Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Musuqa Oo loo qabtay barayaasha Deegaanka Ayaa Ka Furmay Jigjiga

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 31ka, July, 2017.  Tababar ku saabsan  tababa iyo xeelahada looga hortaga loogana foojignaado dhibaatooyinka uu leeyahay musuqa oo ay iska  kaashadeen kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen iyo  komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI  ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla kuliyada macalinta Dr cabdimajiid xuseen.

Tababarkan oo loo qabtay dhamaan barayaasha   dugsiyada kala duwan ee degmooyinka deegaanka  ee xiliga xagaaga wax ka barta  kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen ayaa waxaa furitaankii ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI iyo masuuliyiin ka socday kuliyada macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen.

Waxaana furitaankii tababarkan  ka hadlay komoshineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud  oo sheegay in  sanadihii ugu danbeeyay xukuumada DDSI xooga saartay sidii  looga hortagilahaa dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu ee xagal daacin ku keenikara xawaaraha horumarineed ee deegaanka taasina guulo laga gaadhay iyada oo intaasi la waday tababaro iyo wacyigalino ku saabsan sida looga hortaga musuqa komoshineerka ayaa sheegay in barayaashuna  yihiin furaha lagula dagaalamayo musuqa isaga oo sharax dheerka bixiyay dhinaca waxbarashada meelaha u nugu musuqa sida in muusuq lagaliyo saacadaha  ardayda wax la barilahaa ,manhajka iyo  qishka komishineerka ayaa ku booriyay in ay barayaashu  noqdaan kuwa sii xoojiya isloamarkaana kaalin mug leh ka qaata jihooyinka looga hortagayo musuqa.

maareeyahay kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen ee DDSI mudane Kifaax Cabdilaahi Macalin oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay in uu tababarkani muhiim u yahay barayaasha dugsiyada  degmooyinka deegaanka loogana baahan yahay in soo saaraan jiil ku gaashaaman aqoon, akhlaaqad iyo anshaxwanaag islamarkaana ay ilaaliyaan saacadaha shaqada ee waxbarashada la siinayo ardayda si aan loo arag arday ay ka baaqaday maadadii loo dhigayay, maareeyaha ayaa ku booriyay macalimiintan maanta loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa-iidaystaan cashirada lagu bixinayo mudada uu socdo tababarkani si loo gaadho ujeedooyinka laga laga lahaa tababarka.

Tababarkan halku dhig looga dhigay "jooji musuqa ha noqon maxbuus meel mugdiya ku xidhan, Jooji shaxaadka ha noqon mashaqayste aan u fiicnayn mustaqbalka nafdiisa"   ayaa waxa cashiro ka bixinaya mudada uu socdo khabiiro ka socda komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI waxaana ka mid ah cashirada lagu baranayo  mincaha musuqa, asbaabaha keena musuqa, siyaabaha looga hortago musuqa, shariciga iyo shuruucaha u dajisan ee lagu qaadayo qofka cida gasha musuqa. 

Mashaariico Dhinaca Dalxiiska Ah Oo Laga Dhisayo Masaajidka Taariikhiga ah Axmed Najaad

Jigjiga(Cakaaranews),Axad, 30ka July, 2017. Dalkeena itoobiya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii kor loogu qaadilahaa dhinaca dalxiiska iyada oo xooga la saarayo sidii goobaha taariikhada ah ee dalxiiska looga dhigilahaa kuwo siwayn u soo jiita dhinaca dalxiisa yaasha caalamka.

Haddaba deegaanka tigreega ayaa xooga saaray sidii uu kor ugu qaadilahaa meeqaamka dalxiis ee masaajidka taariikhga ah ee ahmed najaad kaasi oo laga hirgalinayo dhulka ku dhaw masaajidkan oo dhan 18 higtar mashaariico dhismayaal dhan 5000kun oo qol oo ay ku baxayso aduun lacageed oo dhan 150 millyan oo doolar taasi oo qaybwayn ka qaadanaysa kor u qaaditaanka dalxiiska masaajidkan taariikhiga ah islamarkaana ka mid ah goobaha ugu taariikhda wayn dalkeena itoobiya. Waxaana mashruuca dhismahan wayn ee dalxiiska maalgashi ku samaynaya maal qabeen udhashay dalka Nigeria.

Isku soo wadaduub oo dalkeena itoobiya ayaa guulo waawayn ka soo hooyay dhinaca kor u qaaditaanka goobaha dalxiiska taasi oo ay xusid mudan tahay in 10kii bilood ee ugu danbeeyay laga soo hiyay dhinaca dalxiiska aduun lacageed oo dhan 3.3 billyan birr sida ay sheegtay wasaarada dalxiiska dalkeena itoobiya.

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Si Habsami Leh U Socda

Jigjiga(cakaaranews)Axad 30ka July 2017. Tartankii 6aad ee ciyaaraha kala gadisan ee ay ku taratamayaan gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka  ayaa si habsamileh u socda iyadoo oo ay maantana wada ciyaareen kooxaha kala ah gobolka liiban iyo maamulka magaalada goday, oo group A kawada tirsan. Sidookalana  Gobolka Erer iyo MM Q/dahar oo kawada tirsan group B iyo waliba kooxaha kasocday gobolka qoraxey iyo MM jigjiga oo maanta galinkii danbe wada ciyaaray.

Hadaba, ciyaarahan oo ahaa ciyaaro aad u xiiso badan islamarkaana ay garoonka soo  buux dhaafiyeen taageerayaasha kaladuwan ee kooxaha ayaa u dhacday sidan:-  Gobolka liiban iyo Maamulka Magaalada Goday oo maanta wada ciyaaray ayaa waxay ciyaartu kudhamaatay 1 iyo 0 waxayn guushu ku raacday gobolka liibaan oo sadexdii dhibcood halakaas ku qaatay.

Dhanka kale, waxaa iyana wada ciyaaray kooxaha Gobolka Erer iyo MM Q/dahar oo kawada tirsan group B islamarkaana ay ciyaar aad u xiiso badani dhaxmartay,  waxayna ciyaartu wakhtigii loogutalagalay kusoo dhamaatay barbaro 2 iyo 2

Sidookalana, waxaa iyana galinkii danbe ee maanta ay ciyaar aad u quruxbadani dhaxmaratay Gobolka qoraxey iyo mm jigjiga  oo kawada tirsan group B waxayna ciyaartani wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay barbaro 0 iyo 0

Sikastaba ha ahaatee, Group B oo ay kawada tirsan yihiin kooxaha kala ah Gobolka Erer , MM Q/dahar, Gobolka Qoraxey Iyo MM jigjiga ayaa leh min hal dhibic 

Daahfurka Ol,olaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Adeegyada Gaarka ah ee Sahanka Cabirka Nafaqo- darada Oo Kafurmay Magaalada jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 29ka July 2017. Waxaa maanta magaalada jigjiga ee xarunta DDSI kafurmay Shir lagu daahfurayay ololaha talaalka iskudhafka ah ee kahortaga cudurka jadeecada iyo waliba sahanka cabirka nafaqo darada kaasoo lagu talaalayo caruurta da’adoodu u dhaxayso 6 bilood ilaa iyo 15 sano.

Hadaba, daahfurkan ololaha talaalka ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, qaarkamid ah masuuliyiinta maamulka magaalada, culimo awdiin, hooyooyinka xaafadaha magaalada Jigjiga. Waxaana ugu horayntii kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ahna Gadh/w G/S Qorshaynta Qiimaynta iyo Dabagalkan ee isla xafiiska mudane Maxamed Ayaanle oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay daahfurka ololaha talaalka iskudhafka ah ee kahortaga cudurka jadeecada iyo adeegyada gaarka ah ee sahanka cabirka nafaqodarada. Wuxuuna intaa kudaray in talaalkan loogu talagalay caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa iyo 15 sano islamarkaana laga fulinayo 62 degmo oo deegaanka ah oo kakala tirsan 7 Gobol.

Sidookale, ololahan daahfurka ayaa waxaa isna kahadlay madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane Cabdicasiis Maxamed oo sheegay in ololahani uu socon doono mudo 7 cisho ah. Wuxuuna kuladadaarmay dhamaan hooyooyinka caruurta ee xafadaha magaalada jigjiga in ay talaalka siiyaan caruurtooda.

Dhanka kale, culimo awdiinkii kasooqaybgalay ayaa iyguna sheegay in waalidku caruurtooda masuulka yihin islamarkaana ay caruurtooda geeyaan goobaha uu talaalku kasocdo.

Iskusoowada duuboo,  ololahan talaalka oo kasocda 7 gobol oo deeganka ah ayaa lafilayaa in latalaalo caruur tirdoodu dhantahay 2 milion oo ilmood oo kunool DDSI.

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Heer Deegaan Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 29ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga  koobkii tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka, Iyadoo mudadii udanbaysay ay gobolada deegaanku sameeyeen tartan ciyaareed ka koobnaa dhamaan degmooyinka uu gobol walba ka kooban yahay si ay ooga xushaan ciyaartooydii ooga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee heer deegaan.

Hadaba furitaanka tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah oo ay ugu horeeyaan mas’uuliyiinta xafiiska maamulka DDSI, Waxaana furitaankii tartankan kubada cagta ee gobolada deegaanka ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo sheegay inuu maanta si rasmi ah u furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka oo ah mid sanad walba la qabto xiligan oo kale islamarkaana kor loogu qaadayo xirfada ciyaareed ee dhalinta deegaanka si loo helo dhalin caafimaad qabta oo tayo leh islamarkaana ka qaybqaata tartamada ciyaareed ee heer iyo heer caalamba.

Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kooxaha goboladu si anshax leh oo quruxbadan u ciyaaraan mudada uu tartanku soco. Sikataba ha ahaatee tartankan ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa waxaa lagu furay gobolada Daawa iyo Shiniile.  

Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MM Jigjiga Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal kor Loogu Qaadayo Bilicda MMJ

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 28ka July 2017. Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MaamulkaMagaalada Jigjiga mudane Khaalid Cabdiraxmaan Maxamed oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo mug wayn laga soo hooyiyay taaba galinta hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee mm jigjiga u dajisnaa sanad miisaaniyeedkii 2009Ti. Kuwaasoo laga fuliyay miisaaniyado isugu jiray miisaniyada caadiga ah ee ay ka helaan qasanada heer deegaan iyo miisaaniyada world bank ee mashruuca ULDP taasoo magaalada lagaga qabtay shaqooyinkii u qorshaysnaa sanadkan dhamaaday ee 2009 T.I. islamarkaana guulo wax ku’ool ah laga soo hooyiyay.

Hadaba, madax-xafiiseedka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shaqooyinka ugu muhiimsan ee laqabtay sanadkan ay kamid yihiin dhismaha mashruuca buundada lafa-ciise, mashruuca wayn ee dhismaha darbiga dugsiga shekh cabdisalaan, iyo waliba balaadhinta master plane, wuxuuna tilmaamay in 13 wado oo cable-stone ah ladhisay sanad miisaniyadeedkan dhamaaday ee 2009.T.I sidookalana laydhgalin loo sameeyay qaarkamid ah wadooyinka waawayn ee magaalada jigjiga, taasoo qaybwayn qaadatay bilicda magaalada jigjiga.

Ugudanbayna, masuulka ayaa carabka kudhuftay in sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I ay u qorshaysan tahay qorshayaal horumarineed kuwaas oo ay ugu horeeyaan kor u qaadista bilicda magaalada, biyaha magaalada jigjiga, wadooyinka, shaqo abuurka iyo waliba samaynta qorshe hagaha magaalada (master-plane) maadaama oo ay magaaladu aad u balaadhanayso dhismaha guryuhuna aad ugu badanyihiin.

More Articles...

  1. Safiirka Dalka Spain U Fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada jigjiga
  2. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku Gudajira Qaybintii Deeqdii Isugu Jirtay Raashinka Iyo Dawooyinka Ee Ay U Qaybinayeen Bulshada Gobolka Daawa.
  3. Wafti-Sare Oo Deeq Bixiyayaal Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga
  4. Kulan Doodcilmiyeed Oo Lagaga Hadlayay Horumarinta Khayraadka Xoolaha Ayaa Ka Furmay Jigjiga
  5. Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Ka hortaga Musuqa.
  6. Qadaaduma Iyo Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku guda Jira Socdaalkoodii Ay Ku Qaybinayeen Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Dawooyin
  7. Shir Lagu Qiimaynayo Cusbitaalada Deegaanka Oo Bilawday
  8. Calafka Xoolaha Oo La gaadhsiiyay Degmoyinka Gobolka Doolo
  9. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Kooxda Caafimaadka Wareega Oo Ka Furmay Jigjiga
  10. Masuuliyiinta MM jigjiga Oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan MM jigjiga.
  11. Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah U Sameeyay Qaarka Mid ah Qurba joogta DDSI.
  12. Gudoomiyaha Dhalinyarada Jaaliyada DDSI Ee Waqooyiga America Oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay
  13. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Daawa .
  14. Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo 225 Dhalinyara Ah Ka Shaqaalaysiiyay Barnaamijka Gurmadka Caafimaadka
  15. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Cusbitaalka Gootaa-biki
  16. Qurba Joogta Ka Soo Jeeda Gobolka Jarar Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Loogu Sameeyay City Crown.
  17. Xafiiska Shaqaalaha Iyo Arimaha Bulshada DDSI Ayaa 40 Xubnood Oo Naafo Ah Ku Wareejiyay baaskiilo ay ku socdaan
  18. Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurba Joogta DDSI Ayaa ka Dhacday jigjiga.
  19. Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo La Soo Gabagabeeyay.
  20. Afdam Iyo 413 Qof Oo Dib Uhelay Aragoodii Indhaha.
  21. Inaa-lilaahi Wa inaa-Ilayhi Raajicuun.
  22. Shir Qiimayn Ah Oo Kusaabsan Mashruuca UPSNP Oo Kadhacay Xaf-Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI
  23. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa
  24. Kulan Lagu Dar-dargalinayay fulinta Qorshaha Dakhliga Deegaanka Oo Ka Dhacay Jigjiga.
  25. Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Ee Degmooyinka 3 Gobol Oo Loo Soo Xidhay Tababar U Socday 20 Cisho
  26. Xafiiska Maaliyada Iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI Oo Computero Gudoonsiiyay 31 Degmo Oo Deegaanka Ah
  27. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Degmada Afdam Ee Gobolka Sitti.
  28. Wasiirka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Miisaaniyadaha.
  29. Tababar Ku Saabsan Cilad Bixinta Matoorada Ceelasha Biyaha Oo La Soo Gabagabeeyay.
  30. Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin iyo Daawo Isugujira Gaadhsiiyay Bulshada Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Dhaawa.
  31. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Ma,eyso Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  32. Munaasabad Heer Qaran Ah Oo Lagu Daahfurayay Barnaamijka Xaqiijinta Nafaqada 1000ka Maalmood Ee Ugu Horaysa Nolosha Aadamaha Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Jigjiga.
  33. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Ma,eyso
  34. Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadiidka Mootooyinka U Qaybiyay 28 Degmo
  35. MW CMC Ayaa Marwada 1aad Ee Dalka kusoo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Magaalada Jigjiga
  36. Tababar Ku Saabsan Barnaamijka Halbeega Waxqabadka Isku Dheelitiran Oo Ka Furmay Jigjiga
  37. kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  38. Tababar Kusaabsan Nidaamka Tababaranimo Oo Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Deegaanka
  39. Kal-Fadhigii 5aad Ee Golaha 5,aad Ee Xildhibaanada DDSI Oo Furmay
  40. MMJ Oo 56 Iskaashato Oo Dhalinyaro Ah Kuwareejiyay Dhul
  41. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Hadhagaale Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  42. Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa
  43. Kulan Kusaabsan Arrimaha Dakhliga iyo waliba Bayaanada Cusub Ee Dakhliga Oo Loo qabtay Ganacsatada Deegaanka
  44. Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Gudoomiye Cusub Doortay
  45. Tababar Loo Qabtay Afhayeenada Xildhibaanada Baarlamanka Degmooyinka Iyo MM Deegaanka Ayaa Kafurmay Magaalada Godey
  46. Godey Iyo Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Shabeele
  47. MW CMC Oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Qorshihii Biyo Galinta MM Jigjiga
  48. Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Hadhagaala
  49. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay
  50. Degmada Shaykoosh Oo Ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Kubada Cagta Ee Gobolka Qoraxey
  51. Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlayay Hirgalinta Qorshaha Sanadka 2010TI Oo Ka Furmay Jigjiga.
  52. Ogaysiis Muhiim Ah Xubnaha Golaha Xildhibaanada DDSI,
  53. Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Wadayaasha Gaadiidka Oo ka furmay jigjiga
  54. MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga U Fadhiya Dalkeena Itoobiya.
  55. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Qoraxey Iyo Doolo
  56. Safiirka DalkaTurkiga u fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagusoo Dhaweeyay Jigjiga.
  57. Shir Wada Tashi Ah Oo Kadhacay Xarunta Gobolka Dhaawa Ee Leeyi
  58. Ciidanka Booliska DDSI Oo Deeq Lacageeed Oo Dhan 1,683,734. Birr Ku Wareejiyay Gudiga Abaaraha Deegaanka
  59. Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Xarumaha Caafimaad Ee Deegaanka
  60. Shirwaynihii 5aad Ee Ururka Macalimiinta DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay
  61. 192 Xubnood Oo Xirfadlayaasha Caafimaadka-Xoolaha Iyo Beeraha Ah Ayaa Loo Furay Tababar
  62. Tababar Iyo Soo Jeedin qorshe Oo Ku Saabsan Tacadiyada Dumarka Ayaa Lasoo Gabagabeeyay.
  63. Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Furmay
  64. MW Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Madbacada Cusub Ee Somali Print Press.
  65. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Qoraxey oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Jaamacada Qaridahar
  66. Xuska 7aadka Adeega-shacabka Oo Si Heer Sare Ah looga Xusay Magaalada Jigjiga
  67. Tababar Loo Qabtay Xubno Kasocday 33 Degmo Oo Deegaanka Ah Oo Lasoo Gabagabeeyay.
  68. Xukuumada DDSI Oo Hadhimo Sharafeed Usamaysay Waftigii Uu Hogaaminayay MW Jubaland.
  69. Jaamacada Jigjiga Oo Ay Dufcadii 9aad Ka Qalinjabiyeen Arday Dhan 4,738.
  70. Gobolka Nogob iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Oo Kabilowday Degmada Garbo
  71. MW CMC Oo Kulan Wadatashiya La Yeeshay Qaybaha Kala duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Caasimada jigjiga.
  72. MW CMC Oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ah Ee Garaad Wiil Waal Ku Soo Dhaweeyay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo MW Jubaland.
  73. Tababar Ku Aadan Kobcinta Garaadka Aqoomeed Ee Kooxaha Horumarka Ee goobaha Dajinta Ayaa Lagawadaa Degmooyin Kamid ah Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa
  74. Kulan Lagu Soo Bandhigayay Daraasaad Laga Soo Sameeyay Degmooyinka Deegaanka.
  75. Ogaysiis-Ogaysiis
  76. Hay’ada MCDO Oo Deeq Agab Ah U Qaybisay Arday Isugu Jirta Agoon Iyo Danyar.
  77. MW CMC Iyo Golaha Kaabineega DDSI Oo Qaabilay Wafti Heer Federal Ah Oo Kasocday Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JDFI
  78. Tartanka Kubada Cagta Oo kasocday MM Dhagaxbuur Oo Soo Gabagaboobay
  79. Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Taaba Galinta Hawlaha Jidadka.
  80. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Idaacada Dhagaysiga SW Ee DDSI
  81. Munaasabadii Salaada Ciidul Fidriga Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Ciiday Jigjiga.
  82. MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Kaabineega Iyo Odayaal Dhaqameedka DDSI
  83. MW CMC Oo Munaasabada Ciidul Fidrida Tahniyad Hambalyo Udiray Muslimiinta Caalamka
  84. Komoshineerka Komishinka Booliska DDSI Oo ka warbixiyay diyaar-garowga Munaasabada Ciidal Fidrida.
  85. 1,116 Dhalinyaro MMJ Ah Oo Shaqo Abuur Loogu Sameeyay 60 Millyan Oo birr.
  86. MM Tog Wajaale Oo Deeq Agab Caafimaad iyo Daawooyin Ku Wareejiyay Mas’uuliyiinta Degmada Wajaale Ee somaliland
  87. Daraasaad Kusaabsan Dhanka Dalagyada Kaladuwan Ee ku Haboon Cimilada Deegaanka Oo Lagawado Beercaano
  88. Carwo Bandhigeed Heer Qaran Ah Oo Xadhiga Laga Jaray.
  89. Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Kormeer Indho Indhayn ah Ku Tagay Gobolka Qoraxey iyo Doolo
  90. 238 Arday Oo Ka qalinjabisay Kuliyada Godey Poly-technic
  91. Tababar Kusaabsan Xanaanada Hooyada Iyo Caruurta Oo Lasoo Gabagabeeyay
  92. 296 Arday oo Ka Qalinjabiyay Jigjiga Polytechnic
  93. MW CMC Oo Afur Sharafeed U sameeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Diredawa Iyo Mas'uuliyiinta Deegaanka Hararida
  94. MW CMC Oo Ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadii 21aad Ee Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr Cabdulmajiid Xussen
  95. Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi.
  96. Imtixaankii Fasalka 8aad Ee Heer Deegaan Oo La Soo Gabagabeeyay.
  97. Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Iyo darajaynta Nidaamka Maaliyada Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka dhacay jigjiga.
  98. Inaa lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun
  99. Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh Uga Bilawday Dhamaan Deegaanka
  100. Tababar Ku Saabsan Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta Oo Ka Furmay jigjiga.