Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Kaalin Shidaal Casriya.

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 19ka, may, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray kaalin shidaal casriya oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 milyan oo bir taasi oo uu  muwaadin dhalinyaro ka hirgaliyay   Caasimada deegaanka ee jigjiga.

Xafladii kaalintan shidaalka ah xadhiga lagaga jarayay oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigenka DDSI  ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, odayaasha  dhaqanka deegaanka,  masuuliyiinta ugu saraysa shirkada total dalkeena itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyaha guud ee shirkada total dakeena itoobiya mudane Lassina Toure, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Kaalintan  shidaalka ah oo ah tii ugu horaysay ee noocan oo kale ah   laga hirgaliyo dalkeena itoobiya ayaa waxaa xafladii xadhig ka jarka  ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdikaxiin Cigaal Cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka ee laga dhisay caasimada DDSI wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay kaalintani u leedahay bilicda magaalada jigjiga iyo adeeg bixinta dhinaca shidaalka ee deegaanka.

Dhankiisa  waxaa ka hadlay xafladan  maareeyaha guud ee Shirkada total dalkeena itoobiya  mudane Lassina Toure oo ugu horayntii u mahad celiyay u mahad celiyay hogaaminta xukuuamda DDSI ee suurtagaliyay horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI isaga oo sheegay in kaalinta maanta xadhiga laga jarayaa tahay kaalintii ugu horaysay ee nooceedan oo kale ah ee laga hirgaliyo dalka  itoobiya  islamarkaana laga hirgaliyay caasimada DDSI maareeyaha ayaa u mahad celiyay mulkiilaha  kaalinta shidaalka dadaalka balaadhan ee uu ku jirgaliyay kaalinta casriga ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan  mulkiilaha kaalinta ee shidaalka ee total mudane Sacad Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo kaalin mug leh ka gaystay ayuu yidhi hirgalinta kaalintan shidaalka isaga oo ka warbixiyay jaran jarooyinkii ay soo martay hirgalinta kaalintan shidaalku isaga oo sheegay in ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 millyan oo bir.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan Garaad Kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Dool oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada ay leedahay kaalintan shidaalka isaga oo sheegay in ay qayb ka tahay  qorshayaasha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga. Garaad ka oo ka hadlayay afka odayaasha deegaanka ayaa u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka oo ah tii ugu horaysay ee noocon oo kale ah oo laga jirgaliyo dalkeena itoobiya

 

Ugu danbayntii waxaa xadhiga uga jaray kaalintan shidaalka ee total madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo maareeyaha guud ee shirkada total ee dalkeena itoobiya mudane lassina toure.

MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 18ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ku wareejiyay furaha guri casriya mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray.

Hadaba Munaasabadii lagu wareejinayay furaha guryahan casriga ah oo ay goobjoog ka ahaa yeen madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in maanta lagu wareejinayo furaha guryahan casriga ah mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray islamarkaana ay mudan tahay in la xurmooyo lana qadariyo , Wuxuuna madaxwaynaha DDSI intaa kudaray  in madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray la siiyay guryo noocan ah .

Sidoo kale mudane Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa siwayn ugu mahad naqay madaxwaynaha DDSI iyo guud ahaan xukuumada DDSI wuxuuna sheegay in ay maanta farxad u tahay maadaamo oo ay meelwada joogaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray kana qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka taasina waxa uu sigaar ah ugu mahad celiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurgagaliyay arintan dhaxalgalka ah.

Gurigan casriga ah ee lagu wareejiyay mudane cabdilaahi xasan ayaa waxaa dhismihiisa hirgalisay wakaalada horumarinta guriyaha DDSI waxaana laga hirgaliyay xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

 

 

 

 

 

 

Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.

Buuhoodle,(cakaaranews),Arbaca, 17ka, May, 2017. Dadaalka balaadhan ee ay xukumada DDSI u gashay ka jawaabida xaaladaha abaarta iyo xakamayn cudurka shuban biyoodka ee ay keentay xaaladaha abaaru ayaan ku koobnayn oo kaliya deegaanka soomalida itoobiya balse kaalin miisaan culus ka gaysatay wax ka qabadka xaaladaha abaarta iyo xakamaynta cudurka shuban biyoodka qaarka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada  wadamada aan dariska nahay.

Waxaaa ka mid ahaa deegaanka ay xukuumada DDSI si adag ugu gurmaday bulshada ku dhaqan deegaanka   buuhoodle ee dalka soomaliya ee aan dariska nahay oo xanuunka shuban biyoodku  si ba’an u haleelay. waxayna  xukuumada dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u  dirtay koox caafimaad, dawooyinka qalabka adeegyada caafimaadka iyo deeqo raashin ah.

deegaankaasi buuhoodle waxa uu la ildarnaa ka hor intii ayna gaadhin kooxda caafimaadku  abaar iyo cudurka shuban biyoodka taasi oo aan loo hayn awood lagu xakamayn karo xaaladaha abaarta iyo cudurka shubun biyoodka  islamarkaana ay xiligaasi dadka badan 500 oo qof ay cusbitaalka magaalada buuhoodle la jiifeen xanuunka shuban  biyoodka ah.  kooxdan caafimaadka oo isugu jiray dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka  ayaa ka dib markii ay ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle waxay ka soo hooyeen guulo ay ku diirsadeen bulshada reer buuhoodle, xaaladii cakirnaydna ee dhinaca xanuunka shubanka  biyoodka ah  ku soo celiyay mid caadiyo waxayna kooxdan caafimaadka ee DDSI ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle muddo bil ah.

haddaba, ka dib markii ay kooxdan caafimaadku soo gudatay waajibaadkoodu guulo waawayna ka soo hooyay xakamaynta iyo tir tirida xanuunka shuban biyoodka ayaa waxaa xaflad sagootin iyo mahad naq   ah u qabtay bulshada reer buuhoodle ee ay ka mid yihiin odayaal  dhaqameedka deegaanka buuhoodle, gudiga caafimaadka ee deegaanka buuhoodle iyo bulshada reer buuhoodle waxayna xafladaasi ujeedadiidu ahayd mid loogu mahad naqayo guud ahaanba dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI laguna soo sagootinayo  kooxdan caafimaadka  ee xiligii  murugadu haysatay bulshada reer buuhoodle uga soo gurmatay waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle oo ka hadlay xafladaasi si mug leh ugu mahad celiyeen  guud ahaan, dalkeena itoobiya,  DDSI gaar ahaan  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar

waxaana gabagabadii xafladan  shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhamaan kooxdii caafimaadka ee la soo sagootinayay.

Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare

Awbare(cakaaranews)Talaado, 16ka, May 2017. Mas’uuliyiinta maamulka degmada awbare ee gobolka faafan ayaa geedaha dhirta ee khudaarta ah oo tiradoodu dhantahay 4,000 oo geed u qaybiyay beeralayda ku nool tuulooyinka hoosyimaada degmada awbare.

Hadaba, Geedahan  khudaarta ah oo ah kuwo lagu bacarimiyay goobta dhirbeerista maamulka degmada awbare  ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in geedahan maanta loo qaybinayo beeralayda degmada awbare ay isugu jiraan khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Canbaha, Saytuunka, Liinta iyo Bunka kuwaasi oo ah kuwo la soo bacarimiyay oo hadda u baahan oo kaliya in laga faa’iidaysto wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay bulshadan loo qaybiyay geedahan khudaarta ah in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan una daryeelaan sidii loogu talagalay. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay qayb-ka tahay dadaalada ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha islamarkaana ay xukuumada Dawalada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay xooga saartay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada la gaadhsiiyay geedahan khudaarta ah ayaa si fiican u soo dhaweeyay uguna mahad naqay maamulka degamada iyo xukuumada soo gaadhsiisay waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan dhirtan una daryeelayaan.

 

Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.

jigjiga(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan (khayre) oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga soo hooyiyay guud ahaanba barnaamijdka dajinta sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaana sanadkan aan ku jiro ee 2009TI. wasiirka ayaa sheegay in sanadkan la dajiyay gobolada laga wado dajinta bulsho   dhan 12,000 taasi oo ah qorshihii u yaalay xafiiska sanadkan islamarkaana loogu guulaystay sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada la dajinayo la gaadhsiinayay sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha nadiifta ah si ay u noqdaan qaysas dagan oo wax soo saar leh.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waraabka ee Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo Maraacaato kuwaasi oo dhawaan uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhamaan mashaariicahaasi lagu guulaystay loo hirgaliyo sidii loogu talagalay balse hadda lagu guda jiro sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa mashaariicahaasi taasi oo ah in dhulbeereedkii ay waraabin lahaayeen mashaariicahani la hirgaliyo si ay bulshada ugu soo saaraan wax soo saarka beeraha oo ah tubaha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Ugudanbayntii, wasiirka ayaa tilmaamay in waxsoosaarku uu yahay qorshayaasha waawayn ee uu dalku xooga saarayo islamarkaana bulshadu ay kunoqonayaan kuwa iskufilaansho gaadha. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deegaanka in laga faa’iidaysto biyaha cirka iyo kuwa wabiyada iyo waliba mashariicahan biyo-xidheenada ee waraabka ee Baka, Goomaar, Wiji-waaji iyo Maraacato.   

Tababar Ku Saabsan Daryeelka Caruurta Oo Kadhacay Degmada Marsin

Marsin(cakaaranews)Talaado 16ka, May 2017. Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta awooda shaqalaha mashruuca daryeelka caruurta ee xaalada degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaeen shaqalaaha mashruuca daryeelka caruurta ee degmooyinka marsin, gaashaamo iyo donod ayaa kabilowday degmada marsin.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankisii kahadlay Gadh/W G/Socodka Daryeelka Caruurta ee Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI Mursal Maxamed Askar oo sheegay in tababarkani uu ayahay mid ay iskakaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo waliba hay’ada UNICEF. Wuxuuna intaa kudaray in Casharada tababarkan lagu bixinayay ay kamid ahaayeen daryeelka caruurta xiliga emergencyga , maaraynta iyo xalinta kiisaska caruurta, tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto jinsiga ama genderka ee loo soogaabiyo GBV, faayo dhawrka iyo nadaafada.

Sidookale, mudane Cumar Axmed Xasan oo kamid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo isna kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tabaarkan sidookale kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha wacyigalinta bulshada ee dhinacyada daryeelka caruurta, cidhib tirka gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah.

Ugudanbayna shaqaalihii kasooqaybgalay tababarkan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay si fiican uga faaiidaysanayaan.

More Articles...

  1. Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal
  2. Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeesha.
  3. Jidka Wayn Ee Qoraxey Ee MM Jigjiga Oo Gabagabo Maraya
  4. Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.
  5. Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 5aad Galay
  6. Shir Khibrad Wadaag Ah Oo Ku Saabsan Xuska 20ka Ginboot
  7. Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal Kor Loogu Qaadayo Tayada Xoolaha.
  8. Degmada Goorobaqasa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Adeegii Daawaynta iyo Qaliinka Indhaha
  9. Shirwaynihii 8aad Ee Xog-iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo maalintii 3aad galay
  10. Kulan Lagu Daah-Furayay Hirgalinta Mashruuca iskaashiga Cilmibaadhista Oo ka Furmay Jigjiga
  11. Shirwaynihii 8aad Ee Xog iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Maalintii 2aad Galay
  12. Ku Xigeenka Guud Ee hay’ada UNICEF Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga.
  13. Shirwaynihii 8aad Ee Wadatashiga Iyo Xog-Iswaydaarsiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Si Rasmiya U Furmay.
  14. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Baabili
  15. Tababar Gaaban Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI
  16. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Jinacsani
  17. Maamulka Gobolka Galbeedka Hararge Ee Dawlad Deegaanka Oromiya Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyay Maamulka Gobolka Siti Ee Deegaankeena
  18. Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Ee Bilaashka ahaa Oo Ka Bilaabmay Gure-dhaamoole
  19. Xuskii 7Aad Ee Todobaadka Kulanwaynaha Tartanka Magaalooyinka Dalka Oo La soo Gabagabeeyay.
  20. Xafiiska Waxbarashada DDSI OO Sheegay In Loo Diyaargaroowbay Imtixaanaadkii Heer Qaran
  21. Mashruuca UPSNP ee MMJ Oo Shaqo Abuur Usameeyay 5000 Oo Qof
  22. Rajmantiga 15aad ee Ciidanka Gaarka Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Senterka Bashuuro
  23. Degmada Donod iyo Biyo-Xidheenadii Oo Buuuxsamay
  24. Bangiga Ganacsiga Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Wareejiyay Dhul Uu Ka Dhisayo Xarun Caafimaad
  25. Tababar Kusaabsan Kahortaga Xanuunada Faafa Oo Ka Furmay Magaalada jigjiga
  26. Mas’uuliyiinta Ugu Saraysa Dalka Oo Garoonka Caaalamiga Ee Bole Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dalka Somaaliya.
  27. Kulanka Wadatashiga Yoolasha Horumarka Waara iyo waxqabadkii qorshaha (GTP2ga) Oo Ka Furmay Jigjiga.
  28. MW CMC Oo Uduulay Xarunta Dalka
  29. Kulan ku Saabsan Dar-dargalinta Shaqooyinka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.
  30. MW CMC Iyo Waftigii Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  31. Deeq Caafimaad Oo Ay DDSI Gaadhsiisay Markii 3aad Magaalada Buuhoodle Ee Dalka Aan Dariska Nahay.
  32. Kulan Lagaga Hadlayay Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha oo ka dhacay jigjiga
  33. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariico Kaladuwan Oo Horumarineed.
  34. Sanadguuradii 7aad Ee Xuska 7aadka Cadaalada Oo Siwayn Looga Xusay Deegaanka
  35. MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaariicaha Waawayn Ee Waraabka
  36. Xuska 7aad Ee Todobaadka Forumka Magaalooyinka Dalka Oo Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Gondher.
  37. MW CMC Oo U Amba Baxay Xadhig Kajarka Mashaariicaha Waawayn
  38. Madaxwaynaha Golaha Sare Arrimaha Islaamka Dalka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka
  39. MW CMC Oo Sheekh Maxamed Xuseen Alaamudiin Uga Mahad Celiyay Deeqda Uu Soo Gaadhsiiyay DDSI.
  40. Wafti Ka Socday Mashruuca DRSLP Oo Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiinta Xukuumada DDSI.
  41. Tababar Loo Qabtay Kabineega Iyo Hormuudka Golaha Horumarinta ee Tuulooyinka Degmada Qalaafe
  42. Tababar Ku Saabsan Maaraynta Cudurada Dilaaca Oo La Soo Gabagabeeyay.
  43. Gudi Ka Socday Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada DDSI.
  44. Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.
  45. Tababar kusaabsan kafaaiidaysiga waxsoosaarka calafka iyo dalagyada kaladuwan
  46. Ciidanka Difaaca Qaranka Dalkeena Qaybtiisa Qoraxay Oo Deeq Raashin iyo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Senterka Ceelbakool
  47. Kulan hoos loogu Dhaadhicinayay Hirgalinta Heshiiskii Labada Deegaan Oo ka Dhacay Deridhawa.
  48. Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca (DRDIP) Oo Ka Qabsoomay Magaalada Qabribayax
  49. MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Magaalada Dire Dawa
  50. Senterka Daarusalaam Iyo Deeq Raashin Ah Oo La Gaadhsiiyay
  51. Tababar Ku Saabsan Isticmaalka Aalada Computerka Oo Loo Furay Maareeyayaasha Tuulooyinka
  52. Jaamacada Qabridahar Oo Dhismaheedu Meel Fiican Marayo
  53. Shirwaynihii 7Aad Ee Tayada Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Oo Ka furmay jigjiga.
  54. Xuska Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fir-cooniga Ah Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusya jigjiga.
  55. Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah DDSI Oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Iibka Iyo Xisaabaadka PSNP
  56. MW CMC Oo Kahadlay Hirgalinta Heshiiska iyo Digniin kuwajahan
  57. Garoonka Caalamiga Ah Ee Sida Casriga ah Loo Dhisayo Oo Si Habsamileh Usocda
  58. MW CMC Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Soohdinta Labada Shacab
  59. MW CMC Oo Kusoo Laabtay Caasimada Deegaanka.
  60. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada Ayaa Ka Qabsoomay Boqolmaayo
  61. Filtu Oo Lagusoo Gabagabeeyay Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Gobolka Liibaan
  62. Ololo Balaadhan Oo dhanka Nadaafada Ah Oo Kadhacday Degmada Qalaafo
  63. Kulan Ku Saabsan Hirgalinta Xidhmaha Horumarinta Dhalinyarada Oo Ka Dhacay MM Wajaale
  64. Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 4aad
  65. Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada.
  66. Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ
  67. Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.
  68. Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad
  69. Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada MMJ
  70. Filtu Oo Uu Ka Bilowday Ololaha Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah
  71. Hogaaminta XDSHSI Ee Diri-dhabe Oo Lacag 800,000 ah Ugu Deeqay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay
  72. MMJ iyo Kal-fadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada
  73. Cuspitaalka MM Godey Oo Ay Ka Qalinjabiyeen 20 Umuliso Dhaqameed
  74. Tababar Kusaabsan Wacyigalinta Guurka Degdega Ah
  75. Gobolka Siti Oo Bilaabay Goynta Calafka Xoolaha Oo Ay Ugu Deeqayaan Gobolada Ay Saamaysay Abaartu
  76. Degmada Hudhet Oo Lagusoo Gabagabeeyay Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa.
  77. MW CMC Oo U Duulay Xarunta Dalka Ee Addisababa
  78. MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha
  79. Munaasabad Lagu Sagootinayay Dhakhaatiirtii Deegaanka Axmaaradu U Soo Diray DDSI.
  80. Mas’uuliyiinta Degmada Hudhet Oo Kawarbixiyay Faaiidooyinka Laga Helay Dibudajinta
  81. Qiimaynta SM 2009 T.I Oo Kabilaabatay MMJ
  82. MM Godey Iyo Tababar Kusaabanaa Tacadiyada Kadhanka Ah Ee Jinsiga
  83. Hudhet Oo Uu Qalitaankii Iyo Daawayntii Indhaha Maalintii 2aad Galay.
  84. Imtixaanka Tijaabada Ah (Model Exam) Oo Ka bilawday Dugsiyada Sare Ee Deegaanka
  85. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo KuSoo Laabtay Xarunta Deegaanka.
  86. Qaliinka iyo Daawaynta Indhaha Oo Degmada Hudhat Si Rasmi Ah Uga Socota
  87. Dawlad Deegaanka Axmaarada oo Deeq Raashin Ah soo gaadhsiiyay DDSI
  88. Mashruucyadii Waa waynaa Oo Gabagaboobay iyo Political leaderskii Dhamaystiray Oo ay Xukuumadu Amaan Usoo Jeedisay
  89. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Korucelis
  90. MM Jigjiga Oo Talaalka Iyo Daawaynta Xoolaha Ka Fuliyay Tuulooyinka Hoosyimaada.
  91. MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ceel-biyoodkii 7aad Xadhiga Ka Jaray
  92. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeqo Raashin Ah Gaadhsiiyay Bulshada Gosoolalay.
  93. Mooyaale Iyo Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Oo Lasoo Gabagabeeyay
  94. Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI iyo Doorasho ay ku Dooranayeen Gudiyada Dib-umeelaynta Shaqaalaha.
  95. MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhanaan
  96. Xafiiska Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka MMJ Oo Beeralayda Ugu Baaqay In Laga Faa’iidaysto Roobabka
  97. Mooyaale Iyo 1,095 Ruux Oo Aragoodii Indhaha Dib Uhelay
  98. MW CMC Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Dhalinyarada Ku Dhaqan Qabridahar.
  99. Xubnihii Ka Socday Midawga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Oo kulan la Yeeshay Xukuumada DDSI.
  100. Wafti Kasocday Safaarada Maraykanka Iyo Hay’ada USAID Ayaa Kulan Laqaatay MW CMC