Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad aad loosoo abaabuley oo aan lookala hadhin oo loogu dabaal dagayey sanad guuradii 22aad ee ginbod 20 ayaa kadhacdey magaalada columbus ohio.

Columbus-Ohio(CakaaraNews) Isniin June 10,2013.Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen waxgaradka jaaliyada columbus-ohio ayaa aheyd xaflad taariikhi ah sababtoo ah waa markii ugu horeysey oo ay columbus ohio ay kadhacdo xaflad lagu xusayo xuska maalinta 20ka ginboot taasoo ka dhigaysa in Dhamaanba Qurbajoogta iyo Jaaliyada DDSI ee Ku dhaqan Columbus ohio ay xafladii ugu horaysay sanadguurada 22aad ee Maalinta Xuska Ginboot,iyadoona ay ka soo qayb galeen Dhamaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI,Qurbajoogta Qowmiyadaha DFI,Guurtida Odoyaasha Waqooyiga Ameerika,Jaaliyada MN iyo Hogaaminta ururka Dhalinyarada Daahfurka Waqooyiga Ameerika ee SEDYO.

Sidoo kale waxaa khadka Telephoneka kaga soo Qaybgalay Qunsulka DFI u Fadhiya Los-Angales Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf isagoona ugu horayn mahadnaq balaadhan u jeediyay dadaalka wadaniyadeed ee ay Qurbajoogta DDSI ee Columbus Ohio isugu xilqaameen iskudubaridka iyo Agaasimida Munaasabadan Balaadhan ee lagu xusayay 20ka Ginboot ugana soo qayb galeen Dhamaanba Qowmiyadaha ka soo jeeda 9ka Deegaan iyo 2da Ismaamul ee ay DFI ka kooban tahay.

Dhanka kale Mudane xabiib ayaa Si Xeel dheer uga faalooday Sooyaaladii taariikheed ee ay Shacabweynaha Itoobiya ay soo dhaxalsiiyeen Taliskii Faashiistiga ahaa ee Dhergiga iyo Boqortooyadii Diinta ku dhisnayd ee Xayle selase,islamarkaana Carabka ku adkeeyay in 20ka Ginboot tahay maalin ku wayn dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI taasoo ka dulqaday Taliskii Dhiig miiradka ahaa ee Dhergiga oo dhaxalsiiyay Xasuuq,Xaqiraad,Dibudhac,Jahli,Caafimaad Daro kana dhigay Xeryo Milatari.

Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf ayaa Faafaahin ay ku diirsadeen dadkii shirka isugu yimidna kasiiyey Qiimaha ay ku fadhido ginbood20 iyo isbadalka balaaran ee ay latimid ginbod20 iyo isbadalkii ay kusameysey xukuumadihii dhiigyacabka ahaa islamarkaana sugtay sinaan,cadaalad,Aqoonsi Qowmiyadeed,Xaqdhawrka kobcinta Luqada iyo Dhaqanka iyo wadanoolansho dhab ah oo ay dhamaan qomiyadaha itoobiya ay sisiman wax uqeybsadaan oo ay sameysteen dastuur udhexeeya oo ku qotoma . Qunsul xabiib oo mahadcelin balaaran usoo jeediyey qasoo qeybgalayaashii shirka iyo xubnihii dhabarka uritey iney qabsoonto xafladan quruxda badan salaan diirana halkaa uga direy madaxweynaha DDSI mudane abdi mohamud omar iyo cabinetka ddsi iyo dhamaan shacabka kunool dal iyo dibad ee kasoo jeeda ddsi.

Xafladan oo uu daadihinayey aqoonyahan hussein sayid abdirahman ayaa kubilaabatey jawi aad uqurxoon oo sidii cadada aheydna lagu bilaabey ayado diini ah oo uu akhriyey sheekh ahmed kadibna waxaa makarafoonka daadihiye hussein sayid kusoo dhaweyey sheekh mukhtaar oo ah mufti caalim ah oo kunool columbus ohio kana soo jeeda culimada udhalatey DDSI oo khudbad kusaabsan ginbod20 halkaa kasoo jeediyey sharaxaad dheerna kabixiyey ethiopiayadii shaley iyo mida maanta jirta.

Kadib waxaa makarafoonka qabsadey gudoomiyaha guurtida odayaasha ee waqooyiga America mudane Abdi ahmed shuuriye socod dheerna usoo marey kasoo qeybgalka xafladan ginbood20 ee kadhaceysey gobolka Ohio kanasoo kicitimey gobolka MN oo halkaa kasoo jeediyay khudbad dheer oo kusaabsan ginbod 20 iyo horumarka iyo nabadgalyada kahanaqaadey DDSI ee uu hormuudka kayahey madaxweynaha ddsi mudane abdi mohamud omar yirina waa madaxweyne isku darsadey karti,cadaalad,kanahirgaliyey dal iyo dibadba oo is ku xidhey qurbajoogtii iyo wadankoodii hooyo. Waxaa kale oo uu sayidku makarafoonka kusoo dhaweyey gabadhii gudoomiyaha ka aheyd gudigii soo qaban qaabisey shirkan oo udhalatey DDSI gaar ahaan gobolka nogbeed deqmada dhuxun ama imeyda bari oo ganacsato reer ohio ah kana qeybqadatey maalgashiga dhulkeedii- hooyo Nasra sheekh mohamed (taleex) oo halkaa kasoo jeedisey khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo sharaxaad dheer kabixisey Isbedelada Horumarineed,Nabadgelyo,Kobaca Dhaqaale iyo Maamulka Suuban ee wax qabadka madaxweyne abdi mohamud omar ka taabo galiyay si siman Guud ahaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marwo Nasra Sheekh Maxamed ayaa Ku baraarujisey Qurbajoogta in wadankii la maal gashado oo laga qebqaato horumarka iyo nabadgalyada ka hirgashey ddsi gaar ahaana la muujiyo ayay Tiri Doorka maalgashiga Qurbajoogta Dumarku kaga Qaybqaadanayso Horumarka DDSI,islamarkaana un mahad celisey dhamaan kasoo qeybgalayaashii shirka gaar ahaa waftingii meesha dheer ugatimid iney ginbod20 kala qeybgalaan reer ohio waftidaas oo katimid gobolka MN oo masaafo dheer ujirta ayey nasra oo aheyd gudoomiyihii qabanqaabada shirka mahadgaarana siisey reer MN.

Waxaak kale oo isna shirkaa kahadley hamud ismail hirsi oo qeyb lixaad leh kaqaatey inuu shirkani kadhaco columbus ohio oo ku dheeradey waxqabadka xuxuumada madaxweyne Abdi mohamud omar oo yiri waa ineynu kaalinteena qaadanaa una mahad celiyey kasoo qeyb galayaashii shirka ,Waxaa kale oo makarafoonka uu daadihiye hussein sayid kusoo dhaweeyey afhayeenka ururka dhalinyarada somalida ethiopia ee sedyo shaalaqe abdinuur xassan wali oo khudbad dheer oo kusaabsan ginbod20 kasoo jeediyey tilmaamo fiicana kabixiyey ginbod20 iyo isbadalkii balaadhnaa ee kadhacey wadanka ethiopia gaar ahaana farta kufiiqey waxqabadka ay latimid xukuumada madaxweyne abdi mohamud omar kuna dheeradey iney reer ohio kaalintooda qaataan Kadibna waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey jamaal arab khuuriye oo ahaa ganacsade wadankii kayimid oo sharaxaad Dheer kabixiyey xaalada guud ee wadanka oo halkaa kasoo jeediyey khudbad dheer oo kusaabsan sidii ay qurba joogtu uga qeybqaadan laheyd dib unoqoshada iyo maalgashiga dhulkoodii hooyo una mahad celiyey dhamaan dadkii suurto galiyey iney xafladani qabsoonto.

Waxaa kale oo shirka wacdaro cajiiba oo loo wadariyaaqey halkaa kusoobandhigey hogaaminta sedyo-band oo qeyblixaadle kaqaatey daadihintii shirka waxeyna halkaa kusoobandhigeen suugan isugu jirta dhaanto,heeso,iyo gabayo, waxaana kamid ahaa gudoomiyaha fanka iyo suuganta ee ururka dhalinyarada sedyo-band abwaan kaldeeq daahir yusuf iyo fanaanka dada-yar ee mohamed ibraahin jabuuti xidig oo intii ay joogeen columbus ohio wax caajisa aynan arag reer ohio. Dadka shirka kahadley oo aad utiro badnaa oo ay kamid ahaayaan suldaano,ugaasyo,aqoonyahano,dumar,iyo ganacsato kasoo jeeda DDSI ayaa dhamaantood isaga markhaati kacey isbadalka balaaran ee kahanaqaadey ddsi amaan balaarana usoo jeediyey xukuumada maanta katalisa ee uu madaxweynaha kayahey mudane abdi mohamud omar oo ay dhamaantood kalkaa kasheegeen iney hiil iyo hooba lagarabtaaganyihiin xukuumada madaxweyne abdi mohamud Omar.

Waxaa kale oo mudnaan gaara loosoo jeediyey waftidii balaarneyd ee shirkan ukasoo kacdey gobolka MN oo masaafo dheer ujirta gobolka ohio Waftidaa oo ka koobneyd 15 xubnood oo uu hor kacayey gudoomiyaha guurtida odayaasha waqooyiga america abdi ahmed shuuriye 2-jamaal arb khuriye 3-hussen sayid abdirahman 4-hute Muhumed yusuf 5-afhayeenka ururka sedyo abdinur xassan wali 6-hogaanka fanka iyo sugaanta sedyo-band kaldeeq dahir yusuf 7-mohamed ibraahin jabuuti oo ah kuxigenka fanka ee sedyo-band 9-asad dayib 10- mohamed sirad 11-xaajiyo ddsi 12-idil 13-garaad ibrahin abdi hassan 14-ibrahin arab khuuriye 15-kamero mankii shirka siyad said salah,Dadkan oo dhamaantood kasoo kicitimey gobolka MN oo ginbod20 oo markii ugu horeysey lagu qabto columbus ohio kalasoo qeybgaley jaaliyada reer ohio oo isu xilqaamey iney dhigaan xuska sanadguurada 22aad ee ginbod20.

 Sidoo kale mahadgaara leh gudigii qabanqaabada shirkan oo dhabarka uritey sidii ay uqabsoomi laheyd xafladan Waana kuwan xubnihii soo qabanqaabiyey xafladan oo kala ah 1-gudoomiyaha qabanqaabada shirka waa marwo Nasra sheekh mohamed (taleex) 2-faadumo ali doode 3-Hamud ismail hirsi 4-luul sheekh mohamed (taleex) 5-muhyadiin. Nuur 6-muuse ohio 7-Ahmed Oo ah dad dhamaantood kasoo jeeda ddsi oo ah muwaa diniin kubaraarugsan isbadalkan xooliga kusocda ee kahanaqaadey ddsi ee ay hirgaliyeen madaxda maanta maamusha ddsi oo uu horkacayo mudane abdi mohamud omar