Afar Nin ayaa ku murantay in midkoodba midka kale ka caajis badan yahay, Dabadeedna way isu gar-dhigteen si loo kala bixiyo loona soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
-
Ninkii 1aad : Anigu waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco dushiisana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ku dhacday dhinaca kale.
-
Kii 2aad ayaa isna yiri: waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa aan ka bakhtin gaaro!
-
Ninkii 3aad: ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasu gacanta meegaaray (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan jawaabi karin caajis dartiis.
-
Ninkii 4aad ayaa yidhi:Anigu Anoo sii seexanaya ayaan ka wahsaday in aan laydhka iska demiyo markaasaan bastoolad i agtaalay qabadsiiyay kuna demiyay.