah
Waxaa sidoo kale ciyaar xamaasad iyo xiiso wadata wada ciyaaray, Kooxda G/Shabeele vs  M/M/Qabdahar, ciyaartan ayaa ahayd mid M/Qabridahar soo ban dhigeen ciyaar-wanaag iyagoo galinkii hore ciyaarta la yimid hal gool laguna kala baxay 1-0 , ayaa la iskusoo noqday galinkii dabe ee ciyaarta iyadoo kooxda  M/qabdahar sii wadeen weerarkodii una labeyeen , ayay kooxda G/Shabeele la timid ciyaar wanaag ka duwan tii ay daqiiqadihii hore ciyaarayeen iyagoo daqiiqadii 80 la yimid hal gool ciyaartiina noqotay mid aad u kulul, iyadooy kooxda gobalka shabeele siiwateen weerarkoodi lana yimaaden gooshi labaad e barbarada labadii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta halkaas oy ciaartu ku dhamaatay barbar 2-2 ah