Abdulqadir Jiilaani oo Qoray Faalo ku saabsan booqashadii Madax weyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee Degmada Raaso iyo sidey umuuqatey.

ra'yiga dadwaynaha(CakaaraNews) Arbaco August 14,2013. Hadaan wax yar oo taariikha dib u jaleecno, bulshada ku nool deegaanka Raaso iyo agagaarkeeda ayaa muddo badan shaki iyo walaacba ka qabay Maamuladii soo mari jirey DDSI, shakigaas oo isu badalay kama dambaystii dagaalo isdaba joog ahaa oo dhexmaray beelihii walaalaha ahaa, ee biyo iyo caws wadaaga ahaa, ee wiil iyo abtigi, seedigi,sodogi, ina abtigi,ina habreedki iyo awawgi hooyo wada ahaa.

Dagaaladaas oo ay dabada ka hurinayeen qaar ka mida maamuladii aan kor kusoo sheegey, oo waliba si toosa uuga dacareeyey xuquuqdii ay beesha Reer Fiqi Cumar ku lahayd deegaanka, sida beelaha kaleba ay xuquuqdooda uga helaan deegaanka. Dhibaatadaas badnayd ee beeshaa soo martay waxay dhalisey in beeshii reer fiqi cumar dhexdeeda is khilaafto, oo waliba dagaal adag oo laba maalmood ahaa dhexmaro,oo keeney dhimasho aad u badan iyo dhaawacba, Intaas hadaan iskaga soo gaabiyo oon halkaa ku dhaafo.

Maamulkii DDSI oo Rabbiga weyni uu gacanta usoo galiyey Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhalin yaro kale oo aad u firin fircoon oo lashaqaysa ayaa Allaha weyni dariiqa toosan cagta u saaray oo Beeshii Reer Fiqi Cumar xuquuqdeedii u bilaabay, oo Magaalada Raaso ku magacaabay Degmo buuxda, oo waliba muddo aad u gaaban horumar lataaban karo si xawli ah kaga hirgaliyey. Waxay beeshaasi dareentay makiiba iney yihiin bulsho Soomaaliyeed oo lasiman beelaha kale ee walaalahooda, oo rajadoodii maqnayd ayaa usoo laabatay.

Mudane Cabdi Maxamuud cumar waxaa kale oo uu ku guuleystey inuu beesha oo dagaalkii dhexmaray darteed colaad ku kala maqnayd inuu isagoo Allaha weyn la kaashanaya kadibna dawladda dhexe uu heshiis taariikhi ah dhex dhigo, isuna soo raro oo meel soo wada dajiyo ( Raaso ).

Gabagabadii: Madax weynuhu isagoo booqasho muddo dheer qaadatay kusoo kala bixiyey 4 Gobol iyo dagmooyin aad u tirabadan ayuu Gobolka Afdheer ka bilaabay Degmada Raaso oo muddo dheer u oomanayd inuu maruun soo booqdo Madax weyne u daacadihi, kiina wuxuu noqday Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa ninkii xuquuqdoodii baadida ku maqnayd usoo heley. 15 kii bisha July 2013, oo ku aadaneyd 8dii bisha barakaysan ee Ramadaan.

goor barqin kulul ah ayuu madax weynuhu soo gaadhey Degmada Raaso, iyadoo waddo baabuurta badhtamaha magaalada marta ay Reer Raaso siqiir iyo kibiir labada geesood ka safnaayeen, masaafo aad u dheer oo wadada ah oo dhamaan dadku caleemo qoyan iyo ubax kala nooc -nooca ay ruxayeen.

Madax weynuhu intuu iskaga dagey gaadhigii uu saarnaa ayuu lug ku dhexmaray dhammaan dadkii oo dhan, hase yeeshee waxaa dhib ku noqotey inuu si toosa wadada u maro sababtoo ah dhammaan dadkii wadada labada dhinac ka safnaa oo Rag iyo Dumarba ruux waliba doonayey inuu Madax weynaha qoorta iskaga maro oo uu dhunkado, jacayl ay u qabaan darteed,daryaanka sacabka iyo mashxaradda ayaa waxba lala maqliwaayey, oo beeni waa shay xune waxaa halkaas ka dhacday farxad aad u weyn oo dhammaan labada geesoodba si aada u saameysey (Bulshdii & waftigii).

Madax weynaha iyo waftigii ballaadhnaa ee lasocdey waxay halkaas ku sugnaayeen muddo laba maalmooda, shirar dhawr ahna waxay lagaleen bulshadii ay halkaas ugu tageen, oo waliba waxaa dadweyne aad u tira badnaana loo qaybiyey sooryo sharaf lacageed, kadibna Madax weynaha iyo waftigiisii halkaas ayay ka ambabexeen oo si sharafle loo sagootiyey.

Booqashaddi Madax weyne Cabdi Maxamuud Cumar ee Degmada Raaso oo ay kamid ahaayeen waftiga: ku xigeenka af hayeenka baarlamaanka dawladda dhexe ee itoobiya, Madaxa xarunta dhexe ee DDSI, Wasiirro iyo Wasiirro ku xigeeno dhawr ah, labada gudoomiye oo Gobolada Shabeelle iyo Afdheer iyo waliba masuulin kale oo aad u tiro badnayd, iyo waliba wafti ballaadhan oo Qurbo jooga oo u dhalatay Degmada/beesha lasoo booqday ayaa waxay ku reebtey Beesha Reer Fiqi Cumar Farxad lama illoobaan ah oon waligood qalbigooda ka go’aynin.

Waxaa faaladan soo diyaariyey: Abdulqadir Jiilaani, oo goob joog ka ahaa dhacdadaas qiimaha badnayd.

Maareeyaha wakaalada Qurba Joogta DDSI oo uu Wehelinayay Maareeye Ku-xigeenkiisa ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Dhalinyarada SEDYO ee dalka Sweden.

Jigjiga (cakaaraNews) talaado August 13,2013. maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane C/bari Macalin Maxamed oo uu wehelinayo ku xigeenka xafiiska qurba joogta mudane c/fataax siciid ayaa waxay saaka xafiis ku qaabileen gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada SEDYO ee dalka Sweden Mudane maxamed c/laahi adan (kablalax).

Hadaba Maareeyaha xafiiska qurba-joogta mudane C/bari macalin maxamed ayaa waxa uu ugu horayntii gudoomiye ku-xigeenka Sedyo-Sweden siwayn ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa kuna amaanay Dhalinyarada Sedyo-Sweden Dadaalkooda Wadaniyadeed,wuxuuna c/bari uga waramay ujeedooyinka ay xukuumadu u aas-aastay xafiiska qurba joogta,waxqabadka xafiiska iyo waliba qorshayaasha xafiiska eeku wajahan isku xidhka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya qurba-joogta u dhalatay deegaanka ee ku baahsan daafaha dunida iyo xukuumada iyo shacabka DDSI.

Mudane C/fataax Siciid ayaa Carabaabay In ay Xukuumada maanta jirtaa tahay ta markii ugu horaysay ka jawaabtay baahidii shacabka Dal iyo dibadba,dhidibadana u taagtay Jawi haboon,Horumar,N/galyo,Maamul suuban iyo Xidhiidh Wada-tashi oo ay Qurbajoogtu ku soo hirato maantana Midhahoodii la wada dhadhansaday ayuu yidhi.

isaga oo maareeyuhu ka warbixin ka siiyay tan iyo intii la aas-aasay xafiiska waxqabadka balaadhan ee uu ka soo hooyay dhinaca qurbaha ayaa waxa uu u mahad celiyay dhamaanba qurba joogta u dhalatay degaanka oo tan iyo intii ay xukuumadu hirgaliysay siyaasada horumarineed ee ku aadan xidhiidhka qurba joogta,iyadoona kaalin mug leh ay qurbajoogtu ka qaateen horumarka n/galyada iyo maamulka suuban,gaar ahaan hadaan eegno ayuu yidhi C/bari dhinaca maalgashiga iyaga oo deegaanka ka hirgaliyay mashaariic waawayn kuwaas oo ka qayb ka ah horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee ay xukuumadu ka hirgalisay guud ahaanba deegaanka islamarkaana u abuureen Fursado shaqo Kumanaan Shacabka Deegaanka ah.

C/bari isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu siwayn ugu amaanay waxqbadka ururka dhalinyarada ee SEDYO isaga oo sheegay in ay guulo waawayn oo lama ilaawaan ah ka soo hooyeen dhinaca qurbaha gaar ahaan halgankii dheeraa ee ay u soo galeen ku baraarujirnta qurba joogta u dhalatay deegaanka ka qaybqaadashada horumarka, n/galyada iyo maamulka suuban ee maanta ka taam yeelay guud ahaanba DDSI xukuumaduna siwayn ayay uga warhaysaa ayuu yidhi dadaaladaasi ay wadaan ururka dhalinyarada sedyo,wuxuuna wasiirku siwayn ugu booriyay gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada ee SEDYO iyo guud ahaanba ururka dhalinyarada sedyo in sii laban laabaan dadaalkooda.

Dhanka kale Maareeye Kuxigeenka XAfiiska Qurbajoogta Mudane Maxamed Siciid ayaa Si xeel-dheer uga munaaqishooday waxqabadka Xukuumada DDSI ee uu hogaanka u hayo madaxwayne cabdi maxamuud cum iyo Qorshayaasheeda Dhanka Horumarka,n/galyada,maamulka suuban iyo Xidhiidhka qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan dacalada 5ta qaaradood ee Dunida safaro dhaadheerna uu madaxweynaha iyo xukuumadisu ku tageen.

Gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada SEDYO ahna xubin xilbibaanka soo baxa magaalo ka mid ah wadanka Sweden mudane maxamed c/laahi Aadan (kablalax) oo isagu dhawaan soo gaadhay deegaanka isaga oo ka soo kicitimay wadanka sweedhan ayaa waxa uu ugu horayntii u mahad celiyay xukuumada deegaanka sida fiican ee loogu soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, isaga oo si qoto-dheer uga warbixiyay waxqabadka balaadhan ee ay xukuumadu DDSI ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay ayaa waxa uu sheegay in magaalada jigjiga oo wakhti hore ay ugu danbaysay markii uu soo gaadhay ay la noqoday magaalo kale waxaana siwayn ii ula dhacay ayuu yidhi quruxda iyo bilicda ka muuqda maanta magaalada jigjiga haddii ay tahay dhinaca wadooyinka waawayn ee laamayda ah,dhismayaasha dhaadhreer ee ka hirgalay magaalada Jigjiga iyo maamulada Magaalooyinka,waxaanan booqday ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenku inta aan joogay magaalada jigjiga jaamacada wayn ee magaalada jigjiga taasi oo aan siwayn ugu bogay ayuu yidhi bilicda ka muuqada jaamacada iyo culuumta kala duwan ee ay bixinayso iyo waliba tirada ardayda badan ee ku xaraysan jaamacada badankooduna ay yihiin ardayda u dhalatay deegaanka,waxaan leeyahay ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenku horumarkaa balaadhan ee dhinac kasta leh waa guul ay soo hoysay xukuumada maanta ka arimisa deegaanka ee uu hormuud ka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar.

Wuxuuna gudmoomiye ku-xigeenku tibaaxay dadadaalka dheer ee ay u soo mareen hirgalinta ururka dhalinyarada sedyo iyo waliba qorshayaasho horumarineed uu yaala ururka. Ugu danbaytii ayaa waxay isla qaadeen masuuliyiintaasi habka ugu sahlan ee lagu sii xoojin karo xidhiidhka ka dhexeeya ururka dhalinyarada SEDYO iyo dhamaanba qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo waliba shacabka iyo xukuumada DDSI.

Isku soo wada soohoo dhalinyaradan Sedyo-Sweden oo ka soo farcantay Ururka Dhalinyarada Qadiimiga ah ee SEDYO-Minniapolise ayaa Durba Qayb wayn ka qaata horumarka,N/galyada,Maamulka suuban iyo wacyigalinta Sweden islamarkaana Si xeel-dheer Xididada ugaga Siibay UBBO Dalka Sweden

Waxaa Ka Dhacay Hotel-Sheraton ee Minniapolis Shir Balaadhan oo Lagu Taageerayay Socdaalada Madaxweynha DDSI ee Lagu Diirsaday Siiba Socdaalkii Iftiin iyo Ilays-Nolol iyo Rajo-rumays oo ay Soo Abaabuleen Beesha Rer-Amadin ee G/Nogob.

Minniapolise(CakaaraNews) Talaado August 13,2013.Shir aad u balaadhan oo ay u Dhamaayeen Dhamaanba Qurbajoogta ka Soo jeeda Gobolka Nogob Hormuudna u ahaayeen Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Reer Amaadin ayaa waxa uu si habsami iyo Maamuus Qaraameed leh uga Dhacay Mid ka mida Hoteelada ugu Qaalisan Gobolka Minnesota(Sheraton Hotel).

Sidoo kale Shirkan ayaa ay ka soo Qaybgaleen Odoyaasha iyo Aqoonyahanka aadka looga yaqaano DDSI iyo Maraykankaba iyo Hogaaminta Jaaliyada Beesha Reer Amaadin ee Minniapolise kuwaasoo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guurtida Odyaasha Waqooyiga Ameerika Mudane Shuuriye,Suldaan maxamuud cade ah gud jaaliyada minniapolise ee ee beesha Reer Amaadin nogob,maxamed cade , Axmed Dhoodi oo ah Hormuudka Nabada iyo Wacyigalnta ee aan waligiis Ka Xagal daacin Hawlaha Qaran ee DDSI,Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban,waxaa iyana ka soo qaybgalay Kulankan Marti Sharaf sarsare oo ay ka mid ahaayeen Mudane Badri Yuusuf Ciise oo ka mida Aqoonyhanka ka soo jeeda DDSI ee aaadka ugu ololeeya Horumarka,N/galyada,Garaad Cumar Dool iyo Maamulka Suuban,Ururka Dhalinyarada Sedyo,Gabdhaha Ururka Horumarinta(SEWD)

Shirkan ayaa ay ka muuqatay Shucuur iyo xiiso loo Qabay Horumarkaiyo Isbedelada xawliga ku socda ee ay Xukuumada Maantu ka Taabogalisay Si siman Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Gobolka Nogob.

Dhamanba ahaan Dadkii ka Hadlay Kulankan ka soo qaybgalayaashu buuxdhaafiyeen hoolka Hotel Sheraton oo ay Ka Mid ahaayeen Mudane Shuuriye,Mudane Axmed Dhoodi,Mudane Suldaan,Marwo Canab,Mudane Badri Yuusuf,Mudane Maxamed Shariif iyo Waxgarad kalaba ayaa waxay aad u bogaadiyeen socdaalkii madaxweynaha gaar ahaan kii nogob oo markii ugu horaysay helay Awooda Quwada Korontada 24ka Saac oo laga Dhisay Magaalada Fiiq islamarkaana Degmooyin badan oo ka mida Nogob laydhku gaadhi doono,sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay ugu faraxsan yihiin in markii1aad ay Xukuumada Maantu ka hirgalisay Nogob iskuxidhka Wadooyinka Degmooyin la daalaa-dhici jiray Dhibaatooyinka Wado la'aaneed Sida wadada Qubi Fiiq,Xamaro,lagahida mayu,Geeldoox iyo Qariyo badan halka Mashaariicaha Horumarineed ee kale ay maasheeyeen Degmooyinka Gobolka Nogob.

Sidoo kale waxa ay taageero iyo Bogaadin Yididiilo huwan u soo gudbiyeen Madaxweynaha DDSI Mudne Cabdi maxamuud Cumar,Xukuumada,XDSHSI iyo Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-Police Yidhina" Jiritaanka Ciidamada Gaarka ah ee Geesiyiinta Liyuu-Police Waa Kuwa Sugay Suurto-galinta Waxbarasho lagu Badhaadhay,Caafimaad daryeelay Bulshada,Biyo laga haqab-beelay,laydh Huriyay Ilayskii Nolosha,wadooyin sahlay isu-socodka, iyo Isgaadhsiin Sugtay Xidhiidhka Casriga ah.

Guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha Shirkan iyo hawlwadeenadii soo agaasimayba ayaa hoosta ka xariiqay taageerada Buuxda ee ay u hayaan madaxweynaha DDSI(Dal-daweeye),Xukuumadiisa,XDSHSI,Ciidamada Liyuupolice iyo DFI,islamarkaana Doorkooda ka Qaadan doonaanhawlaha N/galyada,Horumarka,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba,islamarkaana ugu baaqay hayb ahaan Qofkii ka soo jeeda Gobolka Nogob in ay isu taagaan Gacmahana isu qabsadaan ka qaybqaadashada Qorshayaasha Horumar-N/galyo ee ay Xukuumada DDSI ku hagayso Deegaanka

Tartankii kubada cagta Ee Degmooyinka Gobolka Jarar ayaa Si habsami leh Lagu soo gabagabeeyay garoonka Kubada cagta Ee Gobolkaasi Jarar

Dh/buur(CakaaraNews) Talaado Aug 13,2013.tartankani oo ay kasoo Qayb galeen (9) sagaal kooxood oo kala matalaya 9 sagaalka degmo Ee uu kakooban yahay Gobolka Jarar ayaa waxaa uu ku furmay jawi wanaagsan iyo dardar xoogan oo ay kooxuhu isugu awood sheeganayeen. Munaasabadii Lagu soo Xidhayay Tartankaas oo ahayd Ciyaartii Finalka ama kama danbaysta oo ay issugu soo hadheen Xulalka Dh/buur iyo Awaare ayaa ahayd Mid aad loosoo Agaasimay ayaa waxaa kasoo Qayb galay Maamulka Gobolka Jarar maamulada Sagaalka Degmo Ee gobolka jarar ciyaartoydii Sagaalka Degmo iyo walib Taageerayaashii.

tartankan oo socday mudo 15 cisho ah laguna tartamayay koobka kubada cagta Ee Sagaalka Degmo ee gobolka jarar oo markasi Si Qurux badan laysaga hor yimid ayaa waxaa halkaasi guushii koobku ku raacday kooxda kubada cagta Ee Degmada Dh/buur halka kaalinta labaad ay gashay Degmada Awaare kaalinta Sadexaadna ay heshay Degmada Gaashaamo Waxaa gudoon siiyay kooxdii koobka ku guulaystay gudoomiyaha gobolka jarar C/jamaal Axmed Qaloonbi oo ay wahelinayaan Qaarkamida Masuuliyiinta gobolka jarar.

Waxaa sidoo kala Abaal marin lagudoon siiyay Ciyaar yahankii ugu ciyaarta wanaagsanaa oo uciyaarayay kooxda Degmada Dh/buur Waxaa xaga goolasha ugu gool badnaa ciyaartoy Uciyaarayay kooxda Degmada gaashaamo Oo abaal marin lagudoonsiiyay gudoomiayaha gobolka Jarar oo munaasabadaa kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay tahay ujeedada tartankani sidii lay sugu xidhi lahaa Dhalinta gobolka jarar Dhinaca ciyaaraha iyo Sidii loga soo dhex xulan lahaa kooxda xulka kubada cagta Ee Gobolka jarar mali lahayd.

Wariye Garbo Magaalada Dh/buur

Madaxweynaha DDSI iyo wafti Balaadhan oo u Ambabaxay Magaalada Addis-ababa Kana qaybgali Doona Shirka Qiimaynta MDG.

Jigjiga(cakaaraNews) Isniin august 12,2013.waxaa Maanta ka ambaabaxay garoonka diyaaradaha ee garaad Wiilwaal airport Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen golaha wasiirada Deegaanka iyagoona magaalada Addis-ababa kaga qaybgali doono Shirka MDG ee DFI oo ka dhici doona magaalada Addis-ababa,islamarkaana ay deegaanada Federaalka iyo Golaha federationku ka qaybgali Doonaan.

Shirkan ayaa lagu eegi doonaa warbixinta waxqabadka Deegaanada ee Millenium Development (MDG) iyadoona Qiimaynihii Hore xukuumada DDSI lagu amaanay waxqabadka ay Hirgalinayeen.

Jarmalka oo uu ka dhacay Shir lagu Taageerayay Socdaalkii Iftiin.Ilays.Nolol. Rajo rumays,Kulan safaarada & Qaar aaminsanaa Aragtida N/diidka oo Tubta Nabada iyo Horumarka Qaatay.

Jarmalka (CakaaraNews) Isniin 12/08/2013 Shir Siweyn loo soo Agaasimay Oo ka Dhacay Magaalada Frankfort Ee Germalka ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Dhamaan Jaaliyadda ka soo jeeda Deegaanka Somalida Itoobiya Ee ku Dhaqan. Germalka kuwaasi oo iskugu jira dhamaan qaybaha ay bulshadu ka koodan tahay sida:- Odayaasha, haweenka, Siyaasiyiinta, waxgaradka, Ugaasyada, Culmada, indheergaradka iyo maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane c/bari maxamed macalin oo kaga qaybgalay shirkaasi dhinaca khadka tilifoonka.

Shirkaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay jahliyadu u taageerilahayd guud ahaanba dadaalada horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay guud ahaanba deegaanka iyada oo siwayn diirada loogu saarayay shirkaa socdaaladii taariikhiga ahaa ee Iftiin iyo Ilays, iyo waliba Nolol.rajo rumays ee uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin bulshada ku dhaqan goboladaasi lagu maray socdaalkaasi waxaana shirkaasi si balaadhan u soo qaban qaabiyay gudiga jahliyada DDSI ee ku dhaqan cariga Germalka.

hadaba iyada oo shirkaasi siwayn loogu gorfeeyay waxqabadka balaadhan ee ay xukuumadu wakhti gaaban ku soo hoysay Sida Cafimaadka. Waxbarasha.Biyaha Ceelasha Dhaadheer. Xoolo Dhaqato Beeroley. Wadooyonka. Isgaarsiinta Telefoonada. Leydhka. Aan qoraal lagu soo Koobi karin oo uu Deegaanka ka hanan Qaaday labadii sano ee ugu danbeeyay.

Shirkan Ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah ka soo jeediyay shirkaa Madaxda Sare Ee Jaaliyadda Germalka oo kala ah Mudane C/Rashiid Shariif iyo Axmed Ugaas Xasan Xaali Ugaas Maxamed iyo Xuseen Maxamed Maxamuud kuwaasi oo dhamaantoodba siwayn uga waramay horumarka balaadhan ee ka hanan qaaday DDSI ka dib markii ay masuuliyiinta iyo waxgaradka jahliyada DDSI soo bandhigii xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanka ayaa waxaa siwayn ugar waaqsaday xaqiiqdaasi ka jirta deegaanka Qaar ka mid ahaa N/diidka oo ahaa tirada yar markii hore aamin sanaa figradaha dhiidhiga ah ka dibna Qaatay Nabada Cadeeyay Mowqifkiisa oo Taageeray Maamulka DDSi Baaqna U Diray Kooxda tirada yare ee ka ganacsata dhiiga shacabka waa hadhaaga UBBO in Ay Nabada Qaataan Inta Aan Ilbaabada Cafiska Aan Laxidhin.

Sidoo kale waxaa halka ka hadlay Xubno Kale Ee Jaaliyadda, Odayaal iyo Waxgaradka ku Dhaqan Germalka sidoo kale waxaa Shirka lagu Martiqaaday in uu kala Qeybgalo maareeyaha Wakaalada Qurbajooga DDSi Mudane C/bari Maxamed Macalin oo telka CONFERENCE kaga Qeybgalay Shirkaa isaga oo masuulku ugu horayn u mahad Celiyay Jaaliyadda Shirkan sida Quruxda Badan u soo agaasimeen iyo waliba sida fiican ee ay ugu Martiqaadeen CONFERENCE ayaa waxa uu sheegay in ay xukuumada deegaanka martasta ka go’antahay sii xoojinta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumada iyo qurba jooga u dhalatay deegaanka iyo waliba cidkasta oo danaynaysa in ay deegaanka maalgashadaan.

Isaga oo masuulku hadal kiisa siiwada ayaa waxa uu sheegay in qurba joogtu tahay tiirarka ugu waawayn ee kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada wuxuna maareeyuhu ugu danbayntii ku ku Dhiirigaliyay Jaaliyadda in ay wadanka maalgashi ku sameeyaan taageeraan hormarka, n/galyada iyo maamulka suuban ee ka taamyeelay guud ahaanba dalka itoobiya gaar ahaana deegaanka xukuumada DDSI na ay ka go’antahay in ay wax la qabato cidkasta oo danaynaysa in ay deegaanka maalgashato.

isku soo wada duub oo shirarka noocan oo kale ah ee lagu taagaarayo waxqabadka xukuumada DDSI ayaa baryahan danbe si aan kala go'lahay uga socda dhamaan Qaaradaha aduunka waxaana ka danbeeyay ayaan odhan karnaa dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ku xoojisay xidhiidhka qurba joogta u dhalatay deegaanka iyada oo socdaalo dhaareer masuuliyiinta sare ee xukuumadu ku mareen dhamaan qaaradaha aduunka.

More Articles...

  1. Breakingnews:-Iskushaandhayn lagu sameeyay Golihii Wasiirada,Maareeyayaashii Iyo Qaar Gud Degmooyinka.
  2. Waxaa Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga Hooyadii Fanka Khadra Daahir iyo Cabdi Qays Halkudhegna Looga Dhigay " Isma Huri Karnoo Hilbo Wada-Dhashiyo Hayb Qudhaynu Nahay".
  3. Awaare oo Isticmaalka aalada Mobileka Heshay “Hello Waan Ku Maqlaa”.
  4. Shir aad ubalaadhan oo lagu tageerayo wabiga Abay iyo Waxqabadka Xukuumada DDSI ayaa laguqabtay magalada Edmonton ee Goboolka Alberta ee Canada
  5. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Saraakiil sarsare oo Ciidamada Federalka ah OO Ka degay Magaalada Qabridahar.
  6. Madaxwaynaha DDSI oo xafiiskiisa ku qaabilay Saaka wafti Wasiiro u badan oo ka socday jamhuuriyada Somaliland.
  7. Ogaysiis:-Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob Gaar ahaan Beesha Reer-Amaadin ee Ku Dhaqan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisda Ka Soo Qaybgalka Shir Lagu Taageerayo Socdaalkii Madaxweynaha ee Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajo-rumays
  8. Deg-Deg Diyaarad Ay Ethiopia leedahay oo ka mida Amison oo cidlad farsamo ugu burburtay Muqdisho.
  9. Dhamaanba Ururka Dhalinyarada Sedyo-Sweden oo Tahniyada Ciida u Diraya Dhamaanba Musliimta Caalamka,Itoobiya iyo Shacabka DDSI.
  10. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo tahniyada ciidul – fitriga udiraya Guud ahaan muslimiinta dunida,Itoobiya iyo Gaar ahaan Muslimiinta DDSI
  11. Maanta oo Si Weyn Looga Ciiday DDSI,Madaxweynaha DDSI oo Khudbad Xeel-dheer Ka Soo Jeediyay Cafisna u Fidiyay Maxaabiista u Xidhan Falal Nabad-diid.
  12. Qurbajoogta W/ameerika ee Deg-Araarso oo Hambalyo iyo Taageero u Soo Diray M/w DDSI iyo Xukuumadiisa Uguna Baaqay Dhamaan Qurbajoogta Ka Soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI in ay U Guntadaan Badhigantaalida iyo Garab Istaagida Xukuumada iyo Ciidamada.
  13. Ciid-Mubaarak Kulucam Wa Antum Bikheyr Madaxweynaha DDSI oo Dhambaal Tahniyada Ciidul-Fitriga U Diraya Dhamaan Muslimiinta Gaar Ahaana Muslimiinta Itoobiya.
  14. Garsoore Ciyaar Socotay Qadar Joojiyay Si uu u Afuro(Qadar Waajibaadka Soonka).
  15. Shir Balaadan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta iyo Kudhaqanka Saaynta Sharciga Ayaa Loogu Qabtay Magaalada Jigjiga Dhamaanba Garsoorayaasha Maxkamadaha Deegaanka.
  16. Markii Deegaanka Soomaalida Itoobiya Helay Hogaamiye Aragti Dheer Waxaa Xawli Uga Hirgalay Horumar,Dhaqan-Dhaqaale oo Soo Jiitay Indhaha Caalamka.
  17. Shir Heer Qaran ah oo lagu Qiimaynayo Waxqabadka barnaamijka Ololaha Cudurka Dabaysha(Polio) ee Qaar ka Mida Deegaanada oo Lagu qabtay Maanta Magaalada Jigjiga.
  18. Ogeysiis Dhamaan Jaaliyada DDSi ee Germalka Shir ka dhicidoona 10/08/2013
  19. TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH EE ARDAYDA GOBOLKA FAAFAN AYAA LAGU SOO GABAGABEEYEY MASJID JAAMACA WEYN EE MAGAALADA JIGJIGA.
  20. fanaanka Caanka ah Xasan maxamed C/raxmaan(aarmaanta) oo Maanta Booqday Isbitaalka Karamardha oo uu Ku Dhashay.
  21. Deg-Deg:- Shimbiro Xambaarsan Virus oo Ku Sii Fidaya Gobolka Jartar.
  22. Shirkii Golaha Dhexe ee XDSHSI oo Ka Furmay Galabta Xarunta Xisbiga Magaalada Jigjiga.
  23. Degmada Xarshin oo Khaati Ka Taagan Shimbiro Sumaysan oo Berkadaha Biyaha raxan-raxan ugu Dhimaya.
  24. Maareeyaha Wakaalada Naqshadeynta, Daraasaadka iyo Dabagalka oo Ka Warbixiyay Heerka Ay Marayaan Mashaariicaha Biyaha ee Laga Wado Gobolada Sitti iyo Jarar
  25. Xukuumada DDSI oo munasabad afur-sharafeed ah u samaysay dhamaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan magaalada jijiga.
  26. Kooxda Man-City oo fasaxday Ciyaartoygeedii Khadka Dhexe C/Salaan Cadaay oo Waayadan Deyn ahaan Ugu Maqnaa Koox Norway ah.
  27. Warbixintii Waxqabadka Habka Fulinta Qorshesanadeedkii 2005 ee Xarunta Dhexe XDSHSI
  28. Fursadaha Shaqo-Abuurka Horumarineed ee Shacabka oo Buurta Sandaxiile Fananaya +(Sawiro).
  29. EU lauds Ethiopia's peace building role in Sudan
  30. Shir Balaadhan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta Shaqo ee Shaqaalaha Qaabdhismeedyada Dawlada Degmada Ma’ayso ee Gobolka Siti.
  31. Xulka Kubada Cagta ee Dumarka Dalka jarmalkaoo Markii 6aad Hantay Koobka Haweenka Aduunka.
  32. Fanaanka Caanka ah ee Xasan Maxamed C/rahmaan (Aar-maanta) oo Maanta Gagida Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal international Airport si wayn loogu soo Dhaweeyay.
  33. Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Sanadkii Tegay 2005 T.I.
  34. Fanaanka Caanka Ah ee Aar-maanta oo Beri Si Weyn Loogu soo dhawayn doono Gagida Caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal International Airport(Jigjiga).
  35. Wakaalada Naqshadaynta,Daraasaadka iyo Dabagalka oo Durba u Dhaqaaqday Fulinta balanqaadkii Bulshada Madaxweynha Dhanka Biyaha Socdaalkii Nolol iyo rajo-Rumays
  36. Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Maalintii 2aad lagu Ansaxiyay Miisaaniyada Guud ee Xukuumada sanadka 2006 ii ugu Badnayd Abid,iyo Bayaano Doora Lana Soo Gunaanaday.
  37. Arday dhameystirtay waxbarasho jaamacadeed oo xaflad Qalin-jabin ah loogu sameeyay Harar Harar.
  38. Warbixintii Waxqabadka Xukuumada DDSI ee Sanadkii Tegay 2005.T.I oo uu Madaxweynaha DDSI Saaka Ka Soo Jeediyay Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Si Wayn Loogu Qushuucay.
  39. Kalfadhigii 7aad ee Golaha Xildhibaana DDSI oo Maanta si Rasmi Ah Uga Furmay Hoolka Shirarka ee SMCX iyo Arimo Badan oo Lagu Ansaxiyay.
  40. Kulan ay Isugu Yimaadeen Madaxda Xafiisyada horumarinta,haya’daha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ayaa ka dhacay hotel Xamda (BoFED Go NGO Forum Meeting)
  41. Kalfadhigii Baarlamaanka DDSI ee Bilawga Sanadka Cusub ee 2006.T.I oo Beri Si Rasmi Ah Uga Furmi Doona Jigjiga.
  42. Madaxweynaha DDSI oo Galabta Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Nooca Dhagaxa Qoran La Goglo (Cobble Stone)
  43. Baarnaamij Kor loogu Qaadayo Taariikhda iyo Dhaqanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) oo Lagu Qaban Doono Magaalada Addis-Ababa.
  44. Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Socdaalkoodii Dheeraa ku Soo Afjaray Gobolka Liibaan Kuna Soo Noqday Caasimada Deegaanka.
  45. Maxaa sababay In uu Ciyaartoyga Kevin Constant uu Ka Baxo garoonka Ciyaartii oo Socota? Bal Hoos Qooraanso.
  46. Horumarka ay Ku talaabsatay Dawlad-degaanka Somalida Ethiopia iyo Saameynta ay ku yeelatay Wadamada Dariska!
  47. Gabadh madaxa isu gelisay Dalka Norway iyo Imaaraadka-Carabta ayaa maanta la sii-daayay,iyadoo Maxkamadda-Dubai ay ka noqotay xukunkii Gabdhan oo sida la sheegay Dubai lagu kufsaday laguna xukumay 16-ka bilood.
  48. Shacabka Addis-ababa oo Khaati ka Soo Istaagay"Fadlan Lama Heli Karo eega" iyo Shirkada Isgaadhsiinta DFI oo Sheegtay In Loo Heli Doono Mudo Dhaw Xal Waara Ciladaha Networkiga Cidhiidhiga galay.
  49. Tababare Caan ku ah Kubada Kolayga oo Maanta Si wayn loogu soo Dhaweeyay Garaad wiil-waal International-airport
  50. Kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu ahay isku xidhka bulshada iyo booliska looguna diyaar garoobayay xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha oo ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka ee magaalada jigjiga.
  51. Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada DDSI oo afur-sharafeed u sameeyay qurba joogta ka soo jeeda gobolka Doolo.
  52. Fari kama Qodna Socdaalka Dheer Nolol io Rajo-rumays ee Lugta ay maaxweynaha DDSI iyo Waftigiisu Ku Marayaan Gobolka Afdheer iyo Caasimada Hargeele oo Si aan Caadi Ahayn loogu soo dhaweeyay.
  53. Tababarihii Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona oo Is Casilay,Maxay Tahay Sababtu?
  54. Orodyahanka Reer-Sweden ee Asalkiisu Ka Soo Jeedo Qurbajoogta DDSI oo Ku Guulaystay Orodka Kaalinta 2aad Tartan Dhex Maray 16 Wadan.
  55. Koxda Haysata Horyaalka Faransiiska Ah ee PSG oo Cavani ku Soo iibsatay Aduun Gaaraya 84-Malyan oo Doolar
  56. Bulshada Ceelkari oo Madaxweynaha iyo Waftigiisa Si Heer Sare ah ugu Soo galbisay Soo Dhawayn Magaalada iyo Waftiga oo Booqday Buurta Ceelkari ee Antenada Isgaadhsiinta ugu Dheer.
  57. Wasirka Xafiiska Caafimaada DDSI Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI oo Saxaafada u Sheegay Ka Faaiidaysiga Ololaha Wajiga 2aad ee Talaalka Cudurka Dabaysha.
  58. Iskashatada wax-soosarka Beeraha Raamale ee Degmada Xarshin oo Sheegtay Kor u Qaadida Suuqgaynta Wax soo-saarkeeda.
  59. Madaxweyne Ku-xigeenka DDSI oo Afur-sharafeed u Sameeyay Qurbajoogta Gobolka Nogob Ugana Mahadceliyay Baaq-wadareedkii ay Ku Soo Saareen Magaalada Nairobi.
  60. Ethiopia's special police seek to build trust after rights abuse claims
  61. Xawaaraha Safarka Dheer Nolol iyo Rajo-Rumays ee ay Lugta Ku Marayaan Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa oo Caawa Ku Sugan Iimey-Galbeed ee Goblka Afdheer.
  62. Ugaas C/laahi Cabdi Aar Laba-Qayd oo bogaadiyay socdaalada Taxanaha iyo taariikhiga ah ee madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu ku marayaan Lugta Qaar ka Mida Gobolada Looguna Magac daray Nolol iyo Rajo-Rumays.
  63. Xidiga-Fabregas Uma Socdo Kooxda Man-United:Tababare Tito Oo Ka Shakiga Ka Saaray Taageerayaasha Barcelona
  64. Madaxweynaha iyo Waftigiisii oo Digri iyo Caleemo Qoyan ay Ku soo Dhaweeyeen Shacabweynaha iyo Culumada Degmada Raaso
  65. Hogaaminta hay'ada Gargaarka SEWD oo Si Kal iyo Laaba Uga maqsuuday Socdaalada taxanaha Ah ee madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa Looguna Magac Daray Nolol iyo Rajo-rumays.
  66. Qalabkii Ugu Badnaa Abid ee Dhanka Dhismayaasha Wadooyinka iyo Buundooyinka oo uu Kusi-maha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Idmay in Loo Daad-Gureeyo Gobolka Nogob Xaruna Looga Dhigo Degmada Xamaro.
  67. Fari kama Qodna Himilooyinka iyo Saadaasha Socdaalka Nolol iyo rajo-Rumays Caawana waxaa lagu Furay Degmada Iimay- Bari.
  68. Ka Bogo Silsiladii Socdaalka Taariikhiga M/Waynaha ee ILAYS & IFTIIN iyo NOLOL & RAJO_RUMEYS.
  69. Gabadh uu Tababare u Yahay Cabdi Bile Oo Bilad Dahab Ah Ku Guulaysatay Iyo Dawladda Imaaraadka Carabta Oo U Riyaaqday.
  70. Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade(Calan Saxa) oo Guud Ahaan Musliminta Gaar Ahaaa Shacabka DDSI ugu Bishaaraynaysa Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ka Faaiideysigeeda.
  71. Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii Oo saaka Tegay Degmada Cusub ee Ceel-Wayne Kuna Soo Noqday Caawa Magaalada Godey.
  72. Shirkada ACE oo Aalada ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ee Biyaha Soo Tuura Ka Hirgalisay Tuulada Qudhac Mataan ee Degmada Gursum.
  73. Socdaalkii Madaxweynaha iyo waftigiisa ee Socdaalka Nolol iyo Rajo-rumaynta isu-socodka Dadka,Duunyada iyo Gaadiidka ee Bulshada oo Ku Sugan Xarunta Degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele(Sawiro)
  74. Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Beesha Bahgari ee Ku Dhaqan Sweden oo Bogaadisay Socdaalka Madaxweynaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Ka Askumay DDSI.
  75. Qaar ka mid qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Faafan oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jaamacad Laga Hirgalin Doono Magaalada Qabri-bayax Booqdayna Degmooyin iyo Tuulooyin ka Tirsan Gobolada Faafan iyo Jarar.
  76. Socdaalkii Madaxweynaha DDSIee La Magac Baxay Ilays iyo Iftiin oo Galay Maalintii 5aad iyo Xarunta Degmada Garbo oo Caawa Ku Sugan Yihiin.
  77. Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee Madaxweynaha DDSI oo oo Galay Maalintiisii 3aad iyo Barmiil,dhuxun iyo Xamaro.
  78. Xafiiska Gaadiidka,Ganacsiga iyo warshadaha DDSI iyo Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Kaashanaya Shirkada Raashinka Alla-Aamin Oo Qiime Dhis Ugu Sameeyay raashinka dadka Danyarta Ah fadliga Bisha Ramadaan Awgeed.
  79. Qurbajoogta Waqooyiga America ee Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob oo BAAQ,HANBALYO IYO BOOGAADIN U Soo Diray Socdaalka Loogu Magac daray ILAYS IYO IFTIN EE Maxweynuhu Ku Tegay Gobolka Nogob.
  80. 4-Xiddig Oo Bayern Ah, Messi & Ronaldo Oo Hogaaminaya Musharaxiinta Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub.
  81. Ogaysiis:Maamulka Websiteka Nogob oo Macaamiishiisa Ogaysiinaya in Websiteka Ay farsamo Ku Socoto Kuna Soo Noqon Doono Hawada Maalmahan.
  82. Madaxweynaha DDSI oo Ku Guda Jira Socdaalkiisii Ilays iyo Iftiin Ayaa Guud ahaan Muslimiinta Dunida iyo Muslimiinta Itoobiya ugu Bishaareeyay Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
  83. Qalinjabinta Dufcadii 10aad ee Kuiyada Beeraha Godey oo Ay ka qalinjabiyeen Arday Dhan 209 Arday.
  84. David Villa oo Mustaqbalkiisa Mugdi La Galiyay.
  85. Geeri Arooskeed Aas Heer Qaran oo Maanta Lagu Xabaalay Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse Magaalada Qardho.
  86. Wafti balaadhan oo uu Madaxweynuhuhu Hogaaminayo iyo Madaxweynaha oo Xadhiga Ka jaray laydhka 24ka Saac ee magaalada Fiiq Looguna Magac daray Socdaalka Ilays iyo Iftiin..
  87. Maydkii Marxum Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Diyaaradii Waday Ay Soo Cagadhigatay Magaalada Qardho iyo Maanta oo AAs Qaran Loogu AAsi Doono.
  88. Xaflada Xidhitaanka Dugsiyada Degmada Baabili ee Gobolka Faafan oo Abaalgud Lagu Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalimaha Hore Gashay.
  89. Deegaanka Soomalida oo u Noqday hormuud waxqabadka qurbajoogta ee itoobiya
  90. Man-City Oo u Hanqaltaagaysa Ciyaaryahan Pepe
  91. Kuliyada caafimaadka ee jigjiga oo ay galabta ka qalin jabiyeen in ka badan 759 arday Kana Soo Qaybgaleen Madaxweynaha DDSI iyo Wasiiro
  92. Shirwaynihii horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban ee gunaanadka gababagaynta UBBO oo maanta la soo gabababeeyay.
  93. Safarkaygii Jigjiga : Degaan Nabad ah, Hogaan daacad ah iyo Dadweyne Isku-Duuban waa Mid ku Dayasho mudan!
  94. Ila Qosol:- Sheeko Dhab ah oo Dhex Martay Aabo Aan Waligiis Shaqaysan iyo Gabadh uu Dhalay..
  95. Ninba Waa Markiisee Mus Ma Kula Koray Serena oo Looga Dacareeyay Koobka Horyaalka Tenniska ee Wimbledon.
  96. Munaasabada Qalinjabinta Ardayda Jaamacadaha Dalka ee Puntland ee Deeqda Waxbarasho Ka Helay DDSI oo Ku Qalinjabin Doonaan Hoolka Shirarka SMCX Jimcaha Galinka Danbe.
  97. Shirwaynihii Horumarka N/galyada,maamulka suuban ee Gunaanadka iyo Gabagabaynta Hagardaamadii UBBO oo Galay maalintii 2aad.
  98. Dawlada Ingiriiska(UK) oo Gabi Ahaanba Ka Mamnuucday Dalkeeda Isticmaalka Qaadka iyo Mirqaanka Soomaalida Ku Nool.
  99. Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta DDSI oo Aqoon-iswaydaarsi Ku Saabsan Dulsaarnimada(Rent Seeker) Ku Qabtay Godey.
  100. Waxaa Xaflada Xidhitaanka Sanad-Dugsiyeedkii Dugsiga waxbarashada iyo Hoyga Caruurta Ay waalid Tireen Nabad-diidku Lagu Qabtay Hoolka