Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Welcome to Stamford-Bridge:Mourinho oo 6-sano kadib Ku Soo Rogaal Celiyay Kooxda Chelsea Una Noqday Tababare.

Uk(CakaaraSport) Arbaco june 05,2013.Tababre Jose Mourinho ayaa 6 sano kadib iska soo xaadiriyay Chelsea kana soo xamaan aruursaday Dalka Spain iyo Real Madrid, 50jirkaan Portaqiiska ah ayaa mar 2aad ku soo Rogaalceliyay Kooxda Ingiriiska ah ee Chelsea in uu Macalin u Noqdo tanoo noqonaysa markiisii 2aad ee uu Tababaro ka noqdo Stamford Bridge,Jose Mourinho ayaa Shaqadii Tababarnimada Kooxda Chelsea kala wareegay Tababre Rafael Benitez markii uu ka soo tagay Real Madrid, islamarkaana uu qalinka ku duugay 4 sano oo heshiis ah.

Tababarahan reer Portuguese ayaa 2 horyaalka Premier League ah oo isku xigta u qaaday Chelsea ka hor intii uusan ka tagin Sanadkii September 2007 Dalka Ingiriiska iyo Kooxda Chelsea. Mourinho ayaa markii ugu horeysay ee uu yimaado Stamford Bridge waxey aheyd 2004, todobaad kadib markii uu Porto ka qaaday Champions League. 6 koob ayuu u qaaday Chelsea laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu Champions League u keeno Blues. Mourinho wuxuu shirkiisa jaraa’id ee ugu horeeya uu ku qaban doonaa Stamford Bridge Isniinta soo socota, 10ka June.

Sidoo kale Tababare Jose Mourinho wuxuu Champions League u qaaday kooxda Inter Milan 2010, kadib ayaa uu Real Madrid ku biiray isagoo badalay Manuel Pellegrini, oo hada noqon doona macalinka Manchester City. Tababarayaashii Chelsea ee ka soo hoos shaqeeyay Roman Abramovich 1-Claudio Ranieri: Sep 2000 to May 2004 2-Jose Mourinho: Jun 2004 to Sep 2007 3-Avram Grant: Sep 2007 to May 2008 4-Luiz Felipe Scolari: Jul 2008 to Feb 2009 5-Guus Hiddink: Feb 2009 to May 2009 6-Carlo Ancelotti: Jun 2009 to May 2011 7-Andre Villas-Boas: Jun 2011 to Mar 2012 8-Roberto Di Matteo: Mar 2012 to Nov 2012 9-Rafael Benitez: Nov 2012 to May 2013 10-Jose Mourinho: June 2013 -