Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Todobaadkan oo Ay Waji Ka Waji ku Kulmi Doonaan Wayne Rooney iyo Tababare David Moyes

Manchester(CakaaraSport) Khamiis June 06,2013.Sida ay shaacisay jariirada Daily Star asbuucan waxaa dhici doona kulan muhiim u ah taageerayasha kooxda Manchester United ,kaas oo dhex mari doona macalinkooda cusub David Moyes iyo ciyaariyahanka gadoodka ah Wayne Rooney. Rooney ayaa horey uga socday Alex Ferguson in la iibiyo laakiin Fergie waa baxay lamana oga in uu go,aankiisii badalay.

Laakiin golden boy-ga England ayaa hor fariisan doona todobaadkan macalinkii ku soo bar baariyay kubbada cagta waxaana ay ka wada hadli doonaan mustaqbalka laaciibkan ee kooxda United .

Warar hoose ayaa jira oo sheegaya in Rooney uu ka tanaasulay go,aankii bixitaanka uuna rabo in uu caawiyo Moyes oo ay sugeyso in uusan ka hoos marin United heerkii ay joogtay 30-kii sano ee la soo dhaafay.