Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Socdaalkii waftigii Iskudhafka ahaa iskuguna jiray heer-fadaraal iyo heer deegaan oo jawi wanaagsan ku soo gabagaboobay Ismaamulka Diredawa.

Diredawa(Cakaaranews) Talaado June 11,2013.Waftigan Iskudhafka ah oo uu hogaaminayay afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya mudane kase tegle burhan oo ay ku walinanayeen ku xigeenkiisa Mudane Rashiid Xaaji, afhayeenada 9ka dawlad deegaan ee DFI,Fanaaniin caan ah,Qaybaha Saxaafada DFI,farshaxamiistayaal,Majaajiliistayaal,Abwaano iyo Madaxda Xafiisyada warfaafinta 9ka Maamul Deegaan ee DFI ayaa Socdaalo Dhaadheer ku soo maray Gobolo ka mid ah DDSI Kana Soo jeediyay Shir balaadhan oo Ka dhacay Magaalada Jigjiga goobjoogna ka ahaa Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi maxamuud Cumar Sida ay waftigu ugu soo riyaaqeen Yididiilada Isbedel Horumar,N/galyo iyo Kobac Dhaqaale ee uu ku talaabsaday Deegaanka Soomaalidu mudadii yarayd ee ay Xukuumada Madaxweyne CMC

Sidaanu wararkayagii hore idiinku soo tabinay waxaa waftigaasi siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada dhiridhaba intii ay joogeen magaalada diridhaba waxay booqdeen mashaariico badan oo ah dhinaca horumarka waxaana ka mid ahaa dhismaha jidka wayn ee tareenka oo isku xidhidoona magaalooyinka diridhaba, Adis ababa iyo waliba jabuuti. Afhayeenka iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay halkaasi warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiin ka tirsan shirkada samaynaysa jidka xadiidka ah oo ah shirkad laga leeyahay wadanka shiinaha kuwaasi oo sharaxaad dheerka bixiyay habka ay u socoto iyo waliba wawkhtiga loogu talagalay in ay dhamaado dhabadan xadiidka ah.

Hadaba waftigaasi ayaa markii ay ka soo noqdeen mashaariicahaasi waxa shir jaraaid u qabtay saxaadada dalka afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya mudane Kase tagle shirkaasi jaraaid oo ku soobsanaa guud ahaanba socdaalkii ay waftigaasi ku soo mareen deegaanka soomalida itoobiya wuxuuna si qoto dheer uga waramay ahmiyada socdaalkaasi iyo waliba ujeedooyinka socdaalkaasi wuxuuna sheegay afhayeenku in uu sidii loogu talagalay si ka sii fiican uu ku soo dhamaaday socdaalkaasi.

mar uu wariyaha shabakadawararka ee cakaaranews waydiiyay Afhayeenka Aqalka Federationka maxaa ugu muhiimsanaa ee aad kala kulanteen socdaakaasi ayaa waxa uu ku jawaabay “horta guud ahaanba socdaalkayagu waxa uu ahaa mid muhiim ah waxaase aniga iyo waftiga aan siwayn aan ugu bognay markii aan ku sugnayn gobolka shabeele oo aanu booqanay goobo badan oo qaarkood ay ahayeen goobo taariikhiya waxaan booqanay degmooyinka beercaan dhanaan mashruuca biyo xidheenka goday,Goobaha dibudejinta kuwaasi oo siwayn noo soo jeetay.

Dhanka kale Su’aalo badan oo ay saxaafadu ka waydiisay afhayeenka socdaalkaasi ayaa waxa uu dhamaantooba iga sowaabay siqoto dheer wuxuuna sheegay in haddii deegaanka soomalida itoobiya wakhtiyodii hore la odhan jiray waa deegaamada dib u dhacay ama ka hadhay deegaamada qaar dhinaca horumarka iyo nabadgalyadaba uu hada yahay uu hada yahay deegaanada ugu horumarsan guud ahaanba bariga dalka itoobiya markaad eegto ayuu yidhi isbedelada Horumarineed iyo kobaca dhaqan dhaqaale ee xawliga ee uu deegaanku ku talaabsaday labadii sano ee ugu danbeeysay ee uu Madaxweyne Cabdi maxamuud cumar Hogaanka hayay waxaad odhankartaa ayuu yidhi waa hormuud ka deegaanada dalka ayaan odhankarnaa markaad eegto ayuu yidhi dhinacyada nabadgalyada horumarka oo ay ka mid yihiin waxbarashada caafimaadka iskaadhsiinta maalgashida kuwaasi oo dhamaantoodba mudadii ugu danbaysay gaadhay meel aad u saraysa ayuu yidhi kale tagle.

Waftigan oo dhamaantoodba markii uu wariyuhu la haasaaway waxna ka waydiiyay muuqaalka deegaanka soomaalida dhamaandood u sheegeen in aynan xasuustooda aynaba marnaba ka xabayn socdaalkii dheeraa ee ay ku soo mareen qaarka mid ah gobolada deegaanka dhinaca baaxada dhulka iyo sidii qiimaha badnayd ee shacabka deegaanka iyo xukuumaduba u soo dhawaysay ayaa waxay shalay aroortii hore ka anbabexeen garoonka diyaaradaha ee magaalada diridhaba waxaana halkaasi ku sii sabootiyay afhayeenka baarlamaanda DDSI mudane maxamed rashiid isaaq wasiirka arimaha xidhiidhka dawlada dhaqanka iyo dalxiiska mudane maxamed guure bisle maareeyaha wakaalada dhismaha hawlaha biyaha DDSI mudane ibraahin cali wasiir ku xigeenka qurba jogta DDSI mudane cabdi khaliif dhoonbe.

Odayaal dhaqameed aad u tiro badan oo ka soo jeeda deegaanka soomalida waxaana waftigaasi lagu sii sabootiyay ciyaaraha dhaqameedka soomalida iyada oo ay noo sheegeen in dadkaasi badankoodu ka yimaadeen degmada shiniile si ay u sobootiyaan waftigaasi