La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da, January, 2018. La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee Dhinaca Xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay kaalinta balaadhan ee qurba joogta DDSI ee ku nool  dacalada aduunku  ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka taaba galay deegaanka.

wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay isbadalka horumarineed nabadgalyo, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurba joogta DDSI wakhtiyadii hore sida uu ahaan jiray iyo heerka uu taagan yahay eega  isaga oo sheegay wasiirku in sanadihii in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay xooga saareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo wanaajinta  xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ku nool dacalada aduunka .wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta DDSI ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin higalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka taamyeelay deegaanka.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

Kulanka Wadatashiga Xukuumada DDSI iyo Beesha Gabooye

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 7da January, 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhici doona kulan wadatashi iyo wacyigalin isugu jira oo ay xukuumada deegaanku la yeelanayso beesha sharafta leh ee gabooye oo ah beel isku kalsoon sharaf iyo sumcad aad ubalaadhana leh islamarkaana ixtiraamka ka mudan soomaalida geeska africa si meesha looga saaro nidaamka dhaqan gumaysiga dhaqamada qaarkood loogana tanaasulo yasida iyo takoorka kadhex jira beelaha bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya heerarka kaladuwan ee mas'uuliyiinta deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha gabooye ee magaalada jigjiga iyo ergooyin kasocda beesha gabooye ee gobolada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka.

Haddaba, kulankan ayaa kadhacaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga 7aadka fooda inagu soo haya ka hor shirwaynaha wadatashiga xisbiga iyo shacabka deegaanka ee kadhacaya xarunta degmada raaso.

Gudiga Qabanqaabada Ee Shirwaynaha Raaso

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Shirwaynaha wadatashiga XDSHSI iyo shacabwaynaha deegaanka oo ay kasoo qaybgalayaan in kabadan 2,500 oo shaqsi oo isugu jira ergooyinka xisbiga, qaybaha kaladuwan ee  bulshada, Odayaal dhaqameedka iyo heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta deegaanka ee ka dhicidoona xarunta degmada raaso ee gobolka af dheer ayaa loo dhisay gudigii qabanqaabada iyo abaabulka shirwaynaha oo ubaxaya degmada raaso iyo gudashada shaqooyinkii loo xilsaaray.

Hadaba Waa kuwan magacyadii gudiga qabanqaabada shirwaynaha Raaso.

1.       Mudane Axmed Maxamed Koore wasiirka Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI-Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada

2.       Mudane Cabdulaahi Maxamuud Cabdi (Garbo) wasiir kuxigeenka  xafiiska jidadka ee  DDSI-Xubin

3.       Mudane Cabdrashiid Sheekh Cumar Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI-Xubin

4.       Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed maareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka ee DDSI-Xubin

Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Maalintii 3aad Galay

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Waxaa maalintii 3aad galay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo ka socda cusbitaalka wayn  Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referral hospital. kaas oo ay ka faaiidaysanayaan dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan shacabka gobolka faafan.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga ayaa waxaa kawarbixiyay Mudane Cabdulaahi Xambali oo ah hogaamiyahan kooxda wareegta ee qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee waaxda ka hortaga iyo xakamayta cudurada indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI oo sheegay in qalintaanka iyo daawayntu si fiican usocoto islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla cusbitaalka iyadoo looga faaiidaynayo guud ahaanba shacabka deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay shacbkii looga faaiidaynayay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo si farxadi ku dheehantahay usheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay aragoodii indhaha ee sanado ka maqnaa loogu soo celiyay. Waxayna umahad celiyeen xukuumada hirgalisay adeegan.

M.M Qabridahar Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Beerashada Casriga Ah Oo Loo Qabtay Khabiirada Fidinta Beeraha Ee Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Iyo Jarar

Qabridahar(cakaranews)Sabti, 6da January 2017.Waxaa Magaalada qabaridahar ee xarunta gobolka qoraxey lagu soo gabagabaeeyay Tababar uu soo agaasimay xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana loo hayay khabiirada fidinta beeraha ee dhamaan degmooyinka Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Afdheer Iyo Jarar. Tababarkaasoo kusaabsanaa nidaamka beerashada casriga ah.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro sare oo kasocday xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana aqoon durugsan uleh casharada ay bixinayaan. Iyadoo intii uu socday tababarkanina kaqaybgalayaasha si practical ah loo geeyay beeraha waawayn ee sida casriga ah looga beeray mashruuca waraabka ee maraacato kaasoo si ficil loohu tusay beeraha sida casriga ah loo beeray.

Hadaba, tababarkan ayaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Qabridahar Mudane Cabdulaahi Shekh Axmed Iyo Waliba  Agaasinka Waaxda Fidinta Beeraha Ee Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Mudane Axmednuur oo sheegay in tababarkani kusaabsanaa nidaamka beerista casriga ah iyo waliba waxsoosaarka tayada leh. Wuxayna tilmaameen in khabiiradan lakeenay beeraha sida casriga ah loo beeray si ay ficil ahaan ugu arkaan oo ay ugu daydaan. Waxayna xuseen in tababarkan ay kafilayan in horumar badani kayimaado kadib markii khabiiradani ay ku laabtaan goobohoodii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna, dhankooda khabiiradii tababarka qaatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaa’iideen cilmi badan oo kuwajahan xirfadooda. Waxayna xuseen in ay uga sii faaiidaynayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Xafiiska 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 6da January, 2018 Wasiirka ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa warbixiyay guulaha laga soo hooyay  waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay gaar ahaan taaba galinta qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSi ay qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha  si looga jawaabo baahida bulshada deegaanka ee dhinaca helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana xooga la saaray ka faa’iidaysiga  biyaha bulka hoostooda, kaydinta biyaha cirka iyo ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada deegaanka sidoo kalena ay xukuumada DDSI suurta galisay mashaariicaha biyo galinta masaafada fog oo la gaadhsiiyay dhulkii hore u ahaan jiray oomahana dhinaca kalena ay xukuumada DDSI soo  iibisya bilihii ugu dambeeyay 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska  iyo biyo dhaamiska  iyada oo dhinaca kale meelaha laga sameeyo biyo dhaanka la garab wado qoditaanka ceelasha biyaha dhaadheer. si guud ahaanba deegaanka xawlaara looga gaadho helitaanka biyaha,

Wasiir kuxigeenka mar uu ka waramayay guulaha laga gaadhay qorshihii xafiiska biyaha ee 6dii bilood ee ugu dambeeyay  ayaa  waxa uu sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii biloog ee ugu dambeeyay  66.7%  lana gaadhsiiyay  73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday   64.5% lana gaadhsiiyay  70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday  66.7% lana gaadhsiiyay   73.6%,  wasiir ku xigeenka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay in la dhamays tiray 25 ceelalka dhaadheer  (riig ah) halka ay socdaan 12 ceel oo ah kuwa dhaadheer, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqooyinka ku dayashada mudane ee laga hirgaliyay deegaanka ay tahay  xal u helida ceelasha dhaadheer ee marka laga soo saaro biyaha ay qadhaadh noqdaan taasi oo ay xukuumada DDSI oo iibisay 11 mishiinada ah kuwa biyaha macaaneeya taasi oo lagu guulaystay lana macaaneeyay meelihii laga qotay ceelasha biyaha qadhaadh.

Ugu dambayntii waxa uu  sheegay wasiir ku xigeenku  in xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu isaga oo ka duulaya taaba galinta geediga horumarka xukuumada DDSI ee ku salaysan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha uu dadaal xoogan ugu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.

 

 

   

More Articles...

  1. Shirkada Maalgashiga Wayn Ee Dangote Group Ayaa Sheegtay In Ay Sii Laban Laabayso Maalgashiga Dalka Ethhiopia
  2. Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Shacabka DDSI Oo Kormeer Qiimayn Iyo Dabagalka Ah Ku Soo Maray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Gobolada Jarar iyo Qoraxey
  3. ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ
  4. War Deg-deg Ah
  5. የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርት በራሶ ከተማ ከህዝቡ ጋር ሰፊ የጋራ መግባባት መድረክ የአካሄዳል
  6. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga
  7. Shirwaynaha Wadatashiga XDSHSI Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lagu Qaban Doono Magaalada Raaso.
  8. Shirkii Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF Iyo Xisbiyada Bahwadaagta la ah Oo Kafurmay Xarunta Dalka
  9. Gudoomiyeyaasha xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF ayaa sheegay in midnimada iyo fikirka midaysan ee xisbiga ugu shaqaynayaan shacabka dalka.
  10. Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay
  11. MMQ Iyo Bulshada Kunool Oo Soo Dhawaysay Ardayda Cusub Ee Lagu Soo Qoray Jaamacada Qabridahar
  12. Tababar ku saabsan BSC Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxabarshada DDSI Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.
  13. ፕሬዝዳንት አብዲ መሀሙድ ኡመር ወደ አገሪቱ ርዕስመዲና አመሩ
  14. MW CMC OO U AMBABAXAY XARUNTA DALKA EE ADHISABABA
  15. በክልሉ ርዕስመዲና በጎጂ ልማዶች የሚትኮር የሲምፖዝየም መድረክ ተጀመረ
  16. Kulan Balaadhan Oo Dood Cilmiyeed Ah Ayaa Ka Furmay Xarunta Deegaanka
  17. Dhalinyarada Gobolka Faafan Oo Yeeshay Kulan Lagu Dar-dargalinayo qorshayaasha horumarka
  18. MM Qabribayax Iyo Dhalinyarada Oo Lasiiyay Lacagihii Daynta Ahaa Ee Shaqo Abuurka Loogu Samaynayay
  19. Bulshada Iyo Maamulka Degmada Waqooyiga Jigjiga Ayaa Sheegay In Sarac Kabadan Waxsoosaarka Sanadihii Hore Uu U Soo Go’ay Sanadkan.
  20. Nuxurka Kasoo Baxay Shirkii 18ka Cisho Usocday Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF
  21. ከኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ የተሰጠ ድርጅታዊ መግለጫ
  22. Raysal-wasaaraha JDFI Oo Kulan La Yeeshay Gudoomiyaha Shirkadd lucky chain limited.
  23. Jaamacada Qabridahar Oo Bilawday Qaabilaada Ardayda Cusub Ee Jaamacada.
  24. MW Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Hor-Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Xafiiska iyo Waliba Ololaha Tirakoobka Dalka
  25. ESPDP Central Committee Ordinary Session Successfully Concluded
  26. Kulanka Wadatashiga Kor U Qaadista Tayaynta Waxbarashada Reer-guuraaga DDSI Oo Ka Furmay jigjiga,
  27. የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲ ፓርቲ ማዕካላዊ ኮሚቴ መደበኛ ጉባኤ በድል ተጠናቀቀ
  28. Mashruuca Hab-Nololeedka Xoolo-Dhaqatada Ee Deegaanada Xoolo Dhaqatada Ah “RPLRP’’ Ayaa Fulinaya Mashaariic Ay Kubaxayso Lacag Ka Badan $ 16mln
  29. Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Soo Xidhmay
  30. Kulan Waynaha Wadatashiga Talaalka Caruurta Iyo Daah-Furka Qorshaha cudub Ee Talaalka Joogtada Ah Oo Furmay.
  31. Shir Ay Yeesheen Hogaaminta Sare Ee DDSI
  32. Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay In Kor Loo Qaaday Tiirarka Adeega Caafimaadka DDSI
  33. የኢ.ሶ.ክ.መ.ካፍተኛ ልዑኳን ቡዱንና በሰሜን አሜሪካ የሚኖሩ ዲያስፖራ አካላት ጋር በሚኒያፖሊስ ከተማ የጋራ ምክክር መድረክ አደረጉ
  34. Gobolka Shabeele Iyo Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo kaqabsoomay Magaalada Godey
  35. Tababar BSC Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Wakaalada Dakhliga Ee Heer Deegaan Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga
  36. Kulan-waynihii Wadatashiga Qurba Joogta Iyo Xukuumada DDSI Ee Magafe Quusis Oo Si Meeqaam Sare Ah Ugu Qabsoomay Minneapolis.
  37. MW CMC Oo Warbaahinta Dalka Ugu Warbixiyay Hirgalinta Qorshayaasha Horumarka
  38. MW CMC Oo shir Jaraa’id Ugu Qabtay Xafiiskiisa Saxaafada Dalka
  39. MM Qabridahar Iyo Qaar kamid Ah Haweenka Danyarta ah Oo Lagu Tababaray Xirfada Tolista dharka
  40. በሰመኑን ሰሚን አማሪካ የስራጎቡኝት የነበሩ የኢ.ሶ.ክ.መ.ከፍተኛ ልዕካን ቡዱኑ የምሳ ግብዣ ተደርጎላቿል
  41. Waftigii DDSI Ee Ku Sugan North America Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay
  42. የወቻሌ ከተማ አስተዳደር ለ400 ወጣቶች የሥራ እድል ፈጠራ ገንዘብ አስረክባቿል
  43. Barnaamijka Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ee Gobolada Faafan. Sitti, Qoraxey Iyo Doolo Oo Meel Fiican Maraya
  44. Ogaysiis Dhamaan Qurba-joogta DDSI Ee Waqooyiga America
  45. MMW Iyo 400 Oo Dhalinyar Ah Oo Lagu Wareejiyay Lacago Shaqo Abuur Loogu Samaynayo
  46. Gudoomiyaha Gobolka Nogob Oo Soo Indho-Indheeyay Tabaca Beeraha Ee Degmada Ilo-Horshagax
  47. Hargeele iyo Tababarka Macalimiinta Luuqada Afka Ingiriiska Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay
  48. Kulan Balaadhan Oo Ay Yeesheen Qaybaha Kaladuwan Ee Shacabka Beesha Jaarso Ee DDSI
  49. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Wafti Ka socday putland
  50. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት በኦሮሚያ ክልል ውስጥ በጅምላ የተጨፈጨፉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጆች የመንግስት አቋም መግለጫ ተሰጥቷል
  51. Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo Loo Soo Xidhay Shaqaalaha Degmooyinka Gobolka Jarar
  52. Wafti ay hogaaminayaan Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada DDSI Ayaa Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Minneapolis
  53. President A.M.O Sent Condolences towards the People Mass-Massacred at Oromo Region.
  54. የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ በኦሮሚያ ክልል የተጨፈጨፉ የሶማሌ ተወላጅ ቤተሰቦች የሀዘን መግለጫ ልኳል።
  55. የኦሮሚያ ክልል ርዕሰመስተዳደር በኦሮሚያ ክልል ውስጥ የተጨፈጨፉ ንጹሃን የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጆች ጉዳይ ዙሪያ ተናገሩ
  56. MW CMC Oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada
  57. Xukuumada DDSI Oo Ka Hadashay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Degaanka Oromada.
  58. MW Deegaanka Oromada Ka Hadlay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Deegaanka Oromada.
  59. Raysal-wasaaraha JDFI Oo Ka Tacsiyeeyay Shacabkii Soomalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada.
  60. Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Ay Yeesheen Gudi Ka Socday Xafiiska Waxbarashada Puntland iyo Xafiiska Waxbarashada DDSI
  61. Kulan Wadatashiya Oo Ay Yeeshay Wafti Ka Socday DDSI iyo Qurba Joogta DDSI Ee USA.
  62. Gudoomiyaha Gobolka Jarar Oo Xadhiga Kajaray Xarun Caafimaad Oo Cusub
  63. Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Englishka Ee Gobolka Faafan Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga
  64. Kulan Wacyigalin Ah Oo Kusaabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay MM Qabridahar iyo MM Godey
  65. Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Afka Soomaaliga Ee Gobolka Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay
  66. በአዲሱ የሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት የስልጣን ርክክብ ስርሥርዓት ላይ የተሳተፉ የኢ.ሶ.ክ.መ.ልዑካን ቡዱኑ ወደ ክልሉ ርዕስመዲና ተመለሱ
  67. Waftigii DDSI Ee Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Mw Somaliland Oo Dib Ugu Soo Noqday Xarunta Deegaanka
  68. Xirfadlayaasha Xarumaha Caafimaadka Gobolka Jarar iyo Nogob Oo Tababar Loo Qabtay
  69. Federal and Regional Delegations Participated Somaliland New President Inauguration Ceremony
  70. የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.የፈዴራልና የክልል ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን የአዲሱ ሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት የሹመት ቃለመሀላ ስርዓት ተካፈሏል
  71. Wafti Isugu jira Heer Federal Iyo Heer Deegaan Oo Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland
  72. የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትራንስፖርቲ ሚንስቴር የሶማሊላንድ አዲሱ ፕሬዝዳንት የሹመትና ቃለመሀላ ሥነ-ስርዓት ለመሳተፍ ወደ ሶማሊላንድ አቀኑ
  73. Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Ee JDFI Oo Kaqaybqaadan doona Caleemo-saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliland
  74. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ለአዲሱ የሶማሊላንድ ፕሬዝዳንት ሹመት የእንኳን ደሳላቹ መልዕክታቸው አስተላልፏል
  75. MW CMC Oo U Hambalyeeyay Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland.
  76. በኢ.ሶ.ክ.መ.ምክትል ፕሬዝዳንትና የከተማ ልማትና ኮንስተረክሽን ቢሮ ኃላፊ የሚመራ የክልሉ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ወደ ሶማሊላንድ አመሩ
  77. በፋይናንስ አሰራርና የባጄት አጠቃቀም የሚታርሚበት ምክክር መድረክ በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ
  78. Wafti Ka Socday Qaramada Midoobay Ayaa lagusoo dhaweeyay Xarunta Deegaanka
  79. Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaminayo MW Ku Xigeenka DDSI Ayaa Gaadhay Xarunta Somaliland.
  80. Kulan Tababar Iyo Wada Tashi Isugujira Oo Lagu Soo Bandhigayay Qaladaadka Isticmaalka Miisaaniyada Ayaa Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga
  81. Tababar Lagu Kobcinayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Afka Soomaaliga Ee Gobolka Sitti Ayaa Lagusoo Gabagabeeya Degmada Shiniile.
  82. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Koox Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ah Udiray 4 gobol
  83. Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI Ayaa Bixinta iyo Qaybinta Boolooyinka Sanadkan 2010 kafuliyay MM Dhagaxbuur iyo Qabridahar
  84. President A.M.O and Regional Traditional Elders Visited Newly Purchased Machineries andOther Development Facility Centers.
  85. Grand Ethiopian Renaissance Dam Cup ArrivedJigjiga city
  86. MW CMC Iyo Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Booqday Gaadiidka Iyo Mashiinada Waawayn Ee Lagu Hirgalinayo Qorshayaasha Horumarineed
  87. M.M.Qabridahar Iyo Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Luuqada Afka Soomaaliga
  88. Koobka Dhismaha Mashruuca Wabiga Abay Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga
  89. MM. Dhagaxbuur Iyo kulan Wacyigalin Ah Oo Kusaabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay
  90. Tababar Kor Loogu Qaadayo Barayaasha Luuqada Afka Soomaaliga Ee Gobolka Afdheer Ayaa Ka Qabsoomay Degmada Jarati
  91. Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Kaqabsoomay Xafiiska Waxbarashada DDSI
  92. የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ በ12ኛው ቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች ክብረ በዓል ላይ የህዳሴ ግድብ ዋንጫ ተረክቦ ወሳኝ ንግግር አደረጉ
  93. 12ኛው የቤሔር፤ቤሔረሰቦችና ህዝቦች በዓል ቀን በአገር አቃፍ ደረጃ በሰመራ ከተማ ተከብሯል
  94. MW CMC Oo Ka Hadlay Xuska 12aad ee Maalinta Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Itoobiya.
  95. Xuska Sanadguurada 12aad Ee 29ka Hidhaar Oo Laga Xusay Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga
  96. Xuska 12Aad Ee Maalinta Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Itoobiya Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusay Samara
  97. በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ የሚመራ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ወደ አፈር ክልል ርዕስ-መዲና ሰመራ ከተማ ገቡ
  98. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Qabtay Barayaasha Ku Jira Kuliyada Macalimiinta Dr cabdimajiid.
  99. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Dagay Xarunta Deegaanka Canfarta Ee Samara
  100. Kulan Wacyigalin Ah Oo Ku’aadan Dadka Baahida Gaarka Ah Qaba Oo Ka Qabsoomay Magalada Jigjiga