Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Nin Soomaali Ah Laguna Magacaabo Cabdi Xakiin Xaaji Xuseen Oo Duhurnimadii Maanta Lagu Dilay Koonfur Afrika.

Khaliijiya-SA(CakaaraNews) Axad June 09,2013.Magaalo lagu magacaabo Khalija oo ku taala Duleedka Magalada Cape Town Ayaa Waxa Duhurnimadii Maanta Lagu Dilay Nin Soomaali ah isagoo xiliga dilka loo gaystay Watay Gaari Yar Oo Ay U Saarnayeen Alaabo Ganacsi Si Uu Ugu iib Geeyo Dukaamo Kale Oo Ay Soomaalida Ku Leeyihiin Degaankaasi, Iyadoona Marxumkan La Toogtay Ayaa Magaciisu yahay Abdihakiin Haaji Hussein Waxana Kooxda Dilka U Geeysatay Ay Ka Qaateen Alaabta Uu Wareejinayay Iyagoona Goobta Ka Baxsaday Markii Ay Dileen Sida la sheegay.

Dhacdooyinka Dilka ah ee Bishan Oo Kaliya Ayaa Waxa Koonfur Afrika Lagu Dilay Tiro dad dhan 6 Qof oo Soomaali ah,iyadoona Dilalkan oo aad uga soo horjeeda xuquuqda aadanaha si xun loogu dilay Faasas,dhagxaan iyo mindiyo taasoo lagu shaaciyay Idaacadaha iyo websiteyada caalamka.

Isku Soo Wada Soohoo Murtida Dilka Arxandarada ah ee lala Beegsanayo Soomaalida Koonfur Afrika ayaa Sii kordhaya xili aduunka soomaalida oo dhami ay uga banaanbaxeen,iyadoona warar aan la hubin sheegayaan in arintani Salka ku hayso Asxaabta KA ee ku loolamaysa Doorashada oo soo Dhawaatay.