Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gobolka Liibaan oo Waxqabadkii 6da Bilood Horumarka iyo Dibudejinta ku Mutaystay Abaalmarin.

Liibaan(CakaaraNews)Axad Feb 03,2013.Maamulka Gobolka Liibaan ayaa Natiijo fiican ka keenay Dhanka waxqabadkii Qorshaha 6dii bilood ee la soo dhaafay,mar aanu maanta khadka telefoonka kula hadalnay Gudoomiyaha Maamula Gobolka Liibaan ayaa uu noogawaramay in Dhanka Mashaariicda Horumarineed Kaalin fiican laga gaadhay una kala qaaday sidan. Dhanka Biyaha Gobolku wuxuu Barnaamijka Biyo Aruurinta(Kaydka Biyaha) ka hirgaliyay Deegaamo badan iyadoona Biyo Galin loo sameeyay Degmada Hudat oo ka tirsan Gobolka Liibaan ayuu yidhi.

Dhanka Wadooyinka:Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Wadada Isku xidha Hudat iyo Mubaarak ay meel fiican marayso iyadoona Doorka Shacabku uu yahay mid ku Baraarugay ka qaybqaadashada Horumarka ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Gobolka Liibaan ayaa Tibaaxay in Guud ahaanba 6da Degmo ee Hoos yimaada Maamulka Gobolka Liibaan uu Horumarku si siman uga Socdo,iyadoona Barnaamijka Dibudejinta si fiican uu uga hirgalay Goobihii loo Qoondeeyay Taasoo aanu ku Galnay Qiimayntii Kaalinta 2aad oo aanu ku xigno Godey oo gashay kaalinta 1aad ayuu yidhi.

Wasiirada Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ayaa Shaacisay in Qorshihii Xafiiska ee 6dii Bilood ee La Soo Dhaafay Guulo Wax Ku Oola Laga Gaadhay Dhanka Biyaha.

Jigjiga(cakaaraNews)Axad Feb 03,2013.Wasiirada xafiska Horumarinta Khayraadka Biyaha eDDSI Marwo : Fartuun Cabdi Mahdi oo u waramaysay warbaahinta Degaanka somaalida itoobiya ayaa ka warbixisay qorshihii 6dii bilood ee lasoo dhaafay sanad misaaniyadeedka u yaalay xafiiska tilmaantayna in guulo fiican laga soo hooyey kor u qaadida helida biyaha nadiifta ah Miyi iyo Magaalaba islamarkaasina uu xafiisku ku talaabsaday guulo la taaban karo 6 dii bilood ee lasoo dhaafay .

Bulshada ku dhaqan degaanka somaalida ayaa si ay u helaan biyo nadiif ah oo ku filan ayaa Xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu ahmiyad balaadhan siiyey ka fa’idaysiga iyo hirgelinta barnaamijka biyo ururinta oo guud ahaan ka socota degaanka islamarkasina waxweyna ka qaban doonta Baahida biyaha uuna barnaamijku ugu hirgalay sidii ugu haboonayd .

Micnaha Odhaahda ah Biyo Aruurin ayaa loola jeedaa Barnaamij laga hirgaliyay Degmoyin iyo Tuulooyin badan oo ay ka jirtay biyo yaraan,islamarkaana looga sameeyay Bulshada iyo xoolaha ku dhaqan meelaha baragaha laga isticmaaloBaliyo iyo Baraago loogu kaydiyo Biyaha si ay xoolaha iyo dadkuba uga faaiidaystaan.

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in lagu guulaystay in la qodo ceelel badan oo kuwa dhaadheer ah lixdii bilood ee lasoo dhaafay islamarkaasina ay ka faa’idaysanayaan bulshada degaanka iyadoo dhanka kalena la sameeyey biyo galino magaalooyin iyo tuuloyin lana xoojiyey helida biyaha goobaha ay xukuumadu ka wado degaanka sidoo kalena Xafiisku uu lixdii bilood ee lasoo dhaafay uu ku guleystay sameynta daraasado dhanka biyaha dhulka hoostiisa ah.

Iyadoo waraysigan kaga hadashay dhaman wax qabadkii 6dii bilood eelasoo dhaafay ayaasheegtay in loo baahan yahay dhamaan hawl wadeenada Xafiiska Horumainta Khayraadka Biyaha ee DDSI Heer degaan,heer degmo ,shirkadaha ku hawlan horumarinta khayraadka biyaha iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin in ay sii xoojiyaan hawlaha horumarinta khayraadka Biyaha si bulshada ku dhaqan degaanka u helaan biyo nadiif ah oo ku filan .

Xukuumada DDSI oo Diyaargarow Balaadhan ugu Jirta Munaasabada Heer Qaran ee Maalinta Ciidanka Qaranka DFI oo Lagu qaban Doono Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(cakaaraNews)Sabti Feb 02,2013.Shaki kuma jiro in Isbedelada Horumarineed ee xawliga ah kana taabo galay DDSI in uu soo jiitay Indhaha Dawlada Federaalka Itoobiya islamarkaana Munaasabadaha Heer Qaran ay Noqotay Magaalada Jigjiga Goobaha Badanaa loo xusho maadaama ay leedahay Goobo ay Ergooyinku degi karaan iyo Masraxyo ku haboon Shirarka iyo barnaamijyada kalaba. Hadaba Maalinta Khamiista ah ee Fooda inagu soo haysa ayaa Magaalada Jigjiga lagu Qaban doonaa Xuska Maalinta Ciidamada Qaranka DFI oo ay Dhamaanba Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada DFI ugu sareeyaa ay isugu iman doonaan Magaalada Jijiga.

Dhanka Xukuumada DDSI oo Martigalinaysa Munaasabadan Heer Qaran ayaa Diyaargaroow balaadhan maalmahanba ugu jirta Meelihii ergooyinka lagu qaabili lahaa iyo Masraxyada ay shirarka Ciidanku ka dhici doono.

Waxaa hubaala in aynu wada ogsoonahay in Ciidamada DFI in ay Guulo wax ku oola ka soo hooyeen Halgankii ay xukunka kaga tuureen Dhiigya cabkii mingiste,Liberia,Soomaaliya,Sudan iyo Guud ahaanba Sugida Amniga iyo Xuduudaha DFI,iyagoona hadba meeshay joogaan shacabka kula dhaqma si waafaqsan Geneva Convention.

Xuska Maalinta Ciidanka Qaranka DFI ayaa waxyaabo badan oo Siyaasada iyo Amniga Dalka khuseeya lagu gorfayn doonaa iyadoona DDSI inta badan ay Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice Fadhiisimo Ciidameed ku leeyihiin oo ay Nasiyeen Ciidamadii Federaalka Sugeena Amnigii

Kumanaan Qof ayaa ka Qayb Gashay Aaskii Heer-Qaran ee Suldaan Cabdi Cali Sonkor.

Kismaayo(cakaaraNews)Sabti Feb 02,2013.dayuuraddii waday meydka Marxuumka Ayaa Cagadhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Kadibna laga soo dajiyey naxashka u Ku jiray Maydku oo huwanaa calanka Soomaaliya halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya oo ka Qaybqaadanayay hab maamuuska aas-qaran uu leeyahay.

Waxaa goobta ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge, Gudoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe, ku xigeenka gudoomiyaha KMG ah ee Kismaayo Yaasiin Raadaar, Xildhibaano uu ka mid ahaa Cabdirishiid Xidig, Odayaasha dhaqanka oo ka kala yimid Xamar, Dhoobleey, Gedo iyo kenya, iyo waliba ehelka suldaanka oo ka yimid Maraykanka iyo Meelo kalaba.halka ay boqolaal dad oo kale ay aaska dartii uga yimaadeed yurub iyo maraykankaba.

Suldaanka ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha Baar-Caleen oo ah meel u dhaxaysa garoonka Dayuuradaha Kismaayo iyo Magaalada Kismaayo.

Wariyahayaga Afrikada bari oo ka qayb galay Aaska ayaa noo sheegay in baabuurta kaliya ee ka qeyb-gashay ay dhanayd labbo boqol oo gaadhi, iyadoona dadka safkooda uu Teedsanaa inta u dhaxaysay laamiga bartii Maydka laga soo qaaday ilaa Qabuuraha, kana soo qulqulayay magaalada iyo baadiyaheedaba, waloow ay jirtey xakameyn badan amaanka dartiis.

Suldaan Cabdi ayaa waxa uu xilkan qabtay 80tamaadkii kadib markii uu dhintey walaalkiis Suldaan Daahir Cali Sokor.Suldaan Cabdi waxa uu ka mid noqday ciidankii xooga dalka Somaliya 60damaadkii,maadaamaa uu ahaa nin itaal iyo qawi kulansaday, markii dambe xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladdii Soomaaliya.

Intii uu hogaanka dhaqanka uu u hayay Jubooyinka waxa uu siweyn ugu guuleystey in beelaha goboladaasi uu ka baajiyo dagaalo badan oo sokeeye oo dhiig badan ku daadan lahaa taasoo ah Calaamadaha uu lahaa ee lagu yaqaanay, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa dhamaan wadahadaladii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya dowladda loogu dhisayay, isagoo wax kasoo dhisey dowladdan hadda ka jirta Soomaaliya.

War deg deg ah Dhobley: Cabdullahi Cali Sonkor oo la Caleemo Saaray.

Kismaayo(cakaaraNews)Sabti Feb 022013.War deg deg ah oo naga soo gaaray Wariyaha Noo Jooga Afrikada Bari ayaa Sheegaya Magaalada Dhoobley in daqiiqada ka hor lagu Caano Shubay Cabdullahi Cali Sonkor, waxaana magaalada Dhoobley is qabsatay rasaas kor loo ridayay damaashaadka oo lagu soo dhaweynayo Suldaanka Cusub ee Aji ee Gobalada Jubboyinka,walow dhanka kalana ay Dadka ka muuqatay Murugo Geridii Ku Timid Suldaan cabdi Cali Sonkor oo Maanta Aas Heer Qaran ah lagu Aasi Doono Magaalada kismaayo Iyadoona ay ka qayb gali doonaan Dad badan oo ka kala tagay Dibada iyo Dalkaba.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Odeyaasha dhaqanka Caleemo saaray Suldaanka Cusub ayaa maanta lagu waday in ay ka soo qeybgalaan aaska Suldaan Cabdi Cali Sonkor ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo, balse waxaan wali Sugayaan Diyaaradii Sooqaadi laheyd oo ka dib dhacday oo aan wali u tagin.

Shir Lagaga Wadahadlayay Ilaalinta Xuquuqda Caruurta.

Jigjiga(cakaaraNews)Jimce feb 01.2013. Kulankan ayaa ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI iyo haayada Unicef ujeedadiisu ahayd sidii loo dajin lahaa qorshaha xuquuqda ilaalinta caruurta ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay haayadaha cadaalada, DDSI maxkamada, xafiiska Arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada.

Warbixin uu ka soo jeediyay kulankan wasiir kuxigeeka wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Mubashar Dubad Raage ayaa uu tilmaamay in qorshahani yahay mid loo dejiyay islamarkaana lagu dar dargalinayo ilaalinta xuquuqda ilaainta dhalaanka wuxuuna sidoo kale tibaaxay in mashruucan lagu dajinayo ilaalinta xuquuda caruurtu yahay mid balaadhan kaasi oo kor loogu qaadayo ka hortaga xad gudub loo gaysto caruurta.

masuulku isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in xafiisyada Arimahani u xilsaarini iyo haayada unicef oo ah hay'ada ay ujeedada ugu wayn ee shaqadeedu tahay ilaalinta dhalaanka ay si qoto dheer u lafa guraan habka qorshahaasi loogu guulaysan lahaa islamarkaana loo soo bandhigi lahaa dhibaatooyinka ka hor imankara qorshahan wuxuuna tilmaamay masuulku in uu qorshahani oo socon doono mudo 3 sanadood.

sidaa daradeedna waxa uu masuulku ku booriyay haayada iyo xafiisyada ay qorshani u gaarka yahay in ay sidii loogu talagalay u fuliyaan. Masuuliyiintii ka soo qaybgashay kulinkaasi ku saab sanaa qorshaha ilaalinta xuquuqda caruurta ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka xafiiska cadaalada DDSI mudane C/risaaq Dayib Xassan wuxuun sheegay in qorshahani uu yahay mid wax badan ku soo kordhinaya ilaalinta xuquuda caruurta waana mid kor loogu qaadayo ayuu yidhi wasiirku nidaamka cadaalad siineed ee dhalaanka.

Dhankiisa waxaa iska madashaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga garsoork ee xafiiska makamada guud ee DDSI mudane C/laahi Maxamuud Cabdi isaga oo sheegay in nidaamkani oo hada ka hor socon jiray oo dhamaan degmooyinka iyo gobolada dalka gaadhay kan maantuna yahay mid lagu sii dar dargalinayo qorshayaashaasi ka xafiis ahaana ka soo dhalaali doonaan kaalinta kag aadan qorshahaasi.

Ugu danbayntii waxaa dhankiisa ka hadlay komishineerka komishinka asluubta ddsi mudane Jamaal wuxuuna sheegay in ay ka xafiis ahaan arintani ilaalinta xuquuqda caruurta ay ahayd mid ka mid ah shaqooyinka ugu mihiimsan ee uu xafiiska hayo qorshana uu sii xoojinayo shaqooyinkiisii xafiiska.

Isku soo wada duub oo qorshahani ayaa ah mid haayada iyo xafiisyada ay qusayso mid waxay uga taridoonka ilaalinta xuquuqda dhalaanka Qore mukhtar mahamed

More Articles...

  1. Maamulka Degmada Dh/buur iyo Maamulka Gobolka Jarar oo Bilado Dahab ah Ku Mutaystay Waxqabadkii 6dii Bilood.
  2. WAKAALADA DHISMAHA HAWLAHA BIYAHA DDSI AYAA QALAB- CULUS OO LOO ADEEGSANAYO HORUMARINTA DHISMAHA Biyaha U RARTAY MASHRUUCA GALBEEDKA-GODEY EE GOBALKA SHABEELE .
  3. Jaaliyada kunool gobolka MN ee waqooyiga ameriga ee kasoo jeeda DDSI oo tacsi tiiranyo leh udireysa geerida kutimid suldaan abdi ali sonkor
  4. Ururka SEDYO ee Minniapolise iyo Sweden ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Ugaas Cabdi Cali Sonkor.
  5. Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Kuxigeenku oo Maanta Ka Qayb-galy Saladii Jinasada Lagu Tukaday Ugaas Cabdi C.Sonkor Tacsina u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii.
  6. Ugaas Laba-qayd oo Si Heer sare ah Loogu soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wiil-Wiil
  7. Xafiiska Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta DDSI oo Qiime Dhimis ku sameeyay Qiimaha Tagaasida Magaalada Jigjiga.
  8. Inaalilaahi wa inaa ileyhi Raajicuun Madaxweynaha DDSI oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Eheladii uu Ka Geeriyooday Suldaan Cabdi Cali Sonkor.
  9. Waftigii Xukuumada DDSI ee Joogay Nairobi oo Maanta Ku Dhawaaqi Doona Dhismaha Jaaliyadda DDSI ee Kenya.
  10. Munaasabad Sagootis iyo Abaal-marino Lagu Siiyay Maamuladii Degmooyinka iyo Gobolada.
  11. Jaaliyada Galbeedka Australia(Perth) oo Soo Dhawaysay Ambasador Markos iyo Kulamo
  12. Nabadiid iyo Colorado ooBogaadisay Siidaynta Maxabiista
  13. Kulan ay Ujeedadiisu ahayd Ansaxinta Doorashooyinka oo ay ka soo Qaybgaleen 4 urur oo qalinka lagu duugay heshiisyo siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada jijiga.
  14. 20th AU Summit concludes passing various decisions
  15. Ethiopia elected to lead African Union
  16. Wasiirada Xafiiska Haweenka DDSI oo Qado-sharaf Ugu Samaysay Hotel-Xamda Qurbajoog Ka Kala Timid UAE,Yurub,Ameerika iyo Australia.
  17. Cadceed Soo Baxday Sacabada laguma Qarin Karo Waftigii Xukuumada iyo Dhalinyaro Midigaysatay Neecawda Nabadeed.
  18. Tiradii ugu Badnayd Abid ee laga Sii Daayo Xabsiga Dhexe ee DDSI.
  19. Waxaa Shalay oo Taariikhdu ahayd 26/1/2013 lagu xusay magaaladan göteborg xaflad ay si heersara ah u soo agaasimeen dhalinyarta ururka SEDYO IN SWEDEN oo Ah Xuska Maalintii La Askumay DDSI
  20. Hay'ada Somali Releif Agency(SRA)oo Deeq Qalabka Waxbarashada Ah Gudoonsiisay Dugsiga Waxbarashada Qaxootiga Sheed-Dheer.
  21. Ferguson oo ka hadlay saxiixa Zaha iyo mustaqbalka Ferdinand
  22. Waftigii Madaxweyne Ku Xigeenku Hogaaminayay oo Ku Mashquulsan Diiwaan-gelinta Dhalinyaradii UBBO Maskaxda Ka Xaday oo Garwaaqsaday Tubta Nabadda.
  23. Xuskii 14aad ee Xoolodhaqatada DFI oo lagu qabtay Deegaanka Oromiya.
  24. PM Hailemariam says gov’t committed to improving life of pastoralists
  25. Dabaal-Dagii 1aad ee Abid Lagu Xuso Aqoonsiga Xuska Maalinta Dhididabada Loo aasay DDSI oo Maanta Siweyn Looga Dabaal-degay Jigjiga
  26. Xafiiska Horumarinta Wabiyada IYO Dooxooyinka EE DDSI Ayaa Gaadhsiiyay Gobolada uu ka Socdo Barnaamijka Dibu-dejinta 64 Matoorada Biyaha Loo Isticmaa WAX-soosaarka Dalaga Beeraha.
  27. Koobkii Ciyaaraha Afrika oo Ay Caawa Isku Haleeleen Xulka Qaranka Itoobiya iyo Xulka Haysta Koobka Horyaalka afrika ee Sambiya Kuna Dhamaatay 1-1.
  28. Breaking-News Madaxweynihii Eriteria oo Ay Xukun Milatari Soo Wajahday
  29. Ogaysiis:-Dhamaan Qurbajoogta Soomaalida ee Caasimada Imaaraadka Carabta iyo Nawaaxigeda Bandhig-Faneed Loogu Talo-galay Fund Raisig Biyo-xidhenka Abbay iyo Nimco-Wadani(Dareen)oo Wacdaro Ka Dhigi Doonta.
  30. Madaxweynaha DDSI oo manta ka hadlay xuska maalinta 15 TIR
  31. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka wasaarada caafimaada oo socdaal shaqa ku jooga Gobolka Nogob ayaa booqday goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada fiiq.
  32. Mo Farah oo noqday qofkii ugu horeeyay ee bini aadam ah oo ay Copy ku sameyso boqorada Ingriiska Queen Elizabeth
  33. Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenku oo Shir Aad u Balaadhan Ku Qabtay Gudaha Safaarada Ethiobiya ee Nairobi.
  34. Waftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka DDSI oo Shir aad u balaadhan ku Qabtay Badhtamaha Islii Hotel Nomad.
  35. Xafiiska Hanti-dhawrka Guud oo Dardar Hor Leh Galiyay Ka Midho Dhalinta Qorsho-Sanadeedkii Horumarineed ee u Yaalay Qaab-dhismeedka Dawlada
  36. Lax Dhukani Col iyo Abaarba Moog,UBBO oo Isku Dayday In ay Boobto Raashin Ay Qaybinayeen Maleeshiyo-Beelaadka Arooy oo 25 Laga Dilay 7na Gacanta Lagaga Dhigay.
  37. Gudiga Heer Qaran DFI ee Sii Ambaqaadida Jihooyinkii Meles(Meles Legacy) oo Galabta Shirkii 3aad uga Furmi Doono Addis Ababa.
  38. Wasiirka Madatooyada DDSI oo sheegay in Tir 15 keedu tahay maalin qiime wayn ugu fadhida shacabka DDSI.
  39. Waftigii Xukuumada DDSI ee Nairobi oo Shir Ku Qabtay Badhtamaha Islii Hotel Nomad iyo Cabdi-sonkor ku Dhaga-dhagaystay UBBO.
  40. Xukuumada DDSI,Odoyaal-dhaqameedka DDSI,Ururka Silent Cry iyo Qaybaha Kale ee Bulshada oo u Hambalyeeyay Wacdaaha Taariikhiga ah ee Minniapolise.
  41. Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii ay Ka Geeriyootay Cibaado Garaad Dool Garaad Xirsi.
  42. wasiirka Horumarinta Jidadka DDSI oo Mahadnaq Balaadhan u Jeediyay Dhamaanba Qurbajoogtii Ku Gadooday Saamilayda Caadaysatay Gaboodfalada Shacabka ee UBBO.
  43. Madaxweyne Ku xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI oo Socdaal Dardar-Galinta Dhismayaasha Bridgeyada Maya-muluqo,Geel-doox,Qubbi iyo Salaxaad.
  44. UBBO oo Ay Harqiyeen Mawjado Ka Dhiidhiyay Damaca Axmaqnimo ee UBBO iyo Caruurtii Qaaxo Ku Soo Aruursaday Mawlaca oo Gacmaha iskula tagtay.
  45. MInniapolise oo Jabisay Recordka Taariikhda DDSI iyo UBBO oo Godkeedii Biyo ugu Galay(AduunoowXaalkaa Ba').
  46. Jaamacada Jigjiga oo ay Maanta Ka Qalin Jabiyeen Arday Dhan 522 iyo Madaxweynaha DDSI oo Ku Booriyay in Aqoonta Loogu adeego Aqoonta shacabka.
  47. wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI oo ka Degay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi.
  48. Gaboodfalada Waxashnimo ee UBBO ay u Gaysatay Shacabka DDSI.
  49. John Terry oo diyaar u noqon doona kulanka Chelsea iyo Arsenal 20ka Bisha January.
  50. Man United oo ku soo biirtay loolanka Iibsiga Loogu Jiro Xidiga Reer-Belgium Marouane Fellaini
  51. Wasaarada Caafimaadka DFI oo 30 Ampulance oo Cusub Soo Gaadhsiisay Jigjiga iyo Madaxweynaha DDSI oo Ka Bixiyay Fariin u Adeegida Bukaanka.
  52. Maxaabiis Magac Leh oo Laga Keenay Xabsiga Suway oo La Fialyo in ay Ka Mid Noqon Doonaan Maxaabiis Badan oo Dhawaan Ooda Laga Qaadi Doono.
  53. Inaa-lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun ah Geeri Naxdin Leh C/yare Iimaan oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur.
  54. Degmada Dhanaan oo uu Ka Socdo Ololihii ugu Balaadhnaa Sanadkan Dhanka Dawaynta iyo talaalka Xoolaha Nool.
  55. Inkastoo aanan Weli heshiis laga saxiixin hadana Benitez waa uu diiday in Lampard ku biiro Man United
  56. Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Hambalyo u Diraya Mataanaha Ururka ee Laga Dhisay Sweden.
  57. Xafiiska Ka Hortaga iyo Xakamaynta Hiv/Aids ee DDSI oo Dadaalo Wacyi-galineed ka Wada Dhamaanba Qaybaha Bulshada ee Degmooyinka.
  58. Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI oo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Ganacsatada Reer Kenya Hotel-Nogob.
  59. Madaxweynaha DDSI iyo Marwadiisaoo Qado-Sharaf ugu Sameeyay Gurigooda Ganacsato Qurbajoog Ah oo Ka Kala Timid Dalalka Australia iyo Kenya
  60. Madaxweynaha DDI oo Maanta Xadhiga ka Jaray Mashruuca Wadada Cobble-Stoneka ee ay Maamulka Magaalada Jigjiga Ka sameeyeen Xarunta Maamulka DDSI.
  61. Kulan aad U Balaadhan oo Gudaha Safaarda DFI ee Uk Uga Socda WaftigaXukuumada DDSI iyo Qurbajoogta Uk.
  62. Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Dibucurasho Ku Sameeyay Adeegbixinta Qaar Ka Mida Awoodahana U Dhaadhiciyay Maamulada 10ka Xaafadood.
  63. Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI oo hogaaminta Dhexe ee Tababarka Dhamaystay kala dardaarmay in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan mashruuca biyo xidheenka wabiga Abay.
  64. Madaxwayaha DDSI oo Booqday mashruuca biyo ururinta ah ee laga wado ee tuulada waaji oo ka tirsan degmada jijiga.
  65. waftigii xukuumadda DDSI oo Tegay Los-Angeles Lana kulmay Safiirka DFI u Fadhiya Los Angeles.
  66. Ogaysiis:Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenka oo London Yimid iyo Shir Ka Dhici Doona Sabtida Safaarada DFI ee London.
  67. Kulan Xogwaraysi iyo Wadatashi Ah oo ay Galabta Isugu Yimaadeen Dhamaan Hogaaminta Dhaqanka DDSI,Madaxweynaha DDSI iyo C/nuur-yare iyo Waftigiisa
  68. Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog Ka Timid Australia oo DDSI Maalgashi Ka Samaysanaya.
  69. Hogaaminta Sare,Kaadiriinta Garabka Asmara iyo C/nuur-yare oo Video-Conference Kula Hadlay Maanta Xukuumada DDSI.
  70. Tababarka Hogaaminta Dhexe ee Wajigii 2aad Ayaa Gebogebo Ku Dhaw iyo dardaarankii Gudoomiyaha XDHSI.
  71. Kulan ay wada yeesheen ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska aya soo gabagaboobay
  72. sagaaro Xaar Muuqday Aastaa Ubbo oo isku Dayaysa in ay u raad Gado Dilka Deeq Dhagoole 3 Cisho ka dibna Si kale U sheegto.
  73. C/nuur-yare Jawi farxad-Nabadeed si loo Abuuro waa in Maxaabiista La Sii Daayaa iyo Madaxweynaha oo Ka Aqbalay.
  74. War Deg-Deg Ah Shiftay Sheekh Deeq(Dhagoole) oo Geeriyooday Maxaase Sababay Dilkiisa?
  75. Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.
  76. Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.
  77. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.
  78. Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.
  79. Falanqaynta Quruxda:-Ma La Socotaa 11ka Xidigaha Kubada Cagta ee ugu Xaasaska Qurxoon
  80. MO-Farah oo Magaciisu u Ekaaday Magac Nin Argagaxiso ah oo La Raadinayay Mudana Lagu Yara Xanibay Garoonka Diyaaradaha Portland(USA).
  81. Golaha Capinetka DDSI oo Shir Maanta Isugu Yimid Kuna Ansaxiyay Qodobo Muhiima.
  82. Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirad ku-xigenada xafiiska madaxtooyada DDSI ayaa kormeer hawleed ku tagay Goobaha Tuulada Geri'Goan laga dhisayo Mahaariicaha Aas-aasiga ah.
  83. Deeqday Dugsiyada Hooyga Agoonta ee Jigjiga iyo Fiiq labo gaadhi, Manhaj iyo Laydhadh Solar ku Shaqeeya.
  84. Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/kuxigeenka DDSI oo Maqaaxida Molka 24aad ee Minniapolise(Shaah Macan)Kula Saaheeyay Qurbajoogta.
  85. Jaaliyaadka DDS oo ra'isulwasaare Meles kusoo dhaweeyey Columbia University, quusna galiyeen taageerayaasha mucaaradka
  86. Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY
  87. Imtixaanka Guud ee Bari ay Ufadhiisanayaan Fasalada 10 &12 & Heerka Waxbarashada Waxqabadkii Saddexdii Sanno ee Ugu Dambaysay
  88. Doorashooyinkii X/xildhibaanada Dagmooyinka & Xaafadaha DDS oo si nabad galyo ah kusoo gabagababoobay
  89. Ciyaartooygii DDS Oo Guulo Waawayn Kasoo Hooyay Ciyaarihii Qaranka Itoobiya Ee lagu Qabtay Casimada A.A