Summer Restaurant oo Ay Maanta Ku Wada Qadeeyeen wasiirka Jidadka,Suldan C/raxman Bade,Sheekh Muxiyadiin iYo Xaaji Maxamed Buraale.

Jigjiga(cakaaraNews) Talaado June 04,2013.Wariyaha CakaaraNews ayaa Maanta Duhurnimadii Kula kulmay Summer Restaurant Miis ay ku wada Qadaynayeen wasiirka Jidadka Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Suldaan C/raxmaan Bade,Sheekh Muxiyadiin iyo Xaaji Maxamed Buraale halkaasoo uu wariyuhu wax ka su'aalay Suldaan C/raxmaan Bade sida ay shacabka Degan Birqod iyo Dh/buur u soo dhaweeyeen.

Suldaan C/raxmaan Bade ayaa aad ugu mahadceliyay Sharafta iyo sida qadarinta mudan ee ay Shacabka magaalada Dh/buur iyo 3da beelood ee degan birqod u soo dhaweeyeen,isagoona ku Bogaadiyay Sida ay xilka iskaga saareen intii uu ku sugnaa Shacabka Degmada Birqod oo u Tookaystay Martisoorkayga taasoo Muujinaysa sida Dhaqanka wanaagsan,Jacaylka iyo maamuuska sharafeed ugu hayaan Hogaaminta Dhaqanka.

Dhanka kale Suldaan C/raxmaan Bade ayaa wariyaha u sheegay in uu Dib ugu noqon doono Degmada Birqod islamarkaana Booqasho ugu tagi doono Shacabka Qadarinta Mudan ee ku dhaqan Dh/buur, Degmada Birqod iyo Nawaaxigeeda oo Xaqiiqdii Hooy ku yeeshay qalbigayga markii aan Arkay sida hagar la'aaneed ee ay ugu heelanaayeen Soo Dhawayntayda iyo Marti Qaadkaygaba.