Xaaji Ramadaan Sawahji, waxa uu u dhashay Dalka Masar,Isagoona u muuqaal eg Madaxweynaha Dalka Masar Mohamed Mursi Kuna Jira Mawjado walbahaar Xambaarsan.

Qahira(cakaaraNews) Talaado June 04,2013.Inta badan Muwaadiniinta Reer Masar, ayaa waxa ay ku wareeraan Muuqalka Madaweyne Mursi iyo Xaaji Ramadaan Sawahji oo ah ninka u muuqaalka Eg Madaxweyne Mursi, waxa uuna Goob ganacsi lagu iibiyo Qalabka elektarooniga ku leeyahya isla Magaallada Qaahira ee Caasimada Dalka Masar. Telefishinka Al-arabiya ayaa waxa uu booqasho ku tagay Meheradda Ninkaasi u muuqaalka eg Madaxweynaha Masar uu ku leeyahay Magaallada, iyadoona Wareysi ugu yaraan qaatay Saacad la yeeshay, waxa uuna Xaaji Ramadaan Sawahji Sheegay in Xiliyada uu Magaallada maraayo lagu xanto inuu yahay Madxaweynaha Dalka Masar oo uu la kulmo Daymada Shacabka amaba mararka qaar uu la kulmo Dad baala Gudhay u ah Madaxweynaha oo Cosiyo u dhiibta.

Waxa uu sidoo kale Sheegay in uu aad uga cabsado inuu la kulmo caqabado kala duwan, isagoona sheegay in xiliyadda ay dhacaan Rabshadaha ku sugnaado Hooygiisa kana cabsado in la waxyeeleeyo nafsadiisa hadii banaanbaxayaasha ay ku kulmaan magaalada.

Haddaba Xaaji Ramadaan Sawahji ayaa waxa uu iibiyaa Qalabka loo isticmaalo Korontada, waxa uuna inta badan ka walaaca inuu ku baxo gacanta Mucaaradka Masar, isagoo sababsanaaya u Muuqaal ekaanshaha Madaxweynaha Dalka Masar"Cajiib Maxaa Ninkaa Haysta".