Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeye yaasha Senterada Degmada Qalaafe Oo Tababar Loo Qabtay

Qalaafe (Cakaaranews)Talaado 14ka March 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maamulka shaqaalaha CPA ee Degmada qalaafe islamarkaana ay kasooqaybgaleen Kabinetka Degmada qalaafe, loona hayay maareyayaasha Centerada/tuulooyinka hoosyimaada degmada qalaafe ee Gobolka shabeele ayaa si habsamileh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla degmada.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa  kahadlay Kusimaha Madaxa Xafiiska Maamulka Shaqaalaha (CPA) ee Degmada qalaafe mudane Mahad Igbaar Xudur oo sheegay in tababarkani ujeedaiisu  tahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee maareyayaasha centerada hoosyimaada degmada qalaafe. Wuxuuna xusay in tabaarkani yahay mid ay maareyaashu kubaranayaan casharo ku qotama xidhmoooyinka maamulka suuban (Good Governance Packages). Wuxuuna tilmaamay in tababarkan fulintiisa ay gacanwayn kagaysteen maaulka degmadu oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada qalaafe mudane Maxamed Khadar Faarax.

Dhankooda xubno kamid ah kabineetka degmada qalaafe oo kasooqaybgalay  gabagabadii tababarka ayaa maareeyayaasha u soojeediyay khudbado kaladuwan oo kahadlaya shuruucda maamulka suuban iyo ilaalinta saraynta sharciga Iyo kaydinta iyo xafidida documentiyada cenetrada, Ilaalinta iyo daryeelka goobaha adeeg-bixinta  ee kuyaala degmada sida biyaha, caafimaadka, beeraha  iyo waxbarashada. Waxayna carabka kudhfteen in warbixinada ceneterada ay wakhtigiisa soo diraan.

Ugudanbayna, dhankooda maareyayaashii tababarka kasooqaybgalay ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid faaiido wayn ay kafaa’iideen islamarkaana ay kubarteen casharo laxidhiidha xidhmooyinka maamulka suuban. Waxayna xuseen in kadib mrkii ay kulaabtaan cenetaradii ay  ficil kumuujinayaan casharadii ay barteen.

Kulan Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 7aadka Maagaalooyinka Dalka

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 13ka March 2017. Kulan balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska 7aadka magaalooyinka ee dalkeena itoobiya islamarkaana ay kasoo qaybgaleen kabaneega 6da maamul magaalo ee deegaanak , Injineero, iyo agaasimayaal ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta, magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay mid loogu diyaar garoobayo xuska 7aadka magaalooyinka dalkeena itobiya oo goordhow lagu qaban doono magaalada Gondor ee deegaanka axmaarada, Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray in xuskan lagusoo bandhigi doono horumarada kaladuwan ee magaalo walba ka samaysay deegaankeeda, Sida dhismaha mashaariicaha kala duwan ee ay magaalo walba fulisay.

Ugu danbayna madaxwayne kuxigeenka ayaa xusay in mudada uu cashirku socdo iyo maalmaha ka hadhan xuskaba laga wada hadli doono sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska 7aadka maagaalooyinka ee maalmaha fooda inagusoo haya ka qabsoomi doona deegaanka axmaarada. Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa socon doona mudo labo maalmood ah.

MM Godey Iyo 600 oo Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta

Godey(cakaaranews)Axad 12ka March 2017. Xaflad qalinjabin ah oo ay ku qalinjabinayeen 600 oo arday oo waxkabaranaysay kuliyada xirfadaha iyo farsamooyinka kaladuwan islamarkaana bartay xirfadaha kaladuwan ee sida Furnitureska Birta iyo Alwaaxa, Cunto karinta iyo laxaamadaha kaladuwan ayaa si rasmi ah uga dhacday MM Godey.

Hadaba, xafladan oo ay kasooqaybgaleen maamulka Gobolka, Maamuka magaalada Godey Hooyooyinka iyo martisharafkale ayaa waxaa furitaankeedii khudbad kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Tababarda, Xirfadaha  iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI mudane Naasir Xasan Cabdi oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo waliba maamulka iyo macalimiintiii ardaydan waxsoobaray. Wuxuuna xusay in ardaydan qalinjabisay ay mid katahay tubaha lagaga baxayo saboolnimda islamarkaana larabo in dalku kaga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kubuuriyay qalin jabiyayaasha in ay noqdaan kuwo ficil kumuujiya cilmigii aybarteen islamarkaana ugu shaqaysta si daacad ah kadib markii ay ku noqdaan degmooyinkii ay kakale yimaadeen.  Wuxuuna carabka udhuftay in sanadsanadka kadanbeeya lasii xoojin kor uqaadista ardayda barata xirfadaha iyo farsamooyinka kaladuwan.

Sidookale, waxaa isna xafladan kahadlay Maareeyaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadaha kaladuwan (COC) ee DDSI mudane Mubaarak Axmed Maxmed oo isna dhankiisa u diray hanbalyo dhamaan qalinjabiyaaasha. Wuxxuna xusay maareeyuhu in ardaydani tahay arday si fiican lo xaqijayay tayadooda islamarkaana ay yihiin arday competence ah. Wuxuuna ku booriyiyay in ay barashada xirfaduhu ay yihiin dhiigjooojin islamarkaana qof aan xirfad aqoonin uusan waxba ahayn.

Dhankakale, masuuliyiintii kuliyadaha caafimaadka iyo kuliyada xirfadaha ayaa iyana dhankooda khudbado kaladuwan kasoojeediyay oo taabanaya dhinacyo kaladuwan.

Ugudanbayna qalinjabiyaashii oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadhan kaladuwan ee ay barteen kuna barteen wakhtiga gaaban ee 45 ta maalmood ah. Waxayna balan qaadeen inay si daacada ugushaqaynayaan degmooyinkii ay kakala yimaadeen.

MM Qabridahar Iyo 526 Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta

Qabridahar(cakaaranews)Axad 12ka March 2017. Xaflad ay si wada jira ah usoo agaasimeen kuliyada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta iyo kuliyada caafimaadka MM Q/dahar islamarkaana ay ku qalinjabinayeen 526 arday oo bartay xirfadaha kaladuwan ee sida furnitureska birta iyo alwaaxa, cunto karinta iyo laxamaadaha kaladuwan ayaa si rasmi ah uga dhacday MM Qabridahar.

Hadaba, xafladan qalinjabinta ah ayaa waxaa furitaankeedii khudbad kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Tababarda, Xirfadaha  iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI mudane Naasir Xasan Cabdi oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo waliba maamulka iyo macalimiintiii ardaydan waxsoobaray. Wuxuuna xusay in ardaydan qalinjabisay ay mid katahay tubaha lagaga baxayo saboolnimda islamarkaana larabo in dalku kaga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kubuuriyay qalin jabiyayaasha in ay noqdaan kuwo ficil kumuujiya cilmigii aybarteen islamarkaana ugu shaqaysta si daacad ah kadib markii ay ku noqdaan degmooyinkii ay kakale yimaadeen.  

Sidookale, waxaa isna xafladan kahadlay Maareeyaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadaha kaladuwan (COC) ee DDSI mudane Mubaarak Axmed Maxmed oo isna dhankiisa u diray hanbalyo dhamaan qalinjabiyaaasha. Wuxxuna xusay maareeyuhu in ardaydani tahay arday si fiican lo xaqijayay tayadooda islamarkaana ay yihiin arday competence ah. Wuxuuna ku booriyiyay in ay barashada xirfaduhu ay yihiin dhiigjooojin islamarkaana qof aan xirfad aqoonin uusan waxba ahayn.

Dhankakale masuuliyiintii kuliyadaha caafimaadka iyo kuliyada xirfadaha ayaa iyana dhankooda khudbado kaladuwan kasoojeediyay oo taabanaya dhinacyo kaladuwan.

Ugudanbayna qalinjabiyaashii oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadhan kaladuwan ee ay barteen kuna barteen wakhtiga gaaban ee 45 ta maalmood ah. Waxayna balan qaadeen inay si daacada ugushaqaynayaan degmooyinkii ay kakala yimaadeen.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiin Kasocday Qaramada Midoobay

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 12ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaaduu socdaalka ugasoo galayba wuxuu xafiiskiisa kulan kulaqaatay mas’uuliyiin sare oo kasocday qaramada midoobay(UN) oo ay hogaaminayeen Dr. AKPAKA KALU oo ah wakiilka hay’ada caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay uqaabilsan dalkeena itoobiya iyo Miriam Maluwa oo ah UNAIDS Ethiopia Country Director. Waxaana madaxwaynaha kulankan kuwehelinayay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba madaxwaynaha iyo mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xaalada abaaraha ee deegaanka isagoo madaxwaynuhu uga warbixiyay jawaabihii deg-dega ahaa ee ay dawlada federalka ah iyo xukuumada deegaankuba kabixiyeen bilaw ilaa wakhti xaadirkan iyagoo xooga saaray inuusan shaqsina udhimanin biyo, baad iyo dawo la’aan islamarkaana diirada saaray in dhamaan ceelasha deegaanka ee kuyaala goobaha la isugu yimaado ee caanka ah ay functional ahaadeen hadh iyo habeenba loona dhamaystiray shidaal kufilan, cudud shaqaale iyo dayactirkoodiiba iyo in 57 goobood loo doortay  bixinta adeeg hufan, lana dhigay calafkii xoolaha islamarkaana biyihii, cuntadii iyo dawadiiba loogu diyaariyay dad iyo duunyaba. Taas oo dawo kanoqotay xaalada abaarta ee bulshada xoolo-dhaqatada ah oo awal uhayaami jiray deegaano kale inay goobahaas modelka loo doortay isugu yimaadaan. Wuxuuna intaa kudaray madaxwaynuhu in kooxaha caafimaadka ee wareega toos looga hawlgaliyay goob kasta laguna xoojiyay kooxaha taageerada gaarka ah ee dhinacyada caafimaadka dadka iyo kuwa duunyada. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray kaalintii ay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ganacsatada deegaankuba kaqaateen xaalada abaaraha. Wuxuuna xusay in wakhti xaadirkan ay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumadu kusugan yihiin goobaha abaaraha iyagoo kaqaybinaya deeqo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, calafka xoolaha, dawada dadka iyo duunyada, dawada biyaha IWM.

Dhankooda mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumada dalka, tan deegaanka, shacabka iyo hay’aduhuba ugu gurmadeen shacabka ay abaartu saamaysay ee deegaanka iyagoo tilmaamay in qorshe cilmiyaysan oo maskax caafimaad qabta dajisay lagaga jawaabay abaartan islamarkaana xukuumada dalka iyo tan deegaankaba uga mahadceliyay iyagoo waliba kamarkhaati kacay horumarka baaxada leh ee kahanaqaaday deegaanka kadib booqasho ay kutageen goobo kamid ah deegaanka. Mas’uuliyiintan ayaana dhankooda kunuux-nuuxsaday inay sii laba-jibaarayaan dadaalkooda ku aadan gurmadka abaaraha iyagoo tilmaamay inay xooga saarayaan dhanka caafimaadka dadka. Waxayna intaa raaciyeen in xataa shirarkooda waa wayn iyo munaasabadahooda daraasaadyada iyo dood-cilmiyeedkaba ay usoo dhaadhicin doonaan xarunta deegaanka.

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaankka

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 12ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib markuu usoo dhamaaday howlihii shaqo iyo shirarkii uu utagay xarunta dalka ee magaalada addis ababa. Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan kusugan yahay xarunta deegaanka ee maagaalada jigjiga.

More Articles...

  1. Deeqaha Xukuumada DDSI Gaadhsiinayso Shacabka Abaaruhu Saameeyeen.
  2. Nidaamka Rimay Gacmeedka Oo Tababar Lagu Siiyay Macalimiinta Kuliyada TVET ka Ee MM Godey
  3. Socdaalka Gurmadka Abaaraha Iyo Doolo.
  4. Kulan Ay Yeesheen Xafiiska Beeraha DDSI, Kooxo Ka Socday Wasaarada Beeraha Ee Heer Federal Iyo Koox Ka Socday Hay’adaha Deeqbixiyayaasha Ah.
  5. Socdaalo Deeqo Lagu Gaadhsiinayo Bulshada Abaaruhu Saameeyeen.
  6. Degmada Qalaafo Oo Lagu Qabtay Tababar Kusaabsan Ladagaalanka Caadooyinka Xunxun
  7. Khibrad Wadaag Ay Wada yeesheen Masuuliyiinta Cilmibaadhista Deegaanka Iyo Hogaaminta Macadka Cilmibaadhista Malka Warar
  8. MM Qabridahar Oo Si Balaadhan Looga Xusay Maalinka Haweenka Aduunka
  9. Munaasabada Maalinta Haweenka Aduunka Oo JigJiga Laga Xusay.
  10. Xuska Sanad-guurada 41aad Ee Maalinka Haweenka Aduunka Oo Siwayn Looga Xusay MM Dhagaxbuur
  11. Dire Dawa Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Sanad Guurada 19aad Ee X.D.SH.S.I.
  12. MMJ Oo 10 Force Ku Wareejiyay 10 Xaafadood Oo MMJ Ah
  13. Munaasabada Xuska Sanadguurada 19aad Ee XDSHSI Oo Si Heer Sare Ah Looga Xusay MM Wajaale
  14. MM Dhagaxbuur Iyo Tababar Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo
  15. Degmada Qalaafo Oo Si Heersare Ah Looga Xusay Sanad-guurada 19aad Ee XDSHSI
  16. Munaasabada Xuska 19aad ee X.D.SH.S.I Oo Si Meeqaam Sare ah Looga xusay jigjiga.
  17. MM Dhagaxbuur Iyo Munaasabadii Xuska 19aad Ee XDSHSI
  18. Dhakhaatiir Jaamacada Jigjiga U Diray Gobolka Doolo oo Gaadhay Xarunta Gobolka Ee Wardheer.
  19. Munaasabada Xuska 19aad Ee X.D.SH.S.I Oo Si Balaadhan Loogu diyaar Garoobay.
  20. Kulan Looga Hadlayay Ka Hortaga Socdaalka Sharcidarnada Ah Oo Ka Furmay jigjiga.
  21. Tababar Kusaabsan Nidaamka Ilaalinta Deegaanka Schoolada Iyo Guud Ahaanba Nadaafada Dugsiga Iyo Ardayda.
  22. Socdaalo Lagu Darsayo Xaalada Abaarta
  23. MW CMC Iyo Mas’uulyiin Heer Federal ah Oo Dhawaan Booqan Doona Goobaha Ay Abaartu Saamaysay Ee Deegaankeena
  24. Tababar Kusaabsan Nidaamka Faayo-dhawrka Ee WASH
  25. MW CMC Oo U Amba Baxay Xarunta Dalka
  26. Gudoomiyaha Gobolka Doolo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xirfadlayaal Caafimaad.
  27. Munaasabad Abaalmarin Lagu Gudoonsiiyay Ardayda Kaalmaha Hore U Galay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen
  28. Degmada Qalaafo iyo Qoysas Kabadan 60 kun Oo Qoys Oo Sifiican Uga Faa’iidaystay Barnaamijka Damaanad-qaadka Cunada PSNP
  29. Kulan Lagaga Hadlayay Arrimaha Xuquuqul Insaanka Oo Ka Furmay Jigjiga
  30. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Sheegay In Uu Xoojinayo Daryeelka Caafimaadka Bulshada.
  31. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Ka Hortaga Musuqa Oo La Soo Gabagabeeyay.
  32. Bulshada kudhaqan Degmada Bilcil-buur Oo Bogaadisay Taakulaynta Iyo Daryeelka Loo Fidiyay
  33. kal-fadhigii Caadiga ahaa Ee Golaha Dhexe Ee XDSHSI
  34. Dowlada Federalka Ah Oo 16 Gaadhi Oo Raashin Ah Ugu Deeqay Somaliland
  35. Kulankii Wadatashiga Iskaashiga DDSI Iyo Somaliland Oo Ka Furmay Jigjiga.
  36. Shaqaalaha Gobolka Doolo Iyo Cusbitaalka Magaalada Wardheer Oo Bulshada Xoolo-Dhaqatada Ah Ugu Deeqay Haamaha Biyaha lagu kaydiyo.
  37. Buundada Caalamiga Ee Geeldoox Oo Si Rasmi Ah Xadhiga Looga Jaray
  38. Kulan Lagaga Hadlayay Doorka ay Hay’aduhu Ku Leeyihiin Ka Qayb-qaadashada Xaaladaha Abaaraha.
  39. Tababar Kusaabsan Maaraynta Miisaaniyada Iyo Diyaarinta Qorshaha Istratijiyadeed
  40. Kal-fadhigii Golaha Kabineega DDSI Oo Furmay
  41. Warshada Biyaha Ee Aqua Dire Oo Deeq 8 Gaadhi OO Calaf Ah Iyo Lacag Soo Gaadhsiiyay Bulshada Ay Abaartu Saamaysay
  42. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Dawooyin iyo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyay Xarunta Caafimaadka Degmada Galxamur.
  43. Xarumo Caafimaad Oo Xadhiga Laga Jaray.
  44. Tababar Loo Hayay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolada Faafan,Jarar, Siti Iyo Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay
  45. Wasiirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI Oo Ka Warbixiyay Dadaalka loogu Jiro Wax Ka Qabadka Xaaladaha abaaraha.
  46. Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolka Liibaan
  47. MM Godey Iyo Shir Kusaabsan Dhisida Ciidanka Horumarka Caafimaadka
  48. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Barnaamijka Public Work Ee Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga DDSI
  49. Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka-hooyo Ee Gobolka Af dheer
  50. Kabineetka MM Godey Oo Loo soo jeediyay Barnaamijka Ciidanka Horumarka Caafimaadka
  51. Xuska 5aad Ee Ciidamada Difaaca Qaranka JDFI Oo Si Heer Qaran ah Loogu Xusay Jigjiga.
  52. Xaflad Casho Sharaf Ah Oo Loo Qabtay Masuuliyiinta Ka Qaybgalaysa xuska Ciidamada Qaranka.
  53. Madaxwaynaha JDFI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Si Heer Sare Ah Loo soo Dhaweeyay
  54. M.M Qabridahar iyo Tababar Looqabtay Macalimiinta Luuqada Afka-Hooyo
  55. Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay Wafti Ka Socday Somaliland.
  56. Ganacsatada DDSI Oo 32 Millyan Oogu Deeqay Bulshada Ay Abaaruhu Saameeyeen.
  57. Tababar ku saabsan istaraatiijiyada Waxbarashada baahida gaarka ah
  58. Wafti Ka Socday Somaliland Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga
  59. Tababar Loo qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Luuqada Afka-Hooyo Ee Gobolka Shabeele
  60. Ogaysiis: Dhamaan Ganacsatada Degaanka.
  61. Shir Lagaga Hadlayay La Dagaalanka Musuqa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Diridhaba.
  62. 53 Gaadhi Oo Sida Calafka Xoolaha Oo U Ambabaxay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay
  63. Xaflad lagu daah-furay hirgalinta nidaam casriya oo lagu bixinayo lacagta mashruuca PSNP.
  64. Ololaha Dawo Qaybinta cudurka Bakoorada Oo Ka Bilowday Senterka Goboblay Ee Degmada Awbare
  65. Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo sameeyay Fanaaniinta dalka Jabuut.
  66. Ogaysiis: Dhamaan Ganacsatada Deegaanka
  67. Ogaysiis Muhiim ah: Shacabka DDSI Dal Iyo Dibadba
  68. Xuska Bisha Caafimaad Qabka Hooyada Oo Laga Xusay Jigjiga.
  69. Munaasabad Lacag Boqol Milyan Oo Birr Ah Lagu GudoonSiiyay Eheladii Dadkii Ku Shihiiday Nidaamka
  70. ICT ga Deegaanada Dalka Oo Loo Soo Gabagabeeyay Qiimayn U socotay
  71. Wacyigalin Kusaabsan Cudurka HIV-AIDS Oo Loo Qabtay Ardayda Kuliyada Jigjiga Poly-Technic
  72. Shirkii 7aadka Dakhliga Iyo Jibriyada Oo Galay Maalinkiisii 2aad
  73. Wasiirka Wasaarada Dakhliga Iyo Jibriyada JDFI Oo Si Diiran Loo soo Dhaweeyay
  74. Xuska Todobaadka Dakhliga Heer Qaran Oo Ka Furmay Jigjiga.
  75. Dhakhaatiirtii Deegaanka Tigray U Soo Diray DDSI Oo Gaadhay wardheer
  76. Deeqdii Raashinka Ahayd Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadhay Degmooyin Kamid Ah Doolo Iyo Qoraxey
  77. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga.
  78. UHSI Ee DDSI Oo Dhalinyar Ku Wareejiyay Mashiinada Dharka Lagu Talo
  79. Kuliyada TVET ka Ee Qabridahar iyo Tababartayaal Cusub Oo lagu Soo Xareeyay
  80. Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii 6dii bilood ee Wakaalada Dakhliga DDSI.
  81. Tababar Ku Saabsan Diyaarinta Qorshaha Ol-olaha Talaalka Ka Hortaga Cudurka Jadeecada Oo Ka Furmay Wardheer.
  82. Deeqdii Raashinka Ahayd Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadhay Degmada Gaashaamo
  83. Shirkii Qiimaynta Waxbarashada Heer Qaran Oo Ka Furmay Dase.
  84. Deegaanka Tigray Oo 14 Gaadhi Oo Calafka Xoolaha Ah Soo Gaadhsiiyay Deegaankeena
  85. Kulan Qiimayn Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Dugsiga Hoyiga Agoonta Magaalada Jigjiga
  86. Ganacsade Xaaji Maxamed Xaaji Ismaaciil Oo deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Degmada Gaashaamo
  87. Kulan Ku Saabsan Nidaamka Horumarinta Khayraadka Xoolaha Oo Ka Furmay jigjiga.
  88. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay
  89. Wafti Heer Caalami ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Wardheer.
  90. Xarunta Caafimaadka Degmada Garbo Oo Sheegtay In ay Kor Uqadeen Dhanka Adeeg Bixinta Xarunta.
  91. Shir Qiimayn ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI
  92. Qiimayn Lagu Sameeyay Shaqaalaha Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI.
  93. Iskaashatada Wadajir Oo Calafka Xoolaha Ugu Deeqday Bulshada Xoola Dhaqatada Ah Ee Abaaruhu Saameeyeen.
  94. Raisal wasaaraha Hailemariam Desalegn Oo Kaduulay Garaad Wiil-waal International Airport
  95. Raisal Wasaaraha JDFI Oo Shahaado Sharafta Ugu Saraysa Bixiyay
  96. Munaasabada 16 jirsatay ee xuska maalinta xoolo dhaqatada JDFI oo si meeqaam sare ah loogu dabaaldagay jigjiga.
  97. Tababar Loo Qabtay Tababarayaasha Macalimiinta Deegaanka Ee Afka-hooyo.
  98. Raysal-wasaaraha Dalka Oo Lagusoo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalimiga ah Ee Magaalada Qabridahar
  99. Kulan Lagu Qiimaynayay Shaqaalaha Xafiiska Ka Hortaga iyo u Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI Oo furmay.
  100. 120 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Xukuumada DDSI ayaa Lagu Soo Dhaweeyay MM Wajaale.