Kooxda Gobolka Liibaan Oo Si Xarago Leh Ugu Gudubtay Wareega Labaad

 

Jigjiga, (CN) khamiis, 05 Nov 2015,Kooxda gobalka liibaan oo si xarago leh ugu gudbay wareega labaad ee tartanka ciyaaraha ,iyagoo  3-0 kaga badiyay kooxda G/ Nogob . Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xiisa badan ,iyadoo labada kooxodba ay haysteen dhibco fiican oy ugu gudbi karaan wareega labaad ee ciyaaraha, balse waxay mid walba doonaysay  inay kusoo baxdo kaalinta koobad ee guruubkoda.Hadaba ciyaartan ayaa ahayd mid kooxda G/ liibaan soo ban dhigeen ciyaar wanaag iyagoo galinkii hore ciyaarta dhashaday labo gool. Iyagoo  goshii 3aad na dhashaday galinkii danbe ee ciyaarta halkaas oy ciyaartu ku dhamaatay 3-0.

Waxaa kaloo ciyaar aad u xiiso badan dhexmartay kooxda M/DH/Buur Vs M/ GODEY.

Ciyaartan ayaa ahayd mid kooxda M/Dh/Buur soo ban dhigeen cyaar fiican iyagoo galinkii  hore ciyaarta dhashaday hal gool,balse galinkii danbe ee ciyaarta ayay kooxda M/Godey la yimaadeen goshii barbarada, ciyaartiina ay ku dhamaatay 1-1, Laakiin kooxda m/ godey ay u gudbeen wareega labaad e ciyaaraha.