Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

munaasabad xadhiga lagaga jarayay mashaariic Dhismayaasha baraagaha biyo ururinta ah(Kaydka Biyaha) ee Degmada Gunagado oo Ka dhacday Degmada Gunagado Ee Gobolka Jarar

Gunagado(cakaaraNews) Arbaco June 12,2013.Qorshayaasha Xukuumada DDSI ayaa ay Xudun u yihiin Dhanka Biyaha islamarkaana Culayska la saaray Sidii Bulshada Deegaanka looga Haqabtiri lahaa helida Biyo Nadiif ah si meesha looga saaro Baahidiii Biyo la'aaneed,Omaskii iyo Haraadkii Shacabka Deegaanada Qaar haysan jiray iyadoona Barnaamijka Dhismayaasha Baraagaha Biyo Aruurinta Ama Kaydinta Biyaha ee laga Dhisayo Deegaanada aan lahayn Ceelal Dhaadheer iyadoona Qorshahani wax wayn ka taray Baahida Bulshada Reer Miyiga ah Dhanka Biyaha.

Hadaba Degmada Gunagado oo ka mida Gobolka Jarar ayaa ay ka dhacday munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jaray Baraagaha kaydka biyaha oo laga qoday iyadoona ay biyihii roobku durba ka buuxsameen,munaasabadan ayaa waxaa kasoo Qaybgalay gudoomiyaha Degmada Gunagado Mudane Maxamed Cabdi Raage (Codyare),Dhalinyarada,Haweenka,Odayaasha iyo Qaar kamida Masuuliyiinta Degmada Guna gado.

gudoomiyaha Degmada Gunagado Mudane Maxamed Cabdi Raage (Codyare) Ayaa Xadhiga Ka jaray 14 barkadood Oo sanadkan laga fuliyay Tuulooyinka Hoos yimaada Degmada Guna gado oo katirsan Gobolka Jarar Gudoomiyaha oo la hadlayay dadkii kasoo Qayb galay Munaasabadaasi Ayaa ugu baaqay inay ilaashadaan barkadaha kana faa`iidaystaan.

madax Xafiiseedka horumarinta Khayraadka biyaha Ee Degmada gunagado Mudane Mustafe Maxamed ayaa Sheegay inay ku baxday 14kaa barkadood lacag ka badan 6 milyan oo Bir loona baahan yahay inay ka faa`iidaystaan bulshada ku Dhaqan Deegaankaasi Sida uu kusoo waramayo Wariye Maxamed Cabdi (Garbo) bulshada ku Dhaqan tuulooyinka hoos yimaada Degmada Gunagado Ayaa Sheegay inay Ku faraxsan yihiin fulinta Mashaariicahan isla markaana ka faa`iidaysan doonaan ilaa shana doonaan barkadahaasi Hawlahan Shaqo ayaa waxay Qayb ka yihiin Fulinta Qorshaha biyo ururinta Ee 2005 waxaana lagu rajo wayn yahay inay wax badan ka badali doono biyo kaydinta tuulooyinka hoos yimaada Degmada Gunagado Ee Gobolka Jarar