Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews)Isniin Dec 31,2012.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa mar uu saxaafada DDSI kula hadlayay Xafiiskiisa ugu ambalyeeyay Shacabka DDSI Guud ahaanba meel ay joogaanba in ilaahay Sanadkan kiisa xiga uu Caafimaad,Barwaaqo,Cibaado Suuban iyo bash Bash ku gaadhsiiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa Tibaaxay waxa Sanadkii hore lagu xasuusan karo yidhina Waa sanadkii uu Guud ahaanba Isbedel Horumarineed oo xawli ah ka Taabo galay DDSi,waa Sanadkii uu aabihii Horumarka iyo Dimoqraadiyada DFI uu Geeriyooday,Waa sanadkii Dhidibada loo taagay Telefishanka ESTV,Waa sanadkii Garabkii Asmara Ku soo Biireen Tubta Nabada iyo Dastuurka DFI,waa Sanadkii DDSI ay Tusaale Isbedel Horumarineed u Noqotay Deegaanada DFI,Waa Sanadkii Meesha laga saaray Deegaanka Dibu Dhacay loona Bedelay Deegaanka Soomaalida Ha Lagu daydo hana loo Doonto Khibrad iyo Aqoon,waa sanadkii la ansaxiyay in xuska 8aad ee Qowmiyadaha Lagu qabto DDSI,Qurbajoogtu Sanadkii ay Doorfirfircoon ka Qaateen Iibka Saamiyada Abbay Maalgashina ka Samaysteen,sanadkii Afka Soomaaliga lagu daray Imtixaanada qaranka Waxbarashada DDSI kor loo Qaaday lana Tayeeyay,sanadkii Xidhmooyinka caafimaadka La wada gadhsiiyay Degmooyinka,Sanadkii Culayska la saaray Helida Biyaha nadiifta ah,sanadkii Isgaadhsiintu wada Gaadhay Deegaanka lana balaadhiyay wadooyinka,sanadkii Gobolo Badan heleen Laydhka 24ka saac,Sanadkii la dagaalanka saboolnimada,Sanadkii 15 Degmo iyo 4 ismaamul magaalo la sameeyay,Sanadkii Ciidamada liyuupolice Sugeen Amniga Xuduudaha iyo N/galyada Deegaanka,Sanadkii la dejiyay Qorshyaasha Habka Beeraley Xoolo-dhaqato loogu bedalay Bulshada laguna guulaystay,Sanadkii Shacabku u Midoobay wax wada qabsi iyo Sanadkii tegay oo lagu xasuusan karo Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagarada wabiyada iyo Dooxooyinka oo uu DDSI Nqotay in lagu daydo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in guud ahaanba Qaybaha Shacabka iyo Xukuumadu gacmaha isku qabsadaan sidii looga midho dhalin lahaa Qorshyaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale loogana Xoroobi lahaa cadawga kaliya ee inagu soo wajahan oo ah Saboolnimada iyo Gaajada ayuu Yidhi.

ugu danbayntii ayaa uu Madaxweynuhu Dhamaanba Shacabweynaha DFI gaar ahaana Shacabka DDSI mar 2aad ugu Tahniyadeeyay farxada sanadka Cusub ee 2013 yidhina Sanadkan sanadkiisa ilaahay ha inagu gaadhsiiyo Bashbash,barwaaqo,Caafimaad,N/galyo taama iyo Horumar lagu tanaado meeshana ka baxdo Cabsida saboolnimada iyo Gaajada kuna biirnaa wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ayuu Yidhi Madaxweynuhu.

Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.

Minniapolise(CakaaraNews)Isniin Dec 31,2012.Waxaa Dhamaanba Jaaliyada Lo-Angeles iyo Qurbajoogtaba lagu wargalinayaan in Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weear ay Caawa ka Soo Duuli Doonaan Minniapolise kuna soo wajahan yihiin Los-Angeles oo ay Beri 10ka Subaxnimo shir balaadhan ku qaban doonaan Gudaha Qunsuliyada Los-Angeles.

Hadaba Qunsul-xigeenka DFI u Fadhiya Los-Angeles Mudane xabiib Muxumed Yuusuf ayaa Qurbajoogta Los-angeles iyo Nawaxigeeda waxaa la socodsiinayaa ka soo qabgalka Shir Balaadhan oo Beri 10ka subaxnimo ka dhici Doona Gudaha Qunsuliyada DFI ay ku leedahay Los-Angeles.

Dhanka kale:- waftiga Xukuumada ayaa Habeen 1da Bisha Janauary 2013 ka soo Duuli doona Cariga Maraykanka kuna soo Wajahan Cariga Ingiriiska(UK-London) oo ay Joogi Doonaan 4 Cisho shirarna la yeelan doonaan Qurbajoogta,Jaaliyada,Haweenka,Ururka Dhalinyarada,Culumaaudiinka,waxgaradka,Odoyaasha iyo Ururka Dhalinyarada Silet Cry.

Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.

Nogob(CakaaraNews).Isniin,Dec,31,2012.GudoomiyahaGobolka Nogob Mudane Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhayn ah ku soo maray Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku isaga oo gaadhay Degmada Garbo.  halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan Degmada Garbo.

Gudoomiyaha gobolka nogob oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa kulamo is dabajoog ah la yeeshay maamulka degmada, shaqaalaha, iyo bulshada qaybaheeda kala gadisan Wuxuuna maanta si rasmi ah shir uga qabtay hoolka shirarka ee magaalada Garbo. shirwaynihii wadatashiga maamulka iyo shacabka Degmada Garbo iyo Dardar-galinta Horumarka, Nabadgaliyada iyo Maamulka Suuban. Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Odoyaasha , Ugaasyada, Salaadiinta, Dhalinyarada, Hooyooyinka iyo dhamaan wax garadka Degmada Garbo. Waxaa halkaa ugu horayn qodobo dhaxal gal ah oo meelo badan taabanaya kasoo jeediyey gudoomiyaha gobolka Nogob Mudane Maxamed Cabdi Mowsar isaga oo si faah-faahsan ugu dhigdhigay kasoo qayb-galayaashii shirkan, waxqabadkii ay DDSI soo gaadhsiisay Bulshada ku dhaqan Degmada Garbo.

Kadibna waxaa makarafoonka la wareegay bulshadii kasoo qayb-gashay shirka oo ka marag kacay wax-qabadka ay soo gaadhsiisay DDSI sheegayna in ay kasoo kabanayaan hagardaamadii ay u gaysatay hadhaaga nabadiidka ah ee UBBO.

Gudoomiyaha gobolka  nogob ayaa kulamo noocan oo kale  ah ka qaban-doona dhamaan Degmooyinka uu ka kooban yahay  gobolka Nnogobi.

 

Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.

Waaji-Jigjiga(cakaaraNews)Axad Dec 30,2012.Barnaamijka biyo ururinta oo ah mid xukumadu ay Ahmiyada koobaad siisay Qorshayaasha Dhanka Biyaha si bulshada looga haqabtiro baahidoodadhinaca biyaha una helaan biyo nadiif ah. Guud ahaanba degaanka ayaa laga hirgaliyo barnaamijka biyo ururinta oo ah mid la rabo in kor loogu soo qaado Helida bulshada iyo xoolahaba Biyo Nadiif ahislamarkaana loogu abuurayo fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda ayaa waxaa mid ka mida mashruuca laga hirgalinayo tuulada waaji oo ah biyo xidheen. Mashruuca biyo-xidheenka Tuulada Waaji ayaa maraya gebo-gabo iyadoo mashruucani biyo xidheenka ahi ee laga wada Waaji uu yahay ka ugu weyn Degmada Jigjiga ee Gobolka Faafan cabirkiisuna dhanyahay 280 kun oo metercube (M3)islamarkaana la rabo in lagu kaydiyo biyaha si bulshadu looga faaideeysato xilliyada abaaraha.

Shacabka ku dhaqan tuulada Waaji aya dareen farxadeed ku soo dhaweeyey barnaamijka biyo ururinta oo ay ka heleen fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda islamarkaana ay aad u booriyeen barnaamijkani biyo ururinta iyagoo oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin hirgalinta mashruucani . Mashruucani biyo ururinta ee laga wado tuulada waaji ayaa waxaa si balaadhan uga wadashaqeynayaa bulshada ku dhaqan waaji iyo ciidanka rijmintiga 25 aad Liyuupolice ee agaasi dagan oo si balaadhan uga qaybqaadanaya horumarka noocyadiisa kala duwan eek a socda Goobahaas.

Hadaba Mar uu waraiyaha cakaara wareysi gaaban la yeelaney Shaalaqaha Rijmintiga 25aad shalaaqe Xasan ayaa uu warbixin kooban ka siiyey wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ka dhaxaysa ee ku saleysan barnaamijka biyo ururinta laga wado sentarka Waaji.

Barnaamijka biyo ururinta ayaaay xukuumada haatan Talada degaanka haysaa qorshaha 1aad ka, 2aad ,3aad ka dhigatay dhinaca biyo ururinta sidii bulshada looga haqabtiri lahaa biyo nadiifa oo daboola baahidooda,islamarkaana fursado shaqo looga abuuri lahaa Bulshada halka wakhtiyadii hore ay qaadan jireenn Qandaraaslayaal aan faaido iyo manaafacaadtoona aan Bulshada waxba ugu filnaan jirin, taasoo ay xukuumadu go’aan ka qaadatay sidii loo galin lahaa jeebka lacagta mashruucan bulshada,si ay Shacabku uga helaan fursado shaqo wadajir ahaana looga faaidayn lahaa barnaamijka biyo ururinta oo ah mid la rabo in kor loogu qaado dhinaca biyo galinta ee laga wado degaanka .

Falanqaynta Quruxda:-Ma La Socotaa 11ka Xidigaha Kubada Cagta ee ugu Xaasaska Qurxoon

Uk(CakaaraSport)Axad Dec 30,2012.Aduunka wax walba waa la qiimeeyaa waana la falanqeeyaa jariirada arimaha bulshada ka faaloota ama qaadaa-dhigta ee lagu magacaabo Nowmagazine kana soo baxda Wadanka UK ayaa qiimeyn ilaa daakhilka ah ku sameeyay 11ka gabdhood ee ugu qurxoon dumarka udhaxay ciyaartooyda Xidigaha ciyaara kubbada cagta .

Sheekadan ama falanqayntan kuma jiraan ciyartooyda saaxibada la,ah dumarka ee taxaasha wdamada ay ku nool yihiin balse(Laakiin) waxaa la qiimeeyay xaaskaska ay qabaan Ciyaartoydu kaliya kuwa ugu Quruxbadan Ama ugu Nuuraya(Widh-Widhi). Halkan Waxaa ku Qoran 11ka Dumar ee ugu Quruxda badan Xaasaska u Dhaxay Xidigaha Ciyaaraha Cagta(Foot-Ball) ee Aduunka Tolow adigu yaad ugu soo horaysiin lahayd,waaba hadaad falanqaynta Ciyaaraha la socotee.

1. Daniela Fontani Waa xaaska daafaca Fiorentina Alessandro Gamberini.

2. Victoria Beckham Waa Xaaska xidiga sare ee wadanka Ingriiska David Beckham

3. Lorena Bernal Waa xaaska xidiga Arsenal Mikel Arteta

4. Alex Curran Waa xaaska kabtanka Liverpool Steve Gerrard.

5. Louise Redknapp Waa xaaska Jamie Redknapp oo ciyaaraha ka fariistay 2005

6. Sarah Brandner Waa xaaska xidiga khadka dhexe ee Bayern Munich Bastian Schweinsteiger.

7. Michela Quattrociocche Waa xaaska xidiga wadanka Talyaaniga Alberto Aquilani

8. Danielle Lloyd Waa xaaska xidiga Portsmouth Jamie O’Hara

9. Abbey Clancy Waa xaaska xidiga Stoke Peter Crouch

10. Cheryl Cole waa xaaska daafaca Chelsea Ashley Cole.

11.Toni Poole Waa xaaska kabtanka kooxda Chelsea John Terry

MO-Farah oo Magaciisu u Ekaaday Magac Nin Argagaxiso ah oo La Raadinayay Mudana Lagu Yara Xanibay Garoonka Diyaaradaha Portland(USA).

Portland-Usa(CakaaraSport)Axad Dec 30,2012.Orodyahanka haysta horyaalka orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee dunida ee asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya, walow uu haysto dhalashada Britain ugana qayb gala Wadanka Britain tartamada Caalamiga ah isagoo wata magaca British-ka, Mo Farah ayaa loo qabtey tuhun ah in uu ku lug leeyahay argagixisada, xili uu doonayey in uu galo wadanka Mareykanka.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa shaaciyey wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah taasoo uu wargayska Mo-Farah ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha ee magaalada Portland ee Gobolka Oregon ee wadanka Mareykanka, isagoo xiligaasi ay la socdeen qoyskiisa, waxaana uu sheegay in ujeedada loo xiray ama su’aalaha loo waydiiyey aanay aheyn shaki isaga shakhsiyan laga qabey, balse markii uu Baasaboorkiisa uu dhiibay waaxda hubinta document-yada ay ku arkeen isu ekaanshaha Magac Hore u yiilay oo Wanted ahaa Arimo Argagaxiso darteed, sidaasina loogu sheegay in su’aalo loo baahan yahay in la waydiiyo, iyagoo u sheegay in ay ka qabaan shaki ku aadan argagixisnimo Magaca ugu qoran baasaboorka.

Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaan cadeymaha uu haysto sida isagoo tusay labadii biladood ee dahabka ahaa ee uu ku helay orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee uu ku guuleystey xiligii ay socdeen ciyaarihii Olympic-da,Xiligaas ayaa laga khafiifiyay balse Sharciga ayaa farayay saraakiisha in ay dhamaystirtaan baadhitaankooda.

“Ma Rumeysan karin in Magac Argagaxiso aan isku ekaano Balse way dhacday oo Soomaalidu Magaca iyo Muuq ahaanba way is shabahaan waana mida tuhunka keentay walow aan kaga badbaaday waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan Markii hore {Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah. Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey in uu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda, isagoo degan Portland.

Mo Farah wuxuu tibaaxay in markii mudo ay su’aalo waydiinayeen uu la xiriiray tababarihiisa Alberto Salazar isagoo u sheegay in loo haysto shaki la xiriira argagxisnimo maadama ay ugu qoran tahay baasaboorka Magaciisa oo ula ekaaday Magac Soomaali ku eedaysnaa Argagaxiso waxaana taasi keentey in Alberto uu la xiriiro hay’ada dambi baarista ee FBI-da oo uu ku leeyahay qof saaxiib ah, isagoo u sheegay in qofka la haysto uu yahay Mo Farah oo aanay jirin tuhunka laga qabo.

“Nasiib wanaag Alberto wuxuu la xiriiray qofkaasi uu yaqiin ee FBI-da ka shaqeeya, kaasi oo aniga xitaa ii taageeresi aad u weyn, wuxuuna ogaa waxa aan ahay, iyadoo arintaasi sidaasi lagu xaliyey isla markaana naloo ogolaadey in aan gali karno gudaha wadanka Mareykanka” ayuu yiri Mo Farah.

Mo Farah oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed Mukhtaar Faarax wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, hase yeeshee isagoo 8 sano jir ah ayuu la midowbay Aabihiis oo uga soo horeeyey wadanka Ingiriiska oo haystey dhalashada British-ka, isagoo qaatey dhalashadii Aabihiis haystey.