Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Aadan Boolis oo Ciidan Hubaysan oo Nabad-Diid ah La Soo Galay Gobolka Qoraxeey & Wada Hadalo Nabadeed oo Socda

altQabri-Dahar (CakaaraNews) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabri-Dahare ee Gobolka Qoraxeey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsanaan jiray nabad-diidka ONLF ay maanta wada hadal ku yimaadeen Gobolka Qoraxeey.

Wararka waxay intaa ku darayaan in nin la yidhaahdo Aadan Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Boolis oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ururka ONLF ee ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Qoraxeey oo wata ciidan nabad-diid ah oo tiradoodu ka badan tahay 80 xubnood ay wada hadalka heshiiska awgeeed ku yimaadeen meesha la yidhaahdo Shawli oo ka tirsan Gobolka Qoraxeey. Wararku waxay sheegayaan in Aadan Boolis uu la soo galay 15 ka mid ah ciidamada uu watay, balse intii kale uu kaga yimid degaanada ku xeersan Shawli, isla markaana uu sugayo amarka uga imanaya dhanka masuuliyiinta ka saraysa.

Isa soo dhiibista nabad-diidkan ayaa ka danbaysay kadib markii Ururka ONLF ee uu horkacayo Saalaxudiin Cabdiraxmaan Macoow ay wadahadal nabadeed u bilowday iyaga iyo dawlada Itoobiya.

Kulan wada hadal oo 12kii & 13kii bishan June Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhex maray masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka ee Itoobiya, Dawlada Degaanka Soomaalida & ururka onlf ayaa ku soo gabagaboobay is af garad, iyadoo lagu heshiiyay dhamaan gogol xaadhka wadahadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.

Sida la wada ogsoon yahay, dawlada Itoobiya ayaa horaantii bishan sheegay in wadahadalo heshiis nabadeed ah uu dhex socdo iyaga & Ururka ONLF. Sida aan ka helnay illo xog ogaal ah oo xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya ay dhawaanan dalka Jarmalka u dirtay Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo ka kooban Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaarada Arrimaha Dibada, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, & Degaanka Soomaalida oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. Sida dadka badankii ay sheegayaan arrimahan ciidamada isa soo dhiibaya & wadahadalada nabadeed ee dhawaanahan socda ayaa ah ummuur cusub oo ka bilaabantay Degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale, wararka haatan ka soo baxaya Ciidamada uu watay Aadan Boolis ayaa sheegaya in Aadan uu markii hore fariimo u soo dirsaday odayaal dhaqameed, kuwaas oo fariimaha ciidanka Aadan Boolis soo gaadhsiiyay Ciidamada ay ka mid yihiin Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee ku sugan Galadiid ama Qabri Jeeraar ninba sida uu u yaqaan.

Sida wararka ay sheegayaan Hogaamiyaha ciidankaa Aadan Axmed (aadan Boolis) oo wata 15 xubnood oo ciidamadiisa ka tirsan oo ilaalo u ahaa ayaa haatan soo gaadhay Galadiid, iyadoo in ka badan 70 kale oo ciidankiisa ka tirsan ay ku sugayaan meesha la yidhaahdo Shawli.

Waxaa uu Aadan Boolis uu sheegay in uu haatan ka war sugayo Gudoomiyaha ONLF Saalaxudiin Macoow. Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in markii uu Aadan Boolis soo gaadhay Galadiid uu taleefanka Satelitka kula xidhiidhay Hogaanka Maamulka cadaalada & nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Mudane Aadan Boolis wuxuu uu Hogaanka nabadgalyada u sheegay in ciidankiisu ay qaateen go'aankii heshiiska wada hadalka oo ay haatan ku soo galeen iyagoo ka anbaqaadaya amar ay ka heleen masuuliyiinta ka saraysa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in markii Aadan Boolis iyo ilaaladiisu ay soo gaadheen Galadiid ay taakulo ka heleen Ciidmada Liyuu Booliska. Taliyaha Regimentiga 3aad ee Ciidamada Liyuu Booliska & Aadan Boolis ayaa mar danbe maanta booqday ciidamada kale ee nabad-diidka ku jiray ee ku hadhsan aagga Shawli, waxayna halkaas ugu geeyeen taakulo cunto iyo ah.

Dhinaca kale, Xafiiska Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada oo shir degdeg ah isugu yimid maanta galinkii danbe ayaa bogaaadiyay talaabada uu qaatay AAdan Boolis. Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka Degaanku ay aad ugu farxayaan talaabada geesinimada leh ee ay qaateen ciidamadaas iska soo dhiibay Qoraxeey. Sidoo kale, in ka badan 600 oo oday oo ku shiray Magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay talaabadan uu qaatay Aadan Boolis iyo heshiiska wada hadalka nabadeed ee u dhexeeya ururka ONLF iyo dawlada Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in 15 xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka oo ku sugan gobolka Fiiq inay warqad soo dirsadeen, iyagoo la soo xidhiidhay oadayaal dhaqameed una sheegay inay ayidsan yihiin heshiiska wada hadalka ee Ururka ONLF & dawlada Itoobiya dhex socda oo ay ka war sugayaan go'aanka ay kuwa ka sareeya soo gaadhaan.

CakaaraNews