Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDSI oo Kormeer Hawleed Iyo Badhi-gantaalid Hawlaha Dibu-dejinta Gobolka Afdheer Ku Tegay.

Afdheer(CakaaraNews) Isniin April 08,2013.Sida uu Wariyahayagu noogu soo waramay waxaa dhawaan Booqasho lagu dardargalinayo Hawlaha Dibudejinta ka Socda Gobolka Afdheer ku Tegay Wafti heer-deegan ah oo ka koobnaa 12 Xubnood oo uu hogaaminayay wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Horumarinta Biyaha DDSI Injineer Fuaad Xasan isuguna jiray Dhamaanba Xafiisyada Stake-holderska u ah barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagaarada wabiyada iyo Dooxooyinka.

warka ayaa waxa uu intaa ku Darayaa in ay Gudigan oo uu XDSHSI u idmay Kormeerka,Wacyigalinta iyo Taageerada la siinayo Bulshada Dibudejinta loo sameeyay in ay Dhamaanba Gobolka Afdheer Degmooyinka Sanadkan laga Dhaqan Galiyay Barnaamijka Dibudejinta oo kala ah Degmada Hargele,Dolobay,Jarati,Iimay-galbed CeelkarI,Guradhamoole,Gorabaqaqsa iyo Degmada Qarsaaduule in ay Maamulada Degmooyinka ee u Xilsaaran Hirgalinta Barnaamijkan ay Taageero Dhinaca Khibrada,Waaya-aragnimada iyo Qalabka Beeraha ay Siiyeen. .

Dhanka Kale Waxaa Xusid Mudan In Qorshihii Dejinta Qoysaska Sanadkan ay Gobolka Afdheer loo qorsheeyay in la dejiyo Qoysas Dhan 4152 Qoys Halka la dhamaystiray Dejinta Qoysas Dhan 4217 Qoys Taasoo Micnaheedu yahay Waa la Dhaafiyay Qorshihii yiilay,muujinaysana in Shacabka Deegaanku ay ku baraarugeen Faaiidada Nololeed ee ay leedahay Beeraleey-xoolodhaqatadu,islamarkaana ay Qoysaskani Durba ay si fiican uga najaxeen Barnaamijka Dibudujinta cunto-yaridii iyo Gaajadii waana mid ka mid ah Ujeedooyinkii laga lahaa Barnaamijkan oo ah in la yareeyo Cunto-yarida,Saboolnimada iyo Gaajadaba.

Barnaamijka Dibudejinta ee ka Socda Guud ahaanba 3da Gobol ee Shabeele,Adheer iyo Liibaan ayaa ay Shacabku aad ugaga Faaiideysteen Taasoo Xukuumadu Ay Qalabka Beeraha,Matooro,Xarumo,Caafimaad iyo Waxbarashaba uga Hirgalisay.Waana sanadkii 2aad ee Qorshan la fuliyay taasoo ay Bulshadu dareentay aaiidada Xolo-Dhaqato Beeralayda Nolosha Degan leedahay waxsoosaarkoodiina ay ka najaxeen iyaga iyo Deegaankuba.

Casha-Sharaftii Xukuumada DDSI iyo Waftiga Soomaaliya Oo Si Habsami Leh Uga Qabsoomatay Rassind-Blue Hotel.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Axad April 07,2013.Sidaan Hore idiinku Sheegnayba Waxaa Caawa si Heer sare ah uga Qabsoontay Rassind-Blue Hotel Casho-sharaf ay Xukuumada DDSI ugu talogashay Waftiga Dawlada Federalka Soomaaliya ee uu Hogaaminayo Saacid kuna wehelinayeen Wasiirada Arimaha Dibada,Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Gaashaandhiga iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka DDSI ayaa ay Munaasabadan Casho-sharafta ah ay ka soo Qaybgaleen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Afhayeenka Baarlamaanka DDSI,Wasiirka Arimaha Bulshada DFI,Wasiir kuxigeenka Wasarada Maaliyada DFI,Kuxigeenka Afhayeenka Golaha Federationka DFI,Wasiiro Xukuumada iyo 12 ka mida Xubnaha Baarlamaanka ugu Jira DDSI DFI.

Munaasabadan ayaa ku Qabsoontay Jawi aad u sareeya oo ay Labada Dhanba Xiisaynayeen halkaasoo hadalo Goos goos ah,Kaftan iyo isxogwaraysi lagu wada qaatay kuna dhamaaday jawi haboon.

Wixii ka soo kordha Dib ka fisha Xogta dhex martay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Waftiga Soomaaliya ee Raysal Wasaare Saacid,iyadoo Guud ahaanba Dalalka Gobolku ay aad isha ugu wada hayaan Maamul loo Sameeyo Jubaland State.

Jaaliyada Melbourne oo Soo Dhawaysay Aas-aasida Meles-Foundation Board iyo Ka Mid Noqoshada Madaxweynaha DDSI.

Melbourne(Australia) Axad Apr 07,2013.jaliyada somalida ethiopia ee dalka australia gaar ahaan magaalada melbourne ayaa waxay soo dhaweysay taageertayna aas-asitaanka la aas asay meles foundation iyo Boardiga 13ka ah ee loo doortay Hogaaminta Madaxweynaha DDSI uu ku jiro.iyadooy jaliyadu aaminsan tahay ina ay kor usiiqadi doonto Talaabadani horumarkii uu dhidibada u taagay halyeygii aragtida dheera ee meles senawi.

mida kale jaliyada somalida ethiopia ee australia ayaa si wayn usoo dhaweysay ka mid noqashada uu ka mid noqday excutive boardga Meles-Foundation madaxwaynaha dawlada degaanka somalida ethiopia mudane abdi maxamud cumar taasoo ay jaliyadu ku tilmaantay inay tahay guul u soo hoyatay dadwaynaha DDSI.

jaliyada somalida ethiopia ee dalka australia gaar ahaan melbourne ayaa soo dhaweeyay aas-aasida la aas asay meles-foundation iyadoo aan filayno inaay wax wayn ku soo kordhin donto horumarka uu ka tagay halyeygii isbedeladii,Maamulka suuban,hormarka iyo nabad galyada ee dalka ethiopia kuna hagi doonaan Jihooyinka siyaasadeed iyo Horumarineed ee DFI sidii aan looga leexan lahayn Nidaamkii Meles iyo Dastuurka DFI.

Casho-Sharaf Sal Balaadhan oo Ay Madaxda Xukuumada DDSI iyo Waftiga Raysalwasaaraha DFS Ay Caawa ku Yeelan Doonaan Hotel rassind-blue.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Axad April 07,2013.Waxaa caawa ay Xukuumada DDSI oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi MaxamuudCumar Ay Casho-Sharaf ugu samaynaysaa Waftiga Dawlada Federalka Soomaaliya ee uu Hogaaminayo Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirada Arimaha Dibada DFS Fowziya,Wasiirka Gaashaandhiga DFS Fiqi,Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariin Maxamed Guuleed iyo Masuuliyiin Kale.

Dhanka Xukuumada DDSI ayaa ay Casho-sharaftan ka Qaybgali doonaan Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Gudoomiyaha XDSHSI ahna Afhayeenka Baarlamaanka DDSI udane Maxamed-Rashiid Isaaq,Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/gelyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Wasiirka Madaxtooyada DDSI Mudane C/casiis Maxamed,wasiirada Xafiiska Haweenka Marwo Raxma Sulaan Maxamuud Haybe,Wakiilka XDSHSI laanta Addis-Ababa Mudane Ilyaas Maxamed,Wasiirka Dakhliga DDSI Mudane Cumar Siyaad,kuxigeenka warfaafinta Mudane Sheekh C/raxmaan(Qalaf),Afhayeenka Dire-Dawa Mudane Diiftu,Maayorka Diredawa Ibraahin Yuusuf,Kuxigeenka Hogaanka N/gelyada Mudane Maxamed C/waaxid,Kuxigeenka Dakhliga Axmed Ugaas iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka Madaxda DDSI ugu jirta Dawlada Federaalka ayaa ay casho-Sharaftan ka soo qaybgali doonaan Wasiirka Arimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax Sheekh C/laahi,Wasiir Kuxigeenka wasaarada maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFI Mudane Axmed Shide iyo Kuxigeenka Afhayeenka Golaha Federationka DFI Mudane Rashiid Xaaji iyo 12 xildhibaanada DFI ee DDSI.

Gebagebadu Waa In aanu Durba idiin Soo dhigno Shaashada Cakaara Sawirada iyo Marxabada ay ku sooGabagabawdo Casho-sharafta ay Xukuumada DDSI kulankii khaaska ahaa ka dib u qabatay Waftiga DFS ee uu Raysalwasaare Saacid Hogaainayo.

Deg-Deg: Madaxweynaha DDSI iyo Raysalwasaaraha DFS oo Kulan ku dhexmaray Sheraton Hotel Lagagana Wada Hadlay Arimaha Kismaayo.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Axad Apil 07,2013.Waxaa Maanta uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Qado-sharaf Ugu Sameeyay Hotel Shereton raysal-wasaaraha Dawlada Federalka Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) halkaas oo ay Si xeel-dheer uga munaaqishoodoon Arimo Badan oo ay ka mid ahayd Arimaha Maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Kulankan oo khaas u ahaa madaxweynaha DDSI iyo raysalwasaaraha DFS ayaa ay si xeel-dheer isula qaadaa dhigeen Xidhiidhka Labada dal,iskaashiga,N/gelyada iyo Arimaha Jubaland State,halkaasoo ay si fiican isugu waafaqeen arimihii ay ka wada hadleen sida wararku nagu soo gaadhaayaan ilaa iyo hada.

faahfaahinta wixii ka soo baxay Kulankan khaaska u ahaa Madaxweynha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) Dib ayaanu idiinka soo Sheegi Doonaa.

GABADHII UGU HORAYSAY AFRIKA EE PILOT NOQOTAY ASLI XASAN CABAADE OO KU SOO FOOL LEH DALKA ITOOBIYA.

Jigjiga(CakaaraNews(Waxaa booqasho heer sare ah ku imaandoonta Dalka itoobiya gaar ahaan deegaanka soomaalida itoobiya Gabadhii ugu horaysay afrika ee diyaarad kicisa noqotana pilot Marwo Asli xasan Cabaade oo Ay Wehelinayaan Wafti kale oo uu ka mid yihiin C/rashiid Colaad iyo Sheekh Axmed Xasan Budur Caalimka Scandinevianka.Asli Xasan Cabaade ayaa Asalkeedu uu ka soo jeedaa DDSI gaar ahaan Gobolka jarar islamarkaana door biday in ay Dalkeeda iyo ciideeda soo booqato kana qaybqaadato Horumarka iyo Maalgashiga ka socda Deegaanka.

Duuliye Sare(Pilot) Asli Xasan Cabaade ayaa ay Xukuumada iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshadu ay Diyargarow balaadhan ugu jiraan sidii loo soo dhawayn lahaa Gabadha Baalka Dahabka ah ka gashay Taariikhda Caalamka iyo Afrikaba Marwo Asli Xasan Cabaade oo ka mid ahayd Dadkii ka Qaxay Cadaadiskii iyo xasuuqii Ba'naa ee uu Dhergigii u gaysan jiray Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa ay booqashadan dhulkeeda hooyo u tahay markii 1aad ee ay cagaha soo galiso Ciida Dhulkeeda Hooyo,iyadoona damacsan in ay wax wayn ka qabato Adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka sida uu noo sheegay Lataliyaha Madaxweynaha Dhanka Qurbajoogta iyo Maalgashiga Mudane MNaxamuud Xaaji C/shakuur.

Ka Dib Booqashooyinkii uu Wakhtiga iyo Maskaxdiisaba markii uu Galiyay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Guud ahaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ee ku Baahsan 5ta Qaaradood ee Aduunka ayaa Natiijadii ka dhalatay ay Noqotay in ay Qurbajoogtu ku soo Qulqulaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya,Iyadoona Asli Xasan Cabaade ay noo sheegtay Mar wariyuhu Tel kula soo xidhiidhay In Jacaylka ay u Qabto Horumarka iyo N/gelyada DDSI in aynan Gurigeeda ku Yaala USA ay ESTV mooyee wax kale ku daawan.

Gundhiga iyo Gebogebada hadal-qoraalka ayaa Nuxurkiisu yahay in Kalgacal,Xiiso iyo Boholyoow loogu wada heelan yahay Duuliye Sare Marwo Asli Xasan Cabaade loo Wada Tabtaysanayo Laguna Soo Dhawayn Doono Deegaanka,iyadoona ay Asli Xasan Cabaade ay Ku jirto Dadka Magaca Caanka ah ku leh ee Lagu Magacaabo Diaspora Philantropy oo ay Qorshanayo In ay Dalka ku soo Xirto Maalqabeeno heer Caalami ah.

More Articles...

  1. Raysal-wasaaraha DFI,Madaxweynaha DDSI iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo Maanta La Kulmay Waftiga Somaliya ee uu Hogaaminayay Raysalwasaare Saacid.
  2. Meles-Foundation oo La Doortay 13 Xubnood oo Ah Hogaminta Boardiga Kana Mid Yahay Madaxweynaha DDSI iyo Dalal Lacag Ku Biiriyay.
  3. Wakaalda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDSI(Somali Regional Water Works Construction-enterprise) oo Samaysatay Website Lagala Socon Doono Waxqabadkeeda Dhanka Biyaha Iyo Kaleba.
  4. Wasiirka Arimaha Bulshada DFI oo Maanta ku Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Addis-Ababa Raysalwasaaraha DFS iyo Wasiirada Arimaha Dibada Somaliya.
  5. Berito oo Lagu Aasaasi Doono Addis-Ababa Baarlamanka Meles-Foundation iyo 12 Dal oo Ay Dawlada Federalka Somalia Ka Mid Tahay oo Ka Soo Qayb-Galay.
  6. Isku-shaandhayntii Xukuumada Xafiisyadee Laga Dheehan Karaa In Si Weyn Loo Xoojiyay Dhanka Waxqabadka iyo Qiimaynta Natiijada Xafiisyada Ay Ka Midka Yihiin.
  7. Wafti Shirkdaha Ka Ganacsada Xoolaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo uu qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalda DDSI.
  8. Waxaa Maanta uu Madaxweynaha DDSI Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Nooca Coble-stone iyo Taalo Loo Sameyay Raysal-wasaarihii Hore ee DFI.
  9. Madaxweynaha DDSI oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maanta Odoyaal Ka Socday Deegaanka Gobolka Doollo.
  10. Deg-Deg:kalfadhigii 14aad ee Xisbiga iyo Xukuumada oo Caawa lagu ansaxiyay Magacaabista iyo Iskushaandhaynta Golaha Xukuumada
  11. Xafiiska Wakaalada Qurbajoogta DDSI oo Loo Magacaabay Cabdi-Bari.
  12. Dufcadii 8aad ee Ciidamada Gaarka Ah ee Liyuu-Police oo Maanta Ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Shaalqe Mahad soofe.
  13. Olole Dhanka Xoolaha ah oo Isugu Jira Dawayn iyo Talaalka Xoolaha Ayaa Ka Socda Degmada Galaadi.
  14. Qurbajoogta DDSI ee Ku Dhaqan Magaalada Perth-Australia oo Bogaadiyay Socdaalkii-Sama-Wade Hambalyana U Diraya Qurbajoogta Melbourne.
  15. Shirkii Ugu Weynaa Abid ee Ka Dhaca Sweden Soona Agaasimeen Dhalinyarada Ururka Sedyo-Sweden.
  16. Kulan aad U Balaadhan oo Ay Isugu Yimaadeen Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Degmooyinka Xarshin,Daroor iyo Gaashaamo oo Lagu Taageerayo Socdaalkii Sama-wade.
  17. TACSI: Haji Hassan Sheikh Abdi Sheikh Abdulle Sheikh Hassannur oo ku geeriyooday DireDawa
  18. Jaaliyadda DDSI ee Melbourne oo Fashilisay Shirkii Kooxda Asmara ee Pacifiga
  19. Kulan Balaadhan oo Ay Xukuumada iyo Qurbajoogtu Kaga Wada Tashanayeen Dardar-galinta Mashaariicaha Horumarineed oo Ka Dhacay Hotel-Nogob.
  20. Kulan lagu taageerayay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo ka dhacay Degmada Awbare.
  21. TababarKu Saabsanaa Dalaga Beeraha iyo Waxsoosaarka Iskaashatooyinka Gursum oo Soo Gabagaboobay.
  22. Adeeg-bixinta Caafimaad ee Xarunta Caafimaadka Senterka Ayinle ee Degmada Filtu oo Ay Shacabku Bogaadiyeen.
  23. Ra'yiga Dadweynaha ee Ku aadan Socdaalkii Sama-wade.
  24. Jaaliyada DDSI ee Dlka Yemen oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraysa Qoyskii iyo Ehelkii Marxuum Garaar.
  25. Gudiga fulinta jaaliyaadka UK iyo howlwadeenadii cusbaa oo kala fadhigoodii koobaad yeeshay, iyo howlwadeeno cusub oo lagu soo daray kuwii hore.
  26. Deg-Deg: Waxaa Maanta Soo Gaadhay Magaalada Jigjiga Shugri Jaamac oo Wata 9 ka Mida Maleeshiyadii UBBO Ahaana Hogaaminta Ciidanka UBBO.
  27. Tacsi Tiiraanyo Leh Shaalaqe Maxamuud Xasan(Garaar) oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday.
  28. Masuuliyiinta Xukuumada DDSI oo Shir Balaadhan u Qabtay Galabta Shaqaalaha Qaab-dhismeedyada Heer Deegaan.
  29. Masuuliyiinta X.DSH.S.I oo tababaro uga Furay Xubnaha Xisbiga Ggobolada Shabeelo iyo Jarar.
  30. Xidiga Real-Madrid Kareem Benzema oo Ku Dhawaaqay in uu Bixinayo Kala Badh Kharashka Ku Baxaya Dhisme Masjid oo Laga Dhisayo Lyon-France.
  31. Kooxda AC MILAN oo u Tafacaydatay Helida Difaaca Man United Vidic.
  32. Roobab Mahiigaan ah oo Maasheeyay Guud Ahaan Deegaanada DDSI.
  33. Hay’ada Sewd Foundation ayaa xalay xaflad ku qabatay magaalada Minneapolis.
  34. Deg-Deg:- Maxamed Rashiid UBBO iyo 10 la socotay oo Indhaha Loo Shiday Halka 3 Gacanta Lagu Dhigay.
  35. Ka Bixi Ra'yigaaga Sidaad u Aragto Socdaalkii Sama-Wade ee Madaxweynaha DDSI iyo Waftigii Wehelinayay ku Soo Mareen 4ta Gobol(Faafan,Jarar,Qoraxey iyo Doollo).
  36. Socdaalkii-Sama-Wade oo Hakaday iyo Madaxweynaha DDSI oo Ka Qayb-galay Shirka Ururka EPRDF ee Bahardar.
  37. Socdaalkii same-wade Maalintiisii 8aad iyo Magaalada Horumarka Xawligu ka Socdo ee Qabridahare.
  38. TACSI:- FAYSAL CABDIRISAAQ DUBBAD OO ShALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARAR EE ITOOBIYA
  39. Ogaysiis:-Dhamaanba Bulshaweynta ka Soo Jeeda DDSI ee Ku Dhaqan Sweden Ka Soo Qaybgalka Shirweynaha Ururka Dhalinyarada Sedyo-Sweden.
  40. Garaadka Beesha Absame iyo Adeerkood iyo Guurtida Odayaashiisa oo Ku Booriyay Shacabka Jubaland iyo Gedo In ay Adkaystaan Midnimada Katashiga Aayahooda.
  41. suldaan jaamac cabdi yuusuf oo ku magac dheeraa(jaamac-fariid) oo dhawaan lagu caleemo saaray magaalada Daroor (Suldaan).
  42. Socdaalkii Same-wade Maalintiisii 7aad iyo Soo Dhawayntii Degmada Shilaabo iyo Magaalada Qabridahar oo Waftigu Seexday Caawa kuna Maqsuuday Soo Dhawayntii Shacabka Qabridahare.
  43. Dharaartii 6-aad ee socdaalkii samo-wade oo saqdii dhaxe eeXalay ku galay guure magalada lehelow ee Degmada Wardheer.
  44. Socdaalkii Same-Wade oo galay Maalintiisii 5aad ee Wadada Cirmar ee Marta Miiraha iyo Magaaada Yucub oo Siwayn loogu Riyaaqay.
  45. Socdaalkii Same-Wade maalintiisii 4aad iyo Degmada Gaashaamo oo Si Heer-sare ah u Soo Dhawayay Madaxweynaha iyo waftigiisa kuna Soo Galbisay Fardo(Gamaan).
  46. Maalintii 3aad ee Socdaalkii Same-Wade iyo 11 Tuulo oo Teedsanaa inta u Dhaxaysa Laanqayrta iyo Daroor oo Wadooyinka u Tubnaa Soo Dhawaynta Waftiga Madaxweynaha.
  47. Socdaalkii Same-wade ee Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa oo galay maalintii 2aad iyo shacabka laanqayrta oo Qalbi Diiran ku soo dhaweeyay.
  48. Socdaalkii-Sama-wade ee Madaxweynaha DDSI Laguna turxaanbixinayay Tabashooyinka Shacabka iyo Shacabweynaha Xarshin oo Siweyn u Riyaaqay.
  49. Ololaha Talaalka Xoolaha oo La Gabagabeeyay Degmada Guunagado.
  50. Xafiiska maaliyada iyo hurumarinta dhaqaalaha DDSI oo tababar u qabtay masuuliyiinta waaxyaha xisaabaadka iyo qorshaynta xafiisyada heer deegaan.
  51. Kormeer Ka Socday Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI oo Kor ku Tegay magaalada Qabridahar Dhinaca Biyaha.
  52. Gudiga Golaha Federationka DFI oo Xukuumada DDSI Ku Amaanay Sida Ay u Socdaan Diyaargarawga Xuska 8aad ee Qowmiyadaha.
  53. Minniapolise oo Si Heer-Sare ah Looga Xusay 15Guuradoii XSHSI.
  54. Doorashada Kenya Abdiraxmaan Ali Xasan(Colow) oo Ku Guulaystay Senetka Wajeer.
  55. XUSKA 15 aad EE AAS AASKA X.D.SH.S.I AYAA SI BALAADHAN LOOGA XUSAY DEGMADA TULLI-GULEED EE GOBOLKA FAAFAN.
  56. Wafti uu Hogaaminayo Afhayeenka Golaha Federationka DFI oo indha-indhaynayay Diyaar-Garawga Xuska Qowmiyadaha DDSI.
  57. Perth oo Laga Xusay Sanad-guuradii 15aad ee XDSHSI ka soo Wareegtay Aas-aaskiisii.
  58. C/nuur-yare iyo Peace-Road Mapkii Dastuuriga ahaa ee Ay Galeen Natiijooyinkiisa iyo Cumar-Jigjiga oo Ku Soo Biiray.
  59. Deg-Deg:Taliyihii Maleeshiyada UBBO u Qaabilsanaa Dhanka siyaasada C/raxiim Sheekh Axmed oo Si Nabad-Gelyo ah Ku soo Xarooday.
  60. Shir Lagu Qiimaynayay Halbeega Waxqabadka Xafiiska Hor.Dooxooyinka iyo Wabiyada DDSI oo Galabta Ka Dhacay Hoolka Guriga Martida DDSI.
  61. Xuska maalinta haweenka aduunka(8da March) oo siwayn looga xusay Magaalada Jigjiga. maalada jigjiga.
  62. Kalfadhigii 6aad ee Golaha xildhibaanada DDSI oo la soo xidhay iyo Ansaxinta Bayaanka Dhulka iyo Shaqaalaynta Xildhibaanada Aan Weli Helin Xilal-Shaqo
  63. Xuska 15-guurada ka soo Wareegtay aas-aaskii XDSHSI oo Maanta Si Weyn Looga Xusay Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Caasimada Jigjiga.
  64. Ogaysiis:-Waxaa Dhamaanba Qurbajoogta Ka Soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI kuna Dhaqan MN iyo Nawaaxigeeda Ka Soo Qayb-Galka Xaflada Sanad-guurada 15aad ee XDSHSI.
  65. Ogaysiis: ku Wajahan Gudiga Fulinta ee Sedyo KA Soo Qayb-Gal Shir La Qaban Doono jimcaha soo socda.
  66. Doorashada Kenya:Yuusuf Xaaji oo Aqalka Sanetka Gaarisa Ku Guulaystay.
  67. Kalfadhigii 6aad ee golaha baarlamaanka DDSI oo maalintii labaad Galay iyo Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka Maxkamada Guud ee DDSI oo Maanta La Dhaariyay.
  68. Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka DDSI oo Galinkii Danbe Madaxweynaha DDSI uu Soo Jeediyay Warbixinta waxqabadka Xukuumada 6dii biloodee la soo dhaafay.
  69. Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka DDSI oo Saaka Furmay iyo Ajandayaal iyo Bayaano Lagu Ansaxiyay.
  70. Madaxweynaha DDSI oo Qado-sharaf ugu Sameeyay Gurigiisa Mudane Mudane Mxasan Fitamin oo Ku Magac-dheer Shaah-Macaan.
  71. Shirkii Gudiga Fulinta XDSHSI oo Weli Ka Sii Socon Doona Xarunta Dhexe iyo Axmed Maxamed Shukri oo Madaxa Xarunta DHexe ee XDSHSI Noqday.
  72. Shirkii Caadiga Ahaa ee Baarlamaanka DDSI oo Beri Ka Furmi Doona Magaalada Jigjiga.
  73. Xarunta Dhexe ee XDSHSI iyo Dhamaanba Unugyada Xubnaha Xisbiga oo Diyaargarow Balaadhan Ugu Jira Munaaasabada Sanadguurada XDSHSI.
  74. Michael Carrick oo ku baaqay in la ilaaliyo sharafta Manchester United Real-Madridna Wacdaro Lagu Tuso Old-Trafford.
  75. Shirkii Maamul u Samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo Galay Wajigii 2aad oo Ah Xiligii Farsamada Nidaamyada Musharaxnimada iyo Doorashada.
  76. Jaaliyada DDSI ee Dalka Finland oo Dar-dar Hor Leh Galisay Waxqabadkeeda Gudiga Jaaliyadana Dooratay(Ethiopian Somali Community of Finland)
  77. Xafiiska Caafimaadka DFI oo Maanta Soo Gaadhsiiyay Xafiiska Caafimaadka DDSI 15 Ampulance oo Cusub.
  78. War Deg- Sheekh Shaafi oo Watay 13 Hubaysan oo Si Nabada Isu Soo Dhiibay.
  79. Qurbajoogta Reer Australia oo Markii Ugu Horaysay Soo Abaabushay Shir Ay Isugu Yimaadan Dhamaanba Qurbajoogta DDSI ee Ka Kala Timid 5ta Qaaradood.
  80. Maxkamada Guud ee DDSI Oo Tababr u Furtay 100 Garsoore.
  81. Hay'ada SEWD oo Qalab-Caafimaad oo Caawimo ah u Soo Dirtay DDSI.
  82. Waxaa Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Kismaayo Shirkii Maamul u Samaynta Jubooyinka iyo Gedo + Sawiro.
  83. Shirkii Jaaliyada DD Somalida Ethiopia ee Faribault Gobolka minnesota USA oo lagudhisay Gudigii Fulinta iyo Gudomiyaga gurtida.
  84. Wakiilo ka socda Man United oo daawan doona Qaab-Ciyaareedka Rodriguez.
  85. Inter-Milan Oo Ku Hawlan Soo xero Galinta Laacibka reer France Samiir Nasri.
  86. Madaxweynaha DDSI oo Maanta Ku Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wiil-Waal Wafti Sare oo Dawlada Maraykanka ah.
  87. Shir ay Wada Yeesheen Dawlada iyo hay’adaha aan dawliga ahayn oo maanta ka qabsoomay Nogob huteel. Jigjiga.
  88. Gudi uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Faafan oo Booqasho Ku Tegay Tuulada Buladari ee Hoos Tagta Degmada Jijiga.
  89. Shir aad u balaadhan oo ay waftigii Xukuumada DDSI ee Hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenku La Yeesheen Qurbajoogta DDSI ee Ku Dhaqan Stockholm iyo Nawaaxigeeda.
  90. Shir ay Yeesheen Dadka ka soo jeeda DDSI ee ku Dhaqan Puntland.
  91. Waftigii Xukuumada DDSI oo Ka Qaybgalay Shir Baarlamaanka Sweden Aadna Loogu Riyaaqay Warbixintoodii.
  92. Wali Dalsoor Super-Market Ma ka soo adeegatay adaanba ka xiiso dhacayne.
  93. Hawl-wadeenada Xafiiska Beeraha DDSI oo Hababka Fal-Tusaaleedka u Ah Wax-soosaarka Dalaga Beeraha Ku Soo Qabtay Goobaha Dibudejinta Gobolada
  94. Ogaysiis:Ka Soo QaybGal Shir Ka Dhici Doona 23ka February Magaalada Stockholm
  95. Xuska maalinta afka hooyo oo maanta si weyn looga xusay magaalada jijiga.
  96. Linking democratic election with dev't significant towards sustainable growth
  97. Magaalada Kismaayo oo Ay Ka Socoto Diyaar Garoow Balaadhan oo Loogu Jiro Maamul U Samaynta 2da Jubba iyo Gedo iyo Igad oo Sh Axmed Madoobe Gudoonsiisay Baabuur Aan Xabadu Karin.
  98. Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay Sweden.
  99. Waftigii Ka Socday Dawlada Federalka Soomaaliya oo Ka Duulay Garoonka Caalamiga Ah ee Garaad Wiil-Waal International Airport.
  100. Shacabka Moholin ee Degmada Gaashamo oo Bogaadiyay Adeeg-bixintaXarunta Caafimaadka Loo Dhisay.