Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Ganacsadaha Da'da yar ee Re Minnesato oo Soo Gaadhay Wadankisa Hooyo

Jigjiga (CakaaraNews) waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Oct/05/2013 Garoonka Caalamiga ah ee Garaad Wiilwaal Airport kasoo degay Ganacsadaha Da'da yar ee reer Minnasota, Minnapolis ee cariga Maraykanka. isaga oo kana mid ah Dhalinyarada firfircoon ee ka hawlgala MN ee Nabada Jecel (SEDYO).

Mr. C/Salaan Carab Khuuriye isaga oo aad ugu faraxsanaa Imaatinka Dhulkiisa Hooyo. Hadaba mar aanu kula kulannay Udiyaar garowga Qoomiyadaha ee Deegaankeena lagu qabanayo ayaan wax ka waydiinay sida uu u arko diyaar garowgan balaadhan ee kasocda Caasimada DDSI. C/Salaan ayaa shaaca nooga qaaday in uu aad ugu faraxsan yahay lakulanka uu lasoo kulmay Diyaargarowgan balaadhan, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay kaqaybqaadashada udiyaargarowgan balaadhan ee ay cid waliba u hagar baxsan tahay.

sidoo kale waxaan su'aal labaad ka waydiinay Dhalinyaradii iyo Bulshadii ay ku wada dhaqnaayeen Carigaan sida ay u arkaan udiyaaryarowgan balaadhan iyo Nabada iyo Horumarkan kahano qaaday Deegaankoda mudadii lasoo dhaafay iyo Haatan? wuxuu noosheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay dhalinyaradu la timiday isbadal aad u wayn oo ka go'naanshana leh sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Horumarkan iyo Nabadan ka xasishay Deegaankooda in ay Kaalin Mug wayn la garab taagan yihiin Habeen iyo Maalinba Hawlaha ka socda Deegaankooda.


C/salaan wuxuu sidoo kale Mahad Balaadhan usoo jeediyay Xukuumada uu Hogaamiyo Mudan Cabdi Maxamud Cumar
iyo Dhalinyarada Deegaankooda u Kacday ee ay ka Go'an tahay Hirgalinta Hadafka iyo Qorsheyaasha isdaba jooga leh ee ay Xukuumadu u dejisay. sidoo kale waxaan halkan Salaan iyo Mahada balaadhanba uga soo jeedinayaa Jaaliyada Minnesato ee uu Gudoomiyaha kayahay Cabdi-Badal Shuuriye, Ururka Dhalinta SEDYO, SEWD iyo Dhamaanba inta Jecel Nabada iyo Horumarka Deegaankooda.