Kulan Balaadhan OO Wadatashi Iyo Waciygalin Isugujira Oo Ay Yeesheen Xukuumada Iyo beesha Gabooye Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka.

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 14ka January 2018. Kulan Balaadhan OO Wadatashi Iyo Waciygalin Isugujira Oo Ay Yeesheen Xukuumada Iyo beesha Gabooye Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba Kulan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay kasoo qaybgaleen, Suldaamada, Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka Dhalinyarada Qurb-joogta iyo dhamaan beesha gabooye ee MMJ iyo xubno ka socday gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa ugu horayn kulankan furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kala hadlay beesha gabooye qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin nidaamka dhaqan gumaysiga ah ay soomaalidu isku hayso iyo is yasida dhaqamada qabiilada soomaalida ah qaarkood ka dhexjira.

Madaxwaynaha ayaana sheegay in fikirkan ka doodista dhaqan gumaysiga uusan ahayn mid ay xukuumadu maanta un bilawday balse uu yahay mid soo socdey ka doodistiisa in muda ah. Madaxwaynaha ayaana dhawr tusaale usoo qaatay. Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa cadeeyay inaysan taariikhda soomaalida meelna kagajirin cid soomaali ah oo bakhti cuntay islamarkaana ay tahay nidaam dhaqan gumeysi ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin marnaba waxaysan soomaalida kale samaynin oo ay samayso beesha gabooye iyo inay jirto arrinta ah inay soomaalida kale ay xaqirto beesha gabooye.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa beesha gabooye ku adkeeyay inay isku kalsoonaadaan xoogana saaraan barashada culuunta diiniga ah iyo tan maadiga ahba islamarkaana iyaga loo baahdo. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay in farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan ee ay beeshu caanka ku yihiin ay tahay aas-aaskii nidaamka warshadaha iyo technologyada casriga ah ee uu maanta caalamku ku hormaray.

Dhanka kale suldaamada waxgaradka hooyooyinka iyo dhalinyarada kasoojeeda beesha gabooye ee kasoo qaybgalay kulankan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay xukuumada deegaanka abaabulka fagaarahan lagaga tashanayo jabinta fikirka dhaqan gumaysiga iyagoo ka marag kacay horumarka iyo nabadgalyada baaxada wayn ee deegaanka ka hanaqaaday. Waxayna intaa ku dareen inuu kulankan ku yimid halgankii dheeree ay xukuumad u ku tirtirtay ururadii nabadiidka ahaa ee ka dhaqdhaqaaqi jiray deegaanka islamarkaana loo gudbay in laga shaqeeyo horumarka kulankana uu kamid yahay horumarka deegaanka.

Ugu danbayna salaadiinta, cuqaasha, iyo waxgaradka beesha gabooye ayaa hadiyad sharafeed heer sare ah gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana halkaas kaga gudoomay.

Kulan Qiimayn iyo Tababar Isugujira Oo Loo Qabtay Kuliyadaha Dawliga Ah Ee DDSI Iyo Kuwa Gaarka Loo leeyahay

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 13ka January 2017. Kulan qiimayn iyo tababar isugujira oo uu soo agaasimay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI  islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta wakaalada COC, dhamaan mas’uuliyiinta kuliyadaha dawliga ah iyo kuwa gaar ka loo leeyahay ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulanka qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Tababarada Xirfadha Iyo Farsamada Gacanta DDSI Mudane Naasir Xasan Cabdi oo sheegay in ujeedada kulankani yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadyadii kuliyadaha ee bilihii udanbaysay. Wuxuuna xusay in laisku qiimayanayo qorshayaashii la kalaqaatay in lafuliyo islamarkaana laiskula xisaabatamayo. Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankani yahay mid lagu baranayo nidaamka adeeg-bixinta ee loo yaqaano shaqo natiijo kusalaysan (deliver ology ) kaasoo ah nidaam shaqaalaha lagula xisaabtamo oo ah nidaam shaqsi kasta loogu tirnayo shaqadiisa. Iyadoo nidaamkanina uu yahay mid ay fulinayaana sectorka waxabarashada

Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay kulankan Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirafadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI Mudane Badri Yuusuf oo sheegay in kulankani yahay mid qiimayn ah kaasoo xafiiskastaa uu soo bandhigayo waxqabadkiisii 6da bilood wixii u qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo sababta uusan u qabsoomin.

 

Iskusoowada duuboo, kulankan ayaa ahaa mid masuuliyiinta kuliyaduhu ay khibrad ku kalaqaaadanayaan dhankooda adag ee kamidho dhalinta iyo fulinta qorshayaasha kuliyadaha. Iyadoo kulankanina uu soconayo mudo 6 cisho ah.

Kulan Wadatashiya Oo Ay Yeesheen Xukuumada DDSI Iyo Qurba Joogta North America Ayaa ka dhacay Minneapolis.

Minneapolis, (cakaaranews), sabti, 13ka, January, 2018. Kulan balaadhan oo wadatashiya oo ay yeesheen masuuliyiin ka socday xukuumada  DDSI ee ay hogaaminasay wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ee ay ku wehelinayeen wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI muddane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase,  masuuliyiinta safaarada dalkeena itoobiya ee wadanka maraykanka oo ugu horeeyo safiirka  dalkeena itoobiya u fadhiya maraykanka  mudane Kase Tegle Burhan  islamarkaana ka soo qaybgaleen hogaaminta jaaliyada DDSI ee north America qaybaha kala duwan ee jaaliyada north sida odayaasha , aqoon yahanada, dhalinyarada iyo  haweenka ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee cariga marakaykanka.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii looga wadatashan lahaa dar dargalinta iyo kor u qaadista qorshayaasha horumarka ,ka qaybgalsha mashaariicaha heer qaran ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI iyo waliba sidii ay qurba joogta DDSI u sii xoojin lahaayeen kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maalgashiga.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay masuuliyiintii ka socotay xukuumada DDSI ee ay hogaaminasay wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI marwo maajida maxamed maxamuud ee ay ku wehelinayeen wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI muddane khadar cabdi ismaaciil iyo wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed cabaase kuwaasi oo ugu horayntii ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI sida meeqaamka sare ah ee ay uga soo qaybgaleen kulanka waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga taaba galay deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo doorka ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maalgashiga waxayna ku amaaneer qurba joogta DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaadeen taaba galinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ka hirgalay deegaanka .

Dhankiisa waxaa kulankaasi ka hadlay safiirka dalkeena itoobiya u fadhiya  dalka maraykanka mudane Kase Tegle Burhan  oo ugu horayntii sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qaybgalo qurb joogta DDSI kulankan wadatashiga ah wuxuuna qurba joogta DDSI ku amaanay sida wadaniyada leh ee ay uga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada,  maalgashiga  iyo ka qaybgalka mashaariicaha heer qaran ee ka hirgalay dalka sanadihii ugu dambeeyay safiirka ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii wadaan dadaalkooda wadaniyadeed ee ay kaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga wuxuuna intaasi ku daray in ay si fiican uwada shaqayn-doonaan qurba joogta DDSI iyo safaarada dalka itoobiya ee dalka marakaykanka.

Sidoo kale qurba joogt DDSI ee waqooyinga america oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad naqay masuuliyiinta DDSI iyo safiirka dalka dalka itoobiya u fadhiya maraykanka sida ay uga soo qaybgaleen kulankan jaaliyada ay soo diyaarisay waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin dar-dargalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo hirgalinta mashaariicaha heer qaran waxayna sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin kana marxaatikacayaan hirgalinta mashaariicaha muga way nee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka iyo dalkaba.

QIIMAYNTII WARBIXINTA WAXQABADKA RUBACA 2AAD EE DEGMOOYINKA GOBOLKA QORAXEY OO KA FURMAY QABRIDAHAR

Qabridahar(Cakaaranews) Jumce 12ka January 2018. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 2,aad ee sanadan 2010TI ee dhamaan degmooyinka   gobolka qoraxey   ayaa ka furmay  xarunta gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.

shirkan qiimayta waxqabadaka rubaca 2aad oo  diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka, maamulka suuban ee u dajisnaa dhamaanba degmooyinka gobolka qoraxey  gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa ee baabaca( BBC) biyo, baad, calaf. ama beer, biyo, cilmi, caafimaad,  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka qoraxey oo uu ugu horeeyo kusimaha gudoomiyaha gobolka qoraxey ahna hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxey mudane Maxamed Axmednuur oo uu ku wahelinayo madaxa arrimaha siyaasada ee gobolka qoraxey mudane Axmed Yaasiin iyo maamulada degmooyinka gobolka qoraxey.

Hadaba kusimaha gudoomiyaha gobolka qoraxey ahna hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxey mudane Maxamed Axmednuur oo ugu furay shirkan ayaa sheegay inuu shirkan yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadkii rubaca 2aad ee u dajisanaa degmo walba gaar ahaan qorshihii baabaca (BBC) ee ay xukuudu usoo dhaadhicisay inay fuliyaan degmooyinka islamarkaana xooga lagu saarayay wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  ah oo ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo  iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qodobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Ugu danbayna  Waxaa la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 2aad ee degmooyinka gobolka qoraxey oo degmo waliba soo jeedinayso warbixinta waxqabadkii rubaca 2aad ee sanadan 2010TI

Tuulada Qoloji Iyo Xubno Kamid Ah Golaha Wakiilada Shacabka Ee JDFI Oo Deeq Taakulayn Ah Soo Gaadhsiiyay

Qoloji (cakaaranews)Jumce, 12ka January 2018. Xubno kamid ah Golaha Wakiilada Shacabka JDFI gaar ahaan xildhibaanada dumarka ah ayaa deeq soo gaadhsiiyay bulshada kasoo barakacday deegaanka oromada islamarkaasna ay xukuumadu dajisay tuulada qoloji iyadoo deeqdaasani ay ahayd  dhar ay ugu talagaleen haweenka iyo caruurta.

Deeqdan Ayaa waxa ay xildhibaanadu bulshada barakacayaasha ah u soo mariyeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI. Iyadoo masuuliyiinta xafiiska iyo xildhibaanaduna ay si wadajir ah ugu wareejiyeen bulshada barakacayaash ah ee kudhaqan tuulooyinka qoloji1 iyo qoloji2  

Hadaba,  Marwo Xildhibaan Saxarla Cabdulaahi Iyo Marwo Ababayo Gizahun oo kamid ah xubnaha deeqda waday ee kasocday xildhibaanada dumarka ah ee JDFI ayaa kawarbixiyay deeqdan iyagoo sheegay in deeqdani ay tahay dhar kala duwan oo ay ugu talagaleen bulshada barakacayaasha ah. Waxayna xuseen in deeqdani ay tahay markii ugu horaysay ee ay soo gaadhsiiyaan barakacayaasha islamarkaansna ay tahay mid ka timid xildhibaanada dumarka ah ee JDFI. Waxayna xuseen in haduu allaha awooda lihi ogalaado ay sii wadayaan gargaarkooda ku aadan bulshadaasi.

 

Dhanka kale, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo iyadna deeqdan kahadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayso gudiga xildhibaanada dumarka ah ee JDFI sida wanaagsan ee wadaniyada leh ee ay isu xilqaameen islamarkaasna ay deeqdan dharka ah u soo gaadhsiiyeen bulshada barakacayaasha ah ee ladajiyay tuulooyinnka qoloji.

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshada barakacayaasha ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqdan lasoo gaadhsiiyay islamarkaasna ay u mahadcelinayaan xildhibaanada JDFI gaar ahaan xildhibaanada dumarka ah. 

Komoshineerka Komishinka Baadhista Iyo Xalinta Cabashooyinka DDSI Oo ka Warbixiyay Hanaanka Badhista cabashooyinka

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 12ka January, 2018. Komoshineerka komishinka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinka DDSI mudane Shaafi Cashir Cabdi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay waxqabadkii komishinka qaabilaada, baadhista iyo cabashooyinka deegaanka ee lixdii bilood ee ugu dameeyay.

Komoshineerka ayaa sharax dheerka bixiyay  ujeedooyinka iyo ahmiyada loo aas aasay ee loo hirgaliyay  komishinka qaabilaada, baadista  iyo  xalinta cabashooyinka DDSI iyo waxqabadkii tan iyo intii la aas aasay komishinka gaar ahaan lixdii bilood ee ugu dambaysay wuxuuna sheegay komoshineerku in si loo turxaan tiro loona xaliyo cabashooyinka ka jira ha’yadaha dawlada loo aas aasay komishinka islamarkaana waxbadan ka qabtay dhinaca qaabilaada xalinta cabashooyinka ka jiray hay’adaha dawlada komoshineerka ayaa sheegay in komishinka qaabilaada, baadhida cabashooyinku uu fuliyay tababaro badan oo kor loogu qaadayo fahanka bulshada ka haysato hanaanka loo gudbiyo cabashooyinka iyo heerarka kala duwan ee cabashooyinka  komishineerka ayaa  tilmaamay in lixdii bilood ee ugu dambeeyay uu komishinka qaabilay oo uu baadhay islamarkaana xaliyay kiisas badan  badan oo soo gaadhay.

Ugu dambayntii waxa uu komoshineerku sheegay in komishinka qaabilaada, baadhida iyo xalinta cabashooyinka DDSI isaga oo ka duulaya ka midho dhalinta istaraatajiyadaha  jihooyinka loo aas aasay uu sii dar-dargalinayo taaba galinta iyo meel marinta hanaanka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinka deegaanka isaga oo ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka dalka iyo dibadaba meelkasta oo ay joogaan in komishinka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinku u aas aasan yahay bulshada deegaanka cidkasta oo cabasho ka qabta ha’yadaha dawladana uu ku xalindoona hanaanka qaabilaada, baadhida iyo xalinta cabashooyinka.

More Articles...

  1. የህወሓት 7ተኛ ድርጅታዊ ኮንፈረንስ በመቐለ ከተማ ተጀመረ
  2. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka
  3. GOBOLADA DAAWA IYO LIIBAAN OO TAARIIKHDA ABID MARKII UGU HORAYSAY KU XIDHMAY DEEGAANKA
  4. Wareegii 2aad Ee Daahfurka Kahortaga Ololha Talaalka Cudurka Poilioda Oo Kabilawday Deegaanka
  5. Shirwaynihii 7aad Ee Xisbiga TPLF Oo Si Rasmi ah Ufurmay
  6. ገረብ አሴ የጋራ መኖሪያ ቤቶች ግንባታ በማጠናቀቅ ላይ ይገኛል
  7. Qiimayntii Waxqabadkii Rubucii 2Aad Ee Degmooyinka Gobolka Faafan Oo ka furmay awbare
  8. Mashruuca Dhismaha Guryo-Wadareedka Garabcase Oo Gabo-Gabo Maraya
  9. MW CMC IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KA DAGAY MAQALE.
  10. OGAYSIIS: DHAMAAN QURBA-JOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA
  11. Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Doxooyinka DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada
  12. Hanti-dhawrka Xafiisyada Oo Tababar Loo Qabtay
  13. Raysul Wasaaraha JDFI Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Sudaan.
  14. OGEYSIIS: DHAMAAN QURBAJOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA
  15. Another New Massacre of Somalis
  16. አስደንጋጭ ዜና፤ በምዕራብ ሐረርጌ ዞን በሚገኙ የኢትዮ-ሶማሌ ንጹሃን ዜጎች ላይ በተደረገው የምግብ ማቀቡ ለዜጎች ሞትና እልቅት አዳረገ
  17. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Soo Gabagabeeyay Shaqaalaha Xafiiska.
  18. War Naxdin Leh Oo Ka Imanaya Soomaalida Dagan Galbeedka Harargee.
  19. La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.
  20. Kulanka Wadatashiga Xukuumada DDSI iyo Beesha Gabooye
  21. Gudiga Qabanqaabada Ee Shirwaynaha Raaso
  22. Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Maalintii 3aad Galay
  23. M.M Qabridahar Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Beerashada Casriga Ah Oo Loo Qabtay Khabiirada Fidinta Beeraha Ee Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Iyo Jarar
  24. Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Xafiiska 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.
  25. Shirkada Maalgashiga Wayn Ee Dangote Group Ayaa Sheegtay In Ay Sii Laban Laabayso Maalgashiga Dalka Ethhiopia
  26. Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Shacabka DDSI Oo Kormeer Qiimayn Iyo Dabagalka Ah Ku Soo Maray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Gobolada Jarar iyo Qoraxey
  27. ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ
  28. War Deg-deg Ah
  29. የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርት በራሶ ከተማ ከህዝቡ ጋር ሰፊ የጋራ መግባባት መድረክ የአካሄዳል
  30. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga
  31. Shirwaynaha Wadatashiga XDSHSI Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lagu Qaban Doono Magaalada Raaso.
  32. Shirkii Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF Iyo Xisbiyada Bahwadaagta la ah Oo Kafurmay Xarunta Dalka
  33. Gudoomiyeyaasha xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF ayaa sheegay in midnimada iyo fikirka midaysan ee xisbiga ugu shaqaynayaan shacabka dalka.
  34. Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay
  35. MMQ Iyo Bulshada Kunool Oo Soo Dhawaysay Ardayda Cusub Ee Lagu Soo Qoray Jaamacada Qabridahar
  36. Tababar ku saabsan BSC Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxabarshada DDSI Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.
  37. ፕሬዝዳንት አብዲ መሀሙድ ኡመር ወደ አገሪቱ ርዕስመዲና አመሩ
  38. MW CMC OO U AMBABAXAY XARUNTA DALKA EE ADHISABABA
  39. በክልሉ ርዕስመዲና በጎጂ ልማዶች የሚትኮር የሲምፖዝየም መድረክ ተጀመረ
  40. Kulan Balaadhan Oo Dood Cilmiyeed Ah Ayaa Ka Furmay Xarunta Deegaanka
  41. Dhalinyarada Gobolka Faafan Oo Yeeshay Kulan Lagu Dar-dargalinayo qorshayaasha horumarka
  42. MM Qabribayax Iyo Dhalinyarada Oo Lasiiyay Lacagihii Daynta Ahaa Ee Shaqo Abuurka Loogu Samaynayay
  43. Bulshada Iyo Maamulka Degmada Waqooyiga Jigjiga Ayaa Sheegay In Sarac Kabadan Waxsoosaarka Sanadihii Hore Uu U Soo Go’ay Sanadkan.
  44. Nuxurka Kasoo Baxay Shirkii 18ka Cisho Usocday Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF
  45. ከኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ የተሰጠ ድርጅታዊ መግለጫ
  46. Raysal-wasaaraha JDFI Oo Kulan La Yeeshay Gudoomiyaha Shirkadd lucky chain limited.
  47. Jaamacada Qabridahar Oo Bilawday Qaabilaada Ardayda Cusub Ee Jaamacada.
  48. MW Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Hor-Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Xafiiska iyo Waliba Ololaha Tirakoobka Dalka
  49. ESPDP Central Committee Ordinary Session Successfully Concluded
  50. Kulanka Wadatashiga Kor U Qaadista Tayaynta Waxbarashada Reer-guuraaga DDSI Oo Ka Furmay jigjiga,
  51. የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲ ፓርቲ ማዕካላዊ ኮሚቴ መደበኛ ጉባኤ በድል ተጠናቀቀ
  52. Mashruuca Hab-Nololeedka Xoolo-Dhaqatada Ee Deegaanada Xoolo Dhaqatada Ah “RPLRP’’ Ayaa Fulinaya Mashaariic Ay Kubaxayso Lacag Ka Badan $ 16mln
  53. Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Soo Xidhmay
  54. Kulan Waynaha Wadatashiga Talaalka Caruurta Iyo Daah-Furka Qorshaha cudub Ee Talaalka Joogtada Ah Oo Furmay.
  55. Shir Ay Yeesheen Hogaaminta Sare Ee DDSI
  56. Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay In Kor Loo Qaaday Tiirarka Adeega Caafimaadka DDSI
  57. የኢ.ሶ.ክ.መ.ካፍተኛ ልዑኳን ቡዱንና በሰሜን አሜሪካ የሚኖሩ ዲያስፖራ አካላት ጋር በሚኒያፖሊስ ከተማ የጋራ ምክክር መድረክ አደረጉ
  58. Gobolka Shabeele Iyo Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo kaqabsoomay Magaalada Godey
  59. Tababar BSC Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Wakaalada Dakhliga Ee Heer Deegaan Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga
  60. Kulan-waynihii Wadatashiga Qurba Joogta Iyo Xukuumada DDSI Ee Magafe Quusis Oo Si Meeqaam Sare Ah Ugu Qabsoomay Minneapolis.
  61. MW CMC Oo Warbaahinta Dalka Ugu Warbixiyay Hirgalinta Qorshayaasha Horumarka
  62. MW CMC Oo shir Jaraa’id Ugu Qabtay Xafiiskiisa Saxaafada Dalka
  63. MM Qabridahar Iyo Qaar kamid Ah Haweenka Danyarta ah Oo Lagu Tababaray Xirfada Tolista dharka
  64. በሰመኑን ሰሚን አማሪካ የስራጎቡኝት የነበሩ የኢ.ሶ.ክ.መ.ከፍተኛ ልዕካን ቡዱኑ የምሳ ግብዣ ተደርጎላቿል
  65. Waftigii DDSI Ee Ku Sugan North America Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay
  66. የወቻሌ ከተማ አስተዳደር ለ400 ወጣቶች የሥራ እድል ፈጠራ ገንዘብ አስረክባቿል
  67. Barnaamijka Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ee Gobolada Faafan. Sitti, Qoraxey Iyo Doolo Oo Meel Fiican Maraya
  68. Ogaysiis Dhamaan Qurba-joogta DDSI Ee Waqooyiga America
  69. MMW Iyo 400 Oo Dhalinyar Ah Oo Lagu Wareejiyay Lacago Shaqo Abuur Loogu Samaynayo
  70. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Oo Soo Indho-Indheeyay Tabaca Beeraha Ee Degmada Ilo-Horshagax
  71. Hargeele iyo Tababarka Macalimiinta Luuqada Afka Ingiriiska Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay
  72. Kulan Balaadhan Oo Ay Yeesheen Qaybaha Kaladuwan Ee Shacabka Beesha Jaarso Ee DDSI
  73. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Wafti Ka socday putland
  74. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት በኦሮሚያ ክልል ውስጥ በጅምላ የተጨፈጨፉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጆች የመንግስት አቋም መግለጫ ተሰጥቷል
  75. Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo Loo Soo Xidhay Shaqaalaha Degmooyinka Gobolka Jarar
  76. Wafti ay hogaaminayaan Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada DDSI Ayaa Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Minneapolis
  77. President A.M.O Sent Condolences towards the People Mass-Massacred at Oromo Region.
  78. የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ በኦሮሚያ ክልል የተጨፈጨፉ የሶማሌ ተወላጅ ቤተሰቦች የሀዘን መግለጫ ልኳል።
  79. የኦሮሚያ ክልል ርዕሰመስተዳደር በኦሮሚያ ክልል ውስጥ የተጨፈጨፉ ንጹሃን የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጆች ጉዳይ ዙሪያ ተናገሩ
  80. MW CMC Oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada
  81. Xukuumada DDSI Oo Ka Hadashay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Degaanka Oromada.
  82. MW Deegaanka Oromada Ka Hadlay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Deegaanka Oromada.
  83. Raysal-wasaaraha JDFI Oo Ka Tacsiyeeyay Shacabkii Soomalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada.
  84. Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Ay Yeesheen Gudi Ka Socday Xafiiska Waxbarashada Puntland iyo Xafiiska Waxbarashada DDSI
  85. Kulan Wadatashiya Oo Ay Yeeshay Wafti Ka Socday DDSI iyo Qurba Joogta DDSI Ee USA.
  86. Gudoomiyaha Gobolka Jarar Oo Xadhiga Kajaray Xarun Caafimaad Oo Cusub
  87. Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Englishka Ee Gobolka Faafan Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga
  88. Kulan Wacyigalin Ah Oo Kusaabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay MM Qabridahar iyo MM Godey
  89. Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Afka Soomaaliga Ee Gobolka Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay
  90. በአዲሱ የሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት የስልጣን ርክክብ ስርሥርዓት ላይ የተሳተፉ የኢ.ሶ.ክ.መ.ልዑካን ቡዱኑ ወደ ክልሉ ርዕስመዲና ተመለሱ
  91. Waftigii DDSI Ee Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Mw Somaliland Oo Dib Ugu Soo Noqday Xarunta Deegaanka
  92. Xirfadlayaasha Xarumaha Caafimaadka Gobolka Jarar iyo Nogob Oo Tababar Loo Qabtay
  93. Federal and Regional Delegations Participated Somaliland New President Inauguration Ceremony
  94. የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.የፈዴራልና የክልል ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን የአዲሱ ሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት የሹመት ቃለመሀላ ስርዓት ተካፈሏል
  95. Wafti Isugu jira Heer Federal Iyo Heer Deegaan Oo Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland
  96. የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትራንስፖርቲ ሚንስቴር የሶማሊላንድ አዲሱ ፕሬዝዳንት የሹመትና ቃለመሀላ ሥነ-ስርዓት ለመሳተፍ ወደ ሶማሊላንድ አቀኑ
  97. Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Ee JDFI Oo Kaqaybqaadan doona Caleemo-saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliland
  98. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ለአዲሱ የሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት ሹመት የእንኳን ደሳላቹ መልዕክታቸው አስተላልፏል
  99. MW CMC Oo U Hambalyeeyay Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland.
  100. በኢ.ሶ.ክ.መ.ምክትል ፕሬዝዳንትና የከተማ ልማትና ኮንስተረክሽን ቢሮ ኃላፊ የሚመራ የክልሉ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ወደ ሶማሊላንድ አመሩ