Ciidamada Maamulka JLS oo Gabi Ahaanba La Wareegay Gacan Ku Haynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo Rag La Sheegay In Ay Alshabaab Yihiin oo Gacanta Lagu Dhigay.

Kismayo(CakaaraNews) Sabti June 08,2013.Sida ay Xalay Ku Dhawaaqeen ka dib shir degdeg ah oo ay sugu yimaadeen Taliska Guud ee Ciidanka Maamulka JLS iyo Madaxweyne Kuxigeenka maamulka JLS General Fartaag waxa ay Iclaamiyeen xalayba in maanta aan wixii ka danbeeya lau murmi doonin gacan ku hayntamagaalada kismaayo qori aan ka ahayn ka ciidamada maamulka Jubaland State aanan lagu arki dooni. Hadaba Sidii Qorshuhu ahaa Saaka waarigii ayaa weerar Saf balaadhan ah lagu Qaaday Maleeshiyaadkii Malabku Dacarta u Dhadhamay kuna Hubaysnaa Ujeedooyin badan oo laga lahaa magaalada kismaayo halkaasoo sida wararku nagu soo gaadhayaan Kabtay ma aragtayeey ama Ilaahay baa i bixiyay maanta sida laga soo weriyay mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka Iftiin Baasto.

Nin wayn oo Waa ktaliyay in lagu dagdago Dagaal sababa Dhimasho iyo Qoomamo badan ayaa Markii Dheg jalaq loo siin waayay la galay dagaal lagu hoobtay mrkaasay yidhaahdeen Hebelow Tali markaasuu Odaygii ku soo koobay Hadalkiisii "Koore oo Buuxaan Talin lahaa" waa ta ka muuqata Maanta Iftiin Baasto.

Dhanka kale Dhamaanba Xaafadaha magaalada Kismaayo oo uu maanta dagaalku ka curtay XaafadaVia-Afmadow waxaa la wareegay gacan ku hayntooda Ciidamada Maamulka JLS,iyagoona Sida Warku sheegay ay Gacanta ku Dhigeen 47 ka mida Maleeshiyadii ku xadgudubtay Dastuurka Maamulka Jubaland,Hub iyo 3 nin oo ka mid ah Alshabaab halka dad lagu qiyaasay 7 ay ku afwaayeen dagaalkan Dad Sameega ah waa sida afhayeenka Maamuka JLS Seeraar uu u sheegay saxafada.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in 50 Maleeshiya oo wadatay 2 Gaari in ay isku soo dhiibtay Ciidanka Maamulka JLS eeAirporka,iyadoona laga dhigay hubkii loona taxaabay xabsiga gebi ahaana Dagaalkii uu istaagay meel kastana oo ka mida magaalada kismaayana ay taagan yihiin ciidamada maamulka JLS waxaana loo taxaabi doona Xabsi.Arintan Alshabaab ay kaga Qaybqaadanayso Dagaalada Kismaayo ayaa daba ku haysa War maalin dhawayd mudh ka soo yidhi Masar iyo saaakiil ciidamada Masar ah oo Muqdisho yimid kuwaasoo Telefishinada ku shaaciyay in Masar Dagaal ay Itoobiya ku soo Qaadi doonto ay u soo mari Doonaan Soomaalida oo ay soo Hubayn Doonaan Alshabaabna Shaadh jabhad ka dhex dagaalanta Itoobiya u soo huwin doonaan(Ka Daroo Dibi Dhal).

Dadka caqli saliimka ah iyo khubuada ku xeel-dheer falanqaynta siaasada geeska africa ayaa waayadanba walaah ka muujinayay sida ay maamulka JLS iyo DFS ugu kala fog yihiin sidii nabad waarta oo shacbka jubooyinka iyo gedo ka saarta hagardaamooyinkii ay ka dhaxleen colaadihii ahliga ahaa mid ka mida Dadka Caqli saliimka nabada jecel ayaa yidhi"Aynu Wada Hadalno Waa aynu Heshiino" balse waa la baal maray taa ayuu yidhi.

Isku soo wada Duuboo Nabadi Waa Door Wax nabad ka macaana Ma jirto waxaana haboon in Ahmiyada 1aad la siiyo Aslaaxinta Nabad waarta oo cadaaladeed kana madax banaanDano Gaara iyo Sadbursi waana mid la filayo in ay Dhaqan gasho wixii hada ka danbeeya Dagaal wiil ayaa ku dhintee Wiil kuma Dhasho