Sanadguurada Xuska 40aad ee Maalinta Deegaanka Aduunka oo Si Balaadhan Looga Xusay Caasimada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

JIGJIGA(CakaaraNews) Arbaco June 05,2013.Waxaa Maanta ka dhacday magaalada Jigjiga Munaasabad Balaadhan oo Lagu xusayay Sanguurada 40aad ee ka soo wareegtay Maalinta Aduunku u aqoonsaday Ilaalinta Deegaanka oo ku beegnayd maanta oo ay Taariikhdu tahay June 05,2013,iyadoona Munaasabadan ay si heer sare ah u soo agaasimeen Wakaalada Ilaalinta Deegaanka ee DDSI.

Munaasabadan ayaa ay Maanta ka soo Qaybgaleen Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax maxamuud Xasan,Madaxda Golaha Fulinta DDSI(Capinet),Gudoomiyaha Maxkamada Guud Ugaas C/laahi,Ku-xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Cabdi C/laahi,Maareeyaha Wakaalada Ilaalinta Deegaanka mUdane Bedel Xiis,Marti sharaf iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada.

Munaasabada 40-Guurada Maalinta Ilaalinta Deegaanka ee Heer caalami ayaa uu ugu horayn uu warbixin ka soo jeediyay Maareeyaha wakaalada Mudane Bedel Xiis isagoona sharax ka bixiyay Ujeedooyinka loo aasaasay Xafiiskan iyo Waajibaadyada Dhanka la dagaalanka Goynta Dhirta iyo Xaalufka,Dabeecadaha Nabaad-guurka Dhaliya,Jeexjeexyada iyo Waraarada ka dhasha xilli roobaadka,Ka hortaga waxyaabaha Keena isbedelada Cimilada oo ay ka mid yihiin Qodobada kor ku xusan iyo kuwo kale ayaa uu Xafiisku la dagaalamaa,ka hortagaa xakameeyaana ayuu yidhi maareeyuhu.

Sidoo kale Mudane Bedel Xiis ayaa Tibaaxay In Xafiiska ay Waajibaadyadiisa ka mid yihiin Ilaalinta Khayraadka Dhulka iyo Macdanta kuwaasoo ay ka mid yihiin Khayraadyada kala duduwan ee alle ku manaystay deegaanka Sida Dahabka,Xabagta,Fooxa,Beeyada,Malmalka iyo Buuraha laga Qodo Sibidhka oo ay Deegaanka ka soo galaan Dakhli ayuu yidhi,sidoo kalana qaxootiyada sababa Xaalufka Dhulka wakaaladu ay Composation ka qaado Hay'adaha Qaxootiga kuwaasoo Deegaanka Soomaalida ka degan 13 Xero qaxooti Xafiiskuna Qorshaynayo Sidii Dhir loogu beeri lahaa 13ka Xero-Qaxooti.

Dhanka Kale Madaxweyne kuxigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax maxamuud xasan ayaa Carabaabay Qorshayaasha Xukuumada DDSI ee ku aadan Ilaalinta Deegaanka in Ahmiyad Balaadhan la siiyay Sidii looga Hortagi lahaa Xaalufinta Dhulka sida goynta Dhirta oo Dhuxul laga sameeyo taasoo ay Bayaan Mamnuucaya ku soo saareen Baarlamaanka DDSI kalfadhiyadoodii loogana baahan yahay wakaalada ilaalinta Deegaanku in ay Meel mariso,islamarkaana ku booriyay Shacabka in ay Mudan yihiin Sidii Deegaanka loo ilaashan lahaa loogana fogaan lahaa waxyaabaha Nabaad Guurka,Xaalufka iyo Isbedelada Cimilada Sababi kara,islamarkaana Dadku caadaystaan sidii loo Kobcin lahaa ka qaybqaadashada Bilicda Deegaanka oo ah in aan la jarin Dhirta iyo Dhiraynta Miyiga iyo magaalooyinka

ugu danbayntii ayaa Dhamaanba Masuuliyiintii ku sugnayd ay Dhir kala Duduwan oo Tiradeeda lagu qiyaasay 15kun ku soo kala beereen Qotomintooda Isbitaalka Meles Referal Hospital ee Magaalada Jigjiga,Dugsiyada iyo Meelo kalaba.