Ramadan Kariim 



 

      

Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 12aad Oo Si Rasmi Ah U Bilowday

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 5ta  June 2017. Waxaa guud ahaan dalkeena itoobiya ka bilowday imtixaankii heer qaran ee fasalka  12aad oo ah imtixaanka loogu gudbo heer jamacadeed..

Hadaba mas'uuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI oo kormeer ku marayay dugsiyada sare ee mmj ee uu ka socday imtixaanku ayaa waxaa kahadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kawarbixyay imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad ee ka bilowday guud ahaan dalkeena gaar ahaan deegaankeena  ayaa sheegay in imtixaanka heer qaran ee bilowday ee fasalka 12aad ee deegaanka ay ufadhiisteen in kabadan 9000 oo ardayda deegaanka ah islamarkaana ay sanadani tahay sanadii oogu badnayd ee ardayda faslka 12aad ufadhiisteen imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad islamarkaana . Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in imtixaanku socon doono mudo 3 cisho ah.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku sheegay in imtixaanka heer qaran ee fasalka 12aad ay ardaydu ka keeni doonaan natiijo wax ka ool ah maadaama uu xafiisku ku bixiyay juhdi iyo dadaal badan siday ardayda deegaanku kuwada helilahaayeen jaamacadaha dalka.  

Ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Daawaynta Cudurada Iskudhafka Ah Oo Ka Bilowday Guud Ahaan Deegaanka

Qabridahar(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa  guud ahaanba deegaanka gaar ahaan magaalooyinka qabridahar iyo dhagaxbuur ka bilowday ololihii talaalka cudurka jadeecada iyo daawaynta cudarada isku dhafka ah oo laga talaalayo caruurta da'doodu udhaxaysa 6 bilood ilaa 15 sano.

Hadaba agaasinka ka hortaga cudurada faafa iyo kor uqaadida hawlaha caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo ka hadlay ololahan ka bilowday magaalada dhagaxbuur ayaa sheegay inuu ololahani yahay mid ka hortag ah islamarkaana hadii aan laga dawaynin caruurta ay da'doodu udhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano uu keeni karo xanuunada sida nafaqa darada indhaxanuunka iyo xanuuno kale. Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay qaarkamid ah mas'uuliyiinta gobolka jarar iyo mas'uuliyiinta mm dhagaxbuur oo sheegay faaiidada uu leeyahay talaalkan.

Dhanka kale waxa uu  ololihii talaalka cudurka jadeecada iyo daawaynta cudarada isku dhafka ah ka bilowday mm qabridahar. Waxaana daahfurka ololahan ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada faafa ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Axmed Cabdulaahi Sugule oo sheegay inuu ololahan talaalkan yahay uu yahay mid muhiim u ah inay qaataan caruurta da'dooda udhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano islamarkaana uu talaalkan ka hortag uyahay cururo kala duwan oo kamid tahay cudurka jadeecada. Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay qaarkamid ah mas'uuliyiinta gobolka qoraxey iyo mas'uuliyiinta mm qabridahar  oo sheegay faaiidada uu leeyahay talaalkan isalmarkaana waalidiinta ku booriyay inay caruurta keenaan goobaha talaalka.

Shirkii Gudiga Fulinta Oo Qabsoomay Iyo Go'aamada Kasoo Baxay

 

 

 

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay kulankii caadiga ahaa ee gudiga fulinta XDSHSI oo mudo sadex bari ah usocday.

Hadaba kulankan oo lagaga wada hadlayay sii adkaynta dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo nidaamka maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saarayay qorshaha sanadka cusub ee 2010TI iyadoo xooga lasaarayo baahiyaha bulshada ee gaar ahaan dhanka biyaha oo qorshe ahaan loo qaatay in 1 ilaa 3 ay noqdaan biyo si baahida bulshada ee dhanka biyaha guud ahaanba loo daboolo iyo waliba dhinacyada Jidadka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha.

Waxaa kale oo uu gudigu kulankiisan caadiga ah kaga wada hadlay Sidii xoolo loogu gadi lahaa dadkii danyarta ahaa ee ay abaartu saamaysay xoolahooda iyo sidii looga gaashaaman lahaa hada kadib abaarta ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee soo noq-noqonaysa iyo waliba sidii nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah looga dhigi lahaa mid dagan oo xoolo-dhaqato beeralay ah iyadoo ladoonayo in xoolaha loo dhaqdo nidaamka casriga ah ee cad iyo caanaba kordhinaya iyo sidii ay bulshada deegaanku unoqon lahayd mid kafaaiidaysata waxsoosaarka dhulka dihin ee deegaankeena.

Dhanka kale gudiga fulinta ee XDSHSI ayaa isku-badal kusameeyay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xafiisyada heer deegaan iyadoo ay xafiisyada kale sidoodii yihiin. Waxaana loo dhigay sidan:

1. Marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ahayd wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI waxaa loo badalay  DDSI wasiirka xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI.

.2  Mudane Axmed Maxamed Koore oo ahaa wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee DDSI waxaa loo badalay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI.

3. marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo ahyad wasiirka Xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI, Waxaa loo badalay meel kale.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan iyo sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarineed, kuwa nabadgalyo iyo nidaamka maamulka suuban ee ku astaysan qorshayaasha sanadka cusub ee 2010TI uu XDSHSI dhigtay.

 

 

 

Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 10aad Oo Soo Gabagaboobmay Iyo Imtixaankii fasalka 8aad Ee Heer Qaran Oo Ka Ambabaxay Xarunta Deegaanka.

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa dhamaan dalkeena itoobiya  kusoo gabagaboobmay intixaankii heer qaran ee fasalada 10aad  oo sedexdii maalmood ee udanbaysay kasocdey guud ahaan dalka.

Hadaba wasiirka Xafiiska Waxabarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 10aad  uu si quruxbadan kusoo gabagaboobmay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaankeena . Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in sanadan 2009TI ay imtixaanka fasalka 10aad ufadhiisteen in kabadan 15,000 oo ardayda deegaanka ah islamarkaana uu imtixaanka  fasalada 10aad ee deegaanku uu ka qabsoomay  151 goobood oo deegaanka ah si fiican ugusoo gabagaboobmay.

Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 8aad loo qaaday dhamaan goobihii uu ka qabsoomi lahaa ee deegaanka islamarkaana ay imtixaanka heer qaran ee fasalka  8aad ee deegaanka u fadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo aradayda deegaanka ah.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Dhambal

Dhambal(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017.  Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Dhambal ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Dhambal iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada dhambal  islamarkaana loo adeegay bulsha  240 qof oo isugu jira 200 oo qof oo ladaweeyay iyo 40 qof oo lagu sameeyay qalniin, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla degmadaas dhambal ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  oogasii gudbi doona qaar kamid ah degmooyinka gobolka siti ayna ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Dhambal iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

 

 

Ololihii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ayshica Oo Lasoo Gabagabeeyay.

Ayshica(Cakaaranews) Sabti 3da June 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool  Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti  Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada ayshici iyo nawaaxigeeda ee  gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday  adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay  islamarkaana loo adeegay bulsha dhan  487 qof oo isugu jira 400 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 87 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, Geesta kalena ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada dhambal ee isla gobolka siti.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada ayshica iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

More Articles...

  1. Qiimayntii Maaliyadaha Heer Degmo Oo Lasoo Gabagabeeyay
  2. Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada iyo Maamulka Suuban Oo Ka Furmay Jigjiga.
  3. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashaka Ahaa Ee Ayshica Oo Galay Maalintii 2aad
  4. MW CMC Oo Soo Kormeeray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Wado MMJ
  5. Dufcadii 12Aad Oo Ka Qalin Jabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.
  6. Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Degmada Ayshica
  7. MW CMC Oo Afur Usameeyay Maamulada Gobolada Iyo Kabineega Degmooyinka
  8. Sanad guurada 26jirsatay Ee 20ka Ginbood Oo Si Balaadhan Looga Xusay Jigjiga
  9. Shir Isugujira Tababar Iyo khibrad-Wadaag Oo Lasoo Gabagabeeyay
  10. Shaqaalaha Wakaalada Jibriga Laanteeda Jigjiga Oo 139,000 Ugu Deeqay Bulshadii Abaartu Saamaysay
  11. MW CMC Oo Guud Ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Muslimiinta Itoobiya Ugu Bishaareeyay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan
  12. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Switzerland Oo Hambalyo Taageero Ah U Diray Dr Tedros Adhanom
  13. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Mashruuca RIF Oo La Soo Gabagabeeyay.
  14. MW CMC Oo Kawaramay Midhihii Guusha 20-ka Ginbood Hambalyana Udiray Dhamaan Shacabwaynaha Reer Itoobiya.
  15. 63 Gabdhood Oo Ka Qalinjabiyay Tababar Kusaabsan Hogaaminta Dugsiyada (School Leadership)
  16. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kawarbixiyay Qaabka Uu Udhacayo Imtixaanaadka Heer Qaran
  17. MW CMC Oo Hambalyo U Diray Dr Tedros Adhanom.
  18. Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Wajigii 4aad Ee Nidaamka Qiimaynta iyo Darajasiinta Shaqada Oo Ka Furmay Jigjiga
  19. Xubnaha Madasha Wadatashiga Golayaasha Heerar-kooda Kala Duwan Oo Tababar Loo Soo Xidhay.
  20. Dufcadii 1aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka Ee Qabridahar
  21. Shirkii Qiimaynta 6da Bilood Ee Mashruuca PSNP Oo Ka Fumay Magaalada Jigjiga
  22. Huteel Cusub Oo Laga Hirgaliyay MM tog-wajaale Ayaa xadhiga laga jaray.
  23. Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Xili Roobaadka Gu’ga Oo Ka Furmay Jigjiga.
  24. Tartan Aqoomeed Loo Hayay Ardayda Dugsiyada ee MMJ Oo Lasoo Gabagabeeyay
  25. Kulan Lagaga Arrinsanayay Diyaarinta Qorshaha Hawlaha Caafimaadka ee 2010
  26. MW CMC Ambabaxay Xarunta Dalka Ee Addisababa.
  27. Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Kaalin Shidaal Casriya.
  28. MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI
  29. Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.
  30. Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare
  31. Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.
  32. Tababar Ku Saabsan Daryeelka Caruurta Oo Kadhacay Degmada Marsin
  33. Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal
  34. Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.
  35. Jidka Wayn Ee Qoraxey Ee MM Jigjiga Oo Gabagabo Maraya
  36. Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.
  37. Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 5aad Galay
  38. Shir Khibrad Wadaag Ah Oo Ku Saabsan Xuska 20ka Ginboot
  39. Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal Kor Loogu Qaadayo Tayada Xoolaha.
  40. Degmada Goorobaqasa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Adeegii Daawaynta iyo Qaliinka Indhaha
  41. Shirwaynihii 8aad Ee Xog-iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo maalintii 3aad galay
  42. Kulan Lagu Daah-Furayay Hirgalinta Mashruuca iskaashiga Cilmibaadhista Oo ka Furmay Jigjiga
  43. Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 2aad Galay
  44. Ku Xigeenka Guud Ee hay’ada UNICEF Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga.
  45. Shirwaynihii 8aad Ee Wadatashiga Iyo Xog-Iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Si Rasmiya U Furmay.
  46. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Baabili
  47. Tababar Gaaban Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI
  48. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Jinacsani
  49. Maamulka Gobolka Galbeedka Hararge Ee Dawlad Deegaanka Oromiya Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyay Maamulka Gobolka Siti Ee Deegaankeena
  50. Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Ee Bilaashka ahaa Oo Ka Bilaabmay Gure-dhaamoole
  51. Xuskii 7Aad Ee Todobaadka Kulanwaynaha Tartanka Magaalooyinka Dalka Oo La soo Gabagabeeyay.
  52. Xafiiska Waxbarashada DDSI OO Sheegay In Loo Diyaargaroowbay Imtixaanaadkii Heer Qaran
  53. Mashruuca UPSNP ee MMJ Oo Shaqo Abuur Usameeyay 5000 Oo Qof
  54. Rajmantiga 15aad ee Ciidanka Gaarka Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Senterka Bashuuro
  55. Degmada Donod iyo Biyo-Xidheenadii Oo Buuuxsamay
  56. Bangiga Ganacsiga Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Wareejiyay Dhul Uu Ka Dhisayo Xarun Caafimaad
  57. Tababar Kusaabsan Kahortaga Xanuunada Faafa Oo Ka Furmay Magaalada jigjiga
  58. Mas’uuliyiinta Ugu Saraysa Dalka Oo Garoonka Caaalamiga Ee Bole Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dalka Somaaliya.
  59. Kulanka Wadatashiga Yoolasha Horumarka Waara iyo waxqabadkii qorshaha (GTP2ga) Oo Ka Furmay Jigjiga.
  60. MW CMC Oo Uduulay Xarunta Dalka
  61. Kulan ku Saabsan Dar-dargalinta Shaqooyinka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.
  62. MW CMC Iyo Waftigii Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  63. Deeq Caafimaad Oo Ay DDSI Gaadhsiisay Markii 3aad Magaalada Buuhoodle Ee Dalka Aan Dariska Nahay.
  64. Kulan Lagaga Hadlayay Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha oo ka dhacay jigjiga
  65. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariico Kaladuwan Oo Horumarineed.
  66. Sanadguuradii 7aad Ee Xuska 7aadka Cadaalada Oo Siwayn Looga Xusay Deegaanka
  67. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariicaha Waawayn Ee Waraabka
  68. Xuska 7aad Ee Todobaadka Forumka Magaalooyinka Dalka Oo Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Gondher.
  69. MW CMC Oo U Amba Baxay Xadhig Kajarka Mashaariicaha Waawayn
  70. Madaxwaynaha Golaha Sare Arrimaha Islaamka Dalka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka
  71. MW CMC Oo Sheekh Maxamed Xuseen Alaamudiin Uga Mahad Celiyay Deeqda Uu Soo Gaadhsiiyay DDSI.
  72. Wafti Ka Socday Mashruuca DRSLP Oo Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiinta Xukuumada DDSI.
  73. Tababar Loo Qabtay Kabineega Iyo Hormuudka Golaha Horumarinta ee Tuulooyinka Degmada Qalaafe
  74. Tababar Ku Saabsan Maaraynta Cudurada Dilaaca Oo La Soo Gabagabeeyay.
  75. Gudi Ka Socday Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada DDSI.
  76. Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.
  77. Tababar kusaabsan kafaaiidaysiga waxsoosaarka calafka iyo dalagyada kaladuwan
  78. Ciidanka Difaaca Qaranka Dalkeena Qaybtiisa Qoraxay Oo Deeq Raashin iyo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Senterka Ceelbakool
  79. Kulan hoos loogu Dhaadhicinayay Hirgalinta Heshiiskii Labada Deegaan Oo ka Dhacay Deridhawa.
  80. Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca (DRDIP) Oo Ka Qabsoomay Magaalada Qabribayax
  81. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Magaalada Dire Dawa
  82. Senterka Daarusalaam Iyo Deeq Raashin Ah Oo La Gaadhsiiyay
  83. Tababar Ku Saabsan Isticmaalka Aalada Computerka Oo Loo Furay Maareeyayaasha Tuulooyinka
  84. Jaamacada Qabridahar Oo Dhismaheedu Meel Fiican Marayo
  85. Shirwaynihii 7Aad Ee Tayada Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Oo Ka furmay jigjiga.
  86. Xuska Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fir-cooniga Ah Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusya jigjiga.
  87. Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah DDSI Oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Iibka Iyo Xisaabaadka PSNP
  88. MW CMC Oo Kahadlay Hirgalinta Heshiiska iyo Digniin kuwajahan
  89. Garoonka Caalamiga Ah Ee Sida Casriga ah Loo Dhisayo Oo Si Habsamileh Usocda
  90. MW CMC Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Soohdinta Labada Shacab
  91. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Caasimada Deegaanka.
  92. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada Ayaa Ka Qabsoomay Boqolmaayo
  93. Filtu Oo Lagusoo Gabagabeeyay Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Gobolka Liibaan
  94. Ololo Balaadhan Oo dhanka Nadaafada Ah Oo Kadhacday Degmada Qalaafo
  95. Kulan Ku Saabsan Hirgalinta Xidhmaha Horumarinta Dhalinyarada Oo Ka Dhacay MM Wajaale
  96. Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 4aad
  97. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada.
  98. Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ
  99. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.
  100. Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad