Munaasabad lagu Soo Bandhigay Mashiino Cusub oo Soo Saari Doona Iodinet Cusbada La Falgasha oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Masuuliyiin Isugu Jirtay Heer Federal,Heer Deegaan iyo Hay'adaha Ka Hawlgala Gobolka Afdheer.

Hargeele(CakaaraNews) Talaado June 11,2013.Xafladan Oo Aheyd Mid Si Fiican Looo soo Agaasimay Islamarkaana Ay Kasoo Qaybgaleen Wafti Balaadhan Oo Isugu Jira Masulyiin ka socotay Wasaarada Cafimaadka Ee Heer Federal, Wasaarda Ganacsiga Ee Heer Federal, Xafiiska Cafimaadka Ee Heer Degaan,Xafiiska Ganacsiga Heer Degaan iyo Hay’adaha Ku Hawlan Falgelinta Iodineta Cusbada Kuwaas Oo Ay Ka Mid Ahayeen UNICEF,PSI Iyo Hay’ada Kale Iyo Sidoo kale masuuliyiinta Gobolka Afdheer Iyo Ka Degmada Hargeele Iyo Martisharafkale.

Ka hor intii aan la gudagalin furitaanka munaasabada iyo mashiinada cusub AyaaWaxaa Waftigu Ay Boqdeen Goobaha Cusbada Laga Soo Saaro Halkaasi oo Loogu Sharaxay waftiga Qaabka Cusbada Loo soo Saaro,loo Sameyo islamarkaana loo tayeeyo waxsoosaarkeeda Sidoo Kale Waxaa Ay Boqdeen Halka Lagu Rakibay Mushinada Iodineta Lafal Gala Ee Loogu Talagalay Inay Cusbada Ku Sameyaan Process tayaysan In Taasi Ka Dib Ayaa Waxaa Si Rasmi Ah Loo Furay xafladii.

Xafladan Oo Ay Goob Joog Ka Ahayeen Kooxda Fanka iyo sugaanta Ee Afdheer Band Kuwaasi Oo Soo Bandhigay Heeso Loogu Tala Galay Munaasibadasi. Hadaba Ujeedada Munaasibadasi Loo Sameyey Ayaa Aheyd In Xadhiga Laga Jaro Sadex Mushiin Oo Loogu Tala Galay in Ay Ka Faideystan Iskashatada Walalaha Godcusbo Mushinadanina Ay Ahayeen Kuwa Shiidaya Iodineta La FalGasha Cusbada Waxaana Ka Mid Ah FaidooyiNka Laga Dhaxlayo Mushinadani In Ay Ka Hortagan Kadib Marka Ay Shiidan Iodineta La Falgasha Milixda Cuduro Ka Imankara Kuwasi Ay Ka Mid Yihin Kuwa Ku Dhaca Cunaha”Goiter” ,Hooyoyinka Oo Uu Ilmuhu Ka Soo Dhaco Iyo Waliba Cuduro Kale Waxa Aya Iodintani Isticmalkeedu Ay Kobcinaysa Garadka caruurta .

Hadaba Furitankii Xafladani Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Afdheer Mudane: Cabdi Maxamed Iyo Gudoomiyaha Degmada Hargeele Mudane: Xabiib Cilmi Waxayna Masuliyiintani Ay Shegeen Inay Aad Uga Mahadcelinayaan Cidwalba Oo Ka Danbaysay In Qalabkani Qaaliga Ah La Keeno Gobcusbo Islamarkaana Looga Faideysto Waxsosaarka Milixdani. Waxaa Dhinacooda Ka Hadlay Munasibadani Masuliyiintii Kala Duwaneyd Ee Ka Socotay Heer Federal Iyo Hay’adaha Kala Duwan Kuwaasi Oo Balanqaaday Iyaguna In Ay La Shaqeynayaan Milixda Godcusbo Ayna Ku Dadalayaan Sidii Ay U Xoojinlahayeen Una Soo Saari Lahayen Milixda Godcubo Ee Gobolka Afdheer Iyo Guud Ahaanba Degaanka, Gadhwadenka Gurmadka Degdega Ahna Wakiilka Xafiiska Cafimaadka Ee Ddsi Mudane: Maxamed Xuseen Sanyare Ayaa Isaguna Geestiisa Bulshadii Goobtaasi Iskugu Timid U Sharaxay Faidada Ay Leedahay Inla Isticmaalo Cusbo Iodine Leh .

Isku Soo wada Soohoo Mushiinadani Oo Dhan 3 Mushiin Oo Ah Noocana Shida Iodineta La Falgasha Cusbada Ayaa Ay Ku Baxday aduun Lacag dhan 2 Milyen Oo Birr Ayaa Waxaa Laba Kamid Ah Soo Ibiyey Xafiiska Cafimadka Ee DDSI Halka Mida Kalena Ay Iska Kashadeen Wasaarada Cafimadka Ee Federalka Iyo Hay’ada Unicef Mana Aha Markii U Horeysay Ee Godcusbo Loo Sameyo Xaflad Lagu Soo Shaac Bixinayo Milixdeeda Iyadoo Ay Tahay Markii 4aad Ee Loo Sameeyo Munaasabad Loogu Talagalay Soo Shaac Bixinta Milixda Godcusbo Oo Loogu Tala Galay Inay Guud Ahaanba Dalka Iyo Degaankaba Ay Gaadho