Kalfadhigii 5aad Ee Golaha Wakiilada Shacabka Iyo Golaha Fadareeshinka Dalka Oo Si Rasmiya U Furmay.

Adisababa,(cakaaranews), isniin, 9ka October, 2017. Waxaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta dalkeena itoobiya ee adisababa kalfadhigii 5aad  ee golaha wakiilada shacabka  iyo golaha fadareeshinka dalkeena itoobiya taasi oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan xubnaha labada gole ee dalkeena itoobiya.

Kalfadhigan oo ugu horayntii loo istaagay dadkii shacabka soomaalida  ahaa ee lagu xasuuqay hawaday ayaa waxaa  furitaankiisii  kudbad dheeli-tiran oo dhaxalgal ah ka soo jeediyay madaxwaynaha jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya mudane Dr Mulatu Teshome isaga oo  ugu horayntii ka warbixiayay ahmiyada uu leeyahay dastuurka JDFI oo ah kan mideeyay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya islamarkaana xaqiijiyay xuquuqaha dimuqoraadiyadeed ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayuu yidhi madaxwaynuhu sidoo kale waxa uu ka warbixiyay  madaxwaynuhu waxqabadkii sanadkii 2009TI taasi oo   guulo waawayn oo mug leh laga soo hooayay  iyada oo ay sanadkaasi dalka ka dheceen abaaro hadana wax saamayn ah kuma keenin geedi socodka xawaaraha horumarka ayuu yidhi madaxwaynuhu.

madaxwaynha ayaa sheegay in kor loo qaaday   koboca  dhaqaalaha dalka iyada oo  cabirka xawaaraha  dhaqaalaha  la gaadhsiiyay 10.9% taasi oo ahayd in la gaadho cabirka saadaasha 11,1.%  dhinaca wax soo saarka beeraha ayaa  guulo mug leh   taasi oo la gaadhsiiyay    koboca wax soo saarka beeraha  oo ay   saadaasha 8,0% halka lagaadhsiiyay 6.7% waxaana keenay inta yare ee  hoos u dhacu ku yimaado dhinaca wax soo saarka beeraha  in meelaha qaarkood ay ka dhacday abaaro iyo roob la aan halka ay meelaha qaarna saamaysay diirta maraykanku.

Madaxwaynaha ayaa  sidoo kale sheegay in guulo waawayn laga gaadhay dhinaca koboca warshadaha taasi oo la diwaangaliyay in uu gaadhay koboca warshaduhu qorshihii la saadaalinayay in la xoojiyay korna loo qaaday   wax-soo-saarka ganacsiga  iyada oo la gaadhsiiyay saadaashii la filayay dhinaca kale  sanadkan 2009TI  gudihiisa, waxqabad maaliyadeed ee dhaqaalaheena ayaa si wanaagsan loogu  guuleeystay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaal dheeri ah oo natiijo lagu gaadhay ayuu yidhi madaxwaynuhu.

 Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay qorshaha sanadkan 2010TI  isaga oo sheegay in xoogo la saarayo qorshayaasha lagu gaadhayo hiigsiga xaqiijinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn taasi oo loo baahan yahay in la muujiyo dadaalkii lagaga midho dhalinayo   hirgaliyo  koritaan dhaqaale oo deg deg ah iyada oo xooga la saarayo wax soo saarka dalaga ee  lagu hayago   warshadaho dheelitirka , sida warshadaha wax soosaarka sare iyo dhexe.Dhinaca kale waxa uu sheegay maedaxwaynuhu in xooga la saarayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo kor u qaaditaanka iskaashatooyinka  taasi oo suurta galinaysa kor u qaaditaanka koboca meeliyadeed iyo midka  dhaqasho.

Ugu dambayntii Madaxwayanah JDFI  oo ay warbixintiisu ahayd mid aad u dheer ayaa waxa uu nurux keedu ahaa mid ku sar-go’an   taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Tababar Loo Qabtay Xirfadlayaasha Caafimaadka Ee MMJ

Jigjiga (cakaaranews)Isniin, 9ka, October 2017. Tababar kusaabsan kor uqaadida dhinaca adeeg bixinta ee shaqaalaha iyo xirfadlayaasha Hospitaalka iyo xarumaha caafimaadka iyo waliba sidii ay u noqon lahaayeen kuwo naxariis u leh bukaanka islamarakaana ujajaban u adeegida bulshada kuxidhan xarumaha iyo hospitaalada ayaa si habsamileh uga qabsoomay gudaha Jaamacada Jigjiga.

Hadaba, tababarkan oo ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska cafimaadka DDSI iyo Jaamacada jigjiga islamarkaana ah tababarkii ugu horeeyay oo noocan ah oo ay wada qabtaan ayaa waxaa kahadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo sheegay in tababarkan ujeedadiisutahay sidii ay shaqaalaha iyo xirfadlayaasha xarumaha caafimaadka iyo hospitaalada magaalada jigjiga unoqon lahaayeen xirfadlayaal u dhaga nugul bukaanka islamarkaana naxariis u leh bukaanka, sifiicana u bixin kara adeegii loogu talagalay. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan lagu barayo xirfadlayaasha casharada laxidhiidha (companionate repentance and caring) oo loosoo gaabiyo (CRC)

 

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah  xirfadlayasha hospitaalada iyo xarumaha caafimaadka magaalada jigjiga ayaa ah mid socon doona oo yeelan doona 5 wareeg islamarkaana lasiin doono dhamaan shaqaalaha iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Sweden Oo $ 18,200 Ugu Deeqay Shacabkii Soomalida Ahaa Ee Ka Soo Barakacay Deegaanka Oromiya.

Sweden(Cakaaranews) Isniin 9ka October 2017.  Jaaliyadda DDSI ee Dalka Sweden ayaa Xalayto Xaflad lagu taakuleynayo shacabkii Dawlad deegaanka Somalia Itoobiya ee laga soo barakiciyay Deegaanka Oromada ayaa Xaflada lagu qabtay Magaalada Stockholm Caasimada Dalka Sweden.

Waxaa ka soo Qeybgalay Kulankaasi Safiirada Dawlada Dimoqraatiga Federaaalka Itoobiya ee wadamada Scandanivianka H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Sweden Dr. Hussein Ahmed Omer iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Xayi Maxamuud iyo Marti sharaf kala duwan.

Waxaa halkasi la guda galay Lacag bixinta lagu taakuleynayo dadkii ka soo barakacay deegaanka Oromada iyada oo ay Shaaqsiyaad jaaliyadda DDSi ee Sweden ayaa ku yaboohay qofkiiba kun dolar $1000 doolor Jaaliyadda DDSI ee Sweden ayaa waxey kaalin dahab ah ka gashay Baaqa Ka soo baxay XDSHSI ee ku aadanaa in qurbajoogta ay gacan weyn ka geystaan taakuleynta dadka soo barakacay waxayna wadarta guud ee lacagta ay jaaliyadu bixisay dhantahay $ 18,200 oo doolar Hormuudka jaaliyadaha DDSI waxaa lagu tilaami karaa Maanta in ay tahay jaaliyadda DDSI ee Sweden taasoo oo xaleyto wacdaro ka dhigeen Magaalada Stockholm.

Waxaana halkaasi kahadlay H.E Ambassador Woinishet iyo Qunsulka Dr Huseen iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Sweden Xayi iyo Marti sharaf kale Gudoomiyaha jaaiyadda DDSI ee Sweden ayaa ugu baaqay dhamaan Masuuliyiita Gobolada Dalka Sweden in ay ka qeybqaataan islamarkaana uu tagi doono Gobolada madama Magaalada Stockholm maanta lagu qabtay.

Sikastaba ha ahaatee bilowgii habeenkii ugu horeeyay ee ay kulmeen jaaliyada DDSI u ku sugan wadanka Sweden ayaa lagu aruuriyay lacag dhan $ 18,200 oo doolar iyadoo jaaliyadu wali sii wado lacag aruurinta lacagtan loogu deeqayo dadkii somalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromiya islamarkaana laga sugayo inay jaaliyadu dadaalkooda wadaninimo halkaas kasii wadaan.

Tababar loo Qabtay 70 Xubnood Oo kamid Ah Xoolodhaqato-beeralayda Degmada Doolo-Cado

Doolocado(cakaraanews)Axad, 8da October 2017. Mashruuca DRDIPee kahawlagala xafiiska horumarinta beerahaiyo khayraadka dabiiciga ah DDSI ayaa tababar uqabtay qaar kamid ah xoolodhaqato beeralayda gaar ahaan beeralayda modelka ah,  xoolodhaqatada, DA, iyo waliba Technical Comiteega mashruuca kuwaasoo kudhaqandegmada doolo-cado ee gobolka liibaan. Iyadoo tababarkana ujeedadiisu ahaa sidii kor looguqaadilahaa waxsoosaarka dalaga beeraha iyo waliba xoolaha ee bulshada degmadaasi.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Gudoomiye-kuxigeenka ahna Hogaanka Nabadagalayada Maamulka iyo Cadaalada mudane Maxamuud Xaaji Dayib  iyo waliba Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Doolo-cado mudane Nuur Maxamed Faarax oo sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadaya garaadka aqoomeed ee xoolodhaqato beeralayda dagmada doolocado. waxayna masuuliyiintu kula dardaarmeen tababartayaasha in sifiican looga faaiidaysto tababarka islamarkaana beeralayda kale ee aan nasiibka uyeelanin ay usiigudbiyaan iyaguna ay noqdaan kuwa isbadal kakeena cilmigan ay barteen.

sidookale, mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo waliba mudane Cabdi Cusmaan oo ahaa khabiiradii tababarka bixinaysay islamarkaana katiirsan shaqaalaha mashruuca DRDIP ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay intababarkani ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa tayaynta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha islamarkaana nacfi fiican looga heli lahaa xoolaha iyo beeraha labada. Waxayna intaa kudareen in sidookale tababarkani kusaabsanyahay kafaa’iidaysiga shinida iyadoo kaqaybgalayaasha lagu siinayo casharo laxidhiidha waxsoosaarka iyo dhaqashada shinida.

 

Iskusoowada duuboo tababarkan oo uu fulinayay Mashruuca  horumarinta iyo kajaawaabida  saamaynta ay qooxootiyadu kukeenaan deegaanka  ee looyaqaano (DRDIP) ayaa ah mashruuc si wayn ugu hawlan horumarinta beeraha iyo xoolaha iyadoo tababarkanina uu qaybkayahay qoorshayaashooda kuaadan horumarinta  waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha.

Fiiq iyo Shaqo-abuurka Dhalinyarada Oo La Gudoonsiiyay Lacagahii Shaqo-abuurka Loogusmeeyay

Fiiq (cakaaranews)Axad, 8da October 2017. Waxaa xurunta gobolka Erer ee magaalada fiiq kaqabsoomay kulan balaadhan oo kusabsan shaqo abuurka dhalinyarada islamarkaana lagu gudoonsiinayay lacagihii shaqo abuurkooda loogutalagalay iskaahato kasta.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadalay Hogaanka nabadgalayada maamulka iyo cadaalada gobolka Erer mudane guuleed maxamed ismaaciil Iyo waliba Gudoomiye kuxigeenka ahna hogaanka nabadgalayada maamulka iyo cadaalada degmada fiiq mudane  Axmed cabdilaahi daahir oo sheegay in iskaashatooyinkani ay yihiin dhalinyar islamarkaana lagu wareejiyay lacagahoodii shaqo abuurka loogu sameeyay. Waxayna masuuliyiintu intaa kudareen in qorshahan shaqo abuurku uu yahay mid xukuumadu u qadatay in lagu tirtiro saboolnimada. Waxayna kuladardaarmeen dhalinyarta in iskaashato kasta shaqooyinkooda ay kakeenaan natiijo wax ku’ool ah si dhalinyarta kale ee kadanbaysa au ugu daydaan.

Dhankooda, madaxa xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha degmada fiiq mudane mukhtaar awbadal iyo waliba maareeyaha microfinance mudane cabdixamiid cabdiqaadir mursal oo dhankooda kahadlay ayaasheegay in guuda ahaan dalkeenu uu xooga saaray shaqo abuurka si lootirtiro saboolnimada islamarkaana dalku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Tanina ay qaybkatahay qorshayaashaas dalku qaatay. Waxayna xuseen masuuliyiintu in dhalinyartu si wadaniyad leh oo daacadnimo kudheehantahay uga soobaxaan xilka iyo waajibaadkooda.

 

Ugudanbayna, dhalinyaradii lacagaha laguwareejiyay oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay nasiib uyeesheen shaqo abuurka noocan ah ee lagu gudoonsiiyay lacagaha oo aysan nasiib uhelijirin dhalinyardii kahoraysay. Waxaynabalan qaadeen inay shaqooyinkooda kamidho dhalinayaan

በቆለቺ ቀበሌ የሚገኙ ተፈናቃይ ወገኖች በዘላቂነት እንድቋቋሙ መንግስታዊና መንግስታዊ ያልሆኑ ተቋማት ተሳትፎቸው የሚያጠናከሩበት የምክክር መድረክ ተካሄዷል

ጅግጅጋ (cakaaranews)ኡሁድ መስከረም 28/2010ዓ.ም.በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የአደጋ መከላከልና ዝግጁነት ቢሮ አስተባባሪነት በቆለቺ ቀበሌ የመልሶ ማቋቋም መጠሊያ ጣቢያ የተደረገለትና ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ወገኖች በዘላቂነት እንድቋቋሙ ለማድረግ በክልሉ የሚገኙ መንግስታዊና መንግስታዊ ያልሆኑ ተቋማት ተሳትፎቸው የሚያጠናከሩበት ምክክር መድረክ በክልሉ ርዕስ-መዲና በጅግጅጋ ከተማ ተካሄዷል፡፡በመድረኩ ላይም ከአደጋ መከላከልና ዝግጁነት ቢሮ ጋር ባላድርሻ የሆኑት መንግስታዊና መንግስታዊ  ያልሆኑ ተቋማትም ተገኘቷል፡፡

በመድረኩ መዝግያ ሥነ-ስርዓት ላይ ንግግር ያደረጉት የኢ/ሶ/ክ/መ.የአደጋ መከላከልና ዝግጁነት ም/ቢሮ ኃላፊ አቶ አንዋር አሊ  ምክክር መድረኩ ለቀናት ያህል የቀጠለ ቢሆንም የመድረኩ አላማ የክልሉ መንግስት ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ሶመሌ ተወላጅ ማህበረሰብን በቆለቺ ቀበሌ የመልሶ ማቋቋም መጠሊያ ጣቢያ መስራቱ የሚታወስ ሲሆን የኢትዮጵያ ሶማሌ ተፈናቃዮች  በዘላቂነት እንድቋቋሙና በክልሉ የሚገኙ ለጋሽ ድርጅቶችና ሌሎች መንግስታዊና መንግስታዊ ያልሆኑ ተቋማት የበኩላቸው ተሳትፎ የሚያጠናከሩበት የጋራ  መፈክር  ከሆኑ ባሻገር ተፈናቃይ ማህበረሰብን በዋናዋና የመስረተ-ልማት ጉዳዮች እንደ-ንፁህ የመጠጥ ውሃ፡ጤና፡የምግብ ዋስትናና መሰል ጉዳዮችን በዘላቂነት እንድቋቋሙ የክልሉ መንግሰት ከለጋሽ ድርጅቶች ጋር የጋራ  ስተራቴጂዎችና ቀጣይ አቅጣጫዎችን የሚያስቀመጡበት መድረክ እንደነበረ አስረድቷል፡፡በመድረኩ ላይም ከአለማቀፍ ድርጅቶችና የክልሉ ሰክተር መ/ቤቶች የተወጣጡ አካላት መሳተፋቸውም ጠቁሟል፡፡    

በመጨረሻም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስትና በአገር ውስጥና በባህር ማዶ የሚኖሩ የክልሉ ተወላጆች ተፈናቃይ ወገኖችን ለመረዳትና በዘላቂነት ለማቋቋም ከፍተኛ እንቀስቃሴ እያደረጉ ይገኛሉ፡፡ 

 

More Articles...

  1. Kulan Kusaabsan Taageero-siinta Bulshada Ladajiyay Tuulada Qoloji Oo Kaqabsoomay Jigjiga
  2. Talaal iyo Daawayn Laga Fuliyay Ceelasha Caanka Ah Ee Ceelxaar iyo Hadhaawe
  3. Qiimayntii Waxqabadka Rubucii 1aad Ee Degmooyinka Gobolka Nogob.
  4. Wakiilka UNDP U Fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Jigjiga.
  5. የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል መንግስት ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ ህብረተሰብ የምግብ፡መድኃኒትና የቤት ቁሳቁሶች እርዳታ ለገሴ፡፡
  6. Shirkada Tacab iyo Maal iyo Tababar Loo Qabtay Dhalinyarada Deegaanka Oo Ka Kalayimid Degmooyinka iyo Maamul-magaalooyinka DDSI
  7. Xukuumada DDSI Oo Deeq Isugu jirta raashin,dawooyin iyo agab gaadhsiiyay bulshadii ka soo barakacday deegaanka oromiya Qoloji,
  8. Gobolka Qoraxey iyo Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Oo Kadhacay Magaalada Qabridahar
  9. Abaabulka Waxbarashada Gobolka Qoraxay.
  10. Kulan Wadatashi ah Oo Kaduwan Kulamadii Hore
  11. የኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል መንግስትና አገር ሽማግሎች በኦሮሚያ ጥቃት ላይ የጋራ አቋም መግለጫ ይፋ አደረጉ
  12. ESRS Underlined the Reasons behind Oromo People’s War on Ethiopian Somalis
  13. Gobolka Siti iyo Abaabulkii Waxbarashada Oo Sifiican Uga Socota
  14. በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የገጠር መንገዶች ግንባታ የስኬትጉዞ!
  15. Xamaro Oo Caawa Heshay Laydhka 24ka Saac
  16. Ogaysiis: Ogaysiis.
  17. Bangiga Aduunka Iyo Dalka Itoobiya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lacageed Oo Dhan $ 1.3 Bilion
  18. Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubicii 1Aad Ee Degmooyinka Gobolka Jarar oo Furmay
  19. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Kuliyada Farsamada Gacanta Ee Magaalada Fiiq
  20. Kulan balaadhan Oo inka badan 40, Millyan Loogu Ururiyay Dadkii Soo Barakacay Ayaa Ka Dhacay Jigjiga.
  21. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Wadada Wayn Ee Iskuxidha Fiiq Iyo Mayu Iyo Buundada Udhexaysa Mayu Iyo Xarunta Gobolka Erer
  22. Abaabulka Waxbarashada Oo Si Balaadhan Uga Qabsoomay Degmada Dhagaxmadaw
  23. Xaflad Lagu Daah-Furayay Ol-olaha Talaalka Ka Hortaga Cudurka Dabaysha Oo Ka Dhacday Jigjiga.
  24. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Gaadhay Magaalada Fiiq Ee Xarunta Gobolka Erer
  25. Kulan Kusaabsan Ladagaalanka Kontrobaanka Oo Kadhacay Degmada Shiniile
  26. MW CMC Oo Amba Baxay Dhanka Gobolka Erer
  27. የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዚዳንት ከተለያዩ ህብረሰብ ክፍሎች ጋር በወቅታዊ ክልላዊና ሀገራዊ ጉዳዮች ተወያዩ፡፡
  28. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar Usoo Xidhay 40 Xubnood Oo Tababar Usocday In Mudo Ah.
  29. Kulan Lagaga Hadlayay Xaalada Horumarka Deegaanka Iyo Taakulaynta Dadkii Soo Barakacay Oo Ka Dhacay Jigjiga
  30. Ogaysiis: Ogaysiis.
  31. Tababar Loo Qabtay Dhalinyarta Shaqo-abuurka Loo Sameeyay
  32. Tababar Kor Loogu Qaadayay Garaadka Aqooneed Madaxiiseedada Maaliyada Iyo Beeraha Ee 15ka Degmo Ee Cusub Ee Kusoo Biiray Barnaamijka PSNP Oo Lasoo Gabagabeeyay
  33. Maareeyaha Guud Ee Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Shirkada.
  34. የኢ.ፌ.ደ.ሪ.የወጭ ጉዳይ ሚኒስተሪ ሚኒስተር በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ጎበኙ፡፡
  35. Wasiirka Arrimaha Dibada Dalkeena Itoobiya Oo Booqasho Kuyimid Xarunta Deegaanka
  36. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka
  37. Deeq Raashin ah Oo La Gaadhsiiyay bulshada DDSI Ee Ka Soo Barakacday deeganka Oromiya.
  38. President CMC and Delegation continue BBC Journey of Launching Long Boreholes at Ciid Area
  39. Xubno laga Soo Kala Xulay 93 Degmo Oo Tababar ’TOT’ah Loogu Soo Gabagabeeyay Kuliyada Xirfadaha iyo Tababarada Ee Magaalada Godey
  40. MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Ee Kujiray Socdaalkii BBC Oo Xadhiga Kajaray Ceelasha Dhaadheer Ee Laga Fuliyay Dhulka Ciid
  41. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Dhamaan Gobolada Deegaanka U kala diray Kooxaha Abaabulka iyo Diwaangalinta Caruurta Da’da Waxbarashada Gaadhay.
  42. Socdaalkii BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo Galinta Masaafada-Dheer wajigiisa 2aad Ee Birqod, Gunagado, Danood, Dig, Marsin iyo Gaashaamo
  43. Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Iyo Maaraynta Cudurka jadeecada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay jigjiga.
  44. BBC Journey and President CMC Launching 2nd Round Water Supply Project at Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood and Gashaamo.
  45. Socdaalkii Lamagacbaxay BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo-galinta Wajiga 2aad Ee Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood Iyo Gashaamo
  46. Kulan Lagaga Hadlayay Fulinta Qorshayaasha Gar-gaarka Bini-aadantinimada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga.
  47. በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ፕሬዝደንት የሚመራ የክልሉ ከፈተኛ አመራር ልዑካን ቡዱን ወደ ቀይ አፈር የተቆፈሩት የውሃ ፖሮጀክቶች አመሩ፡፡
  48. President CMC Traveled to Eid (Ciid) Area
  49. Munaasabado Lagu Taageerayo Hawlaha Horumarka Iyo Nabadgalyada DDSI Oo Ka Dhacday Qaaradaha Aduunka.
  50. MW CMC Oo U Ambabaxay Dhanka Dhulka Ciid
  51. Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshaaal Kor Loogu Qaadayo Dhaqanka Iyo Dalxiiska Deegaanka.
  52. Qalabka 'ICT'ga Oo Lagaadhsiiyay Qaarkamid Ah Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka DDSI
  53. Tababar Ku Saabsan U Adkaysiga Dhibaatooyinka Dabiiciga ah Oo Ka Furmay Jigjiga.
  54. Ogaysiis :Ganacsatada Iyo Qurba-joogta Deegaanka
  55. Horumarinta Magaalooyinka Dalka iyo Dadaalada Ku Aadan
  56. Tababar Loo Furay Macalimiinta Iyo Shaqaalaha Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.
  57. Kulan kusaabsan Xalinta Khilaafkii Kadhashay Xuduudka Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada Oo Kadhacay Caasimada Adhisababa
  58. President CMC Returned Back To The ESRS Capital Jigjiga
  59. Kulan Ku Saabsan Abaabulka Waxbarashada Sanad dugsiyeedka 2010TI Oo Ka Qabsoomay MM DH/buur
  60. MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Caasimada Deegaanka
  61. MW CMC Oo U kicitimay Dhanka Xarunta Dalka..
  62. Qiimayn Loo Qabtay Maamulada 229 Dugsi Oo Ah Dugsiyada Quudinta Leh
  63. Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii somalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday.
  64. Notice on Awaday Khat is Poisened
  65. Magacaabis Cusub ..
  66. በኣወዳይ ጫት ላይ የወጣ አሠቹኳይ ማሳሰቢያ!!
  67. ማስታወቅያ
  68. የኢትዮጲያ ሶማሌ ክልል መንግሰት በኣወዳይ የተገደሉት ንፁሃን ዜጎች የተሰማቸውን ጥልቅ ሀዘን ገልፀዋል፡፡
  69. Ogaysiis Dhamaan Shacabwaynaha DDSI Meelkasta Oo Ay Joogaan
  70. Jaadka Awadayga Ah Oo La Sheegay In La Suneeyay Oo Ay Dad Ku Dhinteen Qaarna Hospitaalada Uyaalaan
  71. Xukuumada Oo Tacsi Tiiraanyo Leh Udiraysa Shacabwaynaha Deegaanka
  72. OGAYSIIS :
  73. Darawalada iyo Mulkiilayaasha Gaadiidka Yaryar Ee MM Dh/buur iyo MM Q/Dahar Oo Soo Dhaweeyay Bixinta Taarikada Cusub Ee lasoo Gaadhsiiyay
  74. Shirwaynihii 9aad Ee Waxbarashada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  75. MW CMC Oo Sheegay In Sanadkii Tagay Lagu Sagootiyay Horumar Sanadka Cusubna Lagu Soo Dhawaynayo Horumar
  76. Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Oo Talaalka Xoolaha Kafulisay Duleedka Magaalada Jigjiga
  77. MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.,
  78. Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Agabka Aaladaha Casriga ah u Raray Qaarka Mid ah Degmooyinka..
  79. Kulan Waynihii 9aad Ee Waxabarashada Deegaanka Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka
  80. የኢ.ሶ.ክ.መ. ውሃን እንደፓትሮሊየም መቆጠሩ ምን ይመስላል!!
  81. Tartanka Kubada-cagta Ee Hay’adaha Dawliga Ah DDSI Oo Furmay
  82. Dufcadii 22aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Dr cabdinajiib Xuseen.
  83. Maamulka Degmada Qalaafo Iyo Bulshada Kudhaqan Degmada Oo Si Wada Jir ah Uga Shaqaynaya u Diyaargarawga Beerashada Casriga ah
  84. MW CMC Oo U Kicitimay Dhanka Xarunta Dalka
  85. Tababar Kusaabsan Nidaamka Hantidhawrka Oo Loo Qabtay Hanti-Dhawrayaasha
  86. Shir Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Filtu
  87. Degmada Elele iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele Oo Khibrad Wadaag U tagay
  88. Ogaysiis: Qurbo-joogta DDSI
  89. Wafti Ukala Baxaya Wadamada Maraykanka, Europe Iyo Carabaha
  90. MW CMC Oo Xafiiskiisa Waraysi Kusiiyay Warbaahinta Deegaanka
  91. Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Yeeshay Kulan Ay Kaga Hadlayeen Fikirada Cidhiidhyoon Ee Soomaaliwayn Iyo Arrinta Danbiile Qalbi Dhagax
  92. 600 Oo Maxbuus Oo Xukuumadu Cafis U Fidisay Fadliga Ciidul-Adxa
  93. 525 Macalin Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Ee Magaalada Qabridahar
  94. Dufcadii 8aad Ee Waxbarashada Xiliyada Xagaaga Jaamacada jigjiga Oo Maanta Qalin Jabisay
  95. Ogaysiis: Qurba-joogta DDSI
  96. Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Soo Kormeertay Mashaariicaha Degmada Qabridahar
  97. Gobolka Liibaan Oo Munaasabada Salaada Ciidul Adxa Si Balaadhan Looga tukaday.
  98. Munaasabada Salaada ciidul Adxa oo si meeqaam sare ah loogu tukaday Garoonka Caasimada Deegaanka ee Jigjiga
  99. Raisal-Wasaaraha JDFI Oo Soo Xidhay Tababarkii Hogaaminta Sare
  100. Oohintiisa Oohin baa Kahoraysay, Diyaaradii Keentay Cabdikariina Waxaa Ka Horaysay Diyaaradii Qaaday 114ka Qof