Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiirka Xafiiska Cadaalada iyo Xeer-ilaalinta Guud ee DDSI oo Ka Waramay Diyaargarawga Todobaadka Cadaalada oo Laga Xusi Doono DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis June 06,2013.Isbedelada Balaadhan ee Dhinacyada Horumarka Nabadgelyada Iyo maamulka Suban Ee Sanidihii Ugu Dambeeyay Xukuumada Ddsi Ay Guulaha Kasoo Hoysay ayaa qayb laxaad leh ay ka tahay ku dhaqanka iyo adkaynta saraynta sharciga ee hay'adaha sharciyada iyo nabadgelyada Ayaa Si Loo Adkeeyo Bixinta Adeegyo Cadaaladeed,Xaqsoor,Xaqdhawrka Xuquuqda Danbiilaha iyo Saraynta Sharciga tahay Muqadas Ah In La Ilaaliyo Saraynta Sharciga iyo xeer-nidaamyeedyada Sharciga iyo Dastuurka DFI,Islamarkaana Kor Loo Qaado adeegbixinta hay'adaha sharciga Deegaanka iyadoona ka sakow Dabaaldaga Todobaadka Cadaalada Dalka gaar ahaan Jigjiga looga dabaaldago 7aadka cadaalada.

Wasiirka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud Iyo Cadaalada Ee DDSI Mudane: C/Risaaq Dayib Oo uu wariyaha cakaara kubooqday xafiiskiisa Ayaa Sheegay in La soo Gabagabeeyay Diyaargarawga Xuska Todobaadka Cadaalada Ee Sanadka 2005 Taasoo Bisha Sane Sanad 6-9 la qabto Kana soo Qayb galaaan Madaxda hay'adaha Sharciga DDSI sida Cadaalada iyo Xeer-ilaalinta,Maxkamada Guud ee DDSI,Maxkamada Shareecada Islaamka,Qaybaha Kala Duwan Ee Hay’adaha Booliska, Xafiiska Nabadgelyda Mamulka Iyo Cadaalada, Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa,islamarkaana ujeedadu tahay muujinta saraynta sharciga,waxqabadka Adeeg Xaqsoor Cadaaladeed,Qorshayaasha GTP,SPPM iyo Bixinta Adeeg Hufan oo ka madax banaan Qabyaalad,Musuq,eex iyo u xaglin dhan.

Wasiirka Xeer Ilaalinta Guud Iyo Cadaalada Ee DDSI Mudane: C/Risaaq Dayib Xasan Oo hadalkiisa sii watay ayaa Tilmamay U Diyaargarawga Balaadhan Ee Loo Galay Xuska Todobaadka Cadaalada Loo Baahanyahay In Qaybaha Kala Duwan Ee Maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka Ay Diyaargaraw Iyo Xus Balaadhan Oo Maalinta Todobaadka Cadaalada Ah Laga Sameeyo Isagoo Dhinaca Kalena Ugu Baaqay Shacabka Degaanka In Ay Kaalin Ka Geystan Hirgelinta Qorshaha Cadaalada 5 Ta Sano Ee U Dajisan Xukuumada .