Qaar Ka Mida Jaaliyada DDSI ee Melbourne iyo Dr C/wali Cali Gaas oo Bogaadiyay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqan Dhaqaale ee ay Ku Talaabsatay Xukuumada DDSI.

Melbourne(CakaaraNews) Khamiis June 06,2013.melbourne xubno ka tirsan jalliyada dowlada deganka somalida ethiopia (DDSI) ee dalka australia gaar ahaan magalada melbourne ayaa la kulmay R/wasarihi hore ee somaliya prof abdiwali cali gaas oo todobaadki lasoo dhafay booqasho ku tegay australia. jalliyada DDSI waxaa kulankan ooga qayb galay sadexda xubnood ee kala ah 1) faysal ibrahin abdi 2) abdullahi arab abdullahi(Dakhare) 3) ibraahin adan yare (ilkacase). kulankan ayaa kadhacay hoolka shirarka ee white Rose reception ee magalada melbourne,islamarkaana uu qado sharaf u Sameeyay Dr C/wali gaas saadaxdan xubnood oo ku hadlayay magaca jalliyada DDSI ee australia ayaa uu si aad ah ugu mahad celiyay R/wasaarihii hore ee somalia prof C/wali gaas islamarkaana bogaadiyay xukuumada DDSI taladeeda haysa isagoona aad ugu ammanay Xukuumada DDSI Dhinacyada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Xidhiidhka Dibadaha.

dhanka kale prof A/wali gaas ayaa bogaadiyay hormarka maanta ka taabo galay DDSI iyada oo uu ku amaanay xukuumada maanta jirto ee uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamud cumar dadaalka iyo xilkasnimada aay muujiyeen,sidoo kale ayuu prof gaas booq oogu diray jalliyadaha kasoo jeeda DDSI ee ku dhaqan dunida dacaladeeda inay ka qayb qataan dhankooda hormarka ka socdo degaanka iyo nabadgalyada Dhalanteedka Dhaan daban gaalana aan run la moodin.

Xubnajha jaaliyada ayaa u Mahadnaqay Dr C/wali lakulankiisa islamrkaana Carabaabay doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay wanaajinta iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya somalia iyo ethiopia xidhiidhkaas oo garay meel aad u fiican intii uu xafiska hayey mudane prof abdiwali ali gaas.