Kulan aad U Balaadhan oo Gudaha Safaarda DFI ee Uk Uga Socda WaftigaXukuumada DDSI iyo Qurbajoogta Uk.

London (Cakaaranews) 05/01/2012 waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay wadanka ingariiska ee caasimada Uk ee london Waftigii Xukuumada DDSI ee uu hogaainayay Madaxweyne kuxigeenka DDS mudane Cabdulaahi Yuusuf Weerar oo ay wehelinayeen Wasiirka Jidadka Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiirka maxkamada sharecada Islaamka DDSI Mudane Sheekh Maxamed Yuusuf iyo wafuudkale oo lasocotay. Shirweynahan ayaa ay Qurbajoogta,Jaaliyada,Ururka Dhalinyarada DDSI ee uk oo uu Hogaaminayay Mudane Maxamed C/qaadir(Foolow)iyo Ururka Haweenka DDSI ee Uk ay si heersare ah uga soo Qaybgaleen.

Dhanka kale Waxaa Kulankan ka soo Qaybgalay Dhamaanba Madaxda Safaarda DFI ay ku leedahay Dalka Uk,Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa Khudbad aad u Qiimo badnayd oo Tibaaxaysay Warbixinta Waxqabadaka Xukuumada DDSI ee Dhanka Horumarka,Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Wadooyinka,Isgaadhsiinta,Arimaha Bulshada,Xidhiidhka Qurbajoogta,Biyo-xidheeka Abbay, Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagaarada wabiyada iyo Dooxooyinka iyo Nabadgelyada Deegaanka ka soo jeediyay Shirkan.

Qaar ka mida Jaaliyada,Dhalinyarada,Odoyaasha iyo waxgaradka ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday Waxqabadka DDSI ee maanta jirta ay ku talaabsatay Mudadii yarayd ee ay jirtay,sidoo kalana bogaadiyay Ciidamada Liyuupolice oo Gacan bira ku qabtay UBBO,Xuduudaha iyo Sugida Amniga deegaanka,islamarkaana baklanqaaday in ay Doorkooda ka qaadan doonaan si hagar la'aana Tiirar adagna u noqon Doonaan Xukuumada maanta jirta.

Wixii Faahfaahin dheeraada ee ka soo baxa Shirka Dib ayaanu idiinka so sheegi doonaa.

Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Dibucurasho Ku Sameeyay Adeegbixinta Qaar Ka Mida Awoodahana U Dhaadhiciyay Maamulada 10ka Xaafadood.

Jigjiga(cakaaraNews)Sabti Jan,05,2013.mayorka maamulka magaalada jigjiga mudane suldaan maxamed xasan ayaa dibucurasho ku sameeyay adeeg-bixinta xafiiska islamarkaana qaar ka mida awoodihii uu ku shaqayn jiray Maamulka Magaalada jigjiga u dhaadhiciyay Maamulada 10ka xaafadood ee Magaalada Jigjiga si ay u fududaato Nidaaamyada Adeeg-bixinta shacabka. Mudanesuldaan ayaa u dhadhiciyay Maamulada Xaafadaha Adeeg-bixinta shacabka ee ay ka midka yihiin Bixinta Adeegyada Xafiisyada iyo Shirkadaha la siiyo,bixinta Adeegyada Arimaha Bulshada iyo Adeegyada qabashada Dakhliga Cadaymaha Dhalashada iyo Meherka.

Dhanka kale mudane suldaan ayaa tibaaxay in Adeeg-bixinta 3dan waaxood oo ah kuwa ugu shaqada badan ay hada ka hor shacabku u soo doonan jireen Xafiiska Maamulka Magaalada jigjiga balse wixii hada ka danbeeya ay shacabku ka heli doonaan Maamulada 10ka Xaafadood ee Magaalada Jigjiga taasoo Micnaheedu yahay in ay shacabku helaan adeeg hufan oo degdegsiimo badan(Busines proces re-engineering) ayuu yidhi.

Sidoo kale Mayorka ayaa Carabaabay in shaqaalaha ka hawlgali doona maamulada xaafaduha ee loo dhaadhiciyay ay noqon doonaan Shaqaalaha bixiya Fasaxa Dhulka iyo Xujadaha iyadoona uu xafiisku dhawaan shaqaalaha u diray Maamulka Diredawa si ay khibrad uga soo qaataan waana mid ka mida Qorshayaasha Horumarinta Magaalooyinka ayuu yidhi.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI oo hogaaminta Dhexe ee Tababarka Dhamaystay kala dardaarmay in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan mashruuca biyo xidheenka wabiga Abay.

Jgjiga(cakaaraNews)Sabti Jan,05,2013.Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska caafimaadka mudane c/fataax maxamed xasan ayaa maanta shir kula yeeshay hogaamintii uu tababarku u dhamaaday hoolka shirarka ee kuliyada Dr cabdi-majiid xuseen.

hogaaminta dhexe oo ay tiradoodu ahayd 570 ayaa tababar la xihiidha Hogaaminta,stratijiyadaha Dhaqaale iyo siyaasadeed iyo maamulka suuban ku qaadanaysay mudo laba bilood ah kuliyada tabarada macalimiinta. Masuuliyiintan Hoaaminta Dhexe ayaa ka kala timid Qaabdhismeedyada Maamul ee Dawlada Heer-Deegaan,Heer-Gobol iyo Heer-Degmo.

Hadaba Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax maxamuud Xasan oo Dardaaran Taabanaya Dhinacyo badan siiyay Hogaaminta Dhamaysatay Tababarka ayaa sharaxaad dheer ka siiyay faa-iidada uu leeyahay wabiga abay Kobaca Dhaqaale ee Guud ahaan DFI gaar ahaana DDSI loogana Baahan yahay Shaqsi kasta oo Itoobiyaan ah ka qaybqaadashada Hawlaha Qarameed sida biyo-xidheenka ayuu yidhi. madaxwayne ku xigeenka mudane c/fataax maxamed xasan sharxay halka uu haatan mashruucaasi marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la sii xoojiyo taageeradii aan horeba ula garabtaagnaayeen Qowmiyada Soomaalidu Dal iyo Dibadba wuxuuna hogaaminta si wayn ugu booriyay in ay si xilkasnimo leh uga soo dhalaalaan taageeradaas Dhismaha Mashruuca Biyo-xidheenka ABBAy iyo Hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed ee Kobaca Dhaqaale ee 5ta sano Dalku hiigsanayo(5yrs Growth And Transformation Plan)iyo Qorshaha Xukuumada DDSI ee (Strategy Planing Measurement,SPM) islamarkaana ay Maamuladu ku baraarujiyaan Shacabka taageerada mashruucan gaadhsiiyaan degmooyinkii iyo goboladii ayuu yidhi.

Hogaaminta ayaa iyana Dhankooda waxay balanqaadeen in ay ka soo dhalaali doonaan Gudashada masuuliyada ka saaran mashruucan wabiga biyo xidheenka Abay iyo ka midho-dhalinta Qorshayaasha Horumarineed,waxayna sidoo kale balan qaadeen in ay kor u qaadi doonaan dhinaca ka qaybgalka bulshada.

Qore Mukhtaar

Madaxwayaha DDSI oo Booqday mashruuca biyo ururinta ah ee laga wado ee tuulada waaji oo ka tirsan degmada jijiga.

Waaji(cakaaraNews)Sabti January 05,2013.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid tahay wasiirada xafiiska khayraadka biyaha DDSI marwo fartuun cabdi ayaa waxay booqasho ku tageen mashruuca biyo ururinta laga wado ee ku yaala tuulada la waaji oo ka tirsan degmada jijiga. Ahmiyada booqashadan oo ahayd sidii ay u soo indho indhaynlahaayeen heerka uu marayo mashruucani biyo ururinta oo wakhti xaadirkan ku dhaw gaba-gabo,islamarkaana loogu tala galay in Mashruucan biyo-uruarintan looga faa-iideeyo Qabashada biyaha dhibicda roobka si ay Xoolaha iyo bulshadu uga faa-iidaysan doonaan waraabka beeraha iyo cabistaba.

Dhanka kalena waxaa mashruucan biyo ururinta shaqo badan ka helay bulshada ku dhaqan tuuladaasi waaji kuwaasoo Fursadan shaqo ee ay xukuumadu u abuurtay ku tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin Waxqabadka Xukuumada iyo mashruucan biyo ururinta ah ee laga wado deegaankooda.

sidoo kale madaxwaynaha ddsi mudane cabdi maxamuud cumar ayaa intii uu socdaalka booqashada ah ku jiray waxa uu halkaasi waraysi kula yeeshay Qaar ka mida Qaybaha bulshada ku dhaqan tuuladaasi waaji kuwaasoo madaxwaynaha u sheegayay in ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay xukuumadu ku doonayso in noloshooda wax lagaga bedelo.

Isku soo wadada Duuboo xukuumada DDSI ee maanta jirtaayaa xooga saartay sidii bulshada DDSI meel kasta oo ay ku dhaqan yihiinba looga saari lahaa Baahida biyaha loogana haqabtiri lahaa helida biyo nadiifa,islamarkaana Qorshayaasha Biyaha culayska saartay sanadkana dhinaca biyaha ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay la dhisayin ka badan 700 todoba boqol oo barkadood.

waftigii xukuumadda DDSI oo Tegay Los-Angeles Lana kulmay Safiirka DFI u Fadhiya Los Angeles.

Los-angeles(cakaaraNews) Waftiga Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa ka hor intii aynan u soo ambabixin Dalka UK Booqasho ku Tagay Los-Angeles Halkaas oo Qunsul-xigeenka DFI u fadhiya Los-angeles Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf iyo Jaaliyada DDSI ee Los-angeles ay si diiran ugu soo dhaweeyeen waftiga.

Dhanka kale Waftiga ayaa la kulmay safiirka DFI u fadhiya Los-angeles Gudaha safaarada Itoobiya ay ku leedahay,islamarkaana ay ka wada hadleen Xidhiidhka jaaliyadaha ku dhaqan Maraykanka Gaar ahaan Los-angeles iyo Doorka ay Hawlaha qarameed ka Qaataan Qurbajoogta DDSI. Safiirka ayaa aad ugu amaanay Waxqabadka Xukuumada DDSI ay ka samaysay Xidhiidhka Qurbajoogta,taasoo midho-dhal qarameed u noqotay DFI,tusaale ku dayasho muadana u noqotay Qurbajoogta Qowmiyadaha kale ayuu yidhi safiirku.

Sidoo kale waftiga ayaa kulamo la yeeshay Gudiyada jaaliyadda los-angeles iyo qurbajoogta halkaasoo ay jawi wanaagsan ku dhamaadeen,islamarkaana waftiga loo soo sagootiyay dalka ingiriiska oo ay joogi doonaan mudo 4 cisho ah.

Ogaysiis:Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenka oo London Yimid iyo Shir Ka Dhici Doona Sabtida Safaarada DFI ee London.

London(CakaaraNews)Jimce January 04,2013.Waxaa Dhamaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ee ku dhaqan Magaalada London iyo Nawaaxigeeda la ogaysiinayaa ka soo qabgalka shir balaadhan oo ka dhici Doona Gudaha Safaarda DFI ay ku leedahay London Maalinta Sabtida Saacadu markay tahay 1:00pm(Galabnimo).

Hadaba waxa ay mar labaad ogaysiinayaan Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee UK iyo Gudigiisuba ka soo Qaybgalka Shirkan Balaadhan ee ay Qabanayaan Waftiga Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ay Wehelinayaan Wasiirka Xafiiska Jidadka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiirka Maxkamada Shareecada Islaamka DDSI Mudane Maxamed Yuusuf iyo Madaxa Xafiiska Qurbajoogta Laanta Addis-Ababa Mudane Cabdi Aadan.

FG:-Wixii Faahfaahin Dheeraada ee ku Saasan Shirka waxaad kala xidhiidhi kartaan Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee UK MUdane Jamaal Sheekh Ibraahin iyo Gudiga Jaaliyada DDSI UK. Ka Soo Qaybgal-wacan.

More Articles...

  1. Kulan Xogwaraysi iyo Wadatashi Ah oo ay Galabta Isugu Yimaadeen Dhamaan Hogaaminta Dhaqanka DDSI,Madaxweynaha DDSI iyo C/nuur-yare iyo Waftigiisa
  2. Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog Ka Timid Australia oo DDSI Maalgashi Ka Samaysanaya.
  3. Hogaaminta Sare,Kaadiriinta Garabka Asmara iyo C/nuur-yare oo Video-Conference Kula Hadlay Maanta Xukuumada DDSI.
  4. Tababarka Hogaaminta Dhexe ee Wajigii 2aad Ayaa Gebogebo Ku Dhaw iyo dardaarankii Gudoomiyaha XDHSI.
  5. Kulan ay wada yeesheen ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska aya soo gabagaboobay
  6. sagaaro Xaar Muuqday Aastaa Ubbo oo isku Dayaysa in ay u raad Gado Dilka Deeq Dhagoole 3 Cisho ka dibna Si kale U sheegto.
  7. C/nuur-yare Jawi farxad-Nabadeed si loo Abuuro waa in Maxaabiista La Sii Daayaa iyo Madaxweynaha oo Ka Aqbalay.
  8. War Deg-Deg Ah Shiftay Sheekh Deeq(Dhagoole) oo Geeriyooday Maxaase Sababay Dilkiisa?
  9. Madaxweynaha DDSI oo Farxada Sanadka Cusub Ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Shacabka DFI Gaar ahaan Shacabka DDSI.
  10. Ogeysiis:Jaaliyada Los-Angales Waftigii Xukuumada DDSI oo Beri Ku Qaban Doona Gudaha Qunsuliyada Shir.
  11. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Mud: Maxamed Cabdi Mowsar ayaa kormeer indha indhay ah kusoo gaalaa bixinayey Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.
  12. Barnaamijka Biyo Ururinta ee Laga Wado Tuulada Waaji ee Degmada Jigjiga oo Gebo-Gebo Maraya.
  13. Falanqaynta Quruxda:-Ma La Socotaa 11ka Xidigaha Kubada Cagta ee ugu Xaasaska Qurxoon
  14. MO-Farah oo Magaciisu u Ekaaday Magac Nin Argagaxiso ah oo La Raadinayay Mudana Lagu Yara Xanibay Garoonka Diyaaradaha Portland(USA).
  15. Golaha Capinetka DDSI oo Shir Maanta Isugu Yimid Kuna Ansaxiyay Qodobo Muhiima.
  16. Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirad ku-xigenada xafiiska madaxtooyada DDSI ayaa kormeer hawleed ku tagay Goobaha Tuulada Geri'Goan laga dhisayo Mahaariicaha Aas-aasiga ah.
  17. Deeqday Dugsiyada Hooyga Agoonta ee Jigjiga iyo Fiiq labo gaadhi, Manhaj iyo Laydhadh Solar ku Shaqeeya.
  18. Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/kuxigeenka DDSI oo Maqaaxida Molka 24aad ee Minniapolise(Shaah Macan)Kula Saaheeyay Qurbajoogta.
  19. Jaaliyaadka DDS oo ra'isulwasaare Meles kusoo dhaweeyey Columbia University, quusna galiyeen taageerayaasha mucaaradka
  20. Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY
  21. Imtixaanka Guud ee Bari ay Ufadhiisanayaan Fasalada 10 &12 & Heerka Waxbarashada Waxqabadkii Saddexdii Sanno ee Ugu Dambaysay
  22. Doorashooyinkii X/xildhibaanada Dagmooyinka & Xaafadaha DDS oo si nabad galyo ah kusoo gabagababoobay
  23. Ciyaartooygii DDS Oo Guulo Waawayn Kasoo Hooyay Ciyaarihii Qaranka Itoobiya Ee lagu Qabtay Casimada A.A