Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska 7aadka Hay'adaha Garsoorka Cadaalada DDSI oo Maanta Si wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Hog,N/galyada iyo Cadaalada DDSI oo Khudbad Saraynta Sharciga ka soo Jeediyay.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin June 10,2013.Nidaamka Dawladnimo ayaa ay saldhig u tahay in lahelo Laamaha Sharciyada iyo Xaqsoorka oo ah Tiirka ugu wayn ee ay Bulshadu ku hesho Adeeg Xaqsoor Cadaaladeed oo ka madax banaan eex,Qabiil,Laaluush iyo Cadaalad la'aan,hadaba Isbedelada Balaadhan ee Dhinacyada Horumarka Nabadgelyada Iyo maamulka Suban Ee Sanidihii Ugu Dambeeyay Xukuumada Ddsi Ay Guulaha Kasoo Hoysay ayaa qayb laxaad leh ay ka tahay ku dhaqanka iyo adkaynta saraynta sharciga ee hay'adaha sharciyada iyo nabadgelyada Ayaa Si Loo Adkeeyo Bixinta Adeegyo Cadaaladeed,Xaqsoor,Xaqdhawrka Xuquuqda Danbiilaha iyo Saraynta Sharciga tahay Muqadas Ah In La Ilaaliyo Saraynta Sharciga iyo xeer-nidaamyeedyada Sharciga iyo Dastuurka DFI,Islamarkaana Kor Loo Qaado adeegbixinta hay'adaha sharciga Deegaanka iyadoona ka sakow Dabaaldaga Todobaadka Cadaalada Dalka gaar ahaan magaalada Jigjiga looga dabaaldagay maanta 7aadka cadaalada DDSI oo lagu qabtay hoolka shirarka ee SMCX..

Munaasabadan ayaa ay ka soo qaybgaleen Dhamaanba Masuuliyiinta ugu Saraysa Hay'adaha Sharciga Sida Madaxweyne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI Mudane C/laahi Yuusuf weerar,Gudoomiyaha maxkamada Guud Mudane Ugaas C/laahi,Wasiirka Maxkamada Shareecada Islaamka Mudane Sheekh Maxamed,Wasiirka Xeer Ilaalinta Guud Mudane C/Risaaq Dayib,Komishineerka Booliska DDSI General Maxamed C/lahi(Qayo),Komishineerka Booliska Asluubta Mudane Caynsane Sheekh Maxamed,Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Suldaan Khayre,Guurtida Odoyaasha DDSI,Saraakiisha Ciidamada Booliska DDSI,Garsoorayaasha,Xeer Ilaaliyayaasha iyo Marti Sharaf kale.

madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa mar uu la hadlayay laamaha hay'adaha sharciga ddsi tilmaamay in lagu dhaqmo saraynta Sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurka kuwaasoo dhamaantood ay xeerinayaan adeeg Garsoor Cadaaladeed oo ka madax banaan eex,Qabiil,Xaglin iyo kuxadgudubka xuquuqda Qofka loogana baahan yahay In Bulshada loo fidiyo Adeeg Cadaaladeed oo Hufan.

Mudane C/laahi ayaa Tibaaxay in hay'adaha Sharcigu noqdaan Kuwo Bulshada Deegaanka u Fidiya Garsoor iyo Xaqdhawr cadaaladeed oo ay ka go'an tahay ku dhaqanka saraynta Sharciga iyo Adkaynta Xeer Nidaamyeedyada Ilaalinta Xuquuqda Shakhsiga iyo dastuurka,islamarkaana ujeedadu tahay muujinta saraynta sharciga,waxqabadka Adeeg Xaqsoor Cadaaladeed,Qorshayaasha GTP,SPPM iyo Bixinta Adeeg Hufan oo ka madax banaan Qabyaalad,Musuq,eex iyo u xaglin dhan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Guud,Wasiirka Maxkamada Shareecada,Komishineerada Booliska iyo Garaad maxamuud Garaad Dool oo Ka hadlay Xuskan ayaa Kuligood Tibaaxay Micnaha wayn ee ay ugu Fadhido Bulshada Helida Adeeg Hufan oo Xaqsoor Cadaaladeed iyo taabo galinta Saraynta Sharciga iyo Xaqdhawrka Xuquuqda Shaqsiga.