Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Dool Garaad Xirsi oo Si Kulul Ula Hadlay Dadka Quuta Garaamada Qaxootinimada Dalalka Dibada ee Hoosaasinaya Beelaha Bartire,Abaskuul iyo Yabaree.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis May 23,2013.Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo goor dhawayd uun khadka telka kula soo xidhiidhay shabakada Cakaaranews ayaa si kulul uga hadlay shaqsiyaad uu ku tilmaamay calooshood u shaqaystayaal oo Telefoon Gaajaysan oo uu ka dhex hadlayo kaarkii Qaxootinamda ka soo dira Dibadaha ugtana digay in ay cawaaqibxumo kala kulmi doonaan hadii ay farha kala bixi waayaan Arimaha Beelaha Yabaree,Abaskuul iyo Bartire ee hadhsanaysa Dalada Garaadkooda oo aanan marna u ogolayn Taariikh xumo ayuu yidhi Garaadku.

Garaadka ayaa carabaabay in Jidwaaq ay u hogaansan tahay Dastuurka DFI iyo kan Deegaankaba leeyihiina Xeerbeeg iyo Odoyaal-dhaqameed taladooda sida xeerka iyo dhaqanka so jireenku yahay aan laga talaabsan karin,iyadoona maanta la haysto xukuumadii ugu cadaaladsanayd intii Deegaanka soo martay oo u dhega nugul wax ka qabashada Cabashada Dastuuriga ah ee Shacabkeeda xataa u guuraysa ka warqabka xaaladaha Nololeed ee meel kasta oo uu shacbkeedu ku nool yahay ilaa heer tuulo,wax laga yaxyaxana tahay Arinta Dhulka ee ay Shaqsiyaad Dano Nabad-diid lihi u soo dhexmarayaan Jidwaaq sharciyada Dhulkana wada ogsoonahay in Dawladu leedahay loona soo saaray Xeerar iyo Awaamiir Dastuuri ah oo ku saabsan maaaraynta Dhulka iyo lahaanshihiisa sida Aduunwaynaha ka jirta. dad ay jiraan Dhanka kale Mar uu ka hadlayay Garaadku Qaar Dilaaliin Cunsuriyiin ah oo ay balag u luleen Qaar Dibadaha jooga oo Heshiis Hadhuudhaysi ah la galay Ina Cumar Dacay oo telefoon ka soo dira iyadboona ay ka carareen Qiimayntii Odoyaasha Beesha Jidwaaq ay ku lahaayeen Jigjiga kuwaasoo badankood ahaa Cellal nabaddiid ah loona hayo cadaymahoodii islamarkaana ay nabaddiidka u furan tahay kaliya in ay u hogaansamaan dastuurka DFI iyo kan DDSI.

Garaadka Guud ayaa Cambaareeyey Telefoonaa Dibada iyo Dilaaliinta Ceelalka ah uguna Baaqay Dhamaanba Dadka ka soojeeda Beelaha Bartire,Abaskuul iyo Yabaree in ay Cambaareeyaaan Dadka Damacsan wasakhaynta Magaca Beesha ee Gabiga Dibadaha Taagan.iyadoona cidkasta oo Dastuurka ku xadgudubtaa Sharciga lala tiigsan doono iyadoo hada qaarkood Gacanta Sharciga Dawlada ku jiraan inta hadhsana aan ku raad joogno ayuu yidhi garaadku.

\Waxaanan wali Gacantayaa soo galin Baaq ay beesha jidwaaq oo uu Hogaaminayay Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi ka soo saareen Shir balaadhan oo ay maanta magaalada jigjiga ku yeesheen Dhamaanba Odoyaasha,Aqoonyahanka,siyaasiyiinta iyo Qaybaha Bulshada anagoona idiin soo daabici doona Qodobada Baaqa.

Garaadka ayaa hadalkiisii k soo koobay Lo'eey nimaan ku soo fulin doonin yuusan ku soo aroorin kuna tilmaamay Islaantii Awrka Cirka Aragtay ee Dameerteedii Jarka ka tuutay,Halganka Dusuuda iyo Caagadaha Reerka Lagu bahdilayo lagama Yaabo ee kii Abaskuul,Yabaree iyo Bartire wax u tarayoow wiilashaada Nabad-diidka halganka Dusuuda Buladari io Mooyaha uga yeedha Markaad Gurigaaga Nadiifiso ayaad Guri kale ka hadli kartaa.

General Maxamed-Qayo oo aanu Ka waraysanay Arimaha Nabadgelyada Deegaanka Si Xeeldheerna Uga Faalooday.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis May 3,2013.General Maxamed Maxamuud C/laahi(qayo) ayaa sheega in arimaha Nabadgelyada Deegaanku ay 100%100 meel aad u fiican marayaan Xukuumaduna u jeedsatay Arimaha Horumarka iyadoona ay Goboladii loo aanayn jiray Nabadgelyo darada ee ay ka midka ahaayeen Qoraxey,Jarar,Nogob iyo Doolo ay yihiin kuwa ugu xasiloon oo ay Nabad balaadhani ka jirto wakhti xaadirkan Horumarkuna ka hanoqaaday iyadoona UBBO ay Noqotay wax dhintay,wax wadankaba ka baxay iyo Qaar nabada qaatay oo Horumarka Deegaanka iyo Nabadgelyada Baal ka galay iyadoona Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba Aragti Ahaan iyo Cudud ahanba Uga baaba'day UBBO,balse Tuulooyinka Bulodari iyo Mooyaha ay ka sii jiraan Nidaam Masagaysi ama hadhuudhaysi ah ka dib markii UBBO markii gabaad ka wayday jarar Qorshaysatay in ay ka dhex hadasho Dad isku magacaabay Jidwaaq iyadoona ay jiraan Shaqsiyaad ay Heshiisyo la soo galeen Sida Cabdi Yoonis oo ay Ina Cumar dacay Maraykanka isku soo arkeen kana mid ahaa Cabdi Yoonis Dad uu ka mid ahaa Suldaan Fowsi Cali Cabdi oo Ina Cumar dacay kula kulmay Bohololeey oo ka mida Degmada Dh/buur ayuu yidhi.

Sidoo kale Ina Cali Mahdi oo Waligiiba UBBO ahaa iskuna fashiliyay Shir-beeleedkii Jidwaaq sheegayna in uu Dhanka Saadka iyo taageerada lacageed ku Caawin jiray UBBO Nogob.

Generalka ayaa waxa uu intaa ku daray In Qaraxii lala Beegsaday Baraxda Wayn ee ay ka socotay Xuska Ginbot 20 in ay ka danbeeyeen Shiine oo Eriteriya ku sugan oo uu Cabdi Maxamed Komishineerkii hore ee Boliska uu adeer u yahay iyo C/risaaq oo uu Adeer u yahay Ina cali mahdi Taasoo uu Gacan wayn ka Qaatay Cabdi yoonis.

Dhanka kale Qayao ayaa Yidhi UBBO saas ayay ku dhamaatay waanuna xidhnay Baabkeedii Iskudaygaana aynan waxba uga suurto galayn anagoona u sheegayna Dadka Kaarka Qaxootiga ku nool ee Caydha Quuta Telefoonadana ka soo diraya Dibadaha Rabana in ay Jidwaaq ku ugaadhsadaan waxaanu u sheegaynaa in "eey Dabada Boog ku Lihi uunan Siduu Rabo u Ciyi Karin" ee haday wax islahayaan yaynan Telefoon soo dhexmarine ha yimaadaan Ciyaar aadan Garoonkeeda joogina wax ka sheegeedu uu khalad wayn kugu yahay,mida kale cida Jidwaaq ka hadlaysa ama rabtaa maka hore ha isa soo nadiifiso waxaana khalad ah in Qabiilo Deegaanadooda nabadgalyo ka dhigay iskana nadiifiyay nabad-diid in Afka lala laaco la iskuna Dhereriyo.

Deegaanka ayaa waxaa ka jirta Xukuumad ogol qabashada cabashada shacabeeda oo ilaa heer tuulo ku soo xogaraysanaysa waxaanuna u sheegaynaa kuwa addis aqbaba u cararay ee ceelasha nabaddiidka ah kana baxsaday shirkii qiimaynta beesha jidwaaq rabana in ay wiilasha ku sii dhiirigaliyaan ama ku daraan ubbo sii qaadida dusuuda,xaabada iyo caagadaha ubbo kuwa soo xaroodana ay la soo galaan kaliya disti ama caagad halka kuwa kaleqori la soo galaan,balse ninkii yabaree.bartire ama abaskuul ah waxaan u sheegayaa in ay ka soo xaraystaan halgan kusheega Jidwaaq ay ku halgamayso Dusuuda,Xaabada iyo Caagadaha iyo taariikh xumadeeda ninkii ka naxayana ha ka dhiidhiyo halganka Dusuuda Balse Arinta Dadkan qaxootiga ah ee Telefoobada soo diraya ku khaldayaan ay tahay "Lo'eey Nimaan ku soo fulinayn yuusan ku aroorinin" una sheegayna kuwa telka soo dirdiraya in Cashar loo dhigi doono laguna raad joogo.

Qayo waxaan kula talinaynaa in taageerayaasha Beesha ee UBBO(Cellal) ay is fashiliyaan waafaqaana Dastuurka kuwaaasoo cadaymo aanu u hayno,balse Suldaan c/raxmaan Bade uu yahay Suldaan Sharaf huwan oo aan Xuquuqdiisa lagu xadgudbi karin lana xidhi karin xaqiiqduna tahay in uunan gacan saar isagu la lahayn Nabaddiidka balse lala xaajoon karo iyadoona uu muddo 4todoaab ah booqasho ku soo marayo dadka uu suuldaanka u yahay ee Xoolo-dhaqato beeralayda isugu jira kuna kala nool inta u dhaxaysa Feerfeer Ilaa Tuli Guuleed Daroor iyo Baaraaray maadaama uunan suldaanku beeralayda kaliya uunan suldaan u ahayn una wada yahay dhamaan xoolo-dhaqato beeralayda dhamaantood maalin kastana meeshuu booqdaba geel loo loogayo,waxaase xaqiiq ah in Cabdi Yoonis sharciga lala tiigsan doono yahayna Nabaddiid ka Qaybqaatay qaraxyadii magaalada Jigjiga Sida Ginboot 20 Qaraxii lala beegsaday,balse suldaan c/raxmaan bade uusan Xidhnayn Mudan yahayna sharaf iyo Maamuus saldanadiisuna gaadhsiisan tahay miyiga iyo magaalada ama xoolo-dhaqato beeralayda ee aan ku koobnayn beeralayda qudha

Dilaaliinta waxaanu leenahay"Sacii Farso Diidaa 3 Maalmood Markuu Qado Sanduluu ku soo noqon"ayuu yidhi kuna soo Gabagabeeyay Warbixintiisii General Qayo.

Ugaas C/laahi Cabdi Aar laba-qayd oo Maanta Ka Duulay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal Airport Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco May 22,2013.Ugaas c/laahi cabdi Aar labaqayd oo in muda ah ku sugnaa deegaanka soomalida itoobiya ayaa maanta ka duulay garoonka wiil-waal Airport waxaana halkaas ku sii sagootiyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen kuxigeenka Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI Mudane Mudane C/fataax iyo Kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane C/fataax siciid.

ka hor intaana ka duulin garoonka diyaaraha ayaa waxa uu Ugaas laba qayb waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee cakaaraNews,isagoona Tilmaamay kana warbixiyay mudadii uu ku sugnaa DDSI waxyaabihii uu arkay iyo farqiga u dhaxeeya xiliyadii deegaanka ugu danbaysay halkuu taagnaa iyo manta heerka uu marayo DDSI waxa uuna ku jawaabay.

” Deegaanka 39 sano ka hor ayaa iigu danbaysay Xiligaas oo uu Taliska xukunka Dawlada Itaoobiya uu hayay Kaligii taliyihii Macangaga Dhiigyo cabka ahaa ee lagu magacaabi jiray Mingiste Xayle Maryan xiligaasi shacabkuna cadaadiskii iyo cabudhiskii uu kaligii taliyihii ku hayay deegaanka u qaxeen dalalka aan dariska nahay.

Anigoo ay Mudadaas iigu danbaysay DDSI ayaan ee kiniya mudana intaasi leeg ayaa waxaan ku war helay markaan ka daawaday talafeeshinada ka jira deegaanka gaar ahaan ESTV iyo Cakaaranews horumrka,nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hano-qaaday deegaanka markaan daawaday ayaa waxaan ku dhiiraday in aan imaado deegaanka si aan u arko xaqiiqda ka jirta deegaanka markii iigu horaysay ee aan soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal port ayaa waxaa siwayn oo isii farxad galiyay Dhismaha Garoonka quruxda iyo bilicda uu leeyahay garoonka diyaaradaha ee ku yaala deegaanka soomalida wuxuuna iila mid noqday garoonadii waawaynaa ee ku yaalay caasimadaha waawayn sida garoonta diyaaradaha ee ku yaala magaalada Nairobi iyo adiis ababa,waxaana halkaasi siwayn iigu soo dhaweeyay masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI garaadada,ugaasyo iyo waxgaradka waxaan farxad wayn igasilay bilicda magaalada jigjiga oo uu shaki iga galay in ay tahay jijgjiga dii aan ogaa iyo in ay magaalo kale tahay .

mudadii aan joogay waxaan u kuurgalay horumarka ka jira deegaanka waxaan booqday mashaariicda waawayn ee ka socota magaalada jigjiga sida dhakhtarka wayn ee jigjiga, jaamacada jigjiga, kuliyada iyo waliba dugsiyada sare ee ka jira magaalada jijiga waxaana siwayn igu bogay tayada waxbarashada ka jirta deegaanka waxaan kale oo aan siwayn uga bogay Qaabdhismeedyada DDSI,masuuliyiinta iyo shaqaalaha deegaanka oo dhamaandood ah dhalinyaro kartiyo iyo aqoon illaahay ku manaystay islamarkaana ay ka go-antahay in ay bulshadooda gaadhsiiyaan horumar taam ah

Waxaa kale oo uu ugaas c/laahi cabdi aar laba qayb ka warbixiyay in uu mudadii uu joogay deegaanka booqday meelo badan oo ka mid ah deegaanka sida gobolka jarar iyo nogob islamarkaasina uu degmooyinka iyo tuulooyinka mid ah goboladaasi kulamo kula yeeshay dhamaan qaybaha bulshada,sidoo kalan uu booqday Mashaariicaha Horumarineed ee ka socda,laga dhamaystiray,Qaabdhismeedyda Dawlada Xafiisyada oo dhamaantood ahaa Kuwo uu ka muuqday Isbedel Horumarineed iyo Kobac Dhaqaale Anigoona Quruxda iyO Bilicda Magaalada Dh/buur aad ula fajacay ayuu yidhi Ugaasku.

Sidoo kale Ugaaska ayaa aad ugu Dheeraaday Isbedelada Horumarineed ee Guud ahaan Deegaanku ku talaabsaday Sida Dhinacyada Heerka Waxbarashada Jaamacadaha,Kuliyadaha iyo Jaamacada Jigjiga,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha,isgaadhsiinta,Wadooyinka,4ta Ismaamul Magaalo,Kobaca Dhaqaale,Ciidamada Deegaanka,Qulqulka Qurbajoogta iyo Maalgashiga iyo Hogaaminta Xukuumada DDSI sida ay Shacabkeeda meel kastaba ugaga warhayso

Xafiiska Beeraha Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga oo shir u qabtay madax xafiiseedyada beeraha ee degmooyinka deegaanka

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco May 22,2013.Waxaa Shir muhiima ugu qabtay Magaalada Jigjiga Dhamaanba Madaxda Xafiisyada Beeraha Degmooyinka DDSI Xafiiska Beeraha,Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga,Shirkaasoo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay degmooyinka iyo wasaarada beeruhu u falaynqayn lahaayeen warbixintii waxqabadkii 10 kii bilood ee sanadmiiniyeedkan sii dhamaanaya ee xafiisyada beeraha ee degmooyinka, nidaamka qorshaya loogu diyaar garoobaya sanad miisaaniyeedka 2006 TI iyo waliba sidoo kale ilaalinta iyo ka hortaga Xaalufka iyo nabaad guurka dhulka ee sababa abaaraha iyo isbedelada cimilada ku dhaca.

Furitaankii Shirka ayaa uu ka hadlay wasiirka beeraha xoolaha iyo horumarinta reeermiyiga wasiirka beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga mudane C/Risaaq Cali Baashe isaga oo si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadkii dhinaca beeraha iyo xoolaha ay ka soo hooyeen degmooyinku iyo ahmiyada ay leedahay in si cilmiyaysan loogu diyaar garooba qorshaha sanad miisaaniyeedka 2006 iyada oo laga duulayo hadba illaha horumarineed iyada oo laga faa-iidaysanayo waayo aragnimadii laga helay qorshihii sanad miiyaaniyeedkii 2005ta isla markaana sidii loogu talagay loogu fuliyo qorshaha sanadka danbe.

Mar uu ka hadlayay wasiirku dhinaca ilaalinta nabaad guurka dhulka ayaa waxa uu sheegay in dhulka DDSI uu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah dhul’daaqsimeedka iyo dhulka waxa soo saarka beeraha oo baaxad leh, waxaana laga helaa, fooxa,xamagta,malabka iyo noocyo kale sidaasi daraadeed waxaa haboon ayuu yidhi wasiirku in aan ka hortagna wax kasta oo deegaanka u keenaya nabaad guurka

Dhankooda madax xafiiseedyadii ka socday degmooyinka oo soo gudinayay waxqabadii tobonkii bilood ee hada aan soo dhaafnay ayaa waxay sheegeen in iyaga oo ka faa-iidaysanaya waayo aragnimadii ay ka heleen sanad miisaaniyeedkan hada dhamaanaya ay siwayn ugu diyaar garoobeen sanad miisaaniyeedka fooda inagu soo haya ee 2006 shirkaasi ayaa waxa u socondoonaa mudo 3 maalmooda ah.

Isku soo wada soohoo Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Xafiiska Beeraha DDSI,dhamaan madax xafiisyeedyada xafiisyada beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga ee degmooyinka deegaanka iyo khabiiro ka socday wasaarada beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga ee DDSI ayaa si xeel dheer looga munaaqashooday waxqabadka iyo u diyaargarawga Qorshaha iyo Diyaarinta Waxqabadka sanadka 2006.

Duufaano Xoogan oo Ku socday 200mph (320km/h oo Ka Kacay Gobolka Oklahoma ee Cariga Maraykanka Ayaa ku Dishay Dad lagu Qiyaasay 24 Ruux.

Oklahoma-Usa(CakaaraNews) Talaado May 21,2013.Duufaano wata Dabaylo Xoog badan oo ku socda Xawaare dhan 200mph (320km/h) ayaa sababay Gobolka Oklahoma ee Mareykanka (USA) geerida 24-Ruux oo 17-ka mid ah ay yihiin Caruur,iyadoo laga cabsi-qabo in tiradada dhimashadda ay intaas ka sii badato sida uu reporter u sheegay Amy Elliott, chief administrative officer at the Oklahoma Office of the Chief Medical Examiner, told reporters., Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Duufaanadu ay baa'bi'isay dabna qabsado Geedo waa-weyn oo hawdka Gobolka Oklahoma ku yaalay,taasoo sababtay in gebi-ahaan uu xirmo wadooyin badan oo Gobolkaas ku.yaalay.

Guryo lagu qiyaasay 780 ayaa burbur xoog leh soo gaadhay,iyadoo Duufaanadani ay cirka iskula shareereen alaabtii iyo agabkii yaalay guryahaas burburay gaadhaysayna xawaare dhan 200mph (320km/h).waxaana Duufaantan ay hadda sii kulaalaysaa una jeedsatay Gobolka Missiouri oo laga dareemay Duufaantan awooda badan ee galaafatay nolosha dad aad u tiro-badan,qaarkoodna weli meydadkooda la baadi-goobayo islamarkaana cabsi xoogan ku abuurtay reer missiouri.

Aalaba Duufaanadan ayaa Dalka Mareykanka sida lagu qiyaasay sanadkiiba ay dishaa dad aad u tiro-badan burburisana Hanti badan oo ay ka mid yihiin Guryo,Wadooyin,Buundooyin,Baabuur iyo Hantiyo kale,balse dhimshada sanadkan ayaa noqonaysa tii ugu tira-badnayd ee sanadkan gudihis Duufaan ay dad ku disho gudaha Mareykanka.

Ilaa iyo Hada Diyaaradaha Tornado,Ciidamada Badbaadada iyo Booliska ayaa ku hawlan Baadigoobka Dad lagu Qiyaasay 51 ruux oo sida wararku sheegayaan Dhaawacyo soo noqnoqday ay Gaadhsiisay Duufaantu.

Shirkii Golaha Federationka DFI oo Soo Gabagaboobay Makhribkii iyo DDSI oo Lagu Amaanay Waxqabadkeeda Loona Saaray Taashka Horumarka Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban Markii 1aad Taariikhda DFI.

Addis-Ababa(cakaaranews) Talaado May 21,2013.waxaa makhribkii ku soo gabagaboobay Aqalka Golaha Federationka DFI ee magaalada addisababa Shir socday labo cisho oo lagaga wada xaajoonayay Arimaha Horumarka Deegaanada iyo Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale(5yr Growth And Transformation Plan) iyadoona Dhanka Xukuumada DDSI ay uga qaybgaleen Wafti ka kooban 5 xubnood oo uu hogaaminayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Shirka Golaha Federationka DFI ayaa Amaan iyo Bogaadin kudayasho mudan looga soo jeediyay Waxqabadka xukuumada DDSI iyo isbedelada Horumarineed ee xawliga ah ee ay ku talaabsatay mudadii yarayd taasoo sii xiisogalisay 5tii Xubnood ee Xukuumada DDSI matalayay ee shirka ku sugnaa iyadoona Xukuumada DDSI lagu amaanay Dhanka Xidhiidhka iyo ka warhaynta Bulshada Deegaanka Waxqabadkeeda ku aadan ilaa heer tuulo oo Qaabdhismeedyadii dawladeed u dhaadhicisay waana Tusaale ku dayasho mudan Dhamaan Deegaanada DFI ayaa lagu gorfeeyay.

Sidoo kale Xukuumada DDSI ayaa aad loogu amaanay Waxqabadkeeda Dhinacyada Horumarka iyo Isbedelada Xawliga ah ee ay xukuumada DDSI ka taabogalisay Deegaanka,sidoo kalana Dhanka N/galyada,xasiloonida,Sugida xuduudaha iyo ka warhaynta Amniga Deegaanka ayaa lagu amaanay Xukuumada DDSI. Golaha Federationka DFI oo aad ugu dheeraaday amaanba iyo waxqabadka xukuumada DDSI Dhinacyada Dhaadhicinta maamulka ilaa heer-tuulo,Horumarka,Nabadgelyada iyo maamulka Suuban islamarkaana u Aqoonsaday Xukuumada Maanta ka arimisa DDSI in ay Tahay Xukuumad Xooga saartay kuna mashquulsan Dhinaca Horumarka taasoo ku dayasho mudan.

Amaantan iyo Bogaadinta loogu xidhay Taashka Horumarka Xukuumada DDSI ayaa noqonaysa markii ugu horaysay abid ee DDSI lagu dhex amaano Waxqabadkeeda kalfadhiyada iyo Shirarka Golaha Federationka DDSI taasoo xiiso ku abuurtay dhamaanba Shacabka iyo Xukuumada DDSI Muujinta waxqabadkooda meeshana ay ka baxday Odhaahdii DFI ay Xukuumadihii hore ee Deegaanka soo maray ku dhaliili jirtay Fadhiidnimadooda iyo waxtar la'aantoodi,Halka maantana DDSI lagu amaanayo Waxqabadkeeda Dhinacyada Horumarineed,N/galyo iyo Maamul Suuban laguna tilmaamay waxqabad Ku dayasho Mudan.

More Articles...

  1. Masuulka ugu Sareeya Kooxda Real-Madrid ayaa Shaaciyay Digo Badalka Macalinkii Kooxda Jose Mourinho.
  2. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadka 32ka Degmo ee uu Mashruuca PSNP ka Hawlgalo oo Lagu soo Gabagabeeyay Machadka Maaraynta DDSI.
  3. Shir Baaladhan oo Lagu Falanqaynayay Diyaargarawga Xuska 22 Guurada Maalinta Ginboot 20 oo Ka dhacay Hoolka Shirarka Maamulka Magaalada Jigjiga.
  4. Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI Finland iyo Hogaamintiisa oo Hambalyeeyay Doorashada Madaxweynaha Jubaland-State
  5. Jaaliyada DDSI ee UK,Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo Qaybaha Bulshada oo Bogaadiyay Maamulka Jubaland State>
  6. Shirkii Golaha Aqalka Federationka DFI ayaa Maalinta Berito Ka Furmi Doona Magaalada Addis Ababa iyo Xukuumada DDSI oo ay Uga Qaybgali Doonaan Wafti Ka Kooban 5 Xubnood oo uu Madaxweynaha DDSI Hogaaminayo.
  7. Dawladda Kenya ayaa aqoonsatay Maamulka Jubbaland-State iyo Madaxweyne Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne Kuxigeenkiisa.
  8. Jaaliyada DDSI ee Seattle oo Bogaadisay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State.
  9. Masuuliyiin iskugu Jirtay Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa Kor Meer Shaqo Ku Soo Maray Mashaariicaha ka socda Degamada birqod ee gobolka jerar
  10. Musharax Sheekh Shakuul oo Taageeray Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Jubaland-State una Hambalyeeyay Madaxweyne Sheekh Axmed Islaam.
  11. Jaaliyada DDSI ee Dalka Yemen oo Hambalyaysay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland State.
  12. Guurtida DDSI Waqooyiga Amkerica iyo Jaaliyada ee Gobolka MN(USA)Taageero Doorashada Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland state.
  13. Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI iyo Generalka ugu Sareeya Ciidanka Gaarka Ah ee Liyuupolice Oo Socdaal Ka Jawaabayay Codsiyadii Shacabka Xiligii Socdaalkii Same Wade kuna Tegeen 3da Gobol(Jarar,Qoraxey iyo Doollo).
  14. Wakaalada Dakhliga DDSI oo Shir u Qabatay Dhamaan Bangiyada iyo Xawaaladaha Deegaanka.
  15. Wafti xukuumada ah oo uu Hogaaminayo Madaxweyaha DDSI ayaa DFI hor Dhigay
  16. Madaxweynaha DDSI oo Hambalyo iyo Bogaadin u Diray Madaxweynaha Jubaland State iyo Shacabweynaha Muujiyay Midnimadooda.
  17. Suldaan C/raxmaan Bade Wuu Taabagalay Isbedel Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban oo Dhaxal-gal ah Mudadii Yarayd ee Madaxweyne CMC Talada Wadanka Hayay Bogaadiyayna.
  18. Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood iyo Guurtidiisa oo Maanta Qabtay Shir Saxaafadeed Ay Ku Taageerayaan Doorashada Madaxweynaha Jubaland State
  19. War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Jubaland State oo Loo Doortay Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed MadoobE)
  20. Shir Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen G/Fulinta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO oo Lagu Doortay Xubno.
  21. Qiimaynta Waxqabadka 6da Bilood ee Mashruuca PSNP oo Maanta ka Bilaabmatay Magaalada Jigjiga.
  22. Safaarada DFI ee Dalka Sweden oo Martiqaad uFidisay Ururka Dhalinyarada DDSI Faraca SEDYO-SWEDEN.
  23. Dufcadii 3aad ee Tababarada Hogaaminta Dhexe oo Maanta Ka Furmay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr C/Majiid Xuseen.
  24. Tababar Kor Loogu Qaadayo Erey Bixinta iyo Curinta Afka Soomaaliga oo lagu Qabtay Magaalada Jigjiga
  25. Wasiirkii Dakhliga DFI Melaku Fanta iyo 12 Kale oo Lagu eedeeyay Musuq Loona Taxaabay Xabsiga Kana Mid Yahay Kuxigeenkii Dakhliga Gabre-waaxid.
  26. Gudiga Fulinta Ururka EPRDF oo Isugu Imanaya Shirkoodii Caadiga Ahaa Sabtida.
  27. Shir Balaadhan oo Dib Loogu Habeeyay Qaabdhismeedka Ururka Haweenka DDSI ee Uk Laguna Dardargalinayay Waxqabadkooda Ayaa Ka Dhacay Gudaha Safaarada DFI ku Leedahay London(Uk).
  28. Deg Deg: Shil Baabuur oo ay Ku Nafwaayeen 15 Qof Kana Dhacay Meer-Meertada Buuraha Dhagaxle.
  29. Boardiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa warsaxaafadeed Ku shaaciyay In Aqlabiyada Doorashadii Dhacday uu Si Buuxda Ugu Guulaystay Ururka EPRDF iyo Bahwadaagtiisu.
  30. Mancini : Sharaf ayey ii tahay in aan Sir Alex Ferguson la tartamay oo aan waliba ku garacay Old Trafford.
  31. Waxaa Maanta Uga Furmay Hoolka Shirarka Xafiiska Haweenka 7 Dugsi oo Isugu Jira Sare iyo Dhexe Tartanka Kadiska Waxbarashada iyo Aqoonta.
  32. Magaalada Kismaayo oo Qabanqaabo Xoogan Loogu Jiro Doorashada Madaxweynaha Jubaland State iyo Wafdi ka socdaUrur-Goboleedka IGAD oo Maanta Ka Degay Kismaayo.
  33. Shir Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen Shalay Ururka Dhalinyarada UK oo Qodobo Badan Lagaga Wada Hadlay.
  34. Ololaha Talaalka Xoolaha iyo Daawayntooda oo ay Wadajir Ugawadaan Dhamaan Tuulooyinka Hoos Yimaada Maamulka Degmada Gunagado Xirfadlayaasha Caafimadka Xoolaha ee Xafiiska Beeraha DDSI iyo Ciidanka Liyuupolice.
  35. OGAYSIIS: Dhamaan Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO Ka Soo Qaybgal Shir Muhiim Ah.
  36. Waxaa Maanta Lagu Maamuusay Magaalada Jigjiga Xuska Maalinta Laanqayrta/Bisha Cas ee Heer Caalami.
  37. Kulan balaadhan oo Lagu Dardar-Galinayay Udub-dhexaadka Isbedelada Horumarka iyo maamul-Suuban ee Dawlada oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Arimaha Haweenka.
  38. Bulshoweynta Ku Dhaqan Degmada Raaso oo Bogaadiyay Adeeg-bixinta Tayada caafimaad ee Ay ka Helaan Xarunta Caafimaad ee Laga Dhisay Magaalada Raaso.
  39. Dhamaan Qurbajoogta:-Xafiiska Wakaalada Qurbajoogta DDSI oo Lagala Xidhiidhi Karo Kana Heli Karto Macluumaadka Aad u Baahan Tahay.
  40. Munaasabad Xadhiga lagaga jarayay Seylada Xoolaha Hargeele oo Ay u Riyaaqeen Ganacsatada iyo Shacabka Maamul-Goboleedka G/Afdheer.
  41. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Xafiisyada Caafimaadka DDSI oo Lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Jigjiga.
  42. President Abdi Mahamud Cumar: A leader who has transformed the Somali Region of Ethiopia:
  43. Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDSI oo Loo Magacaabay Caynsane Sheekh Maxamed,Halka Kuxigeenka Komishinka Booliska DDSI loo Magacaabay General Maxamed Qayo.
  44. War Deg Deg Ah:-Shiftay Budhcad C/xakiin Yulyul oo Indhaha ay u Shideen Maleeshiyada Degmada Yoocaale.
  45. Ciidmada Liyuu Booliska oo dawayn iyo taakulan dhinaca dadka ah ka wada Tuulada Hara-digeed ee Degmada Aware.
  46. Dacdaradii Shalay Ka Muuqatay Heerka Waxbarasho ee Deegaanka iyo Fursadaha Waxbarasho La Helay Guri Ilaa Guri ee Ka Taabo Gashay DDSI kala Fiican.
  47. Shir aad u Balaadhan oo Ay Soo Agaasimeen Qurbajoogta DDSI ee Magaalada Birmingham Uk Kana Qayb Galeen Safaarada DFI iyo Maamulka Jaaliyada Uk oo Guul iyo Jawi Haboon Lagu soo Gunaanaday.
  48. Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood ee Hay'adaha Nabadgalyada oo Ka Bilaabantay Jigjiga.
  49. Adeeg-bixinta Isbitaalka Caafimaadka Magaalada Awaare oo ay Shacabku u Riyaaqeen Tayada Adeeg-bixintiisa
  50. Mayorka Maamulka Magaalada Qabridahar oo Qeexay in Kor u Qaadida Bilicada Magaalada Qabridahar Xawali Ku Socoto.
  51. Madaxweynaha DDSI Oo Saaka Kula Kulmay Xafiiskiisa Abwaaniin Gudoonsiiyayna Hadiyado.
  52. 16 Sano Ka Dib Kooxda Dortmund Ayaa Iska Xaadirisay Ciyaarta Finalka Koobka Horyaalka Yurub Ka Dib Markay Real Madrid Ku Dur-Durisay Walow Ay Wadnaha Farta Ku Haysay.
  53. Odayaal-dhaqameedka iyo maamulka degmada xarshin oo tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, qaraabadii,Xuk-DDSI iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka tagay Qaryaan abwaan c/laahi macalin doodaan.
  54. Qurbajoogta DDSI ee Norway oo Shir balaadhan Layeeshay Wakiilada DFI ee Wadamada Scandanivianka
  55. Shir Ay Jaaliyada DDSI ee Gobolka California(M-Sandiego) iyo Jaaliyadaha Qowmiyadaha kale Isugu Yimaadeen oo Lacag aan La Cayimin Loo Aruuriyay Biyo-xidheenka Abbay.
  56. Wafti ka socday soomaliland oo ka soo qayb-galay aaskii-Qaran ee Marxuun Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan oo maanta kulan saacada badan qaatay la yeesheen madaxwaynah DDSI.
  57. Abla-ablaynta Xaalada Deegaanka Somalida Itoobiya kaaf iyo kala dheeri maxaa kala haysta dadkan.
  58. Jaaliyada DDSI ee Dalka Qatar oo Tacsi u Diraysa Qoyskii iyo Eheladii Marxuum Qaryaan C/laahi Macalin dhoodaan.
  59. Waxaa Galabta Si Heer Qaran ah loogu Aasay Magaalada Jigjiga Qaryaan C/lahi Macalin Dhoodaan(Geeri Arooskeed)
  60. Geeri Arooskeed iyo 10ka Galabnimo oo Si Heer Qaran Loogu aasi Doono Qaryaan Dhoodaan Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga.
  61. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Cariga Ingiriiska(UK) oo Tacsi u Diraysa Xukuumada DDSi,Shacabka DDSI,Qoyskii iyo Ehelkii Marxuum Xaaji C/laahi Macalin Dhoodaan.
  62. Komishinka anshaxa iyo ladagaalanka musuqa DDSI oo tababar u qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyada heer-deegaan.
  63. Jaaliyada DDSI ee Magaalda PERTH-Australia oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraysa Xukuumada DDSI,Qoyskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Dhamaanba Shacabweynaha DDSI.
  64. TACSI:-Qunsulka DFI,Jaaliyadaha DDSI ee Minniapolise,Seattle,Los-angeles,Sandiego-California iyo dhamaanba Qurbajoogta DDSI ee Cariga Maraykanka oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  65. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Yemen oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  66. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Dalka Jabuuti oo Tacsi Diraya.
  67. TACSI:-Jaaliyada DDSI ee Melbourne oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo Eheladii Abwaan Cabdulahi macalin(Dhoodaan)
  68. TACSI:Ilaahay Samir iyo iimaan Ha Inaga Siiyo Marxuum Abwaan Cabdulaahi Macali (Dhoodaan)
  69. Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Abwaan Abdulahi Macalin(Dhoodaan) oo ku Geeriyooday Diredawa.
  70. Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qatar ayaa maanta ka qayb gashay Munaasabad Dalka Qatar Dib Looga Furayay Safaarada DFI ay Ku Lahayd Oo Waayadanba Diyaargarow Baladhan Loogu Jiray Furitaankeeda.
  71. Wadada Isku Xdha Fiiq iyo Qubbi oo Dhamaatay iyo Maamulka Gobolka Nogob oo Booqasho Ku Tegay Degmada Qubbi.
  72. Messi Guul-daradii ugu Xumayd ayaa Xalay Naga Soo Gaadhay Ciyaartii Kooxda Bayern-Munich.Xidiga aduunka Lionel Messi ayaa walaac ka muujiyay natiijadii
  73. Ciyaartii Semi-Finalka Lugta 1aad ee Horyaalada Yurub oo Ay Bayern-Munich Bog u Cusub u Furtay Kooxda Barcelona 4-0.
  74. Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Loo Magacaabay Aamina Jawaahir Maxamed oo Ka Soo Jeeda Somalida Waqoyi-Bari(Gaarisa).
  75. Wafti Qurbajoog ah oo Ay Hogaaminayeen Wasiiro oo Booqday Isbitaalka iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Dh/buur Dhagaxii Ugu Horeeyayna Dhigay Dhismaha Dugsi Sare iyo Library.
  76. Qiimaynta Waxqabadka Hay'adaha Adeeg-bixinta Heer Federal oo Maanta Ka Dhacday Hoolka Shirarka ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI.
  77. Golaha Gudiga Fulinta Jaaliyada DDSI ee UK oo Ansixiyey Qorshayaasha Waxqabadka Jaliyada iyo Xeer-Nidaam.
  78. Wafti Qurbajoog Ah oo Ay HogaaminayeenQaar ka Mida Masuuliyiinta Xukuumada DDSI oo Maanta Si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Degmada Dh/buur.
  79. Ka Faaiideysiga Xoolaha Deegaanka iyo Tayaynta Caafimaadka Waxsoosaarkooda.
  80. HOGAAMIN UBO OO GACANTA LAGU DHIGAY IYO FILIN CUSUB iyo TUULADA AABAHAY GABLAN
  81. Maalgashiga Qurbajoogtu Wuu Tisqaaday Shirkada Blue-Nile oo Balaadhisay Waxqabadkeeda Kuna Soo Biirisay Transportation.
  82. Wafti Qurbajoog Ah oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Wakaalda Qurbajoogta DDSI oo Booqday Jaamacada Jigjiga.
  83. Iskaashatada Suuq-gaynta Xoolaha oo Laga Furay Magaalada Qabridahare.
  84. Ogaysiis:-Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo La Balaadhiyay Kuna Wareegaya Dhisme Cusub.
  85. Faaqidaada Ciyaaraha:-Warbixin 10-Xaqiiqood oo Lagu Saadaalin Karo 4ta Kooxood ee Isugu Soo Hadhay UEFA-Champions League
  86. Kulan ay Isugu Yimaadeen Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Nogob oo Ka dhacay Sydney.
  87. Kulan Lagaga wadatashanayay Kor u Qaadida Bilicda Magaalooyinka iyo Doorka Ganacsatada oo Maanta Ka Dhacay Hoolka Shirarka(SMCX)
  88. Tababar La Xidhiidha Maaraynta Maaliyada oo Shaqaalaha 10 Ka Mida Xafiisyada Horumarinta DDSI Loo Qabtay.
  89. Tartanka Kubada Cagta Xulalka 9ka Degmo ee Gobolka Shabeele oo Ay Finalkii Isugu Soo Baxeen Xulka Degmooyinka Ceelwayne iyo Godey.
  90. War Deg-Deg Ah:-Hantidii UBBO Cobale Ka Dhacday(2bo Dhashiike),Muxumed ANNI oo LagaDhex Baadhayo Hogaamin Indhaha loo Shiday iyo 4 God oo La Helay.
  91. Madaxwaynahya DDSI oo Caawa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI Gaar ahaan Gobolka Sitti.
  92. Shaqo-abuurida Qorshayaasha Xukuumada Dhanka Haweenka oo 104 Dumar Gobalka Shabeele Tababar uga Socdo Kuliyada Farsamada iyo Xirfaaha DDSI.
  93. Waxaa Saaka loo Dareeray Cod-Bixinta Doorashada Baarlamaanka Degmooyinka,Maamulada Magaalooyinka iyo Tuulooyinka DDSI.
  94. Munaasabada iyo Tahniyada Meherka Caruus Cabdi-Shukri C/Lahi Cumar(Silen-Cry) oo Si Qurux Badan Uga Dhacay Magaalada Jigjiga.
  95. Tacsi:Tacsi loo Dirayo Qoyskii iyo Eheladii Marxuum aadan Cismaan(Aadan Waris).
  96. Wasiirka Wakaalada Qurbajoogta oo Garoonka Wiilwaal Ku soo Dhaweeyay Wafti Qurbajoog Ka Soo Jeeda Ma'ayso oo Ka Timid Maraykanka Kana kooban 8 Qof.
  97. Codbixinta Doorashooyinka Heer-Degmo,Magaalo iyo Tuulo oo Loo Dareeri Doono Subaxnimada Axada.
  98. Shir Lagu Qiimaynayay Waxqabadkii 9ka Bilood ee Degmooyinka Gobolka Shabeele oo Ku Soo Gabagaboobay Magaalada Godey.
  99. Gudoomiyaha Gobolka Nogob oo Waraysi Dheeli Tiran Siiyay Shabakada CakaaraNews.
  100. Halgankii Sheekh Axmed-Madoobe uu ku burburiyay Xoogii Al-Shabaab Waa Mid Taageero Mudan.