Wafti Balaadhan oo ay Horkacayeen Gudoomiyaha Golaha Federationka DFI oo Ka Kooban madaxda 9ka Deegaan ee DFI,Hobolada,Wariyayaasha,farshaxaniistayaasha,wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha ugu Caansan Itoobiya oo ayaa Si aan Caadi ahayn U Bogaadiyay Ho

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti June 8,2013.Wafti aad u balaadhan oo ka kooban Golaha Federationka DFI,Afhayeenada 9ka Deegaan,Masuuliyiin ka Socotay 9ka Deegaan ee DFI,Farshaniistayaal,Hobolada Caanka ka ah Dalka Itooiya,Saxaafadaha DFI,Madaxda warfaafinta 9ka Deegaan,Abwaano,Majaajiliistayaal oo dhamaantood Caan ka ah dalka iyo Dibada ayaa waayadanba Booqasho ku joogay Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waftigan Balaadhan ee Heer Federal ayaa uu Hogaaminayay afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya kase tagleh burhanu iyo ku xigeenkiisa iyagoona maalintii taladada ahayd bishuna ahayd 3. Jun. 2013 ka Degay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday,iyadoona ujeedada socdaalkaada ahayd sidii ay dhamaan dawlada deegaanka dalka itoobiya iyo masuuliyiinta kale ee heer fadaraalka ay u arki lahaayeen islamarkaana ay aqoon dheeraad ah ugu qaadan lahaayeen Horumarka Baaxada wayn ee DDSI ka hano qaaday iyo goobaha muhiimka ah ee uu deegaanku leeyahay maadaama oo xuska qoomiyadaha ee sanadkan soo socda lagu xusayo deegaanka.

Waftigaasi ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaraha ee magaalada goday waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyinta xukuumada DDSI oo ay ka mid ahaayeen madaxwayne ku xigeenka ahna hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada mudane c/laahi yuusuf weerar afhayeenba baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid isaaq, wasiirka qorba joogta DDSI mudane c/bari macalin maxamed, wasiirka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska mudane maxamed guure bisle madaxa xafiiseedka xafiiska gohalaha dhexe ee XDSHSI mudane ahmed maxamed shukri iyo masuuliyiin kale. Waftigaasi ayaa waxay booqashooyin muhiin ah ku tageen in tii ay joogeen gobolka shabeele xaruntiisa goday gooba badan oo muhiin ah islamarkaana leh taariikho facwayn waxayna ugu horayntii booqdeen mashruuca waraabka goday.goobaha ay dib u dajintu ka socoto.

sidoo kale waxay socdaal dhinaca dhulka ah ku soo mareen inta u dhaxaysa goday ilaa jijiga markii ay soo marayeen magaalada dhagax buur ayaa waxaa halkaasi kaga hortagay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay, waxayna waftigaasi iyo masuuliyiintii xukuumadu DDSI u soo anbabexeen xarunta caasimada deegaanka ee magaalada jijiga Masuuliyiinta xukuumada DDSI iyo waftigaasi ayaa waxaa ay shirbaladhan kuwada yeesheen xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga waxayna Waftiga Heer Federal ka warbixiyeenka wixii ay kala soo kulmeen socdaalkoodii ay ku tageen qaarka mid ah gobolada deegaanka waxayna dhamaantood siwayn ugu bogeen baaxada uu ilaahay siiyay dhulka deegaanka, nimcada iyo khayraadka uu illahay ku manaystay sida wabiyada,togaga iyo dhul ku haboon wax soosaarka khayraadka dhul daaqsimeed aad u balaadhan,sida goobaha taariikhiga ah ee uu leeyahay dhulka deegaanku iyo sida qiimaha badan ee ay xukuumada iyo shacabkuba u soo dhaweeyeen waftigaasi.

sidoo  kale waxay Dhamaanba Hobolodaii,wariyayaashii,Abwaanadii Madaxdii Deegaanada iyo farxaniistayaashaDFI ee ka kala yimid 9ka Deegaan ee uu ka kooban tahay DFI ay aad ugu Riyaaqeen Horumarka iyo Isbedelada Kobaca dhaqaale ee Xawliga ah ee Mudo kooban ay xukuumada DDSI ee Maanta talada haysaa ka taabogalisay yidhina Soomaali Waa walaalahayo Ku Dayasho Mudan. waxaana shirkaasi waftigaasi kula hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo soo dhawayn ka dib waftigaasi uga warbixiyay sooyaalka taariikheed ee uu deegaanku soo maray haddii ay tahay dhinacyadii cadaadiskii bulshada deegaanka ay ku haynjireen boqortoodadii xayle selase iyo kalidii taliyihii dhargida,islamarkaana Tibaaxay fursadihii Dimoqraadiyadeed ee sugay dhamaanba Xuquuqihii Qowmiyadeed iyo Wadanoolaanshaha Dhamaanba Qowmiyadaha walaalaha ah ee Reer Itoobiya Intaasi ka dib ayaa waxay waftigaasi u anbabexeen dhinaca dawlad deegaanka hararida iyaga oo ay halkaasi u raaceen qaarka mid ah masuuliyiinta DDSI oo uu horkacayo afhayeenka baarlamaanka mudane maxamed rashiid isaaq.

Hadaba waxaana socdaalkaasi noogu helinayay wariyaha ka hawlgala shabakada wararka ee cakaaranews oo sheegay in deegaanka hararida xaruntiisa harar siwayn loogu soo dhaweeyay iyaga oo xalay ilaa maantana kulama la yeeshay masuuliyiinta deegaanka hararida waftigan ayaa waxay caawa joogi doonaan magaalada harar iyaga oo maalinta la filayo in ay gaadhaan magaadada diridhaba ee carunta iskaamulka magaalada diridhaba,