Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis: Dhamaanba Qurbajoogta Ku Dhaqan Gobolka Ohio Xaflad Loogu Dabaaldagayo Sanguuradii 22aad ee Xuska Maalinta Ginboot oo Lagu Qaban Doono.

Ohio(Cakaaranews) Arbaco June 05,2013. Waxaa Jaaliyada ka soo jeeda DDSI ee kudhaqan gobolka ohio iyo nawaaxigiisa lagu war-galinayaa ka soo qeybgalka xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayo sanad guuradii 22aad ee ginbod20,Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Ka Taabo galay Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Lagu qaban Doono Ohio. Xafladan oo ay soo abaabuleen jaaliyada somalida ethiopia ee ku dhaqan columbus ohio ee cariga mareykanka ayaa loogu baaqayaa iney kasoo qeybgalaan dhamaan shacabka kunool Columbus ohio iyo nawaaxigeeda ee ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kale Munaasabadan ayaa ay ka soo qaybgali Doonaan Jaaliyada DDSI ee Ku Dhaqan Minniapolise,Gudoomiyaha Guurtida Odoyaasha Waqooyiga Ameerika Mudane Axmed Shuuriye iyo Hogaaminta Ururka Dhalinyarad Sedyo Gudoomiye Maxamed Shariif,Kuxigeen C/risaq Golongol iyo Aafhayeenka Shaalaqe Aabi iyo Sidoo Kale Gudiga Fulinta Sedyo MN. Waxaa kale oo kasoo qeybgalaya xafladan jaaliyada kunool gobolka MN Xafladan Dabaaldaga Munaasabada Maalinta 20ka Ginboot ee 22jirsatay ayaa ay daadihin doonaan masuuliyiinta sedyo-band oo ah dhalinyaro lagu diirsadey oo halkaa kusoo bandhigi doona suugaanta qeybaheeda kala duwan waxaana kamida fanaanintan 1- fanaanka la loodin waayay loogana hadhay Masraxa waayey ee da'da yar waa mohamed ibraahin jabuuti (xidig) 2-abwaan kaldeeq daahir yusuf iyo 3-Fanaan Abdirashiid killer

F.G:- Xafladan oo dhici doonta addresska 4555 cleveland Ave columbus Ohio Maalinta Jimcaha Taariikhduna tahey june/ 7/2013 Waqtiga. 5:00pm - 11:00pm Wixii faah-faahina waxaad kala soo xiriirtaa Gudoomiyaha qabanqaabada shirka

1-marwo Nasra DDSI tell:(614) 323-2304

2-muuse tell :(614)332-7912