Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti balaadhan oo qurba-joog Ka Soo Jeeda Gobolka Shabeele oo uu Hogaaminayay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed qani oo ay Maanta Si Heer Sare ah ugu Soo Dhaweeyeen Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Wiil-Waal Qaar Ka MIda Masuuliyiinta Xukuumada DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco June 12,2013.Waxaa maanta ka soo degay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee garaad wiilwaal International Airport qurba jooga ah ee ka soo jeeda gobolka shabeele oo ka kala socday Dalalka Yurub,Amerika,Afrika iyo carabaha,waxaana waftigan oo uu Hogaaminayay Ugaaska Maxamuud Ugaas Muxumed qani Si Diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumada DDSI oo ay ka mid ahaayeen wasiirka adeega shacabka iyo maamulka dawlada DDSI mudane maxamed,Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Bari,mayorka Maamulka magaalada jigjiga Mudane Suldaan Khayre, maayeeyaha websiteyada DDSI mudane baashe cabdi ismaaciil, kixigeenka qurba jooga DDSI mudane cabdi khaliif (dhoonbe) iyo masuuliyiin kale.

Waftigan qurbjoogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka shabeele oo ka kala socaday qaarado badan yurub, maraykanka iimaradka iyo waliba qaarka mid ah wadamada afrika ayaa waxaa hogaaminayay ugaas maxamuud ugaas muxumed Qani iyo sheik ahmed khaliif waxayna markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international airport qolka Martida(nasashada) waraysi ku siiyeen saxaafaa deegaanka waxayna sheegeen in ay u mahad naqayaan xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne cabdi maxamuud cumar ee sida diiran ugu soo dhawaysay Garoonka islamarkaana gaadhsiiyay Deegaanka iyo shacabkaba horuma,N/galyo iyo Maamul Suuban sababtayna Abuurida Xidhiidh Wanaagsan oo Ah Dhanka Qurbajoogta maantana Ay qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI meel kasta oo ay joogaanba ku soo hiranayaan Dhulkooda Hooyo.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi kula hadlay saxaafada deegaanka Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane c/bari macalin oo sheegay in ay qurba joogtu tahay mishiinada ugu waawayn ee lagu hagayo horumarka deeganka sidaasi darteedna ay xukuudada ka go’antahay in ay markasta gacma furan ku soo dhawaynso qurba joogta u dhalatay deegaanka ee maalgashanaya deegaankooda hooyo.