Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Tartanka Ciyaaraha Ee Taladada

jigjiga,(CN) Talaado, 03, Nov, 2015 Waxay saaka ciyaar xiiso iyo xamaasad wadata dhexmertay labada kooxod ee kala ah , kooxda G/Faafan vs G/ Sitti . Ciyaartan ayaa ahayd mid kooxda gobalka sitti ku bilaabeen ciyaar wanaag iyo weerar tasoo keentay inay goosha kobaad dhaliyaan,balse kooxda gobalka faafan ayaa isla galainkii horaba ka jawaabay iyagoo la yimid gooshi barbarada, laguna kala baxay barbaro 1-1 ah. Hadaba markii la iskusoo noqday galinkii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxod la yimaaden ciyaar wanaag weerar iyo weerar celis ah. Laakiin kooxda G/ faafan ayaa daqiiqadii 75aad la yimid goshii labaad tasoo ciaarta ka dhigtay mid aad u kulul guushana ku raacday Kooxda Gobalka Faafan ciyaatuna ku dhamaatay 2-1.

Ciyaar aad u qiima badan ayaa dhexmartay  labada kooxod ee kala ah Kooxad G/ Nogob Vs M/ Jigjiga. Ciyaarta dhexmartay labada kooxod ayaa ahaa mid ay ciyaartodu aad u xiiso badnayd oo labada kooxodba ay is weerarayen, balse wax gool ah aan la kala dhalinin galinkii hore, ciyaartana lagu kala baxay barbaro 0-0 ah. Hadaba Kooxda Gobalka Nogob ayaa la Timid ciyaar wanaag ka duwan tii galinkii hore ay ciyaarayeen, tasoo sababtay inay dhashadaan hal gool ciyaartiina ku dhamaatay 1-0

Waxaa kale oo maanta galinkii danbe wada ciyaaray Kooxda G/ Afdheer Vs M/ DH/ Buur ciyaartan ayaa ahayd ciyaar labada kooxodba ismari waayeen galinkii hore ciyaarta laguna kala baxay barbaro 0-0 ah hadaba galinkii dabe ee ciyaarta ayay kooxda gobalka afdheer latimid ciyaar wanaag iyo waliba hal gool halkaas oy ciyaartu ku dhamaatay 1-0.