Horumarku Waa Aayaha Mustaqbalka Bulshda halkay Ganacsatada DDSI kaga Jiraan Horumrka Ka Socda Deegaanka.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce June 07,2013.Horumarku Waa lafdhabarka ay Umadi ku hiigsan karto Kobac dhaqaale iyo Nolol ka madax banaan Saboolnimada,Jahliga iyo Caafimaad darada laasinta Bulshda Dibudhacsan Hadaba Bal aynu Diirada Saarno Baaxada Horumarka ka hano qaaday Deegaanka soomaalida Itoobiya iyo Doorka ay ka qaadanayaan Xukuumada DDSI,Qurbajoogta iyo Ganacstada Deegaanka kuwa shirkadaha(Qandaraaslayaasha).

Dhanka Xukuumada DDSI:- Waxaan la iska indho saabi karin in Mudadii yarayd ee ay Xukuumada DDSI ee Maanta haysa Xukunka Hogaankeedana hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in ay Isbedelo la taaban karo ka taabo galisay Dhinacyada Horumarka Sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Wadooyinka,kobaca iyo bilicda 4ta Maamul Magaalo,Buundooyinka isku xidha Degmooyinka,Laydhka,Kuliyadaha iyo Jaamacada,Xidhiidhka Dibada iyo Qurbajoogta,La dagaalanka saboolnimada iyo Abuurida Shirkadaha yar-yar.barnaamijka dibudejinta iyo Kor u soo Qaadida Kobaca dhaqaale ee DDSI,taasooy ka markhaati kaceen DFI si talantaali ahna ay Muunad Horumarineed oo ku dayasho mudan ugu Noqotay Guud ahaanba 9ka Deegaan ee DFI loona yimaado DDSI khibrad iyo aqoon kororsi,daliilna waxaa u noqon kara isbarbardhiga jigjigadii shalay iyo jigjigada maanta,dh,buur,qabridahar,goday iyo fiiq.

Dhanka Qurbajoogta: waxay isugu jiraan qurbajoog iyagu door fiican kaga jira horumarka oo iyagu hadba awoodooda Dhaqaale kaga dhisay Deegaanka Hoteelo,xarumo caafimaad,Warshado,beero iyo maalgashiyo kalaba.sidoo kale waxaa jira Qurbajoog iyagu lafahooda ama Qoyskooda uga soo dhisa Deegaanka Guryo waana Qayb ka mida Bilicda Magaalooyinka oo ka mida horumarka.

Dhanka Ganacsatada Shirkadlayda Qandaraasyada Waawayn ka Qaata DDSI:- waxaa jira ganacsato badan oo Faaiido wayn ka hesha DDSI dhanka qandaraasyada mashaariicaha Horumarineed kuwaasoo abuurmay intii Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu yeeshay Dawlad u gaar ah,waana hubaal in aynu ka dheregsanahay heerka ay taagnaayeen Dhaqaale ahaan bilowgii,balse qandaraaslaydan oo qaadata Dhismaha mashaariicaha horumarineed ee Deegaanka oo malaayiin kor u dhaafaya kana faaiida Aduun lacageed oo badan ayaa ay yartahay Shirkad meelaha ay Mashaariicaha ay ka qaateen DDSI ka dhisayaan in ay shacabka deegaankaas Musqul ay isticmaalaan ha noqotee aan uga imanin marka ay soo gabagabeeyaan mashruucaas Horumarineed ee ay Xukuumada DDSI ugu talogashay shacabka islamarkaana inta mashruucu socdo Jiingad bakhaar u ah ka dhista soona rarta xataa.

Ganacsatada Shirkadaha Qandaraasyada ka Qaata Deegaanka Qaarkood ayaanba lahayn wax xafiis ah halkaasna xataa ay kaga lumaan Shacabka Dakhligii canshuuraadka Shaqaalaha ee wax loogu qaban lahaa,Hadaba Waa Su'aale Qandaraaslayaashan garab raratada ah Xagay ku Xawilaan Faaiidada Naqdiga ah ee ay Deegaanka ka laba Gurayaan? Maxayse ku Soo biiriyeen Dhanka Horumarka oo Muuqda?Haday Jiraana Ganacsato Ka sakow ka faaiidaysiga Dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed ee ay Xukuumada DDSI ugu talogashay Bulshada Clinic,School,Ceel Biyood,war,wado iwm Uga Dhisay Shacabkooda faaiidada ay ka heleen Qandaraasyada ay DDSI ka Qaataan Waa Naadir kaliya shaqsiyaad ka mida Qandaraaslayda Ganacsatada ah ayaa wax ku soo biiriyay Deegaanka,badankooduse Documentiyadooda gacantay ku waldaafiyaan.

Isku soo wada Soohoo akhristayaasha Maqaalkan waanu soo koobnay si aynu bal sawir uga qaadato Stake-holderska Horumarka iyo Kobaca Dhaqaale ee Deegaanku ku talaabsaday Khaanadaha ay ku kala jiraan Waana Cadahay Heerka iyo Kobaca Dhaqaale ee deegaanku ku talaabsaday Mudadii yarayd ee ay Xukuumada maanta jirtaa ugu hagar baxday Deegaanka halka kuwii ka horeeyayna aynan xilba iska saarin bulshada.