Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii iskugu jiray heer fadaraal iyo heer deegaan oo saaka ka ambabaxay magaalada Harar ee deegaanka hararida oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Ismaamulka diridhaba.

Diredawa(CakaaraNews) Isniin June 10,2013.Wafigan oo uu hogaaminayay afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya iyo ku xigeenkiisa iyo afhayeenada dhamaan 9ka dawlad deegaanada uu dalku ka kooban yahay ayaa waxay xalay shirar muhiim ah kula yeesheen Magaalada harar dhamaan qaybaha ay bulshada ka kooban yahay ee deegaanka hararida sidoo kale waxay shirkaasi ku wehelinayay generalka ciidamada qaranka ee Qaybta bariga itoobiya General Abraham Wolde.

General Abraham ayaa Wuxuu warbixin ka dhagaystay waftigii socdaalka dheer ku soo maray deegaanka soomaalida itoobiya kuwaasoo dhamaantood sheegay in deegaanka soomalida itoobiya yahay meel ay hada ka tisqaaday nabadgalyo,horumar taam ah,dimuqoraadiyad, maamul suuban iyo Isbedel Kobac Dhaqaale,islamarkaana ay tahay deegaan hormuud u ah dhinaca horumarka dhamaanba dawlad deegaanada bariga itoobiya sidoo kalena ayna marnaba maskaxdooda ka baxayn sidii diiranayd ee ay bulshada deegaanka iyo xukuumada DDSI iskuduubni ay ug soo dhaweeyeen waftigan ayaa waxay sheegeen in deegaanka soomalidu yahay meel siwayn ugu qalanta in lagu xuso xuska maalinta qoomiyadaha Waayo aragnimo iyo khibradna loo soo Raadsado iyadoona Xukuumad Adag oo Dhan kasta ka Dheelitiran kana Go'an tahay Kor u qaadida Nolosha Shacabka iyo hirgalinta Dhamaanba Kaabayaasha Shaqaale iyo adeegyada aasaasiga Ah ay ka jirto DDSI Hogaankana u Hayo madaxweynihii 1ad ee Ka haqabtiray Bulshada Soomaalida ka jawaabida baahiyahooda iyo Kor u soo qaadida tayada Koboc Nolol Dhaqaale ayay yidhaahdeen.

Sidoo kale ganeraal abrahan ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay heerka ay guud ahaanba nabadgalyada dalka marayso isaga oo sheegay in deegaanka soomalida itoobiya uu yahay hadda meel amni buuxa uu ka jiro iyada oo buu yidhi Nabada Deegaanka Soomaalida la sugay ka dib markii ay ciidamada deegaanka,shacabka deegaanka iyo xukuumada deegaankuba ay go'aansadeen in ay iska sifeeyan hadhaagii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka soomalida itoobiya ka dibna ay u Gudbeen Taabogalinta Dhinacyada Horumarka iyo Maamulka Suuban oo ay Si Xawli ah ay deegaanka looga taabo galiyay maantana Muunad u Yihiin Deegaanada kale ee DFI ayuu generalku yidhi.

Hadaba waftiga ayaa waxay saaka abaaro 8:00 subuxnimo u kicitimay dhinaca ismaamulka diridhaba iyada oo intii ayna ka bixin deegaanka hararida ay booqasho ku sii mareen mashaariic badan oo ka socday deegaanka hararida waxaana halkaasi ka sii raacay wasiirka maalgalinta hararida, waftigan markii ay cagta saareen Wadadii Ismaamulka Diredawa ayaa waxaa kaga horyimid masaafo u jirta magaalada diridhaba 12km oo ah tuulada la yidhaahdo xarla masuuliyin ka socday ismaamulka diridhaba oo ay ka mid yihiin maayorka ismaamulka magaalada diridhaba iyo ku xigeenkiisa iyaga oo halkaasi ku hakadeen waftigii islamarkaana sii booqday meelo qadiimiya oo ka mid ah tuuladaasi,sidoo kalana waftiga ayaa intii ayna gaadhin magaalada dhiridhaba sii booqdeen warshada sibidhka (national cement) oo ku taala duleedka magaalada diridhaba halkaasoo ay ku sugnayeen dadwayne aad u tira badan,Shaqaalaha ismaamulka iyo warshada iyo ciidamada baanbooyda oo ay salaan sharaf ka qaateen waxayna soo kormeereen dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay warshadaasi.

ugu danbayntii ay waftigu waxay galeen magaalada dhiridhaba halkaasoo si wayn ay ugu soo dhaweeyeen Maamulka,Shaqaalaha iyo qaybaha Bulshada waxayna booqan doonaan waftigan heer federal meelo badan oo ka mid ah ismaamulka magaalada diridhaba iyaga oo shirar balaadhanla galidoona ismaamulka diridhaba.

Isku Soo Wada Soohoo waftigan Heer Qaran oo uu Hogaaminayo afhayeenka Golaha Federationka DFI Mudane Tekleburhanu kasa kuwaasoo Ka kooban 9ka Afhayeenada Baarlamaanka Deegaanada oo uu ka mid yahay Mudane maxamed Rashiid Isaaq,Hobolada,Wariyayaasha,farshaxaniistayaasha,wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha ugu Caansan Itoobiya ayaa aad ula dhacsan Heerka Horumarka iyo Isbedelada kobaca Dhaqaale,N/galyo iyo Maamul Suuban ee ka taabo galay Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ka midho dhalinta Qorshayaasha GTP iyo SPMka DDSI ee Xukuumada DDSI maanta talada haysa.