Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Arsenal oo udhaqaaqday Mario Mandzukic

Kooxda Arsenal ayaa dooneysa saxiixa weeraryahanka Bayern Munich , Mario Mandzukic, kadib markii la sheegay in Bayer Munich ay badalkiisa qaadan doonto Robert Lewandowski.

Weeraryahanka Croatia,Mario Mandzukic ayaa noqon doona qofka ugu horeya ee la waayo midabkiisa hadii uu yimaado Lewandowski,taas ayaana dhiiri galineysa Arsenal sidaa waxaa sheegtay jariirada Bild Sports. Bayer Munich ayaa dooneysa weeraryahanka Poland ,kaas oo ay dhowan iibsadeen saaxibkiis Mario Goetze.

Tababaraha Arsenal ,Arsene Wenger oo isagu xitaa ku jiray loolanka Lewandowski ayaa fursad kale u arka hadii uu ku biiro Bayer Munich madaama uu heli doono Mandzukic, kaas oo lagu qiimeeyo £18 million. Macalinka cusub ee Bayer Munich , Pep Guardiola ayaa la sheegay in uusan aaminsaneyn wax tarka Mandzukic.