Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qurbajoogta Ka soo Jeeda Degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeele ee Ku Dhaqan Sweden ayaa Bogaadisay Waxqabadka Xukuumada Iyo Isbedelada Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban ee Ka Taabo Galay DDSI.

Oslo(CakaaraNews) Arbaco June 05,2013.Waxaa shir baladhan oo wadama badan la iska ga yimid kadhacay oslo casimada norway shirkan ay iskugu yimaadeen qurba joogta dagmada ferfer ee gobalka shabele waxay ujed kiisu ahaa in lagutageero waxqabadka xukumada uu hogamiyo mudane cabdi maxamud cumar Iyo horumarka iyo mamulka suban ee guud ahaan deegaanka soomaalid a ka taabo galay si siman.

Shirkan ayaa aad loogu gorfeeyay taageerada iyo isgarb istaagida Xumuukada DDSI ee uu Hogaankeeda hayo Madaxweyne CMC iyo Qorshayaasha Kobaca dhaqaale Waxaa la islaqaatay in aanu kaqayb qataa isbadalka iyo horumarka kasocda degaanka. Dhanka kale Qurbajoogtan ka soo jeeda Degmada Feer-feer ee Gobolka Shabeele ayaa ayaa Qeexay Ahmiyada Balaadhan ee Maalinta Ginbot 20 ugu fadhido Guud ahaan Shacabka soomaalida Itoobiya waana maalintii Qalinka lagu Duugay wadanoolaanshaha Shucuubta iyo qowmiyadaha Itoobiya Qowmiyada Soomaaliduna Heshay Dhamaanba Xuquuqihii iyo Jiritaankeedii uu Xaqiray Kaligigii Taliskii Dhergiga iyo Talisyadii ka horeeyayba.

Qurbajoogta ayaa Aad ugu hambalyeeyay Waxqabadka Xukuumada DDSI iyo Madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud CumarCabdi Maxamuud Cumar,sidoo kalana Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Xuseen Cabdi(Cabdi Sonkor) oo Runtii si siman waxqabadkiisu uu uga muuqdo dhamaanba Degmooyinka hoos yimaada maamulka Gobolka Shabeele ayay yidhaahdeen.