Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Axmed Cabdi Cumar(Axmed Dhegawayne) oo Ku Geeriyooday Dalka Jarmalka.

Germany(CakaaraNews) Sabti June 08,2013.waxaa Tacsi Tiiraanyo leh u diraya Qoyska iyo ehelkii uu ka Geeriyooday Marxuum Axmed Cabdi Cumar oo Ku Magac Dheeraa Axmed Dhegowayne Xukuumada DDSI,Maamulka Websiteka Cakaara,Odoyaal-Dhaqameedka iyo Asxaabtiisii Aalada Paltalk lehna Samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo Aamiin aamiin Aamiin. Marxuumka ayaa Waayadan ku jiray Isbitaal ku Yaala Dalka Germany halkaasoo Qadarka alle ku yimid kuna geeriyooday,marxuumka ayaa Ifka kaga tagay Wiil iyo Hal xaas ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyee.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Waxgaradka aad ugu ololeeya Ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban halgan dheerna ugu jirayWacyigalinta iyo baraarujinta Shacabka ka soo Jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya,isagoo aad looga yaqaanay aalada Paltalk oo aad uu Shacabka ugu baraarujin jiray ka qaybqaadashada Horumarka iyo N/galyada soona qaadan jiray magaca Lugooyo-diid.