22 Shuftay oo Lagu Dilay Dagaal Liyuu Boolisku Ku Qaadeen Nabad-Diidka Agagaarka Garoonka

altNus-Dariiq (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo naga soo gaadhay Nus Dariiq ayaa sheegaya in Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay maanta agagaarka meesha la yidhaahdo Garoonka oo ku taala Dhulka Ciid ay ku dileen 22 nabad-diidka ubo ka tirsan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidanka Liyuu Boolisku ay nabad-diidka ka furteen hub tiradiisu gaadhayso 17 qori, iyagoo nolol ku qabtay 4 shuftay oo ka tirsanaa nabad-diidka ubo.

altWararka oo aan ka helnay xidhiidh toos ah oo aan la yeelanay Shaalaqaha hogaaminaya Ciidanka Liyuu Booliska ee fadhigiisu yahay Nus Dariiq ayaa waxay sheegayaan in afarta nolosha lagu qabtay ay bad qabaan oo dhawaan waraysi lala yeelan doono. Dhinaca kale, shacabka Nus-Dariiq iyo degaanka Ciid ayaa laga soo sheegayaa inay farxad la damaashaadayaan maadaama guushaas ay soo hooyeen ciidanka Liyuu Booliska

Waxaan akhristayaasha ku wargalin doonaa in aanu waraysiyadaa oo muuqaal video ah aan idiin soo baahin doono.

CakaaraNews