Heshiiskii Labada Dhinac Oo Guulo Wax Ku Ool ah Kusoo Gabagaboobay

Jigjiga( Cakaaranews ) Talaado, 3da may 2016. Heshiiskii dhanka xuduuda ee labada wadan ee Itoobiya Iyo Soomaaliya ee maalmahanba ka socday xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga ayaa saaka kusoo gabagaboobay guulo wax ku ool ah oo si official ah qaraalo cad loogu kala saxiixday.

Heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa dhanka Jamhuuriyda Dimuqraadiga Fadaraalka Itoobiya wakiil uga ahaa wakiilka wasaarada arimaha dibada mudane ambassador Shamsudiin Axmed Rooble meesha dhanka soomaaliyana uu wakiil uga ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele). Waxaana goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyadoo gaar ahaana Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ay heshiiskan si loo dhanyahay oo official ah u kala saxiixdeen.

Kadibna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay dhankiisa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay heshiiskan dhanka xuduuda labada wadan ee itoobiya iyo soomaaliya ee xalka waara lagu gaadhay maanta isagoo xusay in qodobada heshiiska lagu gaadhay fulintiisa ay dhankooda 100% hirgalin doonaan islamarkaana ay jecelyihiin nabad kuwada noolaanshaha shacabka labada dhinac ee xuduuda dheer wadaaga iyo inay dawlada itoobiya ka go’an tahay lashaqaynta dawlada soomaaliya iyadoo hadh iyo habeenba ku hawlan nabad kadhalinta soomaaliya khaasatan ladagaalanka argagixisada alqushaash ee cadawga ku ah shacabka nabada jecel ee soomaaliya. Wuxuuna u mahad celiyay wakiilada labada dawladood iyo madaxwaynaha dawalad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan oo goob joog ka ahaa heshiiskan dadaal badana ka gaystay iyo waliba madaxwaynaha dawlad goboleedka galmudug.

Dhanka kalana madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kahadlay dhinaciisa ayaa xusay inay dhankooda heshiiskan siduu yahay u hirgalinayaan. Wuxuuna ugu baaqay shacabka labada dhinac inay nabad kuwada-noolaadaan oo ay ladagaalamaan halmeel ahna uga soo wadajeedsadaan cadawga argagixisada ku ah naftooda iyo maalkooda ee alqushaash iyo wixiii lahalmaala ee caqabada ku ah nabada labada shacab. Wuxuuna u mahadceliyay wakiilada dawlada federaalka itoobiya iyo dawlada federalka soomaaliya oo sabab u ahaa in heshiiskani dhaco iyo waliba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Ugudanbayna, madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo goobjoog ka ahaa heshiiskan dadaal balaadhana ka gaystay ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaadheen labada dhinac iyo sida quruxda badan ee uu u dhacay islamarkaana xusay in nabad kawada shaqaynta labada dhinac ay muhiim u tahay shacabwayanaha labada wadan ee walaalaha ah.