Dagaal Ay Ka Qayb Qaadanayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Lugta ee Maamulka Jubaland State iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya oo Lagu Qabtay Saldhig wayn oo Ay Waayadan Alshabaab Isugu Habar-Wacatay Deganka Gelaf Tiro Alshabaab ahna Indhaha loogu Shiday iyo Qa

Kismaayo(cakaaraNews) Khamiis June 06,2013.Dagaal lagu burburiyay Saldhig Ciidan oo ay Maleeshiyada Argagaxisada Alshabaab isku uruursanaysay waayadan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya Qooqaani iyo Kismaayo oo lagu magacaabo Gelaf iyadoona ay aad ugu hoobteen Maleeshiyadii Alshabaab Dagaalkan in ka badan 100 Alshabaab ahna indhaha loogu shiday.

Dagaalkan lagaga Guulaystay Al-shabaab oo ka sakow Qorshayaasha Amisom ee ku aadan Tirtirida Al-shabaab ayaa Qaybaha ugu muhiimsan ka ah Qorshayaasha Degdega ah ee Maamulka Jubaland State oo iyagu wacad ku maray in ay ka Suuliyaan Dhamaanba Jubooyinka iyo Gedo Argagaxisada Alshabaab.

Dagaalkan ayaa ay ka Qayb Qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Lugta loo tababaray Burburinta Argagaxisada ee Maamulka Jubaland State iyo ciidamada AMISOM ee Kenya oo isgarabsanaya ayaa Daqiiqimaha ka dhigay Saldhigii ciidamada Alshabaab iyo Maleeshiyadii Alshabaabba. Dagaalkan Lagu qaaday Alshabaab ayaa ahaa mid culus oo aad loogu naafeeyay Alshabaab Tiro Boqol kor u dhaafaysana laga Dilay Kooxdii al shabaab halka maxaabiis Alshabaab ahna gacanta lagu soo dhigay,Waxaa gabi ahaanba la burburiyay Saldhigi Ciidanka isku uruursanayeen Maleeshiyaadka Alshabab, Waana lala wareegay saldhigii,saanadii,iyo qalabyo kale oo aad muhiim ugu ah sirdoonka jls.

Saldhigan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen Maleeshiyo alshabaab ah oo sida la sheegay ka kala yimid Deegaano kale oo ka mida Koonfurta soomaaliya kuwaasoo damacsanaa in ay Dagaal ku qaadaan Magaalada Dekada ah ee Kismaayo oo ka gadoodsanaa Maamulka JLS ee dhawaan lagu dhawaaqay,balse Sirdoonka JLS ayaa ahaa mid aad u feejigan. warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ciidamada Maamulka JLS ee u tababaran la dagaalanka Argagaxisada oo Wata Tababaro ciidan oo casri ah Tiradooduna dhan tahay 3000 oo askari in ay ku sii siqayaan Beerxaani oo ah Deegaanka ay Ukumuhu u yaalaan Alshabaab taasoo la rabo in Deegaanada u Dhaxeeyaa Qooqaani iyo Kismaayo, Badhaadhe iyo Kismaayo,Ilaa Buurgaabo iyo Kismaayo.ay Geed Geed u istaagi doonaan Ciidamada lugta ee la dagaalanka Argagaxisada Maamulka JLS Qorshuhuna yahay Mudo gaaban in Gabi ahaanba Jubooyinka iyo Gedo aan lagu arkin Naf Alshabaab ku abtirsata,go'aankan ay Maamulka JLS ka qaadatay Alshabaabna waa ta lagu ayidsan yahay Maamulka JLS ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmad madoobe.

Guushan wayn ee Lagu Burburiyay Maleeshiyadii Alshabaab iyo saldhigoodii waynaa ayaa Bilow ka ah Balanqaadkii Madaxweynaha JLS Sh Axmad madoobe uu ku balanqaaday inuu Gobolka Alshabaab ka Sifayn doono Xiligii Ololaha Doorashada,iyadoona Guushani ay ku soo beegantay Xili Aljazeera ay Maqaal Qurux badan ka Qortay Shirwaynihii Kismaayo,Xoghayah qaramada Midoobay kal hadlay DFS in Maamulka JLS Qaabdhismeedkiisa loo dhamaystiro laguna taageero wadahadal laguxaliyo,Senetaro Maraykan ah taageereen,Dhamaanba Caalamka ay ka socdaan Dabaaldegyada Maamulka JLS,sidoo kalana xili ay Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ay shir socda 3 maalmood ay kaga wada hadlayaan Jubooyinka iyo Sheekh Axmed madoobe iyo Gudigii farsamada shirweynihii lagu doortay Madaxweynaha JLS oo la socda ay ku sugan yihiin Kenya lana filayo wadahadalo laba dhinac ah.